Maamulka Ahhlu Sunna ee Gobolada Koonfureed oo sheegay in magaca Raaskambooni, TFG, Azania iyo Ahlu Sunna laga guuri doono

Guddomiyaha Ahlu Sunna ee gobolada Konfureed Sheekh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayaa waxa uu shalay ka hadlay xaaladihii ugu dambeyay ee gobolada Jubboyinka iyo Gedo iyo shirka maamul u sameynta gobolada Jubboyinka iyo Gedo halka u marayo, wuxuuna intaasi ku daray in shirkaasi uu haatan marayo meel gebogebo ah sida uu yiri.

Sidoo kale Sheekh Awlibaax waxa uu ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Gedo, wuxuuna sheegay in xaaladdu ay degantahay, isagoo ku dooday in deegaanada ka dhiman ee ay weli ku suganyihiin ciidamada Xarakada Al-shabaab ay ku wajanyihiin ciidamadoo, wuxuuna intaasi ku daray in haatan ay wadadan abaabulkii ugu dambeeyay ee ay kula wareegi lahaayeen deeganada ka maqan gobolka sida uu yiri.

Guddomiyaha waxaa u sido kale  ka hadlay dagaalada ka socda Gobolka Jubbada hoose  ee lagu doonayo in lagula wareego magaalada Kismaayo waxaana u sheegay inay meel wanagsan marayaan  qorshaha la doonayo in magaalada Kismaayo lagu galo, wuxuuna intaasi ku daray in marka hore magaalada laga saari doono Al-shabaab oo iyagu ku jira  howdka  ka dib na la qaban doono magaalada Kismaayo, isagoo sheegay in magaalada markaasi loo sameyn doono maamul u gaar ah oo isku dhaf ah.

“Ka hor inta aan la gelin magaalada Kismaayo waxaa la sameyn doonaa maamul isku dhaf ah oo ka arrimaha magaalada Kismaayo, sidoo kalena waxaan idiin sheegayaa in shirkii Kenya ee Jubba State uu haatan marayo meel-wanaagsan, isla markaasna la mideyn doono ciidamada Ahlu Sunna, kuwa dowladda Soomaaliya, Azania iyo kuwa Raaskambooni, dhammaantoodna ay noqon doonaan hal ciidan oo hoostaga maamulka Jubba State” ayuu yiri Guddoomiyaha Ahlu Sunna ee gobolada koonfureed.

Sidoo kale Guddoomiye Aw-libaax waxa uu sheegay in shirka maamul u sameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ka socda Nairobi in dhaamman maamulada shirkaasi iskugu tagay ay ka tagi doonan magacooda isla markana la wada qaadandoono magaca Jubbaland State, wuxuuna intaasi ku daray in sidaasi si la mid ahna dhinacyada ciidaman la mideyn doono.

Short URL: http://www.somaaljecel.com/wp/?p=12110

Posted by AqilDalmar on Sep 23 2012. Filed under WARARKA UGU DAMBEEYA. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

You must be logged in to post a comment Login

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK