MAXAAD KA TAQAANAA KOOBKA QARAMADA BARIGA IYO BARTAMAHA AFRICA(CECAFA CUP)..?

Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika waa tartanka kubadda cagta ugu da’da weyn Qaaradda Afrika oo dhan , wuxuuna soo bilowday sanadkii 1926-kii, waxaana soo qabanqaabiya Xiriirka kubada Cagta ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika COUNCIL OF EAST AND CENTRAL AFRICA FOOTBALL ASSOCIATION oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan CECAFA wuxuuna  si rasmi ah u bilowday sanadkii 1927-kii.

Tarntankaas waxaa markii ugu horreysay maalgeliyay shirkad saabuunta soo saari jirtay oo Nairobi ku taala oo lagu magacaabo GOSSAGE COMPANY oo koobka tartanka loogu magac daray, waxaana muddadii u dhaxeysay 1926 – 1996 koobka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika loo yaqaanay GOSSAGE CUP, intii u dhaxeysay 1964 – 1971 koobka waxaa loo badalay magaca ah EAST AND CENTRAL AFRICAN SENIOR CHALLENGE CUP, halka 1971 -kii oo tartanka dib u cusbooneysiin lagu sameeyay loo yaqaan CECAFA CUP oo haatan loogu yeero.

2005 iyo 2006 koobka waxaa loogu magac daray maalqabeenka Itoobiya SHEIKH MOHAMED AL-AMOUDI waxaana loo bixiyay AL-AMIUDI SENIOR CHALLENGE CUP, halka koobka sanadkan loogu magac daray shirkadda khamriga sameysa ee East African Breweries, waxaana loo bixiyay 2012 CECAFA Tusker Challenge Cup waana tartankii 36-aad ee la qabto tan iyo markii dib u cusbooneysiinta lagu sameeyay sanadkii 1971-kii.

Tartankii ugu horreeyay ee koobka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika waxaa lagu qabtay dalka Kenya sanadkii 1926-kii, waxaana ka soo qeyb galay 4 dal oo kala ahaa Kenya, Uganda, Tanganyika iyo Zanzibar, waxaana koobkii ugu horeeyay ku guuleystay Kenya, dalka ugu kasoo qeybgalka badan tartanka koobka Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika kadib markii dib u cusbooneysiinta lagu sameeyay waa dalka Uganda oo tartanka 34 jeer ka soo qeyb galay, halka Kenya ay 33 jeer koobka u soo xaadirtay, Tanzania ayaa 32 jeer koobka u safatay, halka dalkeena Soomaaliya 22 jeer koobka ay ka soo qeyb gashay.

Dalka Uganda oo 12 jeer ku guuleystay CECAFA CUP ayaa ah dalka ugu hanashada badan, halka Kenya oo 5 jeer koobka la carowday ay kaalinta 2-aad ku jirto iyadoo Itoobiya oo 4 jeer koobka hantisay ay kaalinta 3-aad soo istaagtay, dhinaca kale Itoobiya ayaa u soo baxday koobka Qaramada Afrika 2012 halka ay si weyn ugu mashquulsan tahay u soo bixida koobka kubada cagta ee adduunka FIFA WORLD CUP 2014.

Dalka Uganda ayaa sanadkan 2012 martigelinaya CECAFA CUP oo sanadkan 2012 loogu magac daray  CECAFA Tusker Challenge Cup oo ah tartankii 36-aad ayna ka soo qeyb galayaan 12 dal, inkastoo November 2011 la qorsheeyay in tartanka dhacaya sanadkan 2012 lagu qabto dalka Kenya oo bilowday diyaarinta garoomo iyadoo dib u cusbooneysiin ku bilowday garoonka MOI oo ku yaal KISUMU, balse ma suuragelin waxaana loo wareejiyay dalka Uganda, taasoo muran ka dhex dhalisay Xoghayaha Guud ee CECAFA Nicholus Musonye  iyo Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta ee Kenya SAM Nyamweye.

 

Doodaas ayaa waxa uu guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Kenya uu taageero uga helay Koofurta Sudaan, balse waxaa la isku afgartay in Uganda ay martigeliso tartankaasi sanadkan 2012.

Tartanka 2012 CECAFA Tusker Challenge Cup waxa uu si rasmi ah u bilaaban doonaa 24 November 2012  wuxuuna soo gabagaboobi doonaa 8 December 2012 iyadoo ay kasoo qeyb gali doonaan 12 dal, Koofurta Suudaan oo tartankan u noqonaya kii ugu horreeyay oo caalmi ah oo ay ka qeyb gasho ayaa sanadkan kusoo biiri doonta, iyadoo dalka MALAWI uu marti ahaan tartanka uga qeyb gali doono.

6-dii bishan November 2012 ayuu xiriirka kubadda cagta ee dalka MALAWI ( FAM ) caddeeyay  in ka soo qeyb galka tartanka lagu marti qaady kadib markii Djibouti arrimo farsamo oo dhinaca maamulka ah ay  tartanka uga baxday.

Dalalka BOTSWANA, CAMEROON, COTE D’AVOIR, MALAWI , ZAMBIA iyo ZIMBABWE ayaa si aad ah u xiiseynayay ka qeybgalka tartanka koobka kubadda cagta ee Qaramada Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA CUP hase yeeshee xiriirka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ( CAF ) ayaa u diiday.

12-ka dal ee tartanka ka qeyb galaya ayaa loo qeybiyay 3 GROUP oo kala ah A, B, iyo C, Group A oo ah Groupka dhimashadaama kan ugu dhibka badan ayaa waxaa kuwada jira BRUNDI, ITOOBIYA, ERITREA iyo KENYA, halka Group B ay isku arki doonaan MALAWI, RWANDA, SOMALIA iyo SOUTH SUDAN, dhinaca kale Group C waxaa foodDa isku dari doona SUDAN, TANZANIA, UGANDA iyo ZANZIBAR, waxuuna tartanku ka dhici doonaa Mandela National Stadium Namboole oo ku yaal magaalada KAMPALA ee dalka Uganda.

Xulka Soomaaliya oo loo yaqaan XIDIGAHA BADWEYNTA (OCEAN STARS) ayaa CECAFA CUP 22 jeer ka soo qeyb galay, inkastoo aanu waligii koobka ku guuleysan.

Xulka Qaranka Soomaaliya (OCEAN STARS) haatan waxa uu ku sugan yahay dalka Uganda oo tababar uu uga sii socdaam waxayna soo gaareen  magaalada Kampala ee dalka Uganda 9/11/2011, waxayna ka kooban yihiin 28 ciyaartoy oo 7 ka mid dibadda laga keenay iyo 2 tababare oo khabiiriin ku ah cayaarta Kubbada cagta.

Qalinkii Qoraa Sare: Muse Mohamed Osman

muusekiimkiko99@hotmail.com

muusekiimiko@gmail.com

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=13850

Posted by AqilDalmar on Nov 17 2012. Filed under MAQAALADA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK