NEWS AND ENTERTAINMENT » MAQAALO AF-SOOMAALI

Lacagaha Shillin Soomaaliga ee xilligan sii qiima dhacaya maxaa sabab u ah, yuuse dan u yahay dowladda iyo shacabka….?
Shillin Soomaaliga ayaa waxa uu noqday wax aan qiimo lahayn,  waxaana booskii shillin Soomaaliga galay doollarka Mareykanka  oo guud ahaan dalka Soomaaliya isticmaalkiisu ku baahay.

Ganacsatadu waxa ay badeecooyinka ku soo iibsadaan lacagaha doollarka, mushaaraadka dowladdu bixiso iyo kan hay’aduhu bixiyaan waa doollar, shaqaalaha caadiga ah ee u shaqeeya ganacsatada mushaaraadkoodu waa doollar, inta badan lacagaha biilasha ee dadka dibadaha looga soo dhiibo waa doollar, Hoteellada, Baararka waaweyn iyo Super Marketyadu waxa wax looga iibsadaa, iyaguna ay adeegsadaan waa doollar, kaba sii darane miisaaniyadda dowladdu ansixisay waa doollar.

Dalku waa wada doollar, doollarkuna waxa uu noqday lacagaha badiyaaba laga isticmaalo Soomaaliya, marka dhanka kale laga eegana doollarku waa wax fudud oo Jeebabka iyo boorsooyinka lagu qaadan karo, qof kastana uu si fudud u adeegsan karo, dadka qurbaha ka yimid ee dalka ku soo qulqulayana waxa ay sitaan oo jeebabka uga buuxa waa doollar.

Dhammaan sababahaas iyo sababo kale oo fara badan ayaa waxa ay sababeen in doollarku uu ku bato dalka, lacagihii shillin Soomaaliguna yaraadaan, taasoo bedelkeedana aanay jirin lacago Kun kun cusub ah oo la soo daabacayo dalkana la soo gelanayo.

Haddaba su’aasha ah “Lacagaha shillin Soomaaliga ee xilligan sii qiima dhacaya dowladda iyo shacabku yuu dan u yahay, yuusana dan u ahayn” ayaa waxa ay jawaabtu noqonaysaa labaduba dan ayuu u yahay sababahan awgood:-

1.      Dowladda oo awood u yeelanaysa inay lacago cusub oo sarifaad leh soo daabacdo.

2.      Dowladda oo ay u sahlanaanayso inay si fudud lacagahaas ugu baahiso dalka oo dhan.

3.      Shacabka ku dhiban lacagaha Kunkunka ee aan sarifaadka lahayn oo helaya lacago cusub oo sarifaad iyo shillimaad la adeegsado leh.

4.      Shacabka oo si fudud ugu dhego nuglaanaya isticmaalka lacagahaas cusub, maadaama ay dhibsadeen lacagaha Kun kunka ee sii qiima dhacaya.

5.      Lacagaha doollarka ee Bankiyada dowladda iyo qasnadaha ganacsatada ku xarooday oo lagu beddelayo lacagaha cusub ee dowladdu soo daabacayso.

6.      Dowladda oo awood u yeelanaysa in sarifka ay xakamayso, Bankiyadeeduna shaqeeyaan.

7.      Shaqsiyaadka sariflayaasha idman ah ee aan iyagu cidna ka amar qaadan, sababna u ah qiimo sabaynta sarifka oo meesha ka baxaya.

8.      Goobo sarif gaar ah oo dowladdu sharciyeysay oo abuurmaya, sida kuwa caalamka ka jira oo kale.

9.      Sariflayaasha sharciga noqonaya iyo Bankiyada dowladda oo xiriir xagga sarifka ka dhexeynayo.

10. Sarifka lacagaha qalaad oo noqonaya mid ay dowladdu majaraha u hayso oo aan faraheeda ka baxaynin.

11. Ganacsatada oo maciishadahooda ganacsiga noqonaya mid degan oo sicir go’an ku baxa, kaasoo la soconaya hadba inta qiimaha sarifku marayo.

12. Shacabka oo helaya kalsooni xagga qiimaha maciishadaha oo wax go’an noqonaya.

Intaas iyo in ka sii badan oo shacabka iyo dowladdaba faa’iido u ah marka la helo ayaa waxaa sumcad dhaqaale helaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana qiimo yeelanaya lacagaha shillin Soomaaliga oo noqonaya kuwo sharci ah oo aan la daabacan karin,  iyadoo muhimaddu tahay lacagaha cusub ee dalka loo soo wado oo ku soo beegmaya xilli tii Kun-kunka ahayd ay sii daba gurmayso qiimaheeduna sii dhacayo, shacabkuna ay sii nacayaan.

Sida la ogsoon yahay Ganacsatada ayaa haatan awood gaar ah leh, hadbana waxa ay doonaan ka dhiga qiimaha sarifka doolarka iyo qiimaha lagu iibsado maciishadaha kala duwan, shacabkuna ay dhibsadeen waxa ayna ka faa’ideysteen jiritaan la’aanta Banki dhexe oo howlahaas qaabilsan iyo dowlad awood leh oo xakamaynaysa, balse la arki doonee waxa isbedela marka lacagaha cusub ee sarifaadka leh oo dowladdu soo waddo dhawaan dalka lagu baahiyo.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

I XIR AMA I DIL, WALLAAHI MA AAMUSAYO… !!
Ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed in saxafi lagu dilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha laga leeyahay dilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 1991-kii, dilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray fowdo iyo burbur, waxaana guud ahaan dalka Soomaaliya wax iska caadi ah ka noqday dilalka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2007-dii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin  kooxda Al-shabaab, walow dowladduba aysan ka marneyn dilalka iyo dhibaateynta wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay degaanno ka tirsan goobihii ay dowladdu xukumaysay, kuna awood badneyd, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.

Guud ahaan wariyeyaasha lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee burburku dalku ka jiray waxay gaarayaan 65 wariye oo 50-ka mid ah lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka 15-ka kalena lagu dilay gobollada kale ee dalka, wuxuuna sanadkii ugu dhiig qulqulka badnaa ee wariyeyaasha soo mara ahaa sanadkii tegay ee 2012-kii, markaasoo la dilay 18-wariye oo qaarkood hal goob lagu dilay, kuwo kalena la gowracay, tiiyoo aysan jirin cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay, hadal iyo cambaareyn mooyee.

Markii dowladdu ay ka baxday Kumeelgaarnimada, lana doortay madax cusub, isla markaana la wiiqay inta badan awooddii kooxda Al-shabaab dilalka wariyeyaasha waa ay soo yaraanayeen, waxaana sanadkan 2013-ka la dilay hal wariye oo kaliya, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha,  balse markii dilalku ay yaraadeen oo la is yiri saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay bidhaaminayaan  saxafiyiintu.

Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.

Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.

I DIL AMA I XABIS oo si kasta ii cabsi geli Wallaahi sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la’aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la dilo ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah meeqa wariyaa la dilay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso.

Cabsi gelinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku xambaari doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaanu rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.

Haddaba haddii la moodayo in wariye la dilay ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinku qaddiisu guri doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto, MARKA I DIL AMA I XABIS WALLAAHI MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.

Waxa Qoray: Saxafi sare,

C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com

Muqdisho inta ay sidani tahay nabad ma ahee, dowladdu nabad haka dhigto.…!! (Fariin Saxafi)
Saxafigu waa run sheegaha mar waliba ka hadla xaqiiqada dhabta ah ee jirta, inkastoo ay jiraan dad diidan in runta la sheego oo jecel in wax la maldaho haddana runta waa lagama maarmaan, run sheegidduna waa arrin ay diinteena muqadaska ahi ina fareyso.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, in ay nabad noqoto waanu wada jecelnahay, waana rajo aanu wada sugeyno, laakiin marka xaqiiqda dhabta ah laga hadlo Muqdisho nabad lagu kalsoonaan karo kama jirto haatan.

Waxaa wax muuqda ah in Muqdisho ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay sii yaraanayaan rasaastii Muqdisho caanka ku ahayd ee mar waliba la maqli jiray, macnaha way yaraatayna waxay ka dhigan tahay weli kama dhammaan oo marmar qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlaa, waxaase dhawaaqii faraha badnaa ee rasaasta haatan beddelay oo la maqlaa dhawaqa burus iyo musmaar isku dhacaya, waana dadkii guryahoodu ku burbureen colaadihii Muqdisho oo dib guryahooda u dayactiranaya, taasna macnaheedu ma aha Muqdisho ayaa nabad noqotay amaba ah.  Kaliya waxaa la oran karaa Muqdisho waddadii nabadda ayay higsanaysaa oo ay ku taagan tahay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya Muqdisho si buuxda ugama wada taliso awooddeedana kuma aysan baahinin, waa ay jirtaa in awooddii kooxda Al-shabaab ee Muqdisho la maquuniyay balse weli Al-shabaab Muqdisho way joogtaa hubkii waaweynaa ayay dhigeen mooyaane Muqdisho kama  aysan bixin.

Waxaa tusaale cad inoogu filan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho waxa uu xarunta madaxtooyada u jiraa dhowr kiilo-mitir, haddana xildhibaan ama shaqaale dowladeed tagi karaa ciidan la’aan ma jiro oo way ka baqanayaan, iskaba daa madaxda kale ee dowladdee, taasna macnaheedu waa Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-shabaab xilliyada habeenkii waxa ay isku dhex burbursadaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Gubta iyo xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah, waxaana askarta dowladda la isugu soo ururiyaa waddooyinka laamiga, ma dhaafi karaan agagaarka xeryahooda, fasiraadda taasina waa Muqdisho weli nabad kama jirto.

Meelaha la xusi karo ee Muqdisho nabad ka ah, dadkuna habeenkii ku fiidsadaan waa inta ka soo bilaabata xeebta liido ilaa agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula-xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, intaasna waa halbowlaha ay ciidamada dowladdu ku xooggan yihiin, waxaana isku xira waddada muhimka ah ee Maka Al-mukarama ee loo maro xarunta madaxtooyada ee dowladda laga maamulo, inta kale ee Muqdishana nabad lagu taami karo kama jirto oo casirkii guryaha ayaa lagu xaroodaa, masaajidyaduna way maran yihiin kalsooni nabadeed oo lagu aadi karaa Muqdisho kama jirto.

Nabaddu ma aha in sarkaal dowladeed ay la socdaan ciidamo hub culus wata iyo askarta AMISOM ay socod gaadiid ku marmarid ah ku tagaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo weliba aan ku sii nagaan karin waayo waxay halis u yihiin Bam lagu tuuro ama rasaas arbushaad loogu samaynayo lagu weeraro, ciidamaduna ay markaasi ridaan rasaas xooggan oo waxyeeleysa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ee muhimaddu waa in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale caadi ah, xildhibaan amaba mas’uul kalee uu  dhex mushaaxi karo xaafadaha Muqdisho oo dhan isagoon cidna ka baqanaynin.

Sidoo kale nabaddu ma aha dhismo dabaq ah oo laga taago waddada Makka Al-mukarama ama guryo cusub oo la dhistaa amaba xeebta Liido oo lagu tamashleeyo ee waa in Muqdishoo dhan si kalsooni leh loogu wada dakeeyo min shacab ilaa mas’uul dowladeed.

Sida lawada ogsoon yahay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar wasiirrada xukuumadda ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu sugaa amnigooda oo xitaa ma aamini karaan askarta dowladda, taasina macnaheedu waxa weeye Muqdisho weli nabad ma aha.

Inta xildhibaan ama shaqaale dowladeed amaba oday dhaqameed dowladda ku lug leh uusan xaafadaha Muqdisho si xor ah u wada marmari karin uguna dhex mushaaxi karin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Inta madaxda dowladdu ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika oo Gaadiidka qufulan ku dhex jiraan, xildhibaanka, saxafiga, odayaasha dhaqanka ee Baarlamaanka soo dhisay iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka ahna ay dareen ku joog Muqdisho ku yihiin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Inta askari ka tirsan dowladda ay shacabku ka baqanayaan ogow Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Inta saxafi Muqdisho lagu dhex dilayo, shaqsigii dilayna aan la soo qabanayn ogow Muqdisho nabadi kama jirto.

Inta ay kufsi samaynayaan askarta dowladdu, wariyihii warkaasi baahiyana la xirayo ogow weli Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Inahaas iyo ina kaloo badanba inta ay Muqdisho ka jiraan ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Si kastaaba dowladdu waa inay xoogga saartaa amniga Muqdisho oo ay nabad buuxda ka dhigtaa caasimadda, isla markaana ay wax ka qabataa dhammaan arrimaha ka jira ee nabadda Muqdisho caqabadda ku ah, waayo Muqdisho waa muraayaddii laga daawanayay Soomaaliya oo dhan, waxayna u baahan tahay nabad buuxda oo dhammeystiran, dowladda haatan talada dalka heysa ayaana looga baahan yahay inay wax ka qabato amniga Muqdisho oo ay nabadeyso, shacabkana waxaa laga doonayaa inay dowladda ku garab siiyaan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho oo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane ay dowladda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.

W/Qoray:  C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

FANKA SOOMAALIYEED OO SII QIIMA DHACAYA(Xog rasmi ah)
Fanku waa mid fac weyn oo la soo barbaaray dhaqanka iyo luuqadda Soomaaliyeed, wuxuuna fanku u kala baxaa Tix iyo Tiraab, gabayga ayaana ah midka ugu faca wayn ee lagu xasuusan karo taariikhda Suugaanta Soomaalida, waxa ayna gabayadu Soomaalidu u isticmaali jirtay qaab war-isu-gudbin, si dhacdo dhacday ay dadku ugu weriyaan ama taariikh ahaan dhacdadaas loo xafido, sidoo kale waxay gabayadu dadku ku gudbin jireen dareen markaasi taagan oo jira.

Qeybaha kala duwan ee Suugaanta oo Gabaygu uu qeyb ka yahay ayaa waxa ay Soomaalidu u adeegsataa raad-raac, sida in lagu higsado halgankii halgamayaasha Soomaaliyeed iyo dhacdooyinka kale ee taariikhiga ah, kuwaasoo sida la ogsoon yahay la iska halmaami lahaa haddii aysan jiri lahayn suugaan xafidan oo dhacdadaas ka tarjumeysa oo ay dadku xigasho ama marqaati ahaanba dib isugu gudbiyaan si jiilba jiilka xiga taariikhdaas loogu keydiyo.

Suugaanta Soomaalidu waxa ay waayadii hore u badnayd gabayada, waxaana ku soo xigay in suugaanta loo sameeyo qaab leh jaan iyo luuq ka duwan tii gabayada, sida ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo iyaguna qaab ereyo suugaaneed la isugu tebin jiray, laguna sii macaanayn jiray sacab ama durbaan ritmo looga dhigayay si uu jaan iyo luuqba u yeesho.

Waxaa cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ku xigay heeso watay muusig la garaaco, kuwaasoo xagga jaanta u dhowaa ciyaarta loo yaqaano dhaantada oo sacabkii iyo jugtii cagta uun lagu beddelay dhawaaq muusig oo ereyada heesta laga dheehan karo, dhadhan  macaan lehna u yeelaysa heesta.

Inta badan heesaha sida heellooyinka loogu jiibiyo waxaa muusigeeda laga soo tixraacay ciyaarta dhaantada, wuxuuna muusigii hore ka soo bilowday ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo la casriyeeyay si maqalkooda loo macaaneeyo ayaana qalab muusig lagu laray.

Markaa sida muuqata heesaha waxaa qiimo u yeela oo sii qurxiya muusikada oo macaan iyo dhadhan u sameeya, waxaana muusikada loo geli jiray iskuulo iyo waxbarasho aqoon kororsi oo dalal dibadda ah loogu aadi jiray, rag gaar ah ayaana loo carbin jiray garaacista qalabka kala duwan ee muusikada, waxayna wada shaqeyni ka dhexeysay guud ahaan fannaaniinta oo isugu jiray hal-abuuro, laxamiistayaal, muusikiistayaal, heesayaal, jilayaal, majaajilistayaal, ciyaartoy, iyadoo daawayadaashuna ay aad u xiiseyn jireen heesahaas lagu laray muusikada leh riitmada macaan ee la arkayo marka fannaanku heesta ku luuqeynayo, iyadoo waxaasoo dhan haatan la waayay, kaliyana la arkayo fannaan ka soo muuqanaya masraxa isagoo aanay la socon qeybihii kale ee fanku ka koobnaa gaar ahaan muusikiistayaashii heesaha ay ku luuqeynayaan muuskikada macaan ugu larayay.

Xilliyadii hore waxaa ceeb iyo fadeexo  ahayd in dumarka Soomaaliyeed fanka ku soo biiraan, waayadii horena ma jiri jirin gabdho heesa ama jilayaal ka noqda riwaayadihii la jilayay, waxaana gabadhii hees qaadda ama ruwaayad wax ka jishaa ay ceeb iyo fadeexo ku ahayd nafsaddeeda, asxaabteeda iyo weliba waalidkeed, waxaana loo arkayay inay fadaro iyo fool xumo dhex gashay, waalidkeedna ay u soo jiidday ceeb iyo karaamo-beel, iyadoo taas bedelkeeda ay jiri jireen rag cod haween ku matalayay ruwaayadaha oo booskii jilaanimo ee qof dumar ah looga baahdo nin rag ah uu buuxin jiray.

Balse taas bedelkeeda waxaa xilliyadan dambe fankii buux dhaafiyey dumar fara badan oo midba midda kale kula baratamayso qurux qaawanaan ku laran iyo isticmaalka daraagiska qeybihiisa kala duwan, kuwaasoo iska dhaafe fadeexad iyo ceeb ay nafsaddooda iyo waalidkood u soo jiidaane kaba tegay dhaqankii suubanaa ee Soomaalida iyo ku dhaqankii shareecada Islaamka.

Waxyaabaha kale ee beri-samaadkii ceebta iyo fadeexada ahaa haatanna wax iska bannaan oo la caadaystay noqotay in fannaan hees uusan lahayn ku luuqeeyo, iyadoo fannaankii isku daya inuu ku luuqeeyo hees uusan lahayn uu kala kuli jiray fadeexad, dagaal iyo weliba in dacwado lagu soo oogo.

Laakiin jilayaasha Ruwaayadaha Banaadiriga si ay raali isaga yihiin ayay arrintaas bedelkeeda u samayn jireen oo Fannaan ayaa inta uu godka hoose ee masraxa ka soo qaado hees fannaan kale oo masraxa ka soo muuqda ku jilayay heestii isaga oo iska dhigaya inuu heestaas isaga ku luuqeynayo, qaab ciyaareed jir nuuxnuuxis iyo af kala qaadis been ahna samaynayay, taasoo loo malaynayo inuu isagu heesta qaadayo, balse waxay ahayd qaab jiliin ay raali isaga ahaayeen fanaaniinta Banaadiriga.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka ee 21-kii sano waxaa lumay wanaagii, qiimihii iyo quruxdii lagu yaqaanay fanka Soomaaliyeed, waxaana la waayay curintii, aruuriskii iyo muusikadii uu fanku lahaa, waxaana sidoo kale yaraaday abwaaniintii iyo muusikiistayaashii oo waxaa bedelkooda la helay muusik hal nooc ah oo uu hal qof garaacayo iyo abwaan aan xirfad buuxda lahayn oo heeso miro jacbur u badan sameynaya iyo sidoo kale ereyo isu eg-eg oo laxanka uun lagu kala duway.

Burburkii dalka ka dhacay sidoo kale waxa uu saameeyay fanaaniintii hore ee Soomaaliyeed, taasina waxay sababtay inay soo ifbaxaan fanaaniin cusub oo masraxa isla soo taagay heeso aysan lahayn oo ah heesihii hore, iyagoo weliba qaarkood mirihii heesahaas si qalad ah ugu jiibinaya, bedelayna quruxdii laxameed ee ay lahayd, inkastoo mararka qaarkood la dhihi karo fanaaniinta cusubi dan ayaa u geysay inay ku luuqeeyaan  heeso aysan lahayn oo waxaa la waayay abwaaniintii hore oo heeso cusub u samayn lahaa, haddana marna kama marna ceeb maadaama ay xatooyo heeso sameeyaan, iyagoo weliba qaarkood sheegtay inay iyagu heesahaas leeyihiin, balse ay fadeexad ku timid kadib markii laga daba keenay caddeymo maqal iyo muuqaal ah, taasoo beeneysay sheegashadii ay sheegteen heesahaas.

Fanku heerar kala duwan ayuu soo maray, heerka uu maanta taagan yahayna run ahaantii waa heerkii uu ugu liitay fanka oo waxaa la oran karaa Fanka waxaa ku yimid qiima dhac iyo sharaf dil weyn.

Fannaaniinta maanta jirtaahi waxa ay ka tageen anshixii suubanaa iyo wanaagii, waxayna bilaabeen in ay heeso isku aflagaadeeyaan,  iska baahiyaan warar xunxun oo mid waliba midka kale ayuu si xan ah wax uga sheegayaa, fannaaniin badan ayaan is jeclayn, kuwa hablaha ahina cawradooda ayayba bannaanka soo dhigeen oo waxay ka tageen Diinta Islaamka iyo dhaqankii suubanaa ee Soomaaliyeed, fanaaniin badan ayaan salaadda tukan, oo aan soomin, isticmaala waxyaabaha diintu ka reebtay welibana ku faana isticmaalka balwadaha kala duwan sida cabista khamriga, dhuuqista xashiishada iyo sidoo kale adeegsiga macsida qeybaheeda kala duwan.

Wax waliba wax baa ka sii darane qiima dhaca Fanku wuxuu soo ifbaxay sanadihii ugu dambeeyay oo fanku wuxuu noqday Cajalad CD ah oo boorsooyinka iyo jeebabka lagu sito. Fannaan kasta oo heesaa ah ha ahaado rag ama dumar wuxuu jeebka ama boorsada ku sitaa cajalado ay heesihiisa ku duuban yihiin ha ahaadaan heeso uu isagu leeyahay iyo kuwo bililiqo ahba, waxaadna maqlaysaa hobol hebel ama hobolad heblaaya ayaa caawa ka heesaysa meel hebla waxaa lagu gelayaa qiimo intaas iyo intaas gaaraya, fannaanku waa mid qura, mala socdaan fannaaniin kale, ma uu wato muusikistayaal, cajalado ayaa inta ay shidaan masraxa isa soo istaagayaan oo inta afka nuuxnuuxiyaan heestii kala jiibinayaan cajaladda CD-ga, iyagoo daawadayaasha isaga dhigaya inay iyagu qaadayaan.

Kashifaaddii ugu foosha xumayd ee tani marqaatiga cad u ah ayaa waxay dhacday bishii Septembar sanadkii tagay 2012 kadib markii fannaanadda Nimco Dareen iyadoo bandhig faneed ka dhigaysa tiyaatar ku yaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya uu masraxii feer iyo Laad kaga soo tuuray wiil Soomaaliyeed oo iyada u careysnaa,  goobtiina ay noqotay meel ay fowdo iyo buuq ka aloosantay, ceebta dhacdayna waxay ahayd heestii ay ku luuqeynaysay fannaanada xilligii laga soo tuurayay masraxa oo weli iska sii socotay, oo yaa qaadaya fannaanadduba waa tan masraxa laga soo tuuraye, heestu waa heestii uun, codku waa codkeedii, waa yaabka yaabkiis ileyn waxa ay fannaaniintu uga lacag qaataan daawadayaasha waa uun cajalad CD ah oo laga shiday Rikoor ama Kumbuyuutar, ceebey tacaal ayay sheekadu noqotay oo fannaaniintu way kashifmeen.

Haddaba waa su’aale, yaan sidaa samayn karin oo inta cajalado heeso ku duuban yihiin  suuqa ka soo iibsada gurigiisa, gaarigiisa ama goobtiisa shaqo ku dhagaysan karin iyadoo aanay qofku lacag uga bixin aadista tiyaar ka fog, waqtina uusan ka lumin, mise muuqaalka fannaanka ayaa xiiso loo qabaa oo lacagta lagu bixinayaa?.

Haddaba waxaa marag ma doonte ah in Fankii Soomaaliyeed uu qadka ka sii baxayo haddii aan la daba qaban, dhammaan qodobada kor ku xusan ee aan soo sheegayna waxay astaan cad u yihiin in Fanku qiimo dhac weyn marba marka xiga ku imaanayo.

Fannaaniin badan oo caan ahaa ayaa isaga baxay fanka, iyagoo weliba ku  tilmaamay in fanku yahay dembi iyo wax xun, waxaana fannaaniintii isaga baxday Fanka ay u badnaayeen kuwii hore iyagoo sheegay in Fanka ay ka Towbad keeneen, Ilaahayna ay ka baryeen in muddadii ay fanka ku dhex milnaayeen dembigii ay ku jireen Ilaahay ka cafiyo, shacabka Soomaaliyeedna waxay ka codsadeen in heesahooda mar dambe aysan dhagaysan, lana qaadan, qolyaha heesaha keydiya ayayna u soo jeediyeen inay gubaan cajaladaha ay heesahooda ku duuban yihiin.

Marka aad maqasho macnaha ereyga Towbad-keen waxaad dareemeysaa ama markiiba qalbigaaga ku soo dhibcaya qof dembi xun ku jiray oo ka baxay kana qoomameeyay isagoo ka towbad keenay oo mar dambana aanu ku laabanayn, fannaaniinta fanka ka baxdayna sidaas ayay caddeeyeen oo waxay sheegeen in fanku yahay xumaan aan wax wanaag ah laga dhaxlayn.

Fanaaniintii ugu dambeysay ee fanka ka baxay sheegayna inay ka towbad keeneen weliba ka qoomamaynaya muddadii ay ku soo jireen ayaa waxaa ka mid ah Aweys Khamiis Mabuuti iyo Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahaa fannaaniintii ugu caansanaa Fanka Soomaaliya, waxayna si cad u shaaciyeen inay Fanka ka bexeen, Ilaahayna ka baryeen inuusan dib  dambe ugu soo celinin.

Aweys Khamiis Cabdalla Mabuuti waxa uu dhalinta soo koreysa ku guubaabiyay in ay fanka ka fogaadaan, kuwa ku jirana wuxuu ugu baaqay inay isaga baxaan maadaama uu yiri fanka waxaa la xiriira fasaad iyo balwado xun-xun, waxaana ka dheeran kara fasaadkaas iyo balwadahaas qofka aan noqonin fanaan ayuu yiri.

Aweys Khamiis inuu fanka ka baxay si dhab ah ayuu u muujiyey oo xilligii uu ku dhawaaqayay inuu fanka ka baxay wuxuu ka soo muuqday saxaafadda la iska arko, wuxuuna ku lebisnaa khamiis, Koofiyadda lagu yaqaano Culumaa’udiinka, wuxuuna deystay gar weyn, waxaana ka muuqatay heybadda  iyo sunnada Islaamka.

Sidoo kale fannaanaddii caanka ahayd ee Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaa bahweynta Fanka Soomaaliyeed ayaa iyana si rasmi ah u shaaciyay in ay joojisay oo gebi ahaanba ka baxday fanka, waxayna sheegtay in ay si niyad ah oo daacad ah ay u joojisay fankii ay muddada dheer ku soo jirtay, waxayna sheegtay in Ilaahay hortiisa ay ka balanqaadeyso in aysan mar kale dib ugu noqon doonin fanka, iyada oo illaahay ka dalbatay in uu ka cafiyo dhammaan qaladaadkii ka dhacay intii ay fanka ku jirtay, sidoo kale waxa ay ka codsatay dhammaan Ummada Soomaaliyeed, Idaacadaha iyo Telefeshinada in ay iska joojiyaan sii deynta ama baahinta heesaheeda, maadaama ay fanka ka baxday, waxa ayna ku celcelisay in qof kasta uu ka aqbalo codsigeeda ayna iska daayaan dhageysiga ama daawashada heesaheeda maadaama aysan ogoleyn.

Haddaba in Fanku yahay wax xun, qiimihiisiina sii dhacayo waa wax iska muuqda oo dhammaan daliilaha kor ku xusan  ayaa marqaati cad u ah, haddii uu wanaag yahayna  kuwii ku soo jilbo murxay ee caanka ku ahaa Fanka ayaan isaga bexeen oo aan ka towbad keeneen.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

HAMBALYO SANADKA CUSUB EE 2013-ka
Sanadka cusub ee curtay 2013ka waxaan Ilaahay ka baryeynayaa inuu horumar iyo barwaaqo ina gayeysiiyo, isla markaana uu Ilaahay naga nabad geliyo hertidiisa, sanadkii tegay  ee 2012-kana Ilaahay haraantidiisa iyo dhibkii uu ka tegay ina mootiyo, HORUMAR, BARAARE, BARWAAQO, SINAAN IYO CADAALAD Ilaahay ha ina gaarsiiyo Aamiin— Aamiin

Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho
Madaxweynaha Somalia iyo wafdigii uu horkacayey ayaa maanta dib ugu  soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii ay booqasho shan cisho  qaadatay ku soo kala bixiyeen dalalka Kenya iyo Ugandha.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ahaayeen raisul wasaare ku-xigeen  ahna wasiirka arrimaha dibeda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka  Difaaca C/xakiin Xaaji Fiqqi ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka  dayuuradaha madax ka tirsan goleyaasha dowlada iyo saraakiil.

Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay garoonka Aadan cadde ayaa  sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay booqdeen dalalka Kenya iyo Ugandha  uunaa safarkooda ku soo dhamaaday guul.

“Nairobi waxaan kula kulanay madaxda Kenya wax badan  ayaan ka wada hadalnay oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo  xoojintiisa, heshiisk isaashi oo dhinacyo badan taabanayana waa la soo  galnay” ayuu intaa ku daray madaxaweynaha.

Sidoo kale maadaxweynaha Somalia ayaa intaa ku daray in booqdeen  magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayna kulamo la soo qaateen  madaxweynaha dalkaas Yuweri Musaveni isagoo xusay in ka wada hadleen  xaalada Somalia iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha nabada

Maxay Wasaaradda Sportigu u eeganeysaa fool xumada xulka Kubadda Cagta ee Qaranka Soomaaliya…?
Waxaa mar waliba sii kordhaya guuldarrooyinka ay la soo kulmaan wiilasha ku cayaaraya magaca Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Soomaaliya oo sanad kasta marka ay ka qeyb galaan tartan Sport dhabarka loo soo saariyo goolal fara badan, iyagoo aan ka gudbin wareegga koowaad.

Guuldarradaas ay sanad waliba la soo kulmaan xulka Qaranka Soomaaliyeed xilli cayaareed walba waxa uu sharaf dhac weyn ku yahay ummadda iyo dalka Soomaaliya ee ay magacooda ku cayaarayaan, taasoo sida muuqata aanay jirin cid wax ka qabanaysa.

Ma aha wax lagu faano oo kaliya ka qeybgalka xulka Qaranka Soomaaliya ay ka qeyb gelayaan tartamada caalamiga ah ee waxaa loo baahan yahay in ay  guullo  soo hooyaan, taasoo aanay muuqanin amaba aan laga sugeynin xulka Qaranka Soomaaliya oo ay maamul xumi weyni harreysay, haddii aanay dowladdu soo fara gelinin ama cid kale oo u istaagta aan la helin ay xaaladdu heerkan mid ka sii liidata ku sugnaaneyso.

Sida la ogsoon yahay xukuumadihii dalka soo maray waxa ay la daalaa-dhacayeen sugidda amniga iyo dagaalladii dalka ka jiray oo Sport inuu jiro iyo inuusan jirinba wax war uma aysan heynin oo maba ogeyn, inkastoo wasaarad Sport oo si macmal ah u taagan ay lahayd xukuumad waliba, haddana ma ahayn kuwo shaqooyinkii loo igmaday ka soo dhalaala, waxaana taas ka faa’ideystay shaqsiyaad gaar ah oo gacanta ku dhigay Sportiga Soomaaliya, kuwaasoo NGO-yo u samaystay, dhaqaalana ku soo aruursada iyagoo aan kala jeclayn in uu guulaysto Sportigeena iyo in laga guulaysto, kaliyana eeganaya dhaqaalaha ay ku soo qaadanayaan magaca Sportiga Soomaaliya oo inta badan ay jeebabka ku shubtaan.

Shaqsiyaadka isku bahaystay NGO-ga Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed waxaa xirfadahooda ka mid ahaa inay xitaa heshiis la galaan wasiirradii Sportiga ee 22-kii sano ugu dambeeyay dalka soo maray kuwaasoo ay waxoogaa ka siiyaan dhaqaalaha, kana dalbadaan inaysan Sportiga soo fara gelinin sidaasna ay ku xalaalaystaan gacan ku haynta maamulka Sportiga Soomaaliya oo NGO ahaan ay ugu qaraabtaan, iyagoo ku soo hela lacagaha ugu badan ee cayaaraha lagu bixiyo oo magaca Qaranka Soomaaliyeed ay ku cunaan, iyadoo sanadkiiba la siiyo lacag dhan 250-kun oo dollar, taas oo loogu  talo galay horumarinta kubadda cagta soomaaliyeed, hase yeeshee aanay cidi ogeyn meesha ay ka baxdo, waxaana nasiibdaeeo ah in aanay jirin cid la xisaabtamaysa, maadaama ay iska jeeb garteen wasiirkii qaabilsanaa sportiga.

Inkastoo la oran karo Wasaaradihii Sportiga ee soo maray xukuumadihii dalka Soomaaliya ka hanaqaaday way dayaceen xilkii ka saarnaa Sportiga,  gaar ahaan Xulka Qaranka K/cagta Soomaaliya oo tartan kasta oo ay ka qeyb galaan guuldarro kala soo kulma ayaa haatan xukuumaddan cusub wasaaraddeeda Sporti waxaa laga sugayaa inay dhulka ka qaaddo Sportiga Soomaaliya, iyadoo dadku isweydiinayaan su’aasha ah “Maxay Wasaaradda Sportiga u eeganaysaa fool xumada soo wajahda xulka Qaranka Soomaaliyeed…?

Dowladdu ha ogaato in NGO-ga  maamula xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ay ku dhaqmaan oraahda ah “Maxaa iga galay” {macnaha ha soo badiyaan ama halaga badiyo}, waayo kaliya waxay dani ugu jirtaa dhaqaalaha faraha badan ee ay ku soo qaataan magaca xulka Qaranka Soomaaliyeed.

Tani waxa ay mar waliba niyad-jab weyn u tahay taageerayaasha Soomaaliyeed ee jecel Sportiga, fool xumana ku tahay Qaranka Soomaaliya, inkastoo guuldaradaas aysan ahayn wax ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ee jecel Sprotiga haddana rajo lagama quustee hala daba qabto xulka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana xukuumaddan cusub gaar ahaan wasaaraddeeda Sportiga ka sugeynaa in ay wax ka qabato arrintan muragada Qaran ah.

Laga soo bilaabo sanadkii 2000 ilaa 2012 xulka Kubadda cagta ee Soomaaliya dhammaan tartamadii CECAFA CUP ee uu ka qeyb galay mar kaliya ayuu guulaystay, mar kalena barbar-dhac ayuu galay, waxaana murugada heysata taageerayaasha iyo dadka jecel ciyaarta Kubadda cagta ay sii korodhay tartanka imminka ka socda dalka Uganda oo xulkeena saddexdii kulan laga badiyey, laguna leeyahay (-12 Gool) oo dusha loo saariyey,  iyadoo cayaartii ugu dambeysay oo ay 1-dii bisha Disember la yeesheen xulka Tanzania 7 – 0 loogu awood sheegtay, taas oo muujinaysa awood yarida ka muuqata iyo diyaargarowga liita oo ay soo sameeyeen, taasoo ay mas’uuliyaddeeda leeyihiin madaxda Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya.

Ayaandarada ku habsatay xulkeena ayaa waxay tahay iyagoo ka sii hooseeyaa xulka Koofurta Suudaan oo ay tahay markii ugu horreysay oo ay ka soo qeyb galaan tartanka CECAFA  CUP.

Walow kubaddu cad iyo madow tahay, haddana way nagu badatay guuldarada xulkeenee dowladdu haku dedaasho tayada iyo tacliinta ciyaartoyda Soomaaliyeed, waxaana muhim ah in tallaabo sharciyeysan laga qaado, isla markaana lala xisaabtamo ragga caadeystay in qaab NGO ah ugu shaqeystaan magaca xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, kuwaas oo lumiyey magacii iyo sharaftii uu xulka Qaranka Soomaaliya ku lahaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika CECAFA CUP.

By: Caaqil Dalmar

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com

Qaaradda Afrika goormay ka baxaysaa mugdiga iyo dib u dhaca? (Hal bilyan sababood oo lagu rumeysan karo Qaaradda Afrika).
Shirkada COCA-COLA ayaa isku dayeysa in ay milkiso niyadda ama mooralka Afrika-da cusub, waxayna sheegtay inay jiraan hal bilyan oo sababood oo lagu rumeysan karo Qaaradda Afrika, waa xaaladda ganacsiga cusub ee Africa.

Marka dhinaca wanaagsan laga fiiriyo waqtigii dhawaa ee tagay waxaa muuqaneysa in shirkadda COCA-COLA ay heshay macaash aad u weyn ERNST iyo YOUNG waxay ku warbixiyeen in ay Afrika aad u soo jiidatay maalgelinta dadka ajaaniibta ah.

Waxaa jira sheeko cusub oo ku saabsan soo bixidda Afrika, sheekadaa oo ah KORIDA, HORUMARKA, FURSADA iyo FAA’IIDADA iyadoo loo eegayo warbixinta Bankiga Horumarinta Afrika AFRICAN DEVELOPMENT BANK, waxay Afrika waxey bilowday in ay eegto dib u soo bixid dhaqaale, taas oo maxsuulkeedu noqday dalab adag oo badeecooyinka Afrika ah oo ka imaanaya dalalka uu dhaqaalahoodu sida degdega ah u koraya sida CHINA, BRAZIL iyo INDIA.

Dadka dabaqadda dhexe ah ee ku nool Qaaradda Afrika waa 313 Million oo qofood, taas oo si cad u muujineysa in isticmaalka qarash gareynta Qaaradda uu kordhay.

MC KINSEY GLOBAL INSTITUTE PROJECTS wuxuu sheegay in isticmaalka kharash-gareynta Qaaradda Afrika uu sanadka 2020 gaari doono 1.4 TRILIION (KUN BILLION IYO 400 BILYAN OO DOLLAR), halka uu sanadkii 2008 uu ka ahaa 860 MILLION DOLLAR.

In ka badan 616 MILLION oo qofood oo ku nool Qaaradda Afrika ayaa heysta Telefoonka gacanta (CELL PHONE), iyadoo celceliska cabidda BEER-ka loo yaqaano ee Qaaradda Afrika uu yahay 8 litir sanadkii, marka la barbar dhigo 70 litir oo uu cabo qofka Mareykanka ah sanadkii.

Marka dhinaca wanaagsan laga fiiriyo dhulka Afrika wuxuu ahaanayaa mid soo jiidanaya maalgeliyayaasha ka yimid CHINA iyo EUROPE  kuwaasoo ku mashquulsan iibsashada dhulka Kenya, iyagoo ku qoraya CHINA oo kaliya iyo EUROPE oo kaliya kana sameynaya dhismooyin waaweyn oo aad u qurxoon.

Maalgeliyayaal u dhashay Saudi Arabia ayaa la soo weriyay in ay ku iibsadeen 100 Million oo dollar dhul beereed ku yaal dalka Itoobiya, Uganda waxay ka iibisay 2 millon oo Hectar Masar (EGYPT), Kenya waxay heshiis kiro ah ku siisay Qatar 40 kun  Hektar oo dhul beereed ah, CHINA waxay lahaadeen dhul baaxad weyn oo ku yaala ZANZIBAR iyo ALGERIA, MADAGASCAR waxay heshiis kiro ah kula gashay SOUTH KOREA dhul dhan 1 Milion oo Hektar.

Waxaa nasiibdarro weyn ah in Malaayiin Afrikan ah ay Gaajo iyo Macluul u dhimanayaan, iyadoo dowladaha Afrika ay iibinayaan malaayiin Hektar oo dhul beereed ah si ay u quudiyaan dadka CHINAHA, SAUDI ARABIA, SOUTH KOREA iyo QATAR.

Afrika walligeed uma dabaaldageyso halkudhiga shirkadda COCA COLA ee ah waxaa jira 1 Billion oo sababood oo lagu rumeysan karo Qaaradda Afrika tiiyoo badeecooyinka iyo fuustooyinka Shidaalka  Qaaradda Afrika ay dad kale maamulayaan.

Kama hadli karno dhaqaale kobcaya marka aan ahaano kuwa aan aan dhaafsiisneyn isticmaalayaal maahsan oo kaliya.

Inta aynaan u dabaaldegin sahal ku guuleysiga shirkadda COCA COLA waxaa waajib nagu ah in aan isweydiinno maxaan u joojin la’nahay una daaweyn la’ nahay Cudurada…?, sababtee u awoodi weynay ama ugu guuleysan weynay in la helo Daawooyinka muhiimka u ah guryaha Afrika? maxey tahay sababta aan uga faa’iidi weynay kheyraadka dabiiciga ah ee aan qaniga ku nahay? Sababtee cuntadeena u badbaadin weynay anagoo leh cimilo wanaagsan? Maxaan sida fudud ugula duulnaa Qaaradaha kale laakiin aan teena ahayn? Sababtee wax-soo-saarka iyo howlaha gudaha Afrika u hooseeyaan?, Sababtee waxyaabaha Afrika soo saarto ama ganacsiga Afrika looga dabaal degi waayay caalamka intiisa kale?

Qalinkii Qoraa Sare: Muse Mohamed Osman.

FARQI CEYNKEE AH BAA U DHAXEEYA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA EE SHALAY IYO KUWA MAANTA.?
Golaha baarlamaanku waa hay’ada sharci dajinta ee ugu sareysa awooda dalka , sidaa darteed waxaa muhiim ah in uu yeesho muuqaal ka turjumaya xilka culus ee uu bulshada Soomaaliyeed u xambaarsan yahay , isla markaana kasoo dhalaalo waajibkiisa ku aadan dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Golaha baarlamaanka cusub waa uu ka duwan yahay kii hore oo ay 2004 soo dhoodhoobeen hogaamiye kooxeedyada, waxaana baarlamaankan cusub soo dhisay hogaamiye dhaqameedyada , waxaana taa sii dheer in dalka gidihiisa lagu unkay,  marnaba la’iloobi doonin guushii taariikhiga aheyd taas oo ah in madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lagu doortay dalka gudihiisa taas oo si cad u muujisay isbadalka baaxada leh ee ku yimid xaalada siyaasadeed ee dalka .

Golaha baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ee 2004 – 2012 ugu horeyntiiba kuma dhismin rabitaanka shacabka soomaaliyeed ee waxaa soo dhoodhoobay 23 hogaamiye kooxeed oo sutiga u hayay shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Kenya 2004 iyadoo 275 xubnood oo kalana heshiiskii D’jibouti 2008 masraxa kusoo fuuleen , marka aad si dhab loogu fiirsaday hab dhaqankii xubnihii baarlamaankii hore xiliyadii ay shirarku socdeen waxaa muuqaneysay in goobtu shirku aaney waxba ku duwaneyn xarumaha qamaarka lagu ciyaaro ee gangistarada alcolistayaashu isugu yimaadaan, BUUQA, ISTUURYEYNTA, CAYDA, FOORIDA, IS ULEYNTA IYO WALIBA maqal la’aanta gudoonka shirka ayaa si cad u muujineysay in badi xubnihii baarlamaanka waqtigiisii dhamaaday ay lahaayeen dhaqanka caruurta dib jirka ( CIYAAL SUUQA ) ah.

Qaar badan oo xubnaha baarlamaanka ka mid ahaa waxey si deg deg ah ugu baahan yihiin in dhaqan celin lasoo mariyo si anshaxooda dib loogu soo dhiso,halka tiro kalana ay u mudan yihiin in la geeyo oo lagu hayo xarumaha dadka waalan ( MANACOMIO ) si dhimirkooda kala dhimin dib u bogsasho loogu soo sameeyo,

Bal ka waran shacabka dulman ee Soomaaliyeed ee masiibadu dhinac walba kaga habsatay 21 – sanana dhexdabaalanaya in uu wax rajo ah kasugo gole sharci dejineed oo akhlibiyadiisu u badan yihiin magudbayaal heerkooda aqooneedka hooseeyo darajada eber, waxaa kaloo murugadeeda lahaa  in xubno badan  oo huwanaa sharafta  golaha baarlamaankii hore  ay si toos ah ula shaqeynayeen  cadowgi dowlada kasoo horjeeday sida  ALSHABAAB, taas oo ku timid dowladii  madaxweyne SHeekh SHariif oo garaafkeeda sirdoonku aad iyo aad u hooseeyay, wax muhiimad gaar ahna aanba siinin arimaha sirdoonka.

Daraasad aqooneed lagu sameeyay waxa kadhex socday  Golahii  baarlamaanka hore  ee waqtigiisu dhamaaday waxaa kasoo if baxday  in wax badan sidii laga rabay si duwan u shaqeeyeen , Qodobada dhaqan wanaaga ( ETHICS ) ee xubnaha baarlamaanka lagu xakameyn lahaa Dastuurka maba lagu soo darin kuwa dishibiliinkuna waxeyba ahaayeen  howl gab oo maba shaqeeyaan sidaa darteed nidaam wax kala hagideed maba uusan  jirin, taas oo keentay kala qeybsanaan iyo fowdo baarlamaankii hore xiligiisii ku dhameysto.

Wax badan iyo wax badan ayaa baarlamaankii xiligiisu dhamaaday  ka khaldanaa  bal u fiirso xubno aan xitaa hal maalin usoo xaadirin shirarka baarlamaanka oo aan wax talaabo ah laga qaadeyn, kuwo carqaladeyn iyo fowdo oo kaliya kuraasta u soo fariista, qaar dacaayad qaran dumin ah  iyo aflagaado madaxeed oo aan loo aabe yeelin warbaahinta si joogta ah uga sii daaya iyadoo ujeedadoodu tahay ismuujin shakhsiyadeed iyo kuwa caadeystay in marka uu jeebkoodu martaba ay mooshin hunguri doon ah shirarka ku qasaan, dhacdooyinkaan ayaana muujinaya in golaha baarlamaankii hore  kowka yahay waxyaabaha hortaagnaa  in dowladan fadhiidka aheyd ee  dhaqaaqdo,

Haddii la doonayo in uu wax laga qabto xaalada dalka waa in uu ugu horeyn la  fara geliyaa golaha baarlamaankan cusub  si loogu hago wadada saxda ,waana lama huraan in lakala shaandheeyo xubnaha isku dhex milan si taa loogu guuleystana waa in dib loo dhaqan geliyaa qodobada wax kala saaraya , marka xaalada baarlamaanka cusub  si mug leh loo derso waxaa muuqaneysa in ay lama huraan tahay in xubnaha baarlamaanku u baahan seminaaro deg deg  ah oo wacyi gelineed korna loogu qaadayo aqoontooda si loo fahamsiiyo in mustaqbalka cid walba lala xisaabtami doono shacabkuna ay kala garanayaan dambiilayaasha u taagan in xaaladan lagu sii jiro.

Baarlamaankan cusub ee uu horkacayo Professor Maxamed cusmaan Jawaari ma’aha mid saafi ah waxaana weli ku dhex milan HOGAAMIYE KOOXEEDYADII iyo kooxo kale oo aan marnaba ogoleyn in hore loo socdo sidaa darteed waxaa lama huraan ah in la helo xaalad ka duwan tii hore oo isla xisaabtan iyo kala dambeyn ku dhisan si baarlamaanku u noqdo mid howshiisa kasoo dhalaal una istaaga ka qeyb qaashada samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Tijaabada ugu horeysa ee lagu kala garan doono wanaaga iyo xumaha golaha baarlamaanka cusub ayaa noqoneysa ansixinta dowlada tirada yar ee tayada badan ee ra’iisul wasaaraha cusb soo magacaabay, waxaana la kala ogaan doonaa in aqlabiyada baarlamaanku weli yihiin ay yihiin Xildhibaanadii fowdada ee dhaqanka caruurta dib jirka ah lahaa  ee bur buriyay sharaftii iyo haybadii baarlamaankii hore iyo in uu isbadal dhab ah ku dhacay baarlamaanka cusb  iyadoo baarlamaankan cusub ay ka dhex muuqdaan Aqoon yahano badan oo aan ka xusi karno Professor axmed ismaaciil samatar, Dr. cali Khaliif Galeyr, Maxamed Cabdulaahi Maxamed FARMAAJO iyo

Cabdi Weli Maxamed Gaas Waxaana gaba gabadii leeyahay farqi ceynkee ah baa u dhexeeya xildhibaannada Baarlamaanka ee shalay iyo kuwa maanta?

Qalinkii Qoraa Sare:- Muse Mohamed Osman.

muusekiimiko99@hotmail.com

muusekiimiko@gmail.com

Fanaanadda Saynab Labo-dhagax oo wacdaro ka muujisay Kampala
Fanaanadda caanka ah Saynab Maxamed Xaaji (Saynab Labo-dhagax) ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay wacdaro ka muujisay tiyaatar ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo ay ku qabatay fandhig fanneed si heer sare ah loo soo agaasimay.

Bandhig faneedkaas oo ay xalay Fanaanadda Saynab Labo-dhagax  ku qabatay Tiyaatarka lagu magacaabo Royal  magaalada Kampala ee dalka Uganda  ayaa waxay ku soo bandhigtay heeso soo jiitay dareenka dadweynihii u daawasho tagay.

Sida ka muuqatay  dareenka inta badan dadweynaha reer Kampala ee ka qeyb galay xaflad faneedkaas ay qabatay Saynab Xaaji (Labo-dhagax)  ayaa waxaa wejiyadooda laga dheehan karay farxad iyo reynreyn, waxayna u soo bandhigtay heeso aad u macaanaa oo kiciyey laabaha dadkii ka qeyb galay.

Fannaanadda ayaa waxaa habeenkii xalay lagu guddoonsiiyey goobtii ay xaflad fanneedka ka dhigeysay shahaaddo sharaf aad u qiimo badnayd oo ay guddoonsiiyeen mas’uuliyiin ka socotay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee dalka Uganda, sidoo kale waxaa fanaanadda la guddoonsiiyey hadiyado qaali ahaa oo ay u hibeeyeen qaar kamid ah ka qeyb galayaashii xaflad fanneedka ay qabatay.

Fanaannada Saynab Labo-dhagax oo dorraad soo gaartay magaalada Kampala ee dalka Uganda si diiranna loogu soo dhaweeyay ayaa waxay maanta dib ugu laabanaysaa dalka Kenya oo ay bandhig faneed ku qabatay, waxayna sheegtay in ay uga sii gudbi doonto  caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,  halkaasoo ay barnaamijyo wacyigelin ah ka bilaabi doonto.