NEWS AND ENTERTAINMENT » SHEEKO / HAL-ABUUR
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ(Qaybta 31aad)
Ciiloy ba’  talo farahey ka baxday, dhegaha ayaa farta lawada qabsaday, cid cid kale la hadasha ayaa la waayay, indhaha in la isku gubo mooyaane, juuqdii baa la gabay, balse Ladan ayaa si xor ah u hadashay oo Aabaheed iyo Hooyadeed kahor sheegtay in uurka ay siddo uusan Wacal aheyn ee Liibaan aabbe u yahay.
“Aniga Wacal ma sido, dhilana ma ahi, sharaftiinana kuma cayaarin, dooqeyga ayaanse ka cayaaray, Jacaylkeyga ayaana tixgeliyey, adinkana run idinka ahaydaa ama been idinka ahaydaa waad igu taageerteen wiilka aan jeclaa, isaga ayaana Meher masaafo ah la galay, warqadaha meherka ahina waa kuwan ee dhaayihiina ku arka, ka guban lahaydeenaa ama ku farxi lahaydeenaaba”.
Markii Ladan ay ka shanqarisay in uurka ay u leedahay Liibaan, isla markaana warqadihii meherka waalidkeed soo hor dhigtay wax la falo ayaa la garan waayay, indho iska eegid ayuuna xaalkii Oday Jaamac iyo Waris ku soo biyo shubtay, iyadana shar iyo kheyr wixii kala soo gudboonaada waalidkeed diyaar ayay u ahayd, balse isla markiiba waalidkeed kulan degdeg ah oo albaabada ay u soo laabteen oo xitaa daaqadaha ay u xirteen ayay yeesheen.
“Walee shaxda aan degaynay mid ka qatarsan ayay inoo degeen oo goolka aan ka dhalinay, mid ka caaqiibo badan ayay naga dhaliyeen, balse waa inaan kahortag ka samaynaa waxa kale ee soo socda” ayuu yiri Oday Jaamac, kadibna waxay isaga
& Xaaskiisa isla  falanqeeyeen oo rogrogid ku sameeyeen arrinta waxayna isku raaceen oo go’aan ku dejiyeen in Ladan uurka laga soo xaaqo oo dawooyinka ilmaha lagu soo rido loo adeegsado, iyadoo aan fahmin qorshahaasna la fuliyo.
Go’aankaas markii Oday Jaamac iyo Waris ay wada gaareen “Gabar waa Hooyadeede” waxaa arrinkaa  fulintiisa loo xil saaray Waris, iyada ayaana ballan qaadday inay uurka sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo rideyso.
Laakiin Waris inta aysan arrinka ku dhaqaaqin ayay gabadheeda Ladan si ay debecsanaan ugu muujiso oo u soo xero geliso qorshaheedana u fushato  ayay la sheekeysi la samaysay, iyadoo isaga dhigeysa in uurka ay ku qanacsan tahay oo wax waliba qaddar iyo calaf yihiin, waxayna ka dhaadhicisay inay la jeceshahay Liibaan, uurka ay u qaaddayna ay ku faraxsan tahay, maadaama ubad yari ay heyso oo iyada kaliya ay ka heystaan Ilmo, ayna danaynayso inay Ilmo kale oo waalid (Ayeeyo) ay u noqoto u dhalayso.
“Laakiin Odayga aabahaa wuu yara kacsan yahay, aniga ayaase kaala hadlaya” ayay si been guurid ah ugu tiri, iyadoo ballan been ah la galaysa ayayna ku tiri “Dhib malaha aniga ayaa Xaajiga ka adag oo kaala hadlaya, maadaama aad tahay gabadha kaliya ee aan ifka ka eeganaayo”.
Hadaladaas sabaalinta ah ayay Ladan run u malaysay oo ku faraxday ugana sheekeysay qaabka ay uurka u qaadday, markii ay Hooyadu xog buuxa ka heyshay, ayna sidaa ku sabaansabtay ayay maalmo gudahood arrinka ku guda gashay, waxayna latashi arrintaas ku saabsan la samaysay dhakhtar ay qaraabo kore ahaayeen oo qarash fooqul caqli ah ay u ballan qaadday, isaguna isagoo qarashkaa u xilanaya ayuu ballan kula galay islaantii  qorshaha guracan ee ay wadatay inuu u fulinayo, wuxuuna ka qaatay lacag horumaris ah kadibna daawooyin uu qorshahaa ku fulinayo diyaarsaday.
Iyadoo qorshahaa loo degay ayay Ladan oo uurka uu ku cusbaa awgiis xannuun ka bixi weysay, Hooyadeed oo iska dhigeysa inay la kurbooneyso xannuunka gabadheeda  ayaa waa sida ay rabtaye ku tiri “Hooyo Uurna waad leedahay,dawooyin haddii aan kuu soo iibin lahaana waxaan ka baqayaa in ay uurka kaa waxyeeleeyaan, xannuunka ku hayana kuguma eegan karo oo qof Uur leh Jiro uma fiicna ee maxaanu falnaa hadda”.
Ladan oo beer-jileecnimo Hooyadeed ka raadineysa ayaa tiri “Hooyo waa runtaa, Uur waxba kama aqaan, jirana iima fiicnee maxaan sameynaa?”.
Ladan Hooyadeed oo qorshaha in uu hirgalay cindiga gashatay ayaa gabadheeda ku tiri “Hooyo waan ogahay in aad ugub tahay oo uur iyo dhalmo ay kugu horreyso hadda,  aniga ayaa wax soo dhalay, adiga maahee dhowr kale wey iga soo dilmeen, oo iga soo dhicisoobeen, marka badbaado ayaad u baahan tahay adiga iyo ubadka calooshaada ku beeranba, waxaana kuu geeynayaa dhakhtar fiican oo la isu sheegay wanaagiisa, dawooyinka uu kuu soo qoro haddii aad si sax ah u qaadato waxaa la sheegay in lagu dawoobayo”.
Ladan oo hadallada hooyadeed wanaag u aragtay ayaa farxad darteed inta hooyadeed shumisay ku tiri “Hooyo aad ayaad u mahadsan tahay aniga waxaan is lahaa hooyadaa kulama jecla uurka aad Liibaan u qaadday, laakiin waxaan hadda ogaaday in aad ila rabto oo wanaageyga iyo wanaaga ubadka igu beeran aad ka shaqeyneyso ee dhakhtar kasta oo aad ii geyso iyo dawo kasta oo la ii soo qoro aad baan ugu qanac sanahay, kaliya waxaan kaa codsanayaa inaad aabbe igala hadasho oo uusan colaad ii qaadin”.
{Allow yaa ku yiraahda ka joog, hooyadaa waabaay ay kuu walaaqeysaaye, yaa u waxyooda oo xitaa riyo wax ugu sheega oo qorshaha lala damacsan yahay inuu waabaayo u yahay si xan ah ama baaq ahaan ugu sheega?… Mar haddey ogaan laheyd ama loo balaqi lahaa uurka hooyadeed iyo waxa ugu jira howraarsan ma aysan tiraahdeen qorshaha ay hooyadu u maleegeyso, laakiin qof qaafil ah oo wax jira moog ah ayay ahayd}.
Ladan hooyadeed markii qorshuhu u hagaagi waayay  way is-cuncuntay, oo is ciil kaambisay, mar walba oo Ladan ay ka soo hor baxdana faruuryaha ayay ruugtaa ciil daraaddii, xitaa ladan Aabaheed oo la socday sida arrin tahay isla markaana dawooyinka Ladan loo soo qoray ee la rabay in Ilmaha looga soo rido isaga gacantiisa ku soo gaday  wuu ka xumaaday Ilmaha weli aan soo dhicisin ee Ladan caloosha ugu jira, dawooyinka la siiyey xitaa waa uu ku qanacsanaa oo qoraalkooda ayuu akhriyey in halis yihiina ogaa, {laakiin dawo miyaa wax disha Alle ayaa wax dilee}.
Xaal wuxuu sidaa ahaadaba Ladan & Liibaana aysan wax war ah isu heynin oo kala shaki iyo kala qoqob la kala dhex dhigay ay ku kala irdhoobeen, haddana mid waliba jacaylka si gaar ah ayuu ugu beernaa oo u ilaalinayay, balse wax xiriir ah oo ka dhexeeyey ma jirin.
{Jacaylkii kala dhoofa, dhaayihii kala raaga dhibaataa u dambeysa} wallee taasaan been ahayn waana hal-heys sax ah oo jira maadaama Ladan & Liibaan dhoofkii uu kala geeyay, waxayna labadooduba ku kala aamuseen kala shakin iyo iyagoo meel ay iskala xiriiraan waayay, maadaama  Ladan sanduuq Boostihii uu Liibaan ugu soo qoray warqadda loo beddelay, isagana haddii uu warqad uu u soo diro Aabaheed ay ku soo dhacayso oo iyadaba aysan warqaduhu gaareynin, uuna u maleeyay inay ka dal doorsatay oo ay warqad inay u soo dirto suluugsan tahay, isla markaana waqrado been abuur ah oo loo diray uu run mooday, sidaas ayaana kaliftay in ay jacaylkoodu u wiiqmo, iyagoo aan ogeyn saddexeeyaha kala geeyay, siiba Ladan waalidkeed oo Lamaanayaashaa mid waliba ugu sawiray inuu kan kale dayacay oo ka dal doorsaday, waxayna Ladan iyo Liiban noqdeen sir maqabayaal caashaq oo mid waliba qalbigiisa meel gaar ah ku xirtay, walow jacaylku ku wada beernaa oo uusan ka min guurin.
LA SOCO AXADDA KALE (INSHA ALLAAH)
W/Q: C/RAXMAAN CUMAR MADOOBE(CAAQIL DALMAR)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 30-aad)
Si kasta oo uu xaal ahaadaba Liibaan dhowr warqad oo uu u soo diray Ladan lama soo gaarsiin oo aabaheed ayaa qashinka ku daray, mana uusan bedeli jirin ereyada si dhib kale uusan ugu imaan gabadhiisa, iyadoo Ladan dhowr warqad oo ay u dirtay Liibaan aysan gaarin maadaama sanduuq boostihii loogu qoray warqadda la been abuuray oo uu ahaa mid la iska sameeyay oo aan ahayn kii Liibaan ee saxda ahaa.
Mucaashaqiinta lakala cirbinayo xaalkooda wuu murgay, Ladan quus Caashaq ayaa ku dhacay, Liibaanna kaba daran oo wuxuu niyadda iska yiri  “Maxay Ladan kuugu soo jawaabi weysay waraaqihii faraha badnaa ee aad u  dirtay”, laakiin mar dambe ayaa Ladan aabaheed si hoose qorshe u degay oo wuxuu warqad been abuur ah u diray Liibaan  isagoo u isticmaalay qoraal ka daran midkii ay Ladan ku sumowday, taasoo sababtay in Liibaan uu saluug caashaq galo, isla markaana uu run u maleeyay warqadda loo soo diray oo uu u qaatay in Ladan qudheedu soo dirtay, wuxuuna niyadda iska yiri  “Jacaylka iyadaa bilowday, iyadaan ka joogi waayay, haddana joojinaysa ee, maxaa jiir xumeynta keenay?”.
Run ahaantii Liibaan wuu fahmi waayay meesha sartu ka quruntay, wuxuu is yiri “Waxayba maalmahan la aamusnayd oo ay warqadihii aad u dirtay kaaga soo jawaabi weysay arrintan ayay soo maaganeyd” markii uu intaas iskula hadlay ayuu haddana isweydiiyey “Oo kaalay sow meher kuma qabtid gabadhu?” qoraalka  ay soo dirtey kuma xusneyn  meherka inoo dhexeeya,  tallow armey iska key fasaqday… mise saddexeeya ayaa nagu dhex jira oo qorshahan guracan maleegaya…?”.
Wuu shakiyey Liibaan haddana laba-labeeyay oo is yiri “Saddexeeya ogaan kara Sanduuq boostahayga ma jiro,  oo halkee buu saddexeeye igala saanqaadi karaa? Ma anigaa cid kale oo aan iyada ahayn halka la iga helo iyo Lambar boostaheyga siiyey, xitaa wax kale iska dhaafe Adeerkey iyo Ayeydey ma yaqaanaan meel ay igala soo xiriiraan”.
Shaki weyn ayaa Liibaan harreeyay wuuse malaysan waayay xaal sida uu isu bedellay, wuxuuna go’aansaday in uusan warqad dambe u dirin mar haddii xaal sidan isu rogay.
Waqtiba wuxuu waqti isu dhiibo Ladan calooshii ayaa weykax noqotay oo bannaanka isa soo qotomisay, “Aniga kuma sheegee Shanta yeysan ku sheegin” ayay Soomaalidu tiraahdaaye, markii Shan bilood uurkeedu gaaray ayaa la ogaaday in ay uur leedahay.
Hooyadeed iyo Aabaheed waagii ayaa ku baryay oo qaracan ayaa ku yimid, caro iyo xanaaq ayaa lagala kor dhacay, “Sheeg Naa yaa ku uureeyay, ma haddaad sumcaddeenii baabi’isay, wax aad dhashay kuma dhalin baa la yiri, ma Wacal bay maanta ii riman tahay, shalay wiil faqiir ah ayaanu ka reebi weynay, maantana waa loo soo dhuuntay, maxay tahay gabadha bellada ku habsatay” iyo ereyo kale oo catow u badan ayaa Ladan Hooyadeed afkeeda ka burqanayay, Oday Jaamac warkiisaba daa oo dhiig karkii baa ku kacay, inuu Labo cad u kala jaro oo ay hortiisa dhaafto wax aan ka ahayn oo ka go’an maba jirto, haddana ubad oo dhan iyada ayuu ka dhalay, iyadiina waa taa oo qorshaheedii ayay ka qunsatay.
LA SOCO AXADDA KALE (INSHA ALLAAH)
W/Q: C/RAXMAAN CUMAR MADOOBE (CAAQIL DALMAR)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 29aad)
Aabeheed iyo Hooyadeed oo ka war sugayay  jawaabta ka soo yeeri doonta gabadhooda oo iyagu u fasirtay in warqadda marka ay akhrisato kadib inta u timaado ku tiraahdo “Liibaan wuu i soo deyriyay ee wiilka aad rabtaan i siiya, waan idinka duceysanayaaye” ayaa qeyladii gabadhooda iyo sal juglaha ay u dhacday naxdin iyo argagax ka qaaday, waxayna hal-haleel ku galeen qolkeedii, mise sidii derin duug ah oo meel la isaga tuuray ayayba dhulka u waran tahay, Hooyadeed ayaa ku soo foorarsatay  “Ladan…Ladan….War Ladan” ha sheegin wax u jawaaba, Hooyo wey iska uur-nugushahee murugo ayaa qalbiga loo dhaafay, ilmo ayaana ka soo hoortay “Allaaaa ma dhimatay Ladan, Hooyo ila hadal maxaa kugu dhacay?” Jawaab maleh, Hooyadii ayaa iska barooratay …. “Alla dhimatay Luuladeydii aan ifka ka dugaashanayay, bello Alle hakuu keeno Jaamacow waa adiga waxa gabadheyda sidan u galay, baas Allaha ku rido oo beerka halaguu dhaafo, sun baad gabadheyda u walaaqdeen adiga iyo wiilka baas ee aad adeerka u tahay….Alla anigaa balaanbalay… Alla anigaa….” ayay Hooyadii Waris ahayd ku barooratay.
Jaamac isagu hadalkii ayaa ku xirmay, indhaha ayuu mirig-mirig ka siiyay, xitaa qalbigiisa kuma soo dhicin in uu yiraahdo “Dhakhtar aan geyno gabadha” oo wuuba maahsan yahay, shalaayti maxay soo kordhisaa dambi mooyee… qoomamo iyo shallaay ayuu qalbiga isaga shubay, naxdin iyo qaracan ayuu deris la noqday, habartiina catow iyo barroor ayay maciinsatay oo af mugii iska dhawaaqday, wixii afkeeda soo qaban karayna isaga hadaaqday.
Baroorteedii ayaa waxaa ku soo baxay Booyaasadii guriga iyo Jamaal oo darawalkii reerka ahaa, isla markiiba Jamaal wuxuu isha ku dhuftay Ladan oo dhulka goglan, ilbiriqsi gudaheedna wuxuu arkay warqad dhinaceeda taala oo uu si hoose isha ugu xaday, isla markiiba akhris boobsiis ah ayuu warqadda indhaha ku mariyey, qaracan weynaa wuxuu ogaaday in warqadda laga raacay, wuxuuna ku soo jeestay Oday Jaamac oo uu ku yiri “gabadhu hadday xannuunsan tahay maxaad ka daawanaysaan maa Isbitaal la geeyo” markiiba inta uu soo baraarugay ayuu yiri “waxaan garan weynay baad garataye orod gaariga inoo diyaari”  markiibana Jamaal gaarigii ayuu soo diyaariyey oo Ladan inta la soo garab galay lala beegsaday Isbitaalka.
Markii Isbitaalka la geeyay waa lala tacaalay oo dawooyin kaalmaati ah la siiyay, daqiiqado kadib ayayna xaaladdeedii caafimaad dib u soo bidhaantay, waxaana la soo faray in ay nasiino fara badan samayso oo maskaxda ay dejiso.
Xaaladda Ladan markii ay caadigeedii ku soo laabatay waxaa loo mahad celiyey Jamaal oo isaga soo xusuusiyey waalidkeed oo isku buuqsan in gabadha Isbitaal la geeyo, waxaana Jamaal wanaag iyo abaalba uu ka ergaday Ladan waalidkeed, gaar ahaan Hooyadeed oo wixii markaa ka dambeeyay bilowday inay Jamaal dhaqaalayso, isla markaana wax kasta oo jira u sheegto, maadaama uu qeyb weyn ka qaatay badbaadinta gabadheeda, waxayna Hooyadu u kashiftay Jamaal jalaafadii loo dhigay Ladan ee sababtay inay miyir gaddoonto, taasoo looga dan lahaa shirqool jacayl.
Jamaal oo Ladan la dhinac ahaa, xiriir walaaltinimo iyo wax isu sheegna uu ka dhexeeyay ayaa sirtii u kashifay Ladan una sheegay in warqadda Liibaan u soo diray la bedelay oo qoraalkii sunta ku noqday ee ku qornaa la been sameeyay, Liibaanna uusan Jacaylka ku dayicin, waxa uuna Jamaal kula heshiiyay Ladan in arrinta aysan la kashifin, balse ay la socoto sida ay wax u jiraan uun.
LA SOCO AXADDA KALE (INSHA ALLAAH)
W/Q: C/RAXMAAN CUMAR MADOOBE (CAAQIL  DALMAR)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 28aad)
Markii ay is macsalaameeyeen kadib ayaa waxaa guriga soo gashay Ladan oo ka timid Iskuul ay ka baraneysay luqadda Ingiriiska oo ay gelinka dambe aadi jirtay, iyadoo Jamaalna uu gaariga ku geyn jiray, markii ay soo gashay aabaheed ayaa ugu bishaareeyay inuu u hayo akhbaar ay ku farxi doonto, “Owguuriyo gabadheydiiyey waxaan manta kuu hayaa wax aad ku farxi doonto’  waxey si hal-haleel ah oo fircooni ku dheehan tahay ugu war celisay “Aabe maxey yihiin waxaas?, beryahan dambe ima aadan dhihin wax kaa farxiya ayaan kuu hayaaye” markaasuu si boobsiis ah ugu jawaabay “Warqad uu soo diray Liibaan oo uu sanduuq boostaheyga uu kuugu soo hagaajiyay ayaan kuu wadaa ee wax ku farxad gelinaya sow ma aha aabe?”, iyadoo dhoola caddeyneysa oo farxad darteed inay samada isku laasho ku sigatay ayay ku tiri  “aabe i sii hee ha iga daahinine, hadalkana meesha iigu ekee warqadda ayaa muhiim ii ehe”.
{Allow yaa u sheega oo ku yiraahda abshir kuuma ahane iska daa warqadda, yaa ku wargaliya in shirqool caashaq loo degay oo niyad-jab ay kala kulmi doonto warqadda} iyadoo dhararaysa daqiiqadaha warqadda uu aabeheed u soo bixinayo ayay ka daba gashay qolkiisa oo isagoo boorsadiisii fatashaya ku tiri “Aabe maxaad jeebka isaga soo gelin weysay oo boorsada aad kala doontay, xilligan  mar horaan akhrin lahaaye”  si kaftan ah ayuu ugu yiri “Waxaan ogahay sida warqadda ay kugu weyn tahay iyo meesha uu Liibaan kaa joogo, sidaas ayaan anigana u dhaqaaleeyay warqadda oo halkan ugu soo xafiday”.
Markii Ladan ay warqadda gacanta ku dhigtay inta aysan qolkeedii gaarin ayay galkii ku dahaarnaa ka daliiqday, kadibna u degdegtay qolkeedii oo inta  isku tuurtay sariirteedii akhris ku bilowday.
Ereyadii ugu horreeyay ee qoraalka ayaa la noqday kuwo aysan ku qancin, iyadoo madaxa luxeysa ayay haddana hoos ugu sii daadegtay qoraalka, kaba sii daran, ereyba ereyga ku sii xiga waa ka sii qaraar badan yahay, wey maleysan weysay, indhaha ayaa caad humaag ah ka korey, markaasay indho maraan-marasho ku waalatay, wey la ahaan weysay oo inay riyo soo jeed ah ku jirto u fasiratay, markaasay mar kale akhris ugu laabatay warqaddii….
{Ka darroo Dibbi dhal} naxdin, qaracan iyo murugo ayaa soo weeraray, rajadii iftiinka ee u baxaysay ayaa mar kaliya si kedis ah u oodantay, waxaa warqaddii buuxiyey ilmo ka qubanaysay, dhabankeeda ayay maciin ka doontay oo calaacalaheeda cusjisay, indhahana galka ka bixisay iyadoo ku togeysa qoraalkii siloonaa ee horteeda yaalay….
War isuma heyn oo maqane jooge ayay ahayd… warqaddii ayay dhulka isaga tuurtay oo safiitada sare ee qolka indhaha u amaahisay, wey istaagtaa…. oo haddana fariisataa…. wey socotaa oo haddana sal dhigtaa… qolka ayay marba dhan u gaaf wareegtaa…. isla hadal ayay bilowday “Ma dhici karto oo suuragal ma aha, Liibaan sidan isuma bedeli karo, maya…. Maya” ayay si xiriir ah u tiri, haddana iyadalee baa isu war celisoo tiri “Waa Bani’aadam wuu is rogi karaa, waa wax dhici kara in Naagta Jarmalka ah uu iga raaco” iyo hadallo kale ayay iskula hadashay.
Mar dambe ayaase lagu soo baxay dhawaq dheer oo ay ku dhufatay “dheel dheel iguma dayici karo Liibaan….. !!”  markii uu dhawaaqsi dheer afkeeda ka sii dhammaanayay ayay sal jugle dhulka ugu dhacday oo miyirkii ka tagay.
LA SOCO AXADDA KALE
Qoraaga waa: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 27aad)
Liibaan wuxuu warqadda ku soo hagaajiyey Boosto uu lahaa Ladan aabaheed, maadaama iyadu aysan lahayn boosto u gaar ah, laakiin markii ay warqadda gacanta Oday Jaamac ku soo dhacday, sidii qorshuhu ahaaba isagoo farxad la reynreynaya ayuu  markiiba ka furay bashqaddii kadibna wada akhriyay ereyada ku qoran oo uu la yaabay sida uu Liibaan u beer dulucsanayo Inantiisa Ladan ah, wuxuuna isla markiiba qorsheystay inuu warqadda qoraalkeeda badallo oo erayada ku qoran ee wanaaga ka tarjumaya uu ku badallo erayo qaraar oo murugo iyo walbahaar ku abuuri kara Ladan si arintaas ugu hirgashana waxa uu kala tashaday xaaskiisa, waxa ayna go’aan iskula meel dhigeen in loo yeero wiilkii Faarax ahaa ee Ow Jaamac walaalkii Warsame uu dhalay ee la qorsheynayay in Ladan lagu daro, balse ay diiday, kaasoo laga dhaadhiciyay  qorshaha ah in la doonayo in Ladan iyo Liibaan lakala reebo, si taas u suurtagashana warqadda uu u soo diray Liibaan la micno-rogo oo bil cagsi loo tarjumo ereyada macaan ee ku qoran, isagana uu fartiisa u ekeeysiiyo farta Liibaan oo kale, sidoo kale waxaa loo sheegay in uu isaga gabadha xot-xoto oo uu ka dhameysto guur inta wiil kale oo aan u qalmin ab iyo isir ahaana aan la garaneyn uu  guursan lahaa.
Markii qorshaha sidaa loo degay Faarax Warsame wuxuu bilaabay inuu warqaddii Liibaan soo diray uu akhriyo si uu macno ahaan u dhuuxo, marka uu fahmo kadibna u badallo, isla markii uu akhriyay ee macnaha uu dhuuxay, ereyada laga rabo inuu ku bedellana uu hindisay ayuu warqaddii qoraal ku bilaabay, wuxuuna u qoray sidatan:-
Ku:-Ladan Ow Jaaamac
Ka:-Liibaan Cali Aadan
L/H:- Muqdisho P.O.Box…..
L/H:-Jarmalka P.O.Box
Marka hore iga guddoon salaan la mid ah salaamaha ay isu diraan dadka caadiga ah ee is bar garanaya, salaan kadib waan caafimaad qabaa, adigana waxaan kuu rajeynayaa sidaasoo kale.
Inkastoo aan kuu quurin inaan ku iraahdo ereyga (GACALISO) oo ay wax iska key badaleen, ayna jirto qof kaa mudan ereygaas oo meel igula nool, haddana run ahaantii kuma aan iloobin weli, waayo waxaa tahay qofta sababta u noqotay inaan tago dalka Jarmalka oo waxbarasho ay iiga bilaabatay, walow aad ka wadatay xod-xodosho iyo inaan jaceyl kula wadaago oo aan dhab kuu jeclaado, haddana aniga waxaan u fasirtay oo aan u arkay asxaan  Bini’aadannimo oo aad ii sameysay, walow markii hore ay wax inaga dhaxeeyeen hadda aniga dantii aan lahaa waan gaaray, qorshaheygana ma aha inaan gabar madoow nolol la qeybsado, maxaa yeelay aniga ayaa madow ah, waxaanan xiriir la leeyahay gabar u dhalatay Jarmalka oo aan dadaal ugu joro in aan Islaamiyo, kol dhow ayayna Oorideyda noqon doontaa (Haddii uu Alle idmo).
Waan ka xishooday inaan warqaddaan kuu soo qoro oo aan is lahaa armey qaracantaa, haddana runta waa lagama reystaan, sidaas ayaana igu xambaartay inaan kuu soo qoro si aadanad iigu lug go’in, marka macslaama walaal, wixii naga dhexeeyayna ka talo bax, haddii aad rabto warqaddan ha iiga soo jawaabin, haddaad doontana iiga soo jawaab si aan u ogaado go’aanka aad adigu qaadatay, igalana soo xiriir P.O.Box-ka aan aan ku soo qoray meesha ugu sareysa warqadda.
Markii uu qoraalka warqadda intaa ku koobay wiilkii lala rabay Ladan ee ay ilmo adeerka ahaayeen oo magaciisu ahaa Faarax Warsame waxa uu u guud maray oo uu u akhriyay adeerkiis iyo eeddadiis oo si layaab leh ula dhacay erayada uu adeegsaday oo qofkii akhristaa niyad-jab weyn ku abuureysa, (Wallaahi haddii ay warqaddaan akhrisato Liibaan dambe hadal heyntiisa lagama maqli doona) ayuu yiri Ladan aabaheed oo farxad-darteed dhoola caddeynayay  markii warqadda loo akhrinayay, wuxuuna u mahad celiyay isla markaana abaalmarin lacageed siiyay wiilkii Faarax ahaa, kadibna wuxuu Faarax si xirfadeysan warqaddii u galiyay bashqaddii  ay ku timid ee uu Liibaan ku soo diray, kadibna guddoonsiiyay adeerkiis oo yiri “Adeer waa tahay aniga waan sii baxayaa, wixii soo kordha ila soo socodsiiya aniga ayaad igu ogtihiin in aan Ladan la hadlo oo shabakadda jaceylkeyga soo geliyo”.
LA SOCO AXADDA KALE (Insha Allaah)
W/Q:  C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil  Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 26aad)
Liibaan ma uusan ogeyn in Ladan habeenkii uu la kifaaxayay wax ku bideen, sidoo kale iyaduna lama aysan socon arrintaas oo carruur ayay ka ahayd, laakiin markii walac daran uu asiibay oo ay xannuunsatay xaalkeedana la bixin waayay ayaa Hooyadeed tuhun galay, kadibna weydiisey waxa jira iyo shakiga inuu dhinacaas yahay, laakiin iyadu inkirmaad ayay ugu jiidday oo in waxaas aysan jirin u sheegtay, “Yaa I qaba oo aan u wallacaa?  mise duurka inaan ka soo qaraabto ayay idinla tahay?” ayayna ku quusisay Hooyadeed oo iyana iska ogolaatay, maadaama lagu inkiray tuhunkeedii, balse waxay la kurbootay xannuunka ku soo boodka ah ee gabadheeda oo ay aad u jeclayd, kadibna daawo raadin iyo dhakhtar geysmadeeda  mashquul ku noqotay.
Ladan xannuunkii walaca ayay Isbitaal la gashay, maalmo kadibna iyadoo aan lagu fahmin walacnimadii ayay Isbitaalkii ka soo baxday oo caadigeedii ku soo laabatay. Liibaanna waxbarasho Jaamacadeed ayaa uga bilaabatay cariga Jarmalka, mar uu sii maqnaa muddo Saddex bilood ayayna u suuragashay inuu warqad u soo diro Ladan, taasoo uu uga faahfaahiyey xaaladda uu ku sugan yahay iyo heerka uu ka taagan jacaylka uu u hayo Ladan oo uu sheegay inuu ku sii siyaadayo oo marba marka ka sii dambeysa iyada uun uu ka fakarayo, waxayna warqaddii uu u soo qoray u qorneyd sidatan:-
To:- Gacalisada aan ifka ugu jeclahay
Ladan Ow Jaamac
From:-  Naf adiga kuu hamuun qabta.
Liibaan Cali Aadan
Gacaliso markii aan tagay Jarmalka waxaa nala dejiyey Kuleej, isla markiibana waxaa nalagu meeleeyay jaamacaddii aan wax ka baran lahayn,  run ahaantii maalmihii ugu horreeyay jawiga ayaan la qabsan waayay walow aan markii dambe si tartiib tartiib ah u fahmay,  dhibka igu weyn ee i asiibay wuxuu ahaa in mar walba aan adiga ku soo xusuusto, kuguna qarwo, la’aantaana kifaaxii iyo farxaddii wey iga guureen, dhoolacaddeyntaadii iyo codkaagii toolmoonaa ayaan tawayaa, markaan seexdo muuqaalkaaga ayaa la I hor keenaa, markaan socdo humaaggaaga ayaa ii muuqda, codkaaga ayay dhagaheygu maqlaan iyagoon ku arkeynin, xusuusteyda oo dhan ayaad dhex mirataa, marar badan xitaa waxaan ku sigtay inaan isaga soo tago halkan oo aan Muqdishadii cuddooneyd iyo agtaada imaado.
Abaayo macaan, inkastoo xaaladeydu cakiran tahay jacaylka aan kuu hayo dartii haddana waxaan ogsoonahay inaad iga daran tahay oo dhibka aan tirsanayo mid ka sii baaxad weyn  uu ku hayo, laakiin samirka aan wada kaashanno wax la tiriyaa way dhammaanayaan, sanadaha aan kaa maqanahayna waxba ha u arkin  wey iska dhammaan doonaane.  Abaayo haatuf yaanu ku sirin,  Saddexeeye ku hodin, har iyo habeen difaac u gal caashaqeena, sirteena inoo qari oo kuu sheekeeye kaa sheekeeye yaanu kuu soo xaluulanin.
Abaayo,  muddadii bilaha kooban ahaa ee aan halkaan joogay waxaan ku howlannaa oo aan u kuurgalayay sidii aan jawiga u kala fahmi lahaa, xitaa Boostada warqadaha la isugu  diro halka ay ku taalo ma aanan garaneyn, wiil Jamaykaan ah oo aan halkaan isku barannay ayaa i geeyay oo runtii iga saacidey, hadda iyo wixii ka dambeeyana  si joogto ah oo xiriir ah ayaan kuula soo xiriirayaa ee jawaab degdeg ah aan kaa helo, si aan mar walba ula socdo xaaladdaada iyo sifaha aad ku nooshahay.
(Waa gacaliyahaa Liibaan oo ku leh Jaaw iyo jawaab degdeg ah)
LA SOCO AXADDA KALE (Insha Allaah)
Qalinkii:  Caaqil  Dalmar
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 25aad)
“……Aan kifaaxnee Caawa ii imow” Ladan  ayaa sidaa ku tiri Liibaan, “Waa tahaye halkee iyo goormaa” ayuuna Liibaan ku yiri “Guriga iyo halka saac caawa” ayayna iyana ugu jawaab celisay, “waa tahay, laakiin gurigiina miyaan ku kifaaxi karnaa” ayuu hadal sarbeeb huwan ugu dhiibay, “Meel qaas ah ayaanu beegsan doonaaye adigu bal ii imow” ayayna hadalkii ku soo gaabisay.
Markii Ladan ay gurigoodii gaartay  waxay reerkoodii hor dhigtay  khudrad kala nooc nooc ah oo ay horey ugu soo iibisay, halkii ay su’aalo dalxiiska ku saabsan ay ka weydiin lahaayeenna waxay ku mashquuleen oo si faakihaysi ah u muudmuudsadeen khudraddii wacnayd ee dabiiciga ahayd ee Ladan ay u keentay.
Maqribkiiba Liibaan  wuu isa soo diyaariyey, Ladanna waxay waalidkeed ka dhaadhicisay inay Liibaan u raacayso Footada oo sawirkii baasaboorka loogu dhejin lahaa ay ka soo qaadayso, taana waa laga ogolaaday, balse qorshuhu sawir ma ahayne ujeeddo kale ayaa ku dhex qarsooneyd oo qorshahoodu wuxuu ahaa inay isla soo kifaaxaan  maadaama ay noqdeen lamaane xalaal isu ah oo Marwo iyo Sey isu ah.
Liibaan ayaa ku yiri “haye Ladan xaggee baad inoo xushay  inaan Caawa ku kifaaxno?” Ladan oo iyadu qorshaha goor hore dajisay ayaa ku tiri “Ugu horreyn sawirka ayaad galeysaa oo Footada ayaan ka dhacaynaa, kadibna waxaan sii mareynaa baarka ugu xulsan magaalada oo aan ka casheynaynaa, kadibna waxaan tagaynaa goobtii aan ku kifaaxi lahayn oo aan u qorsheeyay Hotel aan ka kireysanno qol ay yaalaan Labo sariir oo loogu talo galay  lamaanayaasha is qaba, saacado uun baan halkaa ku qaadanaynaa kadibna xaafaddeena ku soo laabanaynaa”,  “sow okey ma aha qorshahaas” ayayna u sii raacisay.
Liibaan isagu nin la wato ayuu ahaaye war kasta oo Ladan afkeeda ka soo fula haye ayuu iska dhahayay kadibna sidii qorshuhu ku socday ayaa loo  fuliyey habeenkaas.  Nasiib wanaag,  Kifaaxii habeenkaas iyo dhagdhatii gogosha waxay Ladan ku qaadday ugxaantii ubadka kadib markii si la yaqaano ay u wada raaxeysteen iyada iyo Liibaan.
Xaal wuxuu sidaa ahaadaba Liibaan waxaa si degdeg ah loogu soo dhammeeyay safarkii uu ugu ambabixi lahaa dibadda, maalin Isniin ah abaarihii 9:00 subaxnimo oo ay qaddar daqiiqado ahi wehliyaan ayuuna ka dhoofay gegidda diyaaradaha laga hago ee Muqdisho.
Liibaan weligiis diyaarad uu fuulo iska daaye garoonka ay diyaaraduhu soo caga dhigtaan kana haadaan ma uusan gelin inuu sheedda ka bidhaansado mooyaane, waxayna ahayd maalintii ugu horreysay ee uu diyaarad raaco….. dardaaran iyo is macsalaameyn ayayna galeen isaga iyo Ladan, halka Ayeeyadiis iyo Adeerkiis oo iyaga aan qorshaha waxba ka wadin ay guriga isku soo macsalaameeyeen, halkaasna kaga soo hareen  maadaama uu ahaa nin la hoggaaminayo oo duul kale qorshihiisa ay wadaan, waxa kaliya oo ay ugu kaalmeeyeen duco iyo dardaaran.
La soco Axadda kale
W/Q: C/raxmaan Cumar (Caaqil  Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 24aad)
Markii la gaaray Maalintii ballanta Dalxiiska ee Masaafadu ay ku qarsooneyd Liibaan wuu is diyaariyey, Ladanna Kaamarooyinkeedii ayay sii diyaarsatay, Jamaalna inta Gaarigii Odayga goobtiisii shaqada ku geeyay ayuu Odayga ka soo qaatay Boono shidaal, kadibna inta shidaal ku soo dhaamiyey Salbatooyadii Gaariga ayuu isagoo Lamaanihii wada abaaray waddadii degmada Marka geynaysay.
Liibaan maalintaas aad buu isu soo dhalaaliyey oo dhar lebis qurxoon oo ay Ladan carwo kaga soo iibisay ayuu isku soo giijiyey, iyana kama aysan liidan oo dharkeedii ugu bilicda qurxoonaa ayay ku soo lebisatay, dareen farxad  leh ayaana qalbiyadooda ka ifeysay.
{Adduunku waa hooska labadiisa gelin} waxaa layaab lahayd shalay sida uu ahaa Liibaan iyo maanta sida uu yahay, Surwaal salka ka karkaran ayuu iskuulka ku dhiganayay, shaarka uu Iskuulka ku dhigtana marmar lebis uu magaalada kula xarshaasho ayuu u ahaa, haatanna waa kan lebiska ay xirtaan dadka hantida leh ayaa jirkiisa ku jira “Adduunyo haddey ku rabto sida Liibaan ayay garab ku siin”.
Inkastoo gurigoodu cariish ahaa, quutul yoonkiisana qabri  qodis lacag  laga soo helo uu ku qotomay  haddana muuqaalkiisa aad ayuu maalintaa u bilnaa oo la isma lahayn kanaa qabri qode ah oo guri cariish ah ka soo toosay…..dad badan ayaa la yaabannaa isbedelka degdega ah ee Liibaan ka muuqda walow  badankood ay ogaayeen inay Ladan ka dambeyso, haddana sidaas oo ay tahay  wey milicsanayeen muuqaalkiisa.
“…….Waah waah waxaasaa kaa Jacayl ah”, Jamaal ayaa inta kula kaftamay hadalkaas weliba u daaray hees aad u macaan toobiyaha ku hagay gaarigii, waqti dheerna kuma aysan qaadan inuu gaariga hor qotomiyo mid ka mid ah aqalada la isku mehriyo ee tuulada Cagaaran ee lamaanayaasha isa soo xusha iyo kuwa ka baqa in la isu diido ay iska mehersadaan, waxaana markiiba loo dhammeeyay howshii ay u socdeen, weliba waxaa lagu yiri “haddii aad rabtaan Caawa halkan waad ku dhixi kartaan oo waxaa jira qolal gaar ah oo Lamaanayaasha loo firaasho  oo aad ku baashaali kartaan xoorta Caashaqna aad kuwada dhami kartaan”  laakiin taa
way ka cudurdaarteen oo qorshahoodu wuxuu ahaa in iyagoo aan la fahmin dib ugu laabtaan xaafaddoodii, waxayna ka soo dhaqaaqeen goobtii.
Ladan waxay wadaha ka codsatay in degmada Marka uu ku weeciyo si  ay sawiro xusuus leh isaga soo qaadaan, maadaama ay tahay magaalo qadiimi ah, sidoo kale degmada Shalambood ayay sawiro isaga soo qaadeen, kadibna  Afgooye ayay ku soo biyo shubteen oo sawiro xusuus gaar ah xambaarsan ku galeen, saacado kadibna ku soo laabteen hoygoodii Muqdisho.
La soco Axadda kale
W/Q: C/raxmaan Cumar (Caaqil  Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com
Sheekadii DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 23-aad)
Ladan waxay qaadatay taladii uu u soo jeediyey Jamaal oo ay u aragtay guul iyo kifaax caashaq, waxayna isla Subixii xigtay u bandhigtay Liibaan oo arrinka u gudbisay, laakiin Liibaan arrinkaa wuu ka qalqalay oo ka jareeyay “maad naga deysid abaayoy mafaaso iyo dhibkeeda…ka waran haddii waalidkaa nagu ogaadaan….. markaasna aniga lafaha la iga garaaco, kolay adiga wax laguma yeelayee…… abaayo aniga kuma jiro arrintaas….maya….maya dhib iga dheer isku soo jiidi mayo, Jaamacaddeydana iska carqaladeyn maayo” ayuuna isagoo gacmaha ka dhidhidaya ugu war celiyey.
Ladan oo geesinimo gelinaysa Liibaan ayaa ku tiri “Oo kaalya Liibaan walaalow anigoo gabar ahba arrinkaas waan u bareeriye adigoo nin rag ah oo Boqolow ah miyaa ka baqaya? War xitaa haddii la ogaado sow aniga iima darna, teeda kale si aan laguu ogaan ayaan yeelaynaa oo isla Gaariga aabahay ayaan qaadanaynaa oo Jamaal ayaa ina kaxaynaya waxaana leeyahay sawir xusuuseed ayaan iska soo qaadeynaa aniga iyo Liibaan oo beeraha loo dalxiis tago ee degmada Afgooye ku yaala ayaan tageynaa, dhowr mar xitaa aniga iyo Aabahay ayaa isu raacnay, wuuna naga yeelayaa taas”.
Liibaan arrintaas si kasta wey ku cuslaatay oo madaxa ka gilgilay, “Jamaal ayaa nakaxaynaya aa…… isagaaba noqonaya ninka ugu horreeya ee ina kashifa sow darawalka aabahaa ma aha,  raali ahow abaayo, aniga baxar ha i gelinin” ayuu Liibaan hadalo naxdin leh ku yiri, una muujiyey Ladan in arrintaas ay isaga ku adag tahay.
Kama aysan quusan Ladan in ay Liibaan ka dhaadhiciso qorshahaas oo ay iyadu u aragto mid jacaylkeeda xarig adag ku guntaya, waxayna u sheegtay in Jamaal yahay ninka arrintan u soo hindisay, sidoo kale waxay u sheegtay in waalidkeed ay doonayaan kala geyntooda oo dhoofka uusan daacad ka ahayn, “marka inta goori goor tahay aan is mehersanno inta aadan ambabixin si aan uga hortagno shakiga jira” ayay ku tiri Ladan oo dhan kasta wax ka fahamsiineysa Liibaan si ay jacaylkeeda ugu samayso difaac adag.
Fakar gaaban kadib inkastoo ay buuraha kala cusleyd Liibaan wuu aqbalay qorshihii Ladan u soo jeedisay, wuxuuna taa u yeelay isagoo ugu horeyn  diidanaa in qorshe ay Ladan wadato uu ka horyimaado iyo  in ay dhici karto warka ay sheegeyso oo sababta loo dhoofinayo ee qarashka badan loogu qasirayo ay tahay sidii loo kala geyn lahaa ee aysan wanaag iyo ka ahayn horumar.
Ladan markiiba waxay u kuur gashay sidii arrinkaas ay u fududeyn lahayd, waxayna durbadiiba u tagtay Aabaheed oo ku tiri “Aabow maadaama uu Liibaan dhoofayo, waxaan rabaa inaan sawiro xusuuseed aniga iyo isaga isla soo galno, marka noo ogolow in Jamaal noo kaxeeyo beerihii miraha dhirta qurxoon leh ee Afgooye oo adiga, aniga iyo hooyo u dalxiis tegi jirnay”.
Ileyn la yiri “Sir naageed lagama sal gaaro” Aabaheed waxay ka dhaadhicisay qorshihii ay wadatay oo daacad ayuu ka mooday, markii  ay ku tiri Jamaal ayaa na kaxaynayana wuxuu is yiri “Hadduuba darawalkaaga la socdo waa hagaag oo waa lagu kalsoonaan karaa”  markaasuu isagoo niyadda u dhis ay ka tahay ku yiri “Waa hagaag, laakiin marka aad  soo laabataan Liibaan u sheeg ha galo Sawir teesaro ah oo Black and White (Cad iyo madow) ah si aan Baasaboorkiisa ugu soo fududeeyo”, iyana waa farxaddeedee inta “Haye” tiri ayay danaheedii ka sii wadatay.
Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 22-aad)
Inta aamustay oo hadalkii ka kala go’ay ayay haddana la soo hinqatay “arrintani waa calaamad su’aal, welibana Calaamatu layaab wadata, laakiin macno malaha siriqda ay Jacaylkeyga u dhigayaan  sidii aan kaga baxsan lahaa ayaan anigana qorshihii aan kaga badbaadi laha adegayaa”.
Jamaal wuu gartay in Ladan ay wax fahamtay “Maxaa mar hore inaad sidan u fakarto lagaaga waayay, aniga in Jacaylkaaga kuu badbaado oo Liibaan aad is hanataan ayuun baa doonayaa ee qorshe kale oo aan wato ma jirto, aniga shaqaalihiina ayuun baan ahay, berri ka maalin shaqadiina waan ka tegi karaa, marka adigalee kaa taxadaraayay oo miskiinka Liibaan inuusan  bohol gelin ayuun baa rabaa”.
Ladan oo inay hadasho u holatay ayuu Jamaal kaga hor maray hadalkii oo yiri “Waa tahay hadda maxaad damacsan tahay inaad sameyso Ladaney?” “Aboowe qorshuhu wuu iska badan yahay, laakiin adiga ayaan kaa rabaa inaad talo iga siiso arrintan”.
Jamaal inta cirka eegay oo sidii ay wax uga soo dhacayaan indhaha sare u goday ayuu la soo hinqaday “Haa, talo haddaan hayaa” “Haye, bal soo daa” ayay Ladan la soo boodday iyadoo neef-tuureysa “Horta waalidkaa Liibaan qorshaha dhoofka ha u dhammeeyaan, waalidkaana u sheeg in aad dhowreyso ilamaa uu ka soo laabanayo, laakiin qorshaha ay wataan haddii uu kala fogeys yahay waxaa looga hortagayaa in adiga iyo Liibaan aad isla baxsataan oo tuulada Cagaaran ee degmada Marka iska soo meher qarsataan, markaa wax kasta oo waalidkaa la yimaado waxba kaama aysan gelin oo Liibaan xarig ayaad ugu jirtaa”.
“Wallaahi waa talo wanaagsan, ka noqosho maleh hadda ayaan taa fulinayaa, kheyr Alle haku siiyo” ayay si marxabeyn ah u tiri Ladan oo uga  mahad celisay Jamaal fikirkaas wacan ee uu u soo jeediyey.
La soco Axadda kale (Insha Allaah)
Qalinkii: C/raxmaan Cumar (Caaqil  Dalmar)
caaqildalmar@hotmail.com.