NEWS AND ENTERTAINMENT » WARARKA UGU DAMBEEYA

Tuulo ku taalla degmada Jowhar oo dab la qabadsiiyay
Wararka naga soo gaaraya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in habeenkii xalay dab la qabadsiiyay tuulo ku taalla duleedka magaalada Jowhar.

Tuuladaa la gubay oo la yiraahdo Mayuungaale ayaa waxaa la sheegayaa inay gubeen kooxo hubeysan oo horey dagaal uu u dhex maray dadkii deganaa deegankaas kuwaasoo aanooyin qabiil uu ka dhexeeyay.

Wararku waxa ay sheegayaan in gebi ahaanba ay tuuladaasi  bas  beeshay isla markaana dadkii deganaa  ay gebi ahaanba ka guureen tuuladaasi maadaama ay bas  beeshay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka amababaxay magaalada Jowhar ayaa gaaray tuuladaas la gubay waxaana la sheegayaa inay soo qabqabteen tiro dad ah oo lagu tuhmay inay ka dambeeyeen gubista tuuladaas.

Safiirada Soomaaliya u fadhiya caalamka oo Wargelin gaar ah loo diray
Warar aanu ka helnay Xafiiska wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in dhammaan safiirrada Soomaaliya u fadhiya dalalka dibadda lagu wargeliyay inay dalka ku soo xaroodaan.

Wararku waxa ay sheegayaan in wasaaradda arrimaha dibadda ay qorsheynayso inay dib u habeyn ku sameyso safaaradaha dibadda, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in qaar badan xilalkasafiirnimo ay weyn doonaan, kuwo kalena laga bedeli doono dalalkii ay horey safiirada uga ahaayeen.

Muqdisho ayaa haatan waxaa ku sii qulqulaya safiiro kuwaasoo lagu wargeliyey inay caasimadda dalka iska soo xaadiriyaan.

Warbixin ku saabsan madaafiic xalay lagu weeraray xarunta madaxtooyada Soomaaliya
Saqdii dhexe ee habeenkii xalay ayaa waxaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho lagu weeraray tiro madaafiic ah, kuwaasoo aan laogeyn khasaaraha ay geysteen.

Wararku waxa ay sheegayaan in madaafiicdaasi intooda badan ay ku dheceen halka ay degan yihiin madaxda sar-sare ee dowladda Soomaaliya.

Madaafiicda lagu weeraray madaxtooyada oo ahaa kuwa loo yaqaano hoobiyeyaasha ayaa la sheegayaa inay kor u dhaafayaan Tobaneeyo madfac  kuwaasoo si daran daroori ah ugu dhacayay nawaaxiga xarunta madaxyooyada.

Madaafiicdan oo illaa hadda aan la ogeyn halka laga soo tuurayay ayaa qaarkood waxaa la xaqiijiyay inay ku dheceen Suuqii hore ee suuqa Ceelgaabta oo hadda loo bixiyay beerta nabadda kaasoo ku yaala dhabarka dambe ee  xarunta madaxtooyada.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in madaafiic kale ay  ku dhaceen qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley, mana la oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.

Muqdisho ayaan weli ammaankeeda la isku halaynkarin mar haddii ay ka dhacayaan duqeymo loo geysanayo xarunta ay degan yihiin madaxda dowladda sidoo kalena qaraxyo iyo dilal joogto ah ay ka jiraan, iyadoo ay tahay markii afaraad ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya madaafiic lagu soo weeraro tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay xilka madaxweynaha Somalia dabaqayaaqadii sanadkii hore, mana jiro war ku saabsan duqeyntaan oo ka soo baxay saraakiisha amaanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Musharaxa Maamulka Ximin iyo Xeeb ee Cali Amiin Sayid Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Uganda(Daawo sawirrada)
Musharaxa ugu cadcad jagada madaxweynenimada maamul goboleedka Ximin iyo Xeeb Mudane Cali-Amiin Sayid Axmed ayaa maanta waxa uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Shirkaas jaraa’id oo ay ka soo qeyb galeen odayaasha dhaqanka, waxgarad, nabaddoono, aqoonyahano, siyaasiyiin kala duwan, ganacsatada, dhalinyarada rag iyo dumar iyo sidoo kale jaaliyadda Ximin iyo xeeb ee ku nool dalka Uganda ayaa waxa uu musharaxu uga hadlay waxyaabo fara badan oo ay ugu horreyso waxqabadkiisa shaqo marka loo doorto jagadaas.

Musharax Cali-Amiin Sayid Axmed waxa uu sheegay in uu dhawaan tagay dalka Soomaaliya  gaar ahaan caasimadda Ximin iyo Xeeb ee Cadaado wuxuuna xusay in uu halkaasi kulamo kula soo qaatay  qeybaha kala duwan ee maamulka Ximin iyo Xeeb iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan booqday xarumaha muhimka ah  gaar ahaan goobaha waxbarashada, cusbitaallada, beeraha, waxaan sidoo kale tagay  qeybo ka mid ah degaannada maamulka Ximin iyo Xeeb oo ay ku jirto dhulka Miyiga, dhammaan waxaan halkaas kula kulmay dadka ka shaqeeya adeegyada bulshada iyo dadweyne fara badan oo xaalado kala duwan ku nool, kuwaasoo u baahan waxqabad muuqda in loo sameeyo” ayuu yiri Mudane Cali-Amiin Sayid Axmed oo sidoo kale xusay inuu la kulmay maamullada Sport ee ka jira degaanada maamulka Ximin iyo Xeeb iyo ururada bulshada rayidka.

Waxa kale oo musharaxu sheegay in haddii xilka madaxtinimada maamulka Ximin iyo Xeeb loo dhiibo uu wax badan ka qaban doono degaannada maamulkaas isagoo xusay in maamulka hadda jira oo la doortay 2008  uu wax badan qabtay tan iyo muddadii uu jiray.

“Haddii xilka madaxtinimada maamulka Ximin iyo Xeeb aniga la ii doorto waxaan ballanqaadayaa haddii uu Alle idmo inaan wax badan qaban doono” ayuu yiri Musharax Cali-Amiin Sayid Axmed.

Waxa uu sidoo kale Mudane Cali-Amiin uu shaaca ka qaaday in uu dhawaan tagayo  caasimadda Ximin iyo Xeeb halkaasoo uu howlahiisa musharaxnimo ka sii wadi doono.

Doorashada jagada madaxweynenimada maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa waxa ay ku beegan tahay bisha June ee soo socota 30-keeda, iyadoo xilkaasi ay u taagan yihiin musharaxiin fara badan, inkastoo uu ugu cadcad yahay musharaxa Cali-Amiin Sayid Axmed.

Kulan la isku mariwaayey oo Kismaayo ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo Xoghayaha guud ee IGAD!!
Magaalada Kismaayo ayaa shalay waxaa gaaray Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD oo shalay subax ka anbabaxay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.kuwaas oo u jeedadoodu aheyd inay la kulmaan dhinacyada uu muranku ka dhaxeeyo ee kuwada sugan magaalada kismaayo

Wafdiga IGAD ee shalay tagay ayaa waxaa  hogaaminayay Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin,waxayna isla shalay kulamo kala duwan la yeesheen  qaar ka mid dhinacyada is haya iyadoo kulankoodii ugu horeeyey kula kulmay sheikh Axmed Maxamed Islaam oo ay dhawaan xubnihii ku shirsanaa Jamaacadda kismaayo u doorteen madaxweynaha maamulka Jubbaland

Sidoo kale wafdigaasi oo xaqiiqo raadin lagu sheegay socdaalkooda ayaa waxay la kulmeen odayaal iyo wax garad ka tirsan kuwii shirku uga socday Jaamacadda  magalaada kismaayo,waxaana mid akmid ah xubnihii la kulmay wafdigaasi ay sheegeen ,inay u gudbiyeen fikirka ay kaqabaan muranka ka taagaan magaalada kismaayo oo hadda ilaa 5 xubnood ay ku dhawaaqeen inay yihiin madaxweyne ay dadka ku dhaqan magaladu ay isaga xilka u doorteen.

Sidoo kale wafdiga ka socda Igad ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan dhinacyada kale ee magaalada ku sugan gaar ahaan waxaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan barre Aadan shire hiiraale oo isna sheegay in 15kii bishan shir kismaayo ka socday in muddo ah isaga madaxweyne loogu doortay ,sidoo kalena waxaa lagu wadaa inay xubnahaasi la kulamaan xubno kale oo sheegay in iyaga loogu doortay madaxweyne shirar ka dhacay kismaayo ,sidoo kalana wafdiga ka socda Igad ayaa lagu wadaa inuu dhageysto qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada kismaayo ,kuwaas oo hadda u muuqda inay kala taageersan yihiin dhinacyda isku haya magaalada iyo madaxtinimada maamul ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka Iyo Gedo.

Wafdiga IGAD ayaa horey Magaalada Muqdisho ugula kulmay  Madxweynaha, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyagoo sidoo kale la kulmay xubno ka tirsan qeybaha bulshada ee ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo gedo, waxaana la sheegay in marka ay dhameeyaan kulamadooda ay warbixino ka diyaarin doonaan kadibna ay u gudbin doonaan madaxda dalalka IGAD.

Madaxweynayaasha maamulka Jubbaland oo sii kordhaya iyo kii shanaad oo Kismaayo looga dhawaaqay!!!
Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose looga dhawaaqay doraad markale Madaxweynihii shanaad ee ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana lagu magacaabaa Madaxweynaha cusub ee halkaasi looga dhawaaqay Cabdi Baali Xuseen, kaas oo sheegay in maamulkiisa lagu magacaabo Juba Vally State {Jubba Faali State}.

Madaxweyne Cabdi Baali Xuseen oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in shirka lagu doortay uu Kismaayo muddo ka badan 7-bilood uga socday ergo ka badan 700-xubnood, kuwaas oo uu sheegay in ugu dambeyntii u doortay isaga sida uu yiri inuu Madaxweyne  u noqdo maamulka Juba Vally State {Jubba Faali State}, wuxuuna intaasi ku daray inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono dadka uu Madaxweynaha u yahay.

Madaxweyne Baali waxa uu sheegay in isagu uu si dhab ah u matalo dadka deegaanka oo aanu aheyn qof iska sheeganaya wax uusan aheyn, isla markaasna inta badan dadka deegaanada goboladaasi ay isaga u arkeen sida uu yiri nin maanta ka saarikara dadweynaha goboladaasi xaaladdii adkeyd ee ay soo mareen goboladaasi oo ka mid ah gobolada colaadaha ugu tirada badani ay ka dheceen mudadaii burburka, isagoo xusay in hadda ay dadweynaha goboladaasi go’aansadeen inay iyagu aayahaooda ka taliyaan oo ay doortaan qofkii ay rabaan sida uu yiri.

“Waxaa naga go’an aniga iyo maamukeygu  inaanu si dhab ah ugu istaagno horumarinta goboladaasi iyo inay soo gaaraan gobolada kale ee Soomaaliya, waayo ayuu yiri gobaladani waxaa la degay colaado soo noqnoqday, waxaanse hubaa ayuu yiri haddii ay hadda u istaagaan dadka u dhashay horumarinta goboladooda oo ay maamulkeyga la shaqeeyaan inay si dhaqso ah u soo gaarayaan gobolada kale ee maamuladu ka jiraan, waayo waa gobolo qani ku ah dhinac kasta, balse ay dib u dhigeen duruufihii ka jiray dalka mudaddii uu burburka ku jiray, wuxuuna intaasi ku daray in laga daayo dadka goboladan faragelin uu sheegay inay kaga imaaneyso dad ka yimid gobolo kale oo ka mid ah dalka Soomaaliya” ayuu yiri Madxweyne Cabdi Baali Xuseen oo intaasi ku daray “Mid hala ogaado goboladani iyo Beelaha degan way qoranyihiin meelkastana waa laga ogyahay, dadka is leh ciddi kuma oga ee waxaad doonto sheego iyadoo la ogyahay gobolada uu ka soo jeedo oo dadkiisu degan yahay, way ku khasaari doonaan sheegashadaasi, Soomaaliyana ma aha mid maanta dhalatay, beeluhuna way is yaqaanaan”.

Magaalada Wajeer ee dalka Kenya oo lagu dilay sarkaal ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya
Waxaa xalay gudaha magaalad Wajeer ee waqooyi bari ee dalka kenya lagu toogtey sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya gaar ahaan kuwa mileteriga,waxaana la sheegey inay kooxo hubeysan ku toogteen gudaha magaalada Wajeer.

Dilkan ayaa la sheegey inay fuliyeen koox ku hubeysneyd bistoolado,waxaana la sheegey inay markiiba ay ka baxsadeen meesha dilku ka dhacay,waxaana goobtaasi soo gaarey ciidamo ka tirsan ciidamada booliska magaalada wajeer, goob jooge ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha weerarka geystay ay rasaasta uga dhifteen sarkaalkaasi qaarka sare ee jirkiisa taasi oo sababtey inuu isla goobtaasi ku geeriyoodo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya lagu weeraro magaalada Wajeer waxaana horey uga dhacay magaaladaasi falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaas oo marba marka kadambeysa sii kordhayey tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay ciidamada dalka Kenya gudaha u soo galeen dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya:- Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaliya, waxaana aaminsannahay….
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay shalay ka hadlay arrimaha ka taagan gobolada Jubbooyinka, isagoo sheegay in waxyaabaha ka taagan ay qeyb ka yihiin waxyaabihii ay muddada ka digeysay dowladda Soomaaliya

“Waxyaabaha ka dhacaya Jubbooyinka waa arrimihii ay dowladdu ka digeysay muddooyinkii la soo dhaafay, waxaana caddaatay in shirarkii Jubbooyinka ka socday iyo wixii kas oo baxayba aysan aheyn wax loo dhamaa” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka hadlayey xaflad lagu furayey xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo laga furay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in shacabka ku nool Jubbooyinka ay yihiin dad nabadeed, sidaasi darteedna aan loo baahnayn in colaad la geliyo,  isagoo sheegay inay wali jirto fursad xal looga gaari karo arrimaha ka taagan Jubbooyinka.wuxuuna yiri mar kale, wuxuuna yiri “Dowladdu waxay aaminsantahay inay weli jirto fursad looga hortegi karo colaado ummadda loo horseedo, dowladdu waxay baaq u direysaa shacabka deegaankaas ku nool, waxayna ugu baaqeysaa in dowladda federaalka ay kala shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa maamul goboleedyo u adeega danaha shacabka deegaankaas ku nool, iyadoo la raacayo dastuurka dowladuna hoggaanka u qabato dhismaha maamulada dalka, maadaama ay iyadu dalka oo dhan mas’uul ka tahay” ayuu yiri Xasan Sheekh.

“Nidaam kasta oo dalka laga dhisayo waa inuu noqdaa mid shacabka deegaanka ay u wada dhanyihiin lagana soo bilaabo hoos si buu yiri dadka ku nool ay u helaan amni iyo kala dambeyn si ay uga qeybqaataan dhismaha dalka iyo ka talinta aayaha mustaqbalkooda”

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo soo hadalqaaday arrimaha Somaliland ayaa sheegay in la gaaray xilliga la xaqiijin lahaa midnimda ummadda Soomaaliyeed, ayna tahay in meel la iska dhigo waxyaabihii la soo dhaafay lagana fikiro mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Isagoo xusay in laga wadashaqeeyo sidii loo heli lahaa midnimada Soomaaliya, wuxuuna yiri “Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay si nabad ah ku raadiso midnimada shacabka Soomaaliyeed, xittaa dowladdu waxay diyaar u tahay inay wadahadalada u tagto goob walba”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan jirin wax colaad ah oo dadka ku nool Koonfurta ay u qabaan dadka waqooyiga Soomaaliya ku nool, sidoo kalena loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii midnimada loo adkeyn lahaa, wuxuuna yiri “La iskuma khilaafsana Federaalka oo dastuurka baa qeexaya, dowladduna diyaar bey u tahay hirgelinta federaalka oo barnaamij cad cad bey dowladdu dejisay, sowladdu diyaar bey u tahay inay dhageysato fikirka shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan sidii loo dhaqan gelin lahaa nidaamka Federaalka”

Dowladda Soomaaliya oo fariin iyo codsi gaar ah u dirtay dowladaha carabta iyo Baarlamaanka Carabta
Ra’isul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} ayaa shalay qaabilay wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Barlamaanka Carabta oo booqasho ku joogga magaalada Muqdisho, waxaana qaabilaadaasi goob joog ka ahaa guddoomiye ku xiggeenka Koobaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeylaani Nuur IIkara iyo mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa ugu horeyn la isku dhaafsaday hadalo isbarasho ah, iyadoo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shidoonna uu mar labaad soo dhaweeyay wafdigan ka socda Barlamaanka Carabta oo Soomaaliyana ay xubin ka tahay, sidoo kale waxaa la isku soo qaaday xiriirka Soomaaliya iyo dowlaha Carabta sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo Soomaaliya loola dhaqmayo si ka badelan sidii horey loola dhaqmi jiray, maadaama dalka uu dowlad rasmi ah leeyahay.

Ra’isul wasaare Saacid ayaa sheegay in farxad weyn ay u tahay booqashada wefdiga uu hor-kacayo Guddoomiye Axmed Maxamed Jarwaani Guddoomiyaha Barlamaanka Carabta, waxa uu intaas raaciyey in Soomaaliya ay dooneyso qorshe ballaaran oo lagu sii xoojinayo taageerada dowlaha Carabta.

Dhinaca kale xubnaha kulanka ku sugnaa ayaa iyana is dhaafsaday oraah ku aaddan in la billaabo waddo cusub oo wada-shaqeynta Labada Barlamaan lagu middeynayo, iyadoo xubnaha Soomaailya Barlamaanka Carabta u matala uu ka joogay Xildhibaan Prof: Maxamed Cumar Dalxa.

Guddoomiyah Barlamaanka Carabta Axmed Maxamed Jarwaani ayaa ka mahadceliyey qaabilaadda Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, waxa uuna carrabka ku dhuftay in ay ka go’antahay Barlamaanka Carabta sidii ay aduunka u gaarsiin lahaayeen waxqabadka dowladdan curdunka ah iyo kordhinta taageerada Soomaaliyada cusub, waxa uu xusay in kulamada soo socda ee xubnaha Barlamaanka Carabta ay isugu imaanayaan la horgeyn doono qodobbo ay ugu horeeyaan sidii Soomaaliya dhinac walba looga caawin lahaa, isla markaana si isdadajoog ah looga warqabi lahaa xaaladda guud ee Soomaailya.

Ugu dambeyntii wuxuu aad u ammaanay dadaalka Xukuumadda iyo guulaha dhinaca siyaasadda ee ay gaartay, isagoo bogaadiyey horumarradaasi, sheegayna in ay gacan ka geysandoonaan dhammeystirka qorshaha horumarinneed ee dowladda Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu daray Xildhibaano cusub oo la sheegay inay bedelayaan..
Ka dib kulan uu Baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen Xarunta golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dhaariyay xildhibaano cusub oo barlamanka ku soo biiray kuwaas oo tiradoodu ay gaaraysay Labo Xildhibaan waxaana lagu hordhaariyay Barlamanka ka hor intii aan laguda galin kulankii shalay .

Xildhibaanadan cusub ayaa waxa ay kala bedeleen boosaskii ay kala baneeyeen Generaal Bashiir Maxemed Jaamac (bashiir Goobe) oo hadda Noqday Agaasimaha hay’adda Nabadsugida qaranka Soomaaliyeed oo lagu bedelay Qaasim Maxamed Jaamac,sidoo kale waxaa goobta lagu dhaariyay Xasan Muxumed Cali oo isna lagu bedalay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo si iskiis ah xilka uga tagay

Tan iyo markii uu barlamankan cusub howl bilaabay ayaa waxaa jiray xildhibaano badan oo ku soo biray baarlamaanka cusub ee soomaaliya kuwaas oo qaar kood ay bedeleen Xildhibaano geeriyooday,halka kuwo kalena ay bedeleen xildhibaano iskood u isu casilay ,waxaana dhinaca kale jira kuwo iska maqan iyo kuwo aan soo xaadirin balse guddoonku uu qaarkood fasax siiyey,tiiyo dhinaca kale ay jiraan xildhibaano iska maqnaada marka ay kulamadu jiraan arrintaasi oo uu guddoonka baarlamaanku ka cowday  ,iyadoo marar badan ay dhacdo in kulamada baarlamaanku ay qabsoomi waayaan kadib marka uu kooramku buuxsami waayo iyadoo ay magaalada joogaan xidhibaanadii ka qeybgalihaa kulamada Baarlamaanka.