NEWS AND ENTERTAINMENT » FAALOOYINKA / COMMENTERIES

WAR DEG DEG AH: Wariye goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho
Kooxo hubeysan ayaa goor dhow oo caawa fiidkii ah waxay ku dileen  magaalada Muqdisho Alle ha u naxariistee wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka shaqeynayay Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka dowladda Somalia.

Wariye Raage ayaa waxaa la toogtay  isaga oo taagan albaabka hore ee gurigiisa oo ku  yaala degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in kooxihii toogtay ay goobta ka baxsadeen.

Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka caray laakiin hay’adaha ammaanka  ayaa durba sheegay iney hayaan raadad la xiriira kooxaha dilka u  geystay Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Raage islamarkaana  ay hada lagu daba jiro kooxahaasi.

Wariye Maxamed Ibraahim Raage ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka  shaqeeya Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed isagoo ka  hor warbaahinta Qarankana lasoo shaqeeyey qaar ka mid ah warbaahinta  madaxa banaan ee magaalada Muqdisho.

I XIR AMA I DIL, WALLAAHI MA AAMUSAYO… !!
Ma aha wax ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed in saxafi lagu dilo ama lagu dhaawaco gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo qorshaha laga leeyahay dilka wariyeyaashuna ay tahay caburin iyo in la aamusiyo saxaafadda Soomaaliyeed si loo waayo cid ka hadasha xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Tan iyo sanadkii 1991-kii, dilka saxafiyiintu waa uu soo taxnaa, xilligaasoo dalku uu ku jiray fowdo iyo burbur, waxaana guud ahaan dalka Soomaaliya wax iska caadi ah ka noqday dilalka, dhaawacyada, handadaada iyo gabood-falka loo geysto wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 2007-dii ayuu dilka wariyeyaashu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, waxaana la rumeysan yahay oo qof kasta oo Soomaali ah ka dhaadhacsan in wixii sanadkaas ka dambeeyay dilalka loo geysto saxafiyiinta ay ku lug leeyihiin  kooxda Al-shabaab, walow dowladduba aysan ka marneyn dilalka iyo dhibaateynta wariyeyaasha oo ay jireen dhowr wariye oo ay dileen kooxo ku lebisnaa dareeska ciidamada, isla markaana lagu dilay degaanno ka tirsan goobihii ay dowladdu xukumaysay, kuna awood badneyd, inkastoo markaasi saraakiisha dowladdu ay dafiraad cad sameeyeen.

Guud ahaan wariyeyaasha lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee burburku dalku ka jiray waxay gaarayaan 65 wariye oo 50-ka mid ah lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halka 15-ka kalena lagu dilay gobollada kale ee dalka, wuxuuna sanadkii ugu dhiig qulqulka badnaa ee wariyeyaasha soo mara ahaa sanadkii tegay ee 2012-kii, markaasoo la dilay 18-wariye oo qaarkood hal goob lagu dilay, kuwo kalena la gowracay, tiiyoo aysan jirin cid loo qabtay ama maxkamad loo soo taagay, hadal iyo cambaareyn mooyee.

Markii dowladdu ay ka baxday Kumeelgaarnimada, lana doortay madax cusub, isla markaana la wiiqay inta badan awooddii kooxda Al-shabaab dilalka wariyeyaasha waa ay soo yaraanayeen, waxaana sanadkan 2013-ka la dilay hal wariye oo kaliya, taasina waxay yididiilo iyo farxad soo gelisay wariyeyaasha,  balse markii dilalku ay yaraadeen oo la is yiri saxafiyiintu hadday nafiseen ayaa waxaa haddana bilowday in wariyeyaasha la xiro, la handado, lana cabsi geliyo, taasoo iyana la macno ah qalqal gelin lagu samaynayo bahda saxaafadda iyo in gebi ahaanba la damiyo shumaca ifaya ee kaahiisu ay bidhaaminayaan  saxafiyiintu.

Wariyuhu waa uu u nugul yahay in la dhibaateeyo, waayo ma hubeysna, hubna ma qaadan karo, hubka kaliya ee uu adeegsadana waa qalinka iyo makarafoonka oo uu ku baahiyo xaqiiqada markaasi jirta, waana wax la ogsoon yahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isaga soo horjeeda aysan jeclayn warbaahinta iyo dhaqdhaaqyada wariyaasha ku howlan soo tebinta xaqiiqada jirta.

Haddaba si kasta oo wariye loo dilo ama loo xiro amaba loo cabsi geliyo waxaan cod dheer iyo cod gaabanba ku sheegayaa anigoo ku hadlaya magaca Saxafiyiinta Soomaaliyeed in shaqada saxafanimo aysan marna joogsan doonin oo ay sii soconayso ilaa iyo abidkeed.

I DIL AMA I XABIS oo si kasta ii cabsi geli Wallaahi sheegista xaqiiqada jirta kama aamusayo, xaqana kama leexanayo, ummadana indho iyo dhego la’aan ma dhigayno, waxaadna ogaataa haddii saxafi la dilo ama la dhaawaco in mid kale oo caaboon uu booskiisa buuxinayo, haddii mid la xirana uu mid kale oo saaxiibkiis ah shaqada sii wadayo oo marna wariyuhu uusan aamusaynin, shaqada warbaahintuna aysan joogsan doonin, waxaana taas daliil cad kugu ah meeqa wariyaa la dilay, la dhaawacay, la xabisay ama la qalqal geliyay ma aragtay saxaafad aamustay ama sal guurtay, marka haku daalin inaad wariye caburiso.

Cabsi gelinta lagu hayo wariyeyaasha Soomaaliyeed ee dilka iyo xariga loo geysanayo ma aha mid ku xambaari doonta in ay baqdaan kadibna ka aamusaan sheegidda xaqiiqada jirta, walow ay tahay uurku-taalo xannuun badan oo weligood aysan iloobi doonin, haddana waxaanu rumeysanahay in marka wariye la dilayo ama la handadayo amaba la xabisayo ay ujeeddadu tahay gudbin fariin ku socota dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed, taasoo lagu doonayo in afka la qabto wariyeyaasha oo la waayo cid ku hadasha codka dadweynaha dhiban, isla markaana soo bandhigta dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee sida dadban iyo sida tooska ah loo geysanayo.

Haddaba haddii la moodayo in wariye la dilay ama la dhaawacay ama la xiray shaqada warbaahintu ku istaagayso mar kale iyo mar saddexaad waxaan caddeynayaa in qalinku qaddiisu guri doonin, makarafoonkuna howlgab noqon doonin oo shaqada saxaafaddu sii soconeyso siina socon doonto, MARKA I DIL AMA I XABIS WALLAAHI MA AAMUSAYO oo dadka iyo dalka waan u shaqeynayaa.

Waxa Qoray: Saxafi sare,

C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@hotmail.com

caaqildalmar@gmail.com

Muqdisho inta ay sidani tahay nabad ma ahee, dowladdu nabad haka dhigto.…!! (Fariin Saxafi)
Saxafigu waa run sheegaha mar waliba ka hadla xaqiiqada dhabta ah ee jirta, inkastoo ay jiraan dad diidan in runta la sheego oo jecel in wax la maldaho haddana runta waa lagama maarmaan, run sheegidduna waa arrin ay diinteena muqadaska ahi ina fareyso.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, in ay nabad noqoto waanu wada jecelnahay, waana rajo aanu wada sugeyno, laakiin marka xaqiiqda dhabta ah laga hadlo Muqdisho nabad lagu kalsoonaan karo kama jirto haatan.

Waxaa wax muuqda ah in Muqdisho ay sidii hore soo dhaamayso waana mid aan la dafiri karin in ay sii yaraanayaan rasaastii Muqdisho caanka ku ahayd ee mar waliba la maqli jiray, macnaha way yaraatayna waxay ka dhigan tahay weli kama dhammaan oo marmar qaraxyo iyo rasaas goos goos ah ayaa laga maqlaa, waxaase dhawaaqii faraha badnaa ee rasaasta haatan beddelay oo la maqlaa dhawaqa burus iyo musmaar isku dhacaya, waana dadkii guryahoodu ku burbureen colaadihii Muqdisho oo dib guryahooda u dayactiranaya, taasna macnaheedu ma aha Muqdisho ayaa nabad noqotay amaba ah.  Kaliya waxaa la oran karaa Muqdisho waddadii nabadda ayay higsanaysaa oo ay ku taagan tahay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya Muqdisho si buuxda ugama wada taliso awooddeedana kuma aysan baahinin, waa ay jirtaa in awooddii kooxda Al-shabaab ee Muqdisho la maquuniyay balse weli Al-shabaab Muqdisho way joogtaa hubkii waaweynaa ayay dhigeen mooyaane Muqdisho kama  aysan bixin.

Waxaa tusaale cad inoogu filan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Muqdisho waxa uu xarunta madaxtooyada u jiraa dhowr kiilo-mitir, haddana xildhibaan ama shaqaale dowladeed tagi karaa ciidan la’aan ma jiro oo way ka baqanayaan, iskaba daa madaxda kale ee dowladdee, taasna macnaheedu waa Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-shabaab xilliyada habeenkii waxa ay isku dhex burbursadaan xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq, Gubta iyo xaafado kale oo Muqdisho ka mid ah, waxaana askarta dowladda la isugu soo ururiyaa waddooyinka laamiga, ma dhaafi karaan agagaarka xeryahooda, fasiraadda taasina waa Muqdisho weli nabad kama jirto.

Meelaha la xusi karo ee Muqdisho nabad ka ah, dadkuna habeenkii ku fiidsadaan waa inta ka soo bilaabata xeebta liido ilaa agagaarka Isgoyska Zope ee xaafadda Buula-xuubey degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, intaasna waa halbowlaha ay ciidamada dowladdu ku xooggan yihiin, waxaana isku xira waddada muhimka ah ee Maka Al-mukarama ee loo maro xarunta madaxtooyada ee dowladda laga maamulo, inta kale ee Muqdishana nabad lagu taami karo kama jirto oo casirkii guryaha ayaa lagu xaroodaa, masaajidyaduna way maran yihiin kalsooni nabadeed oo lagu aadi karaa Muqdisho kama jirto.

Nabaddu ma aha in sarkaal dowladeed ay la socdaan ciidamo hub culus wata iyo askarta AMISOM ay socod gaadiid ku marmarid ah ku tagaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo weliba aan ku sii nagaan karin waayo waxay halis u yihiin Bam lagu tuuro ama rasaas arbushaad loogu samaynayo lagu weeraro, ciidamaduna ay markaasi ridaan rasaas xooggan oo waxyeeleysa dad shacab ah oo aan waxba galabsan ee muhimaddu waa in shaqsiga dowladda u shaqeeya ha ahaado shaqaale caadi ah, xildhibaan amaba mas’uul kalee uu  dhex mushaaxi karo xaafadaha Muqdisho oo dhan isagoon cidna ka baqanaynin.

Sidoo kale nabaddu ma aha dhismo dabaq ah oo laga taago waddada Makka Al-mukarama ama guryo cusub oo la dhistaa amaba xeebta Liido oo lagu tamashleeyo ee waa in Muqdishoo dhan si kalsooni leh loogu wada dakeeyo min shacab ilaa mas’uul dowladeed.

Sida lawada ogsoon yahay Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar wasiirrada xukuumadda ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ciidamada Midowga Afrika ayaa lagu sugaa amnigooda oo xitaa ma aamini karaan askarta dowladda, taasina macnaheedu waxa weeye Muqdisho weli nabad ma aha.

Inta xildhibaan ama shaqaale dowladeed amaba oday dhaqameed dowladda ku lug leh uusan xaafadaha Muqdisho si xor ah u wada marmari karin uguna dhex mushaaxi karin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Inta madaxda dowladdu ay ilaalinayaan ciidamada Midowga Afrika oo Gaadiidka qufulan ku dhex jiraan, xildhibaanka, saxafiga, odayaasha dhaqanka ee Baarlamaanka soo dhisay iyo shaqsiyaadka kale ee muhimka ahna ay dareen ku joog Muqdisho ku yihiin ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Inta askari ka tirsan dowladda ay shacabku ka baqanayaan ogow Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Inta saxafi Muqdisho lagu dhex dilayo, shaqsigii dilayna aan la soo qabanayn ogow Muqdisho nabadi kama jirto.

Inta ay kufsi samaynayaan askarta dowladdu, wariyihii warkaasi baahiyana la xirayo ogow weli Muqdisho nabad buuxda kama jirto.

Inahaas iyo ina kaloo badanba inta ay Muqdisho ka jiraan ogow Muqdisho weli nabad buuxda kama jirto.

Si kastaaba dowladdu waa inay xoogga saartaa amniga Muqdisho oo ay nabad buuxda ka dhigtaa caasimadda, isla markaana ay wax ka qabataa dhammaan arrimaha ka jira ee nabadda Muqdisho caqabadda ku ah, waayo Muqdisho waa muraayaddii laga daawanayay Soomaaliya oo dhan, waxayna u baahan tahay nabad buuxda oo dhammeystiran, dowladda haatan talada dalka heysa ayaana looga baahan yahay inay wax ka qabato amniga Muqdisho oo ay nabadeyso, shacabkana waxaa laga doonayaa inay dowladda ku garab siiyaan nabad ku soo dabaalidda Muqdisho oo gacmo wadajir ayay wax ku gooyaane ay dowladda ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.

W/Qoray:  C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

FANKA SOOMAALIYEED OO SII QIIMA DHACAYA(Xog rasmi ah)
Fanku waa mid fac weyn oo la soo barbaaray dhaqanka iyo luuqadda Soomaaliyeed, wuxuuna fanku u kala baxaa Tix iyo Tiraab, gabayga ayaana ah midka ugu faca wayn ee lagu xasuusan karo taariikhda Suugaanta Soomaalida, waxa ayna gabayadu Soomaalidu u isticmaali jirtay qaab war-isu-gudbin, si dhacdo dhacday ay dadku ugu weriyaan ama taariikh ahaan dhacdadaas loo xafido, sidoo kale waxay gabayadu dadku ku gudbin jireen dareen markaasi taagan oo jira.

Qeybaha kala duwan ee Suugaanta oo Gabaygu uu qeyb ka yahay ayaa waxa ay Soomaalidu u adeegsataa raad-raac, sida in lagu higsado halgankii halgamayaasha Soomaaliyeed iyo dhacdooyinka kale ee taariikhiga ah, kuwaasoo sida la ogsoon yahay la iska halmaami lahaa haddii aysan jiri lahayn suugaan xafidan oo dhacdadaas ka tarjumeysa oo ay dadku xigasho ama marqaati ahaanba dib isugu gudbiyaan si jiilba jiilka xiga taariikhdaas loogu keydiyo.

Suugaanta Soomaalidu waxa ay waayadii hore u badnayd gabayada, waxaana ku soo xigay in suugaanta loo sameeyo qaab leh jaan iyo luuq ka duwan tii gabayada, sida ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo iyaguna qaab ereyo suugaaneed la isugu tebin jiray, laguna sii macaanayn jiray sacab ama durbaan ritmo looga dhigayay si uu jaan iyo luuqba u yeesho.

Waxaa cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ku xigay heeso watay muusig la garaaco, kuwaasoo xagga jaanta u dhowaa ciyaarta loo yaqaano dhaantada oo sacabkii iyo jugtii cagta uun lagu beddelay dhawaaq muusig oo ereyada heesta laga dheehan karo, dhadhan  macaan lehna u yeelaysa heesta.

Inta badan heesaha sida heellooyinka loogu jiibiyo waxaa muusigeeda laga soo tixraacay ciyaarta dhaantada, wuxuuna muusigii hore ka soo bilowday ciyaarihii hidaha iyo dhaqanka oo la casriyeeyay si maqalkooda loo macaaneeyo ayaana qalab muusig lagu laray.

Markaa sida muuqata heesaha waxaa qiimo u yeela oo sii qurxiya muusikada oo macaan iyo dhadhan u sameeya, waxaana muusikada loo geli jiray iskuulo iyo waxbarasho aqoon kororsi oo dalal dibadda ah loogu aadi jiray, rag gaar ah ayaana loo carbin jiray garaacista qalabka kala duwan ee muusikada, waxayna wada shaqeyni ka dhexeysay guud ahaan fannaaniinta oo isugu jiray hal-abuuro, laxamiistayaal, muusikiistayaal, heesayaal, jilayaal, majaajilistayaal, ciyaartoy, iyadoo daawayadaashuna ay aad u xiiseyn jireen heesahaas lagu laray muusikada leh riitmada macaan ee la arkayo marka fannaanku heesta ku luuqeynayo, iyadoo waxaasoo dhan haatan la waayay, kaliyana la arkayo fannaan ka soo muuqanaya masraxa isagoo aanay la socon qeybihii kale ee fanku ka koobnaa gaar ahaan muusikiistayaashii heesaha ay ku luuqeynayaan muuskikada macaan ugu larayay.

Xilliyadii hore waxaa ceeb iyo fadeexo  ahayd in dumarka Soomaaliyeed fanka ku soo biiraan, waayadii horena ma jiri jirin gabdho heesa ama jilayaal ka noqda riwaayadihii la jilayay, waxaana gabadhii hees qaadda ama ruwaayad wax ka jishaa ay ceeb iyo fadeexo ku ahayd nafsaddeeda, asxaabteeda iyo weliba waalidkeed, waxaana loo arkayay inay fadaro iyo fool xumo dhex gashay, waalidkeedna ay u soo jiidday ceeb iyo karaamo-beel, iyadoo taas bedelkeeda ay jiri jireen rag cod haween ku matalayay ruwaayadaha oo booskii jilaanimo ee qof dumar ah looga baahdo nin rag ah uu buuxin jiray.

Balse taas bedelkeeda waxaa xilliyadan dambe fankii buux dhaafiyey dumar fara badan oo midba midda kale kula baratamayso qurux qaawanaan ku laran iyo isticmaalka daraagiska qeybihiisa kala duwan, kuwaasoo iska dhaafe fadeexad iyo ceeb ay nafsaddooda iyo waalidkood u soo jiidaane kaba tegay dhaqankii suubanaa ee Soomaalida iyo ku dhaqankii shareecada Islaamka.

Waxyaabaha kale ee beri-samaadkii ceebta iyo fadeexada ahaa haatanna wax iska bannaan oo la caadaystay noqotay in fannaan hees uusan lahayn ku luuqeeyo, iyadoo fannaankii isku daya inuu ku luuqeeyo hees uusan lahayn uu kala kuli jiray fadeexad, dagaal iyo weliba in dacwado lagu soo oogo.

Laakiin jilayaasha Ruwaayadaha Banaadiriga si ay raali isaga yihiin ayay arrintaas bedelkeeda u samayn jireen oo Fannaan ayaa inta uu godka hoose ee masraxa ka soo qaado hees fannaan kale oo masraxa ka soo muuqda ku jilayay heestii isaga oo iska dhigaya inuu heestaas isaga ku luuqeynayo, qaab ciyaareed jir nuuxnuuxis iyo af kala qaadis been ahna samaynayay, taasoo loo malaynayo inuu isagu heesta qaadayo, balse waxay ahayd qaab jiliin ay raali isaga ahaayeen fanaaniinta Banaadiriga.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka ee 21-kii sano waxaa lumay wanaagii, qiimihii iyo quruxdii lagu yaqaanay fanka Soomaaliyeed, waxaana la waayay curintii, aruuriskii iyo muusikadii uu fanku lahaa, waxaana sidoo kale yaraaday abwaaniintii iyo muusikiistayaashii oo waxaa bedelkooda la helay muusik hal nooc ah oo uu hal qof garaacayo iyo abwaan aan xirfad buuxda lahayn oo heeso miro jacbur u badan sameynaya iyo sidoo kale ereyo isu eg-eg oo laxanka uun lagu kala duway.

Burburkii dalka ka dhacay sidoo kale waxa uu saameeyay fanaaniintii hore ee Soomaaliyeed, taasina waxay sababtay inay soo ifbaxaan fanaaniin cusub oo masraxa isla soo taagay heeso aysan lahayn oo ah heesihii hore, iyagoo weliba qaarkood mirihii heesahaas si qalad ah ugu jiibinaya, bedelayna quruxdii laxameed ee ay lahayd, inkastoo mararka qaarkood la dhihi karo fanaaniinta cusubi dan ayaa u geysay inay ku luuqeeyaan  heeso aysan lahayn oo waxaa la waayay abwaaniintii hore oo heeso cusub u samayn lahaa, haddana marna kama marna ceeb maadaama ay xatooyo heeso sameeyaan, iyagoo weliba qaarkood sheegtay inay iyagu heesahaas leeyihiin, balse ay fadeexad ku timid kadib markii laga daba keenay caddeymo maqal iyo muuqaal ah, taasoo beeneysay sheegashadii ay sheegteen heesahaas.

Fanku heerar kala duwan ayuu soo maray, heerka uu maanta taagan yahayna run ahaantii waa heerkii uu ugu liitay fanka oo waxaa la oran karaa Fanka waxaa ku yimid qiima dhac iyo sharaf dil weyn.

Fannaaniinta maanta jirtaahi waxa ay ka tageen anshixii suubanaa iyo wanaagii, waxayna bilaabeen in ay heeso isku aflagaadeeyaan,  iska baahiyaan warar xunxun oo mid waliba midka kale ayuu si xan ah wax uga sheegayaa, fannaaniin badan ayaan is jeclayn, kuwa hablaha ahina cawradooda ayayba bannaanka soo dhigeen oo waxay ka tageen Diinta Islaamka iyo dhaqankii suubanaa ee Soomaaliyeed, fanaaniin badan ayaan salaadda tukan, oo aan soomin, isticmaala waxyaabaha diintu ka reebtay welibana ku faana isticmaalka balwadaha kala duwan sida cabista khamriga, dhuuqista xashiishada iyo sidoo kale adeegsiga macsida qeybaheeda kala duwan.

Wax waliba wax baa ka sii darane qiima dhaca Fanku wuxuu soo ifbaxay sanadihii ugu dambeeyay oo fanku wuxuu noqday Cajalad CD ah oo boorsooyinka iyo jeebabka lagu sito. Fannaan kasta oo heesaa ah ha ahaado rag ama dumar wuxuu jeebka ama boorsada ku sitaa cajalado ay heesihiisa ku duuban yihiin ha ahaadaan heeso uu isagu leeyahay iyo kuwo bililiqo ahba, waxaadna maqlaysaa hobol hebel ama hobolad heblaaya ayaa caawa ka heesaysa meel hebla waxaa lagu gelayaa qiimo intaas iyo intaas gaaraya, fannaanku waa mid qura, mala socdaan fannaaniin kale, ma uu wato muusikistayaal, cajalado ayaa inta ay shidaan masraxa isa soo istaagayaan oo inta afka nuuxnuuxiyaan heestii kala jiibinayaan cajaladda CD-ga, iyagoo daawadayaasha isaga dhigaya inay iyagu qaadayaan.

Kashifaaddii ugu foosha xumayd ee tani marqaatiga cad u ah ayaa waxay dhacday bishii Septembar sanadkii tagay 2012 kadib markii fannaanadda Nimco Dareen iyadoo bandhig faneed ka dhigaysa tiyaatar ku yaala magaalada Nayroobi ee dalka Kenya uu masraxii feer iyo Laad kaga soo tuuray wiil Soomaaliyeed oo iyada u careysnaa,  goobtiina ay noqotay meel ay fowdo iyo buuq ka aloosantay, ceebta dhacdayna waxay ahayd heestii ay ku luuqeynaysay fannaanada xilligii laga soo tuurayay masraxa oo weli iska sii socotay, oo yaa qaadaya fannaanadduba waa tan masraxa laga soo tuuraye, heestu waa heestii uun, codku waa codkeedii, waa yaabka yaabkiis ileyn waxa ay fannaaniintu uga lacag qaataan daawadayaasha waa uun cajalad CD ah oo laga shiday Rikoor ama Kumbuyuutar, ceebey tacaal ayay sheekadu noqotay oo fannaaniintu way kashifmeen.

Haddaba waa su’aale, yaan sidaa samayn karin oo inta cajalado heeso ku duuban yihiin  suuqa ka soo iibsada gurigiisa, gaarigiisa ama goobtiisa shaqo ku dhagaysan karin iyadoo aanay qofku lacag uga bixin aadista tiyaar ka fog, waqtina uusan ka lumin, mise muuqaalka fannaanka ayaa xiiso loo qabaa oo lacagta lagu bixinayaa?.

Haddaba waxaa marag ma doonte ah in Fankii Soomaaliyeed uu qadka ka sii baxayo haddii aan la daba qaban, dhammaan qodobada kor ku xusan ee aan soo sheegayna waxay astaan cad u yihiin in Fanku qiimo dhac weyn marba marka xiga ku imaanayo.

Fannaaniin badan oo caan ahaa ayaa isaga baxay fanka, iyagoo weliba ku  tilmaamay in fanku yahay dembi iyo wax xun, waxaana fannaaniintii isaga baxday Fanka ay u badnaayeen kuwii hore iyagoo sheegay in Fanka ay ka Towbad keeneen, Ilaahayna ay ka baryeen in muddadii ay fanka ku dhex milnaayeen dembigii ay ku jireen Ilaahay ka cafiyo, shacabka Soomaaliyeedna waxay ka codsadeen in heesahooda mar dambe aysan dhagaysan, lana qaadan, qolyaha heesaha keydiya ayayna u soo jeediyeen inay gubaan cajaladaha ay heesahooda ku duuban yihiin.

Marka aad maqasho macnaha ereyga Towbad-keen waxaad dareemeysaa ama markiiba qalbigaaga ku soo dhibcaya qof dembi xun ku jiray oo ka baxay kana qoomameeyay isagoo ka towbad keenay oo mar dambana aanu ku laabanayn, fannaaniinta fanka ka baxdayna sidaas ayay caddeeyeen oo waxay sheegeen in fanku yahay xumaan aan wax wanaag ah laga dhaxlayn.

Fanaaniintii ugu dambeysay ee fanka ka baxay sheegayna inay ka towbad keeneen weliba ka qoomamaynaya muddadii ay ku soo jireen ayaa waxaa ka mid ah Aweys Khamiis Mabuuti iyo Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahaa fannaaniintii ugu caansanaa Fanka Soomaaliya, waxayna si cad u shaaciyeen inay Fanka ka bexeen, Ilaahayna ka baryeen inuusan dib  dambe ugu soo celinin.

Aweys Khamiis Cabdalla Mabuuti waxa uu dhalinta soo koreysa ku guubaabiyay in ay fanka ka fogaadaan, kuwa ku jirana wuxuu ugu baaqay inay isaga baxaan maadaama uu yiri fanka waxaa la xiriira fasaad iyo balwado xun-xun, waxaana ka dheeran kara fasaadkaas iyo balwadahaas qofka aan noqonin fanaan ayuu yiri.

Aweys Khamiis inuu fanka ka baxay si dhab ah ayuu u muujiyey oo xilligii uu ku dhawaaqayay inuu fanka ka baxay wuxuu ka soo muuqday saxaafadda la iska arko, wuxuuna ku lebisnaa khamiis, Koofiyadda lagu yaqaano Culumaa’udiinka, wuxuuna deystay gar weyn, waxaana ka muuqatay heybadda  iyo sunnada Islaamka.

Sidoo kale fannaanaddii caanka ahayd ee Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee taariikhda ku lahaa bahweynta Fanka Soomaaliyeed ayaa iyana si rasmi ah u shaaciyay in ay joojisay oo gebi ahaanba ka baxday fanka, waxayna sheegtay in ay si niyad ah oo daacad ah ay u joojisay fankii ay muddada dheer ku soo jirtay, waxayna sheegtay in Ilaahay hortiisa ay ka balanqaadeyso in aysan mar kale dib ugu noqon doonin fanka, iyada oo illaahay ka dalbatay in uu ka cafiyo dhammaan qaladaadkii ka dhacay intii ay fanka ku jirtay, sidoo kale waxa ay ka codsatay dhammaan Ummada Soomaaliyeed, Idaacadaha iyo Telefeshinada in ay iska joojiyaan sii deynta ama baahinta heesaheeda, maadaama ay fanka ka baxday, waxa ayna ku celcelisay in qof kasta uu ka aqbalo codsigeeda ayna iska daayaan dhageysiga ama daawashada heesaheeda maadaama aysan ogoleyn.

Haddaba in Fanku yahay wax xun, qiimihiisiina sii dhacayo waa wax iska muuqda oo dhammaan daliilaha kor ku xusan  ayaa marqaati cad u ah, haddii uu wanaag yahayna  kuwii ku soo jilbo murxay ee caanka ku ahaa Fanka ayaan isaga bexeen oo aan ka towbad keeneen.

W/D: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

caaqildalmar@gmail.com

caaqildalmar@hotmail.com

2012 SANADKII XASUUQ WADAREEDKA IYO GOWRACA? WARIYAYAASHA SOOMAALIYEED IYO GEERIDA WERIYAYAASHA CAALAMKA.
Burburkii dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay jen. Maxamed Siyaad Barre kadib waxaa gebi ahaan dalkeena Soomaaliya ku habsaday dhibaato aad u culus, suxufiyiintuna waxay noqdeen bartilmaameed si gaar ah loo ugaarsado 22-kii sano ee la soo dhaafay 1991-2012, baal madow ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed u furmay kadib markii horaantii sanadkii 1991-kii dilkii ugu horreeyay loo geystay 4-tii weriye ee kala ahaa Cabdi Sheekh Cali?, Mahad Aadan Xasan (Mahad Cadde), Maxamed Cali Xaange iyo Abuukar Maxamed Nuur kuwaas oo loo dilay qabiilkooda awgii, iyadoo aan wax talaabo ahna  laga qaadn gacan ku dhiiglayaashii geystay dilkaas waxashnimo, isla sanadkaas waxaa la dilay Cabdulqaadir Cali IIdle madaxii Radio Nuqdisho, iyadoo aan sidoo kale wax talaabo ah laga qaadin shakhsigii dilay.

Wariyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee lagu dilo Soomaaliya waxaa noqday JEAN CLAUDE JUMEL oo u shaqeynayay FT-1 kaas oo la dilay 18-kii juun 1993 -kii, waxaana lagu dilay magaalada Muqdisho, maalin kaliya ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay 4 weriye oo ajnabi ah, wuxuuna noqday dilkii ugu badnaa oo weriyayaal ajnabi ah loogu geysto Soomaaliya 22 kii sano ee aynu soo dhaafnay 12- kii July 1993dii ayaa la dilay iyagoo howshoodii saxaafadeed ku dhex jira.

Ilaria Alpi ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo weriye ajnabi ah ee lagu dilo Soomaaliya, magaalada Muqdisho ayaana lagu dilay 1993-kii, wuxuuna dalkeedii dhaliyay dood fara badan waxaana arintaas ilaa iyo haatan u xiran Xaashi Cali Cumar oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo aan helin cadaaladii uu u baahnaa, halka Duniya Muxudiin Nuur ay ka noqotay gabadhii ugu horreysay oo wariye Soomaaliyeed ah oo la dilo 5-tii Juun 2005-tii ayaana magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose lagu dilay iyadoo shaqadeedii suxufinimo gudaneysa.

dhinaca kale Maxamed Muxudiin Cali oo ahaa Tifaftire wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa magaalada Muqdisho ayaa noqday weriyihii ugu horeeyay ee qarax lagu dilo 29-kii Disember sanadkii 2007 ayaana lagu dilay magaalada Muqdisho , Xasan Subeyr Xaaji Xasan, Maxamed Amiin iyo Cabdi qafaar Cabdulaahi ayaa noqday weriyayaashii ugu horeeyay ee loo geysto xasuuq wadareed 3-dii Disember 2009 ayaana qarax lagula beegsaday Hotelka Shaamow oo ku yaala magaalada Muqdisho oo ay xiligaas ka dhaceysay xaflad ay ku qalin jebinayaan arday soo dhameysatay kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Banaadir.

Sanadkii 2009-kii 10 weriye ayaa la dilay kuwaas oo 7 kamid ah lagu dilay Mqdisho halka 3 -da kalana lagu kala dilay Afgooye, Beledweyn iyo Kismaayo, dilkaas wuxuu sababay in tiradii ugu badneyd oo weriyayaal ay mar kaliya dalka ka yaacaan si ay uga badbaadaan xasuuqaas waxeyna dantu biday in qaxootinimo ku joogaan dalalka dariska nala ah.

Sanadkii tagay 2012 ayaa wixii hore u dhacay oo dhan isku fuuqsaday waxaana lagu tilmaami karaa SANADKII XASUUQ WADAREEDKA IYO GOWRACA WARIYAYAASHA waana sanadkii ugu xumaa ee abid soo mara? taariikhda saxaafada Soomaaliya, 18 wariye ayaa la dilay iyadoo Cabdi raxmaan Maxamad Cali uu noqday wariyihii ugu horeeyay ee la qalo ( LA GOWRACO ) 27/09/2012.

Magacyada 18-kii wariye ee la dilay sanadkii naga tagay 2012 waxay kala yihiin:

1.Maxamed Maxamuud Tuuryare

2. Axmed Saakin Faarax

3.Cabdi Raxmaan Maxamed Cali

4. Axmed Cabdulaahi Faarax

5. Xasan Yuusuf Absuge.

6. Liibaan Cali Nuur

7. Cabdisataar Daahir Sabriye.

8. Cabdi Raxamaan Yaasiin Cali.

9. Zakariye Maxamed Maxamuud

10. Maxamed Cali Buneyste.

11. Yuusuf Cali Cusmaan? (Farey)

12. Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale).

13. Mahad Salaad Aadan.

14. Axmed Caddow Canshuur.

15. Farxaan Jeemis Cabdule.

16. Cali Axmed Cabdi

17. Abuukar Maxamed Kadaf.

18. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik).

Dhinaca kale 12 wariye ayaa iyana la dhaawacay sanadkii tagay 2012 kuwaas oo kala ahaa:

1. Suleymaan Sheekh Ismaaciil.

2. Axmed Cabdi Kaahiye.

3. Ayaan Cabdi Guure.

4. Deeqo Maxamed Axmed.

5. Xamdi Maxamuud Xiis.

6. Axmed Cali Shuuriyaako.

7. Cabdulqaadir Cumar Cabdule.

8. Maxamed Nuur Naxamed (Shariifka).

9. Maxamed Xuseen Gentelman.

10. Cabdullaahi Suldaan.

11.Cabdikariin Xuseen Guutaale.

12. Cabdirisaaq Shiino.

Guud ahaan 64 weriye ayaa lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee aynu soo dhaafnay iyadoo 49 ka mid ah weriyayaashaas lagu dlay Muqdisho, halka 15 -ka kalana lagu dilay AFGOOYE (SHABEELADA HOOSE ), JOWHAR(SHABEELADA DHEXE), BELEDWEYN (HIIRAAN), GAALKACYO (MUDUG), BAYDHABO (BAY), KISMAAYO (JUBADA HOOSE ) BAARDHEERE (GEDO) iyo LAASCAANOOD (SOOL), dhinaca kale muddo 7 sano ah ayay weriyayaashu Soomaali iyo Ajnabiba ka badbaadeen dilkii lagu hayay 1996, 1997, 1998, 1999, 2001, 2002 iyo 2004,waxaase murugo leh in 5-tii sano ee ugu dambeysay 2007-2012 uu dilka weriyayaasha uu kor u kacay 49 weriye oo 48 ka mid ah ay Soomaali ahaayeen, midna uu ajnabi ahaa ayaana la dilay, waxaana marnaba la iloobi doonin xusuusteenana marnaba ka tirmeyn GOWRACII waxashnimada ahaa ee loo geystay Cabdiraxmaan Maxamed Cali, wariyihii ugu dambeeyay ee la dilo sanadkan 2012 wuxuu noqday Maxamed Maxamuud Tuuryare, kaas oo dhiigiisii weli sii qoyan yahay.

Haddaba 22 sano kadib maxaa la gudboon suxufiinta Soomaaliyeed? ma waxay ku sii jirayaan xaaladdan murugada leh oo aysan jirin cid uga diir naxeysa mise waxay u istaagayaan in ay helaan isku duubni iyo midnimo u horseeda ugu yaraan in ay helaan hab ay ku mideysan yihiin oo ay dib ugu soo dhacsadaan xaqooda maqan isagana difaacaan cadowyadooda kala duwan.

International Press Istitute IPI iyo Reporters Without Borders RSF ayaa sanadkii tagay 2012 ku tilmaamay sanadkii geerida Suxufiyiinta caalamka,wuxuuna noqday sanadkii ugu xumaa ee abid soo mara suxufiyiinta caalamka, tan iyo markii ay hay’adda wariyayaasha aan xuduuda lahayn RSF bilowday ururinta jaantuus sanadeedka ay kaga warbixineyso dhibaatooyinka soo wajaha

Suxufiyiinta caalamka sanadkii 1995-kii sanadkii tagay waxaa la dilay 141 wariye, 879 wariye iyana waa la xiray halka 1993 weriye la handaday ama la weeraray, dhinaca kale 33 weriye ayaa la afduubtay halka ay 73 weriye ay iyana dalalkoodii ka soo carareen

Sanadkii tagay wuxuu hogaanka dilka weriyayaasha kala wareegay sanadkii 2007 oo la dilay 87 weriye, sanadkii 2009 waxaa la dilay 75 weriye halka 2010 la dilay 58 weriye, 2011 waxaa la dilay 67 weriye , waxayna IPI iyo RSF sheegeen in dilka weriyayaasha caalamka ay geystaan kooxo ku xiran raga daroogada ka ganacsada maleeshiyooyinka Islaamiyiinta iyo saraakiil laaluush qaatayaal ah.

Labadii sano ee ugu dambeysay 2010 iyo 2011dilka weriyayaasha caalamka waxaa hogaanka u hayay dalka Pakistaan hase yeeshee dalka SYRIA ayaa noqday kan ugu badan ee sanadkii tagay lagu dilo weriyayaasha caalamka 65 weriye ayaana lagu dilay, halka Soomaaliya lagu dilay 18 weriye waxayna RSF 2012 ku tilmaantay sanadkii madoobaa ee Suxufiyiinta Soomaaliya, sidoo kale dalalka Pakistan, Brazil iyo Mexico ayaa iyana lagu dilay.

FG:. XUQQUQDA QORAALKAMN WAXEY U DHOWRSAN TAHAY QORAHA.

Qalinkii Qoraa sare, Muse Mohamed Osman.

muusekiimiko99@hotmail.com

muusekiimiko@gmail.com

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD SIDEE AYUU U XUKUMI DOONAA SOOMAALIYA?!!
Doorashadii Soomaaliya gudaheeda ka dhacday 10-kii September 2012-ka waxay aheyd doorasho muujisay inay Soomaalidu is maamuli karaan illaa iyo xad  dalkoodana dib u  hagaajisan karaan haddii waqti ku filan loo siiyo fursad taam ah oo ay ku saxaan qalaladaadkoodii hore ee aysan cid ku eedayn karin inay iyagu isku gaysteen si kastoo loo tixo darsino marmaarsiiyo ah  oo sal looga dhigo asalka iyo sababaha dhibaatada Soomaaliya, Madaxweynaha  la doortay oo in badan oo  Soomaali iyo caalamkuba waxay  isku raacsanyihiin inuu yahay  aqoonyahan, cilmi baare iyo hogaamiye is bedel doon ah inuu sifooyinkaasi leeyahay Madaxweynuhu oo ah tilmaamo loogu  baahanyahay dhisidda iyo dib u yagleelida Soomaaliyada cusub, balse aan cusbayne’e loo loogay in dib loo cusboonaysiiyo ka dib burbur siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo ku yimid muddooyinkii la soo dhaafay, haddaan ka hadlo Madaxweynaha Soomaaliya inta aan ka baranay qaayaha madaxdii hore ina soo martay sanadihii burburka iyo waqtiyadii ka horeeyay ka hor doorashada iyo ka dib doorashadda marwalba hadaladiisa iyo balan qaadyadiisa isma waafaqaan oo waxaa shaki kaa galaya markaad isku fiiriso hadaladiisa iyo balanqaayadiisii ka hor inta aan la dooran iyo ka dib sida uu dalka u xukamayo inay kuu soo baxeyso inuu hal qof warkan yiri ama in isbedel uu ku yimid oraahyadii iyo balanqaadyadii uu galay mudadii uu u cararayey inuu dadka mar un ay dhahaan Madaxweyne.

Nuxurka qoraalkeena aan u gudagalno oo aan ka hadalno sida uu dalka u xukumi  doono Madaxweynaha cusub, bal aan fiirino intaan ka hadlin sida uu wax u xukumi doono iyo howlqabadkiisa 100-ka maamlood ee ugu horeeya xukunkiisa Soomaaliya, bal aan dib u dhugano sifaha iyo halka uu shaqo ahaan ka soo jeedo Madaxweynaha iyo dadka ku hareeraraysan oo lagu daro xubnaha  uu u xulan doona ee ka socda Soomaalida inteeda kale oo  noqon doona Ra’isul wasaaraha iyo golaha wasiiradiisa oo uu  qeyb muhiim ku yeelan doono xulidooda iyo ansixintooda, labadaasi isku darkooda ama kimistirigooda ayaa waxaa loo baahanyahay in xoogga la saaro sida ay yihiin iyo qaababkii ay u soo shaqeeyeen iyo isku xirkooda howled intaba.

Madaxweynuhu waa aqoonyahan, cilim baare dalka inta badan joogay intii uu burburku jiray ama ka hor, balse ka shaqeynta xafiis dadweyne oo la wadaleeyahay khibraddiisa  lama tijaabin, ka shaqeyntii UNICEF, dhismihii SIMAD iyo howsha CRD {Hay’adda Cilmi baarista iyo wada hadalka}, tan hore waa hay’ad caalami oo leh nidaamyadeeda shaqo iyo hanaan urur caalami sida uu u shaqeeyo saameyn weyna kuma laheyn kartida iyo maamulka mudanaha aan ka hadleyno waxqabadkiisa, waayo waxa uu ku shaqaynayey hanaan caalami ah  oo leh nidaamyo iyo habab shaqo oo aan la dhaafi karin oo laga rabo inaan xafido oo laguu ilaalinayo oo meel keliya ka soo fuleysa, balse labadan shaqo ee dambe SIMAD iyo CRD waa shaqooyin u dhisan nidaam ay ragga  iska leh milkiyadda iyo maamulkiisa shaqo ay u dhigteen xeerarka shaqo iyo qaababka maamul ay u doonayeen inay ku gaaraan hadafyadooda dhow iyo kuwooda fog ee ay hay’adahaasi lahaayeen, balse waa hay’addo aan dowli aheyn oo u dhisan nidaam NGO ah oo talada ay ku urursantahay, milkiilayaasha iyo aasasayaasha labadaasi hay’adaood oo wax badan kuma laha dadka ka shaqeynaya iyo dadka loogu adeegayo intaba.

Hadaladda iyo oraahyadda ku qoran warbixin qoraalkooda waa inay yihiin kuwo aan faa’iido doon aheyn balse faa’iido weyn laga sameeyo haddii xaqiiqda dhabta ku dhisan  laga hadlo oo la fiiriyo sida iyo hababka ay maalgelinada ku helaan iyo sida ay wax u hirgelinayaan, kuma mashquulayno nidaamyadaasi iyo hababakooda hirgalin ee howlaha  shaqadooda, balse waxaan  ododros iyo faaqidaad u baahan sida ay wax u maamulayeen  iyo sida ay isu waafaqayaan shaqada iyo howlaha nidaam NGO iyo nidaam xafiis dadweyne  {Public office}, isla markii la doortay waxaan hareerahiisa ku aragnay Madaxweynaha inay ku soo xoomeen shaqsiyaadkii iyo howlwadeenadii ay soo wada  shaqeeyeen, kuwo muuqda iyo asxaab daaha gadaashiisa ka shaqeynaysa oo aan is muujineyn oo mid waliba uu u haliilayo inuu boos ka xajisto boosaska ka banaan shaqada xafiiska Madaxweynaha min shaqaale hoose illaa heer wasiirnimo, safiir iyo qeybaha kala duwan ee hay’adaha dowladda ee balaaran ka koobantahay si uu fursadaha jira uga faa’iideystaan ha hilmaamin kaadiriirta xisbiga Madaxweynaha Xisbiga Nabadda iyo horumamarka {PDP} oo iyagana saameyntooda iyo doorkooda ku leh qoondadooda howlaha Madaxweynaha ee dalka  ka fulin doono insha Allah, howlaha horyaala Madaxweynaha aan u kala qaadno sida soo socota oo aan saldhig uga dhigano muhiimadda ay mid waliba leedahay in loo qabto miisankeeda:-

Amniga iyo Nabadgelyada:- Sugidda amniga iyo adkeynta nabadgelyadda waa muhiimadda koobaad ee hogaanka cusub ee dowladda oo ah arrinta Soomaaliya ka reebtay faceeda ahna xalka dhabta ah ee dadka Soomaaliyeed u baahanyihiin inay helaan, inta kale ee nolosha waxay hoos imaaneyaan sugidda amniga oo ah hal-xiraalaha ugu weyn ee  ka shaqeynta Soomaaliya waana ciladda lagu eedeeyo inaan laga shaqeyn karin  dalkeena dagaalada kala googeeyeen, hogaamiyaha cusub waa inuu la yimaadaa istaraatiijiyad iyo hab shaqo oo  xilli dhow iyo mid dheerba leh  oo ku saabsan oo qorshe amni sugid iyo nabad adkeyn ah, isagoo kaashanaya hay’adaha amniga iyo  garsoorka oo u baahan naftigooda in dib u habeyn xoogan lagu sameeyo si loo hubiyo amniga muwaadinka Soomaaliga ah iyo  kan ajnabiga ee u yimaada ka shaqeynta dalka Soomaaliya.

Dhismaha hay’adaha aminga iyo cadaaladda:-  In la hagaajiyo  amni waxa uu u  baahanyahay ciidan dishibiliin iyo tababar wacan qaba, hay’adda nabadsugidda iyo nidaam cadaaladeed oo garsoora dhibaatooyinka madaniga iyo dembiyada dhexmara dadweynaha loo adeegayo si cadaalasda loo sugo qofwlibana uu sharciga ka sareeyo iyo soo celinta iyo kala dambeynta dalka laga guul keeno si looga baxo fowdada iyo dhaqan xumadda maamul ee ina daashatay, ciidanka hadda jira waxay u baahanyihiin dib u habeyn iyo in xaquuqdooda la sugo sida mushaarada, daryeelka, caafimaadka aqoon kororsi si ay waajibaadkooda ay u gutaan, tankale ee cadaaladda waxay u baahantahay in nidaam cadaaladeed oo maxkamado iyo garsoorayal  kala heerarsareeya la dhiso si loo fuliyo nidaamka cadaaladda dalka u baahanyahay, waana meelaha aan ka bugno oo ah hogaan xumo iyo cadaalad darro.

Dhismaha haykalka dowladnimo:- Habka dhismaha haykalka dowladimo iyo hay’adaha ay koobantahay waxay u baahantahay taxadar weyn iyo in la hagaajiyo sida ay iskugu xiranyihiin iyo jarajarada maamulka oo hay’ad waliba ay leedahay xad loo koobay oo ay ku shaqeyso oo aan loo ogoleyn gacan togaaleysiga ragaadiyey hay’adaha dowladda iyo  madax waliba uu xero taraarayo oo uu isagu gar isla leeyhay markii muran xagga maamulka iyo awoodaha uu yimaadana  aysan jirin maxkamad sare oo kala saarta oo aan hore u sheegnay inay dhismo iyo dib u habeyn u baahantahay, isku xirka iyo wada shaqeyntooda waxay dhammeystir u tahay in howlaha si caadi ah u kala socdaan oo laga maarmo khilaafka iyo tartanka xagga awoodda ee marwaliba dhexmara madaxda sare ee dowladda iyo golahooda wasiirada oo aafeysay hirgelinta howlaha dowladda loo igmaday inay qabato mudada 4-ta sano ee loo calaamadeeyay inay ku hirgeliso howlaheeda.

Dhisidda dhaqaalaha iyo adeegyada bulshadda:- Sugidda amniga iyo adkeynta nabadgelyada waxay keenaysaa in la abuuro  furasado dhaqaale dhisid iyo dadka  gudaha iyo kuwa caalamiga ay ku dhiiraadaan inay dalka maalgashadaan oo la helo fursado shaqo iyo dhisidda adeegyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka, garoomada diyaaradaha, biyaha iyo korontada iyo adeegyada tiknoolijiyaddacasriga ah sida adeegga Internet-ka, howlahaasi oo u baahan  maalgelin gudaha iyo dibadda ah oo lagu fuliyo  dhismaha nidaamka dhaqaale ee Soomaaliya yeelan doonto mustaqbalka waxay ku xirnaan doontaa sida ay golaha sharci dejinta ay u fududeeyaan ansixinta heshiisyada ay gasho Xukuumadda iyo saameynta nidaam isla xisaabtan oo ku aadan dib dhiska iyo maareynta dhaqaalaha dalka gudaha ka soo baxa iyo kan ay bixiyaan dalalka aan sxb-ka nahay ee deeqaha oo ay halka ay qurunsantahay nidaamka maaliyadeed oo xatooyo badan loo geystay waqtiyadii la soo dhaafay.

Dowlad wanaagga & dhowrista hantida guud:- Hufnaanta shaqo ee nidaamka dowlad wanaagga waa meelaha laga fiiriyo hab dhaqanka madaxda dowladda iyo hirgelinta nidaam dowladeed oo sal adag leh oo u adeega bulshada wakiilatay inay dalka ay hogaamiyaan madaxda hageysa nidaamka dowladda, dowlad wanaagga sida  oraahda ay ka turjameyso waa in la  hagaajiyo habka shaqo iyo nidaamka isku xirka iyadoo la dhowrayo sharciga iyo hanaanka shaqo ee haya’ad waliba oo dowladeed leedahay, iyadoo ixitiraam iyo qadarin ay ka dhaxeysa jaranjarada maamulka  dowladda oo kala sareeya oo si joog u tax iyo jiif u tax u dhisan oo qaar aad simanyiihiin, kuwana ay kala sareeyaan, aqbalaad iyo ogolaansho uu siiyo awaamiirta iyo soo jeedimaha kaga imaanaya kuwa la siman iyo kuwa ka sareeya intaba, taasi  ayaa ah muhiimadda koobaad oo badanaaba qofka Soomaaliga ah mid wax bartay iyo mid kaleba ay ka simanyihin inay sharciga iyo nidaamka shaqo dhowraan, si loogu adeego qaranka oo masaalixda caamka ah lagana hormariyo kuwa qaaska ah, waana sida lagu horumarin karo Soomaaliya oo nidaam dowladeed oo taam ah yeelata.

Shaqo abuuris & dhaqancelinta maleeshiyoonka hubeysan:- Soomaaliya dadka dhalinyarada ah waa kuwa saameynta ugu badan ay ku leedahay dhibaatada dalka ku dhacday oo iyaga xaabo u noqday dagaalada sokeeye oo ayna kala kulmeen dhimasho iyo dhaawac iyo iyadoo ku keentay shaqo iyo waxbarasho la’aan taas oo ku qasabtay inay badda ku dhammaadaan iyagoo tahriibaya si nolol cusub oo dhaanta tan dalkooda u raadsadaan, shaqo u abuurista iyo dhaqancelinta dhallinyarada iyo dadka kale ee shaqo doonka ah in haddii la rabo in la xaliyo mushkiladda heysta dalkan oo ah in la dhiso hay’ado ka shaqeeya waxbarashada, shaqaaleysiinta iyo fursad u abuurista dhalinyarada, iyadoo taasi  ay  keeni doonto inay ku mashquulaan fursadahaasi cusub oo loo abuuray qayb libaaxna ka qaadan doonta dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Dib u heshinta iyo is dhexgalka bulshada:- Howlaha qabyada ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah dib u heshiisin dhab ah in la dhexdhigo dadka Soomaaliyeed oo eedo iyo gabood fallo kala tirsanaya iyadoo la rabo in isa saamixid, is cafis qirasho la helo si loo dhayo boogaha ka dhashay colaadaha dalka aafeeyay, dib u heshisiintaasi waxay keenaysaa inay dhalato is dhexgal bulsho oo keenaysa dadku inay wadajir ugu wada shaqeeyaan dalkooda iyadoo keeni doonta midnimo qaran oo aan dalkana ku hagaajin karno dunidana aan uga daba tagi karno.

Xiriirka daalalka deriska iyo kan caalamiga ah:- Burburkii ku dhacay Soomaaliya waxa uu beylah ka dhigay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo cadowgeedii uu ka faa’iideystay, gaar ahaan dowladaha deriska ah oo saameyn siyaasadeed iyo mid meleteriba ku yeeshay arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo wiiqday hanaan waliba oo  isa sixid siyaasadeed oo dhexmari lahaa  Soomaalida, isu soo dhawaansho lala yeesho deriska waa muhiimadda koobaad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, iyadoo hogaanka cusub  looga fadhiyo inuu keeno siyaasad dibadeed oo lagu soo jiidan karno dalalka deriska ah, xiriirka caalamiga ah ee dalalka aan deriska aheyn waxa uu noqon doona sida ay  ula falgalaan hogaankan cusub iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo laga doonayo inay si adag uga shaqeeyaan inay la hormariyo, xiriirkaasi caalamiga ah oo saldhig u  ah dib u dhiska iyo horumarinta Soomaalideena dhinac walba ka burburtay, gunaanadkii bal waqti iyo saaxad aan siino hogaanka cusub si loo fahmo loona arko sida uu u maareeyo howlahan isku dhafan ee tixan ee u yaala hagaajinta maamul iyo horumarinta Soomaaliya.

Waxaa qoray:- Maxaxamuud Y. Culusow Email:- Mail:  mychad@hotmail.com

Ma waxaan isku qancinaa baroordiiq maalmo kooban ah….? (Fariin ku socota saxafiyiinta)
Marka hore waxaan Tacsi guud u dirayaa dhammaanba saxafiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan, waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa saxafiyiinta Soomaaliya ku sugan ee u bareeray xilligan adag inay ummaddooda u shaqeeyaan, kuwaasoo aan uga tacsiyeynayo dilalka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay sida joogtada ah ugala kulmaan kooxaha arxanlaawayaasha ah ee banaystay dhiiga dadka waxgalka ah, sida saxafiyiinta.

Waxaan si gaar ah uga xumahay dilalka joogtada noqday ee mar waliba loo geysto saxafiyiinta, iyadoo aan si weyn ula murugooday dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho loogu geystay saxafiyiinta xilli aan is lahaa Muqdisho isbedel baa ka dhashay oo ma jiri doono saxafi dambe oo lagu dilo amar Alle mooyee.

Anigoo la naxsanaa dilkii 18-kii Disember 2011 Muqdisho loogu geystay wariye C/salaan Xasan Xiis uurkutaaladiisiina aysan weli iga bi’in ayaa mar kale waxaa naxdin hor leh igu noqday dilka 28-ka bisha Janaayo 2012 loogu geystay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho wariye Xasan  Cusmaan Cabdi (Fantastik) Agaasimihii Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilalkaas iyo dhammaan kuwii ka horreeyay ee saxafiyiinta lagula kacay dhammaantood ay yihiin kuwo dhabarjab ku ah saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Inkastoo aysan ahayn wax Muqdisho ama guud ahaan dalka Soomaaliya ku cusub in lagu dilo dad waxgal ah, haddana inta badan dadka wax laga dilo oo ay ku jiraan saxafiyiinta had iyo jeer ay mindidu dul huwan tahay waxay isku qanciyaan baroordiiq maalmo kooban ah iyo cambaareyn, kadibna way iska iloobaan qofkii laga dilay, waana u caado Soomaalida in marka qof muhim ah la dilo ay maalmo kooban uun u baroordiiqaan, iyadoo mararka qaar baroordiiqyadaas ay ka qeyb qaataan madaxda dalka, siyaasiyiin, waxgarad iyo qeybaha wax laga dilay oo baroordiiqooda ku soo bandhiga saxaafadda qeybaheeda kala duwan, waxaana afka uun laga eedeeyaa qofkii dilka geystay iyadoo aan la dabagalayn, lana soo qabanayn (Waxaaba suuragal ah in qofkii wax dilay uu dhankiisa eedeynta iyo baroordiiqa ka qeyb qaato) isagoo ay suuragal tahay in la ogsoon yahay oo la yaqaano, taasoo loo fasiran karo in uu yahay qof la soo dirsaday oo dilka lala ogyahay.

Dadka ugu badan ee Muqdisho ama meelaha kale ee dalka Soomaaliya lagu dilo waxaa ugu badan Saxafiyiinta oo dilkoodu uu noqday sida tusbax go’ay oo kale, kuwaasoo la oran karo (Cidna uma maqna ceelna uma qodna) waayo saxafiyiintii lagu dilay Soomaaliya iyo kuwa la dhaawacayba ma jirto cid wax ka qabatay dhibtooda amaba ka qabanaysa sida muuqata, waayo ma jirin mid qura oo ciddii dishay la soo qabtay.

Dilalka saxafiyiinta Soomaaliyeed loo geysto waxa uu u muuqdaa mid ay   dilayaashu ku faanaan iyagoo ku raaxaysanaya baroordiiqyada loo dhigo, cambaareynta iyo wararka saxaafaddu ka sheegsheegto oo qura.

Gabar reer Muqdisho ahayd oo saaxiib la ahayd wiil mooryaan ah xilligii Sagaashameeyadii ayaa waxay saaxiibkeedii mooryaanka ahaa ku tiri “Weligay ma arkin qof la dilay oo naf baxaya” markaasuu ku yiri “Taas maa macno leh, hadda ayaan ku tusayaa ee si fiican u fiirso” markaasuu xabbado baas ah ku furay ninkii ugu horreeyay ee ka soo hor baxay, “Alla sida xoolihii buu u naf qaadayaa, oo dhiigga dadku waa guduud saa’id ah, Alla maxaa ku ur badan dhiiga dadka” ayay iyana ku hadaaqday iyadoo hadba dhan ka mareysa meydka ninka sida gardarada ah lagu dilay, marka waxayba ila tahay in dilalka haatan Saxafiyiinta Soomaaliyeed loo geysto ay sidaas oo kale uun tahay oo aysanba wax macno ah la lahayn dilayaashu in ay dil u geystaan saxafiyiin, oo dhiigga saxafiyiinta ayaa ka duwan dhiigaga dadka kale,  waxaanba is iri  dilayaashu saaxiibadood ayay ugu faanaan inay wariye dilayaan iyagoo wax wanaagsan u arka baroordiiqyada aan wax ka soo qaadka lahayn ee saxafiyiintu u sameeyaan marka mid ka mid ah laga diloba.

Waxaan is lahaa xilligan dadku waa uu bislaaday oo waa laga gudbay in Saxafi si maalaayacni ah la isaga dilo, sidoo kale waxaan is lahaa Muqdisho dowladda KMG ayaa la wareegtay wuuna ka idlaaday dilalka saxafiyiinta iyo in dad si gaar ah loo ugaarsado oo maba jiri doono saxafi dambe oo la iska dilo, balse taas waa mid beenowday waayo Muqdisho oo dowladdu ay sheeganayso inay gebi ahaanba la wareegtay ayaa weli waxaa ka sii socda dilalka saxafiyiinta loo geysto.

Dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho loogu geystay labada wariye ee Xasan Fantastik iyo C/salaan Xiis waxa uu ka dhacay degaanno ay si buuxda dowladda KMG uga taliso, iyadoo xitaa degaannadaasi ay dowladdu ka sii talin jirtay markii ay xarakada Al-shabaab qeybo badan magaalada Muqdisho kaga sugnayd, marka waxaa loo baahan yahay saxafiyiintuna ay sugayaan in dowladdu ay jawaab ka bixiso dilalka wariyeyaashaas, iyadoo aan loo baahnayn in afka uun laga yiraahdo waan soo qabanaynaa oo ficil aan la daba dhigeyn.

Walow aan rasmi ahaan loo xaqiijinin cidda geysatay dilka Wariye Xasan Fantastik oo dhiigiisu weli uu qoyan yahay ayaan haddana dowladda ka sugeynaa inay dabagal xooggan ku samayso, halka dhanka kale la ogsoon yahay in dilkii loo geystay saxafi C/salaan (Xiis) uu geystay qof xiran dareyska ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, marka waxaa la is dhihi karaa amaba hubanti lagu tilmaami karaa in dilka Wariye Xiis uu geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo ruuxii dilkaas geystayna uu isagoo qorigii uu wax ku dilay wata ku dhex laafyooday xaafadaha dowladdu maamusho, tiiyo la ogsoon yahay in degaannada dowladdu ka taliso ee magaalada Muqdisho ay askarta dowladdu sida shacabki u dhex mar-maraan, weliba iyagoo hubaysan taasoo aan hubo in la qaban karay qofka dilka geystay, haddiiba qabashadiisa la doonayay.

Waxaa anfariir af kala heys nagu noqday in Saraakiisha sare ee wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya ay iska fogeysay dilka loo geystay wariye C/salaan Xiis iyagoo ku andacooday in dareeska ciidamada dowladda cid waliba xiran karto oo suuqyada laga soo iibsan karo, qorina la qaadan karo, laakiin taas waxaan u aragnaa haddii aan saxafiyiinta Soomaaliyeed nahay inay sii dhiiragelinayso dilalka loo geysto saxaafiyiinta Soomaaliyeed ee aanay jirin cid u maqan, walow hadalka ka soo yeeray saraakiisha Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya aanay ahayn marmarsiyo lagu qanci karo, Saxafiyiinta Soomaaliyeedna ay weli dowladda ka sugayaan in ay gacanta ku soo dhigaan dilayaashii dilka u geystay wariyeyaashan meel kasta oo ay ka keenaanba.

Inkirmaadda dowladdu ay mar waliba ka samaynayso dilalka loo geysto saxafiyiinta degaannadeeda lagu dilo waxa ay daciif ka dhigaysaa in dowladdu amniga Muqdisho sugtay, isla markaana aan lagu kalsoonaan karin in ay si xor ah weli Muqdisho saxafiyiinta ugu dhex shaqeyn karaan.

Haddaba baroordiiq kasta oo la sameeyo waa un sideedii oo maalmo ama bilo kadib saxafi kale ayaa la dilayaa, marka ma waxaan isku qancinaa baroordiiq maalmo kooban ah iyo dilka saxafiga oo joogto noqda?.

Waxa Qoray:  Saxafi sare, C/raxmaan Cumar Madoobe

(Caaqil  Dalmar)

Sirta ku jirta furiinka soo degdega ee Lamaanayaasha
Waxaa isweydiin mudan waxa sababta u ah in Lamaanayaal Jacayl Sanado badan soo jilaayay, marka ay is guursadaan kadib ay si sahal ah isku furaan?”.

Haddaba daraasad dheer oo lagu sameeyay arrintaas ayaa xaqiiqdu waxa ay tahay in Lamaanayaashu marka ay ku guda jiraan xilliga haasaawaha iyo u gogol xaaridda guurka uu mid waliba midka kale ku sameeyo soo jiidasho uu ku doonayo sidii uu ku hannan lahaa qalbiga qofkaas. Muddada faraha badan ee sanadaha ah ee Jacaylka ay isla jilayaan Labada ruux (Wiilka & Gabadha) ma aha kuwo si sax ah u dhamaystiran oo micnuhu waxa weeye sanadahaas oo dhan isma ay arkayaan isku darkooda bilo ayay iska arkayaan oo maalin waliba islama joogaan.

Saacadaha kooban ee ay is arkaan mid waliba kan kale ereyo soo jiidasho leh oo ha dhicin ha jabin, maxaa kuu macaan, maxaa kuu qaraar ayay isweydaarsanayaan, iyagoo isu faraxsan oo isku qanacsan ayayna saacadahaas kooban ee ay isla joogeen kala tagayaan, xitaa haddii ay is khilaafaan si sahal ayay ku xalinayaan khilaafkooda.

Calaa kuli-xaal si kastoo ay tahayba marka ay is guursadaan oo guri isugu yimaadaan dhabtii ayaa imaanaysa, qof waliba wixii u duugnaa ayaa soo ifbaxaya, khilaafaadka yaryar ee soo marana si sahal ah uma xalin karaan oo way kala caroonayaan markaasaa shaqsiyaad & shaqi soo dhex gelayaa, dooddii baa sii badanaysa kadibna sidaa lagu kala tagayaa. Sababo kale way jiraan sida dhaqaalaha, jinziga, dabeecadda, aqoonta diinta & midda maadiga oo aan isku heer laga ahayn & arrimo kale, marka waxa loo baahan yahay in xilliga haasaawaha sal adag loo yeelo dhammaan arrimahaas.

Waxa Qoray:  C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

Email:   caaqildalmar@hotmail.com

NAGARAALI AHAW
Boggan weli shaqo ayaa ku socota.