Cudurka TB-da ee adkeysiga u yeelata daawooyinka oo aad ugu fideysa dalka Soomaaliya.

Cudurka loo yaqaano TB-da ee ee awoodda iska caabinta u yeelata daawooyinka MULTI DRUG RESISTANT TUBERCULOSIS (MDR TB) ayaa si aad uga fideysa dalka Soomaaliya 22-kii sano ee burburka iyo dowlad la’aanta maadaama  aysan dalka ka jirin jirin cusbitaalo si gaar ah loogu daweeyo bukaannada qaba  cudurkan, sidoo kalena aysan jirin cid koontaroosha dawooyinka faraha badan ee la geliyo Soomaaliya, kuwaasoo u badan kuwo tayadoodu liidato iyo kuwo expire ah.

Bishii OKtoobar ee sanadkan 2012 ayay Hay’adda caafimaadka adduunka ee marka la soo gaabiyo magaceeda loo qoro (WHO) ayaa markii ugu horreysay dalka keentay sheybaar si gaar ah loogu baaro (MDR TB-da).

Waxaa la sheegayaa in 500 qof oo qaba cudurkan ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho ku nool in ku dhow 100 qofood oo cudurkan qaba, inkastoo 10 qof oo bukaanadaas ka mid ah ay cudurka u geeriyoodeen.

MDR TB-da ayaa adkeysi u yeelata labada daawo ee ugu awoodda badan safka horana kaga jira daaweynta cudurka, kuwaas oo kala ah ISONIAZED iyo REFAMPICIl, waxayna noocan TB-du horumartaa xilliga asaasiga ah ee daweynta  marka uu qofku kala gooyo isticmaalka daawada iyo heerka daawada oo aan ku filneyn 100% dilidda bakteeriyada cudurkan.

MDR TB waxay kaloo horumartaa marka qofka bukaanka ahi dareemo roonaasho (BOGSASHO) kadibna uu joojiyo isticmaalka daawada Antibiotikada, waxaa kaloo sababa daawada oo kala go’da ama aan dhameystirneyn  iyo qofka bukaanka ah oo ilooba isticmaalka daawada waqti ilaa waqti, wuxuuna cudurkan MDR TB ku fidaa qof ilaa qof.

Haddaba hay’adaha caafimaadka waxaa la gudboon in ay il gaar ah ku fiiriyaan cudurkan MDR TB oo aan ilaa iyo hadda dawadiisa dalka Soomaaliya laga helin, waxaana waajib ku ah in ay u istaagaan sidii degdeg loogu heli lahaa cusbitaal qaabilsan daweynta cudurkaan si shacabka Soomaaliyeed dhibaatadiisa looga badbaadiyo.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=13846

Posted by AqilDalmar on Nov 17 2012. Filed under MAQAALADA, WARARKA/NEWS. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK