NEWS AND ENTERTAINMENT

Xukuumadda oo maanta hortageysa Baarlamaanka Soomaaliya, laguna wado in loo qaado codka kalsoonida
Waxaa saakay lagu wadaa inuu Baarlamaanka Soomaaliya hortago Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} si codka kalsoonida looga qaado, sidoo kalena uu u horgeeyo Baarlamaanka qorshaha xasilinta dalka ee ay soo diyaarisay Xukuumadda Soomaaliya ee uu isag hogaamiyo.

Sida warku sheegayo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay xaadir ku noqday aroor hore xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in mudanayaashii mooshinka ka keenay Ra’isul wasaare Saacid iyo Xukuumaddiisa ay si koox koox ah u shirayaan xarunta Baarlamaanka banaankeeda iyo gudaheeda.

Kulanka ayaa lagu wadaa inuu shir gudoomiye Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo horay uga dalbaday Ra’isul wasaaraha inuu horyimaado Baarlamaanka Soomaaliya si codka kalsoonida loogu qaado.

Wixii war ah ee ku soo kordha arrinkan dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa haddii uu Ilaah raali ka noqdo, iyadoo ay xusid mudantahay in wararka qaar ay sheegayaan in dib loo dhigay hortagistii Ra’isul wasaaraha ee Baarlamaanka.

Hindiya iyo Shiinaha oo ku heshiiyay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada amniga iyo
Ka dib kulan si wada jir ah u wada qaateen Ra’isul wasaarayaasha dalalka Shiinaha iyo Hindiya ayaa waxay ka wada hadleen arrimoaha dalka Soomaaliya, sidoo dowladda Soomaaliya ay gacanta ugu wada dhigi laheyd dalka oo dhan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen taageeridda dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay guulo waa weyn gaartay.

Ra’isul wasaaraha Shiinaha Li Keqiang iyo Ra’isul wasaaraha dalka Hindiya Manmahan Siin ayaa waxay isku afgarteen sidii ay dowladda Soomaaliya uga taageeri lahaayeen la dagaalka Al-shabaab iyo sidii ay dowladda Soomaaliya isugu fidin laheyd gobolada dalka Soomaaliya oo ay hadda kala maamulaan Al-shabaab iyo maamul goboleedyo fikir ahaan ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.

Manmahan Siin oo ah Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka istaagi ladaghay labo arrimood oo uu ku kala sheegay in Soomaaliya ka istaagi la’ dahay Burcad badeeda Soomaalida iyo Al-shabaab oo dagaal xoogan kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, wuxuuna intaasi ku daray in inkastoo Burcad badeeda Soomaalida saameyn ku yeesheen caalamka oo dhan haddana dalkiisa ay si gaar ah u saameeyeen oo marar qaarkood kooxaha burcad badeeda ay maraakiibta ka qafaashaan meel aan ka fogeen biyaha India,wuxuuna ka codsaday dhamaan beesha caalamka in loo istaago caawinaada la siinayo dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale Li Keqiang oo ah Ra’isul wasaaraha shiinaha ayaa dhankiisa amaanay hormarka Soomaaliya haatan laga dareemayo, isagoo farta ku fiiqay arrimaha caqabadaha ah ee wali Soomaaliya ka taagan,tilmaamayna in sida wada jir ah wax looga qabto, waxayna labadaan mas’uul oo u jeedkooda uu ahaa ka hadalka xariirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya shiinaha iyo Hindiya ayaa qeybaha danbe ee hadalkooda waxay ku soo qaadeen Soomaaliya iyo caqabadaha horyaaal.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaysan wax ciidan ah ka joogin magaalada Kismaayo, kuna baaqday…
Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaacisay inaysan wax ciidan ah ka joogin gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku suganyihiin hadda 5-Madaxweyne oo uu mid kasta sheeganayo inuu yahay kan sharciga ah ee ka talinaya gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Col. Faarax Makooma oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax ciidan ah ka joogin haba yaraatee gudaha magaalada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in ciidan dowladeed ay ka howlgalaan gudaha magaalada Kismaayo oo uu hadda ka jiro is jiidjiid xoogan.

“Waxaan idiin sheegayaa in dowladda Soomaaliya aysan wax ciidan ah ka joogin gudaha dalka Soomaaliya, waxaana cadeynayaa in ciidamada jooga Kismaayo ay gedigooda yihiin ciidan beeleed oo aysan jirin ciidan si toos ah u hoostaga dowladda Soomaaliya, laakiin sidaasi oo ay tahay gobolada Jubbooyinka qaarkood waxaa ka howlgala ciidamada dowladda Soomaaliya, balse Kismaayo ma joogaan” ayuu yiri taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka Col. Faarax Makooma.

Col. Faarax Makooma waxa uu sheegay in kulan gaar ah oo uu la yeeshay Axmed Madoobe aysan ka soo bixin wax natiijo ah, wuxuuna xusay in Axmed Madoobe uu u sheegay in gebi ahaanba ciidamada jooga magaalada Kismaayo ay hoostagaan maamulka uu isagu Madaxweynaha ka yahay ee Jubbaland aysanna jirin ciidan dowladeed ama ciidan kale oo Kismaayo ka howlgala, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in si degdeg ah ay ciidamado u geyso gudaha magaalada Kismaayo si ay arrinka u qaboojiyaan.

Dowladda Soomaaliya oo hanjabaad u jeedisay safiirada caalamka Soomaaliya u fadhiya, una yeertay markale
Dowladda Soomaaliya ayaa markale waxay u yeertay gebi ahaanba safiirada dalalka caalamka u fadhiya inay si degdeg ah ku soo galayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya si baa la yiri looga hadlo qorshe ay damacsantahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

War ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa lagu sheegay in dhammaan safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka dibadda lagu wargeliyey inay dalka ku soo xaroodaan si degdeg ah, iyadoo safiirada la faray in safiirkii amarka u hogaansami-waaya ay dowladda u arkeyso mid wada dano dowladda ka dhan ah, isla markaasna xilka laga qaadi-doono.

Warka ayaa waxaa lagu sheegay in sababta safiirada loogu yeeray ay tahay iyadoo wasaaraddu qorsheynayso inay dib u habeyn iyo isku shaandheyn ay markale ku sameyso safiirada dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka ee ay Soomaaliya safaaradaha ugu furanyihiin, waxaana la sheegay in qaar badan oo ka mid ah safiirada ay weyn-doonaan xilalkooda, halka kuwo kalena la isku shaadheyn doono.

Waa markii labaad oo ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u yeerto safiirada caalamka u fadhiya, waxayna sidan oo kale labo bil ka hor ay ugu yeertay aysan imaanin safiiradii loo yeeray intooda badan, lamana oga go’aanka ay wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya qaadan doonto haddii ay safiirada imaan-wayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ah xarunta dowladda Soomaaliya ay ka howlgasho hadda.

Wafdi isugu jira Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha oo safar ku tagay Kismaayo
Wararka aynu ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay magaaladaasi ay gaareen wafdiyo kala duwan oo ka kala socday dowlaha Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha, kuwaas oo la sheegay inay u kuurgalayaan xaaladda Kismaayo iyo doorashooyinka muranka dhaliyey ee halkaasi ka jira.

Sida warku sheegayo wafdiga ayaa markii ay gaareen magaalada Kismaayo waxay kulamo kala duwan la qaateen Axmed Madoobe oo ka mid ah Madaxweynayaasha faraha badan ee ka jira magaalada Kismaayo iyo ku xigeenkiisa, kuwaas oo ay kala hadleen sidii loo xallin lahaa arrinka gobolada Jubbooyinka iyo sidoo hal Madaxweyne oo lagu mideysanyahay loogu dooran lahaa Jubbooyinka, beelaha degana loo qanciyo.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulanka ay la qaateen wafdiyo kala duwan oo ka kala socday dowlaha Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha oo uu sheegay inay kala hadleen xaaladda kacsan ee Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray in maamulkooda ay u balanqaadeen inay la shaqeyn doonaan sida uu yiri.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in socdaalka wafdigan ay Kismaayo u tageen sidii ay mashaariicyo kala duwan uga fulin lahaayeen Kismaayo, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay ka socdeen wafdigaasi shirkado shidaal baarayaal ah oo doonaya inay Jubbooyinka shidaal ka soo saaraan, kuwaas oo la sheegay inay heshiis kala saxiixdeen Axmed Madoobe iyo maamulka uu hogaamiyo oo kulan albaabada u xirnaa ay la yeesheen.

Taliska AMISOM oo ka hadlay howlgalo dad badan lagu qabqabtay oo oo Muqdisho ka dhacay
Waxaa shalay maalintii labaad magaalada Muqdisho ka dhacay howlgalo dad badan lagu qabqabtay oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo booliska AMISOM, waxaana howlgalkaasi ka hadlay taliska ciidanka AMISOM oo sheegay inaysan joojin doonin howlgalada, isla markaasna guriguri ay u gelidoonaan xaafadaha magaalada Muqdisho si ay ammaanka u sugaan.

Howlgalka ayaa waxa uu xoogiisu ka dhacay xaafadaha ay ka koobantahay degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafadaha kala ah Xarayaale, Labadhagax, Xamarjadiid, Maxamuud Xarbi iyo Lakari halkaas oo ay ciidamadu ka sameeyeen howlgal ay dad badan ku soo qabqabteen, waxaana la xaqiijiyey in howlgala ay socon doonaan, waxaana la sheegay in lagu qabtay howlgalkaasi dad ka badan 500-ruux.

Sida warku sheegayo dadka la qabqabtay ayaa u badnaa Arday Iskuulo iyo Jaamacado u jarmaadayey, sidoo kalena dadka ay ciidamadu qabanayaan ayaa waxaa ku jira dadka subixii hore shaqooyinka kala duwan u kalahayey, waxayna ciidamadu si aad ah u ugaarsanayeen sida la sheegay dhalinyarada ay dadoodu ka hooseyso 40-sano jirka.

Dhinaca kale afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsanaa ammaanka Muqdisho, isagoo ka hadlay howlgalo balaaran oo shalay Muqdisho laga sameeyay, wuxuuna sheegay in howlgalada Muqdisho ka bilowday ay socon doonaan illaa iyo  ammaanka laga xaqiijiyo, guryaha xittaana ay baaritaano ku sameyn doonaan.

“AMISOM marnaba ma ogolaan doonto in qalqal la geliyo ammaanka, howsheena waa inaan ka hortagnaa qataraha ka imaan akara Al-shabaab, howlgalada kuma ekaan doonaan gawaari la baari doono keliya iyo jidad la xiro ee guryaha iyo dadka socda ayaa la baarayaa, ciidamada Soomaaliya waxay la shaqeynayaan AMISOM Booliskeeda, albaab kastana iyagaa galaya oo baaraya” ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad.

Guddoonka Baarlamaanka oo digniin culus u jeediyay Xildhibanada, dalbadayna in…
Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa aan soo xaadirin kulamada ay Baarlamaanku yeeshaan, waxaana digniintan jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin mudanayaasha ka maqnaada kulamada Baarlamaanka.

Jaylaani Nuur ayaa sheegay in Xildhibaankii soo xaadiri waaya kulamada Baarlamaanka uu waayi doono xubinnimadiisa Golaha Baarlamaanka, wuxuuna ugu baaqay dhammaan mudanayaasha ka maqan kala fadhiyada Baarlamaanka inay si degdeg ah u soo xaadiraan una gutaan hawshii loo xilsaaray, wuxuuna yiri “Xaq ma aha in Xildhibaan uu maalin walba u soo jarmaado howlaha Baarlamaanka midkalane uu dibadaha iska dalxiisa, isla markaasna ay uu gunnada iska qaato”.

Guddoomiye Jaylaani ayaa sheegay inay muddo badan ka dhursugeen in mudanayaashaasi ay ka waantoobi doonaan ka maqnaanshaha kulamada Baarlamaanka balse xilligan uu ka dhammaaday dulqaadkii, isla markaasna ay ka qaadi doonaan tallaabada ku habboon, wuxuuna intaas ku daray inay ka adeejin doonaan Guddiga anshaxa Baarlamaanka oo dabagal ku sameyn doona, isla markaana ay ku qaadi doonaan xeer hoosaadka u qoran Baarlamaanka.

Hadalka ka soo yeeray Guddooomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa salka ku haya hadal uu sidan oo kale uu Baarlamaanka u jeediyay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka digay ka maqnaanshaha kulamada Baarlamaanka xubno badan oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka.

Shil geystay khasaare badan oo ka dhacay gobolka Gedo iyo faahfaahino ka soo baxaya
Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo wararka naga soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in shalay magaaladaasi uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaarooyin kala duwan, waxaana la sheegay in shilkaasi gaari ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii la socday labo gaari oo isku dhacday.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa ku waramaya in maanta magaaladaas uu ka dhacay shil gaari oo khasaare nafeed geystay, gaariga ayaa la tilmaamay inuu shilka galay ka dib markii darawalkii waday uu xakamayn waayay gaariga oo si xawli ah ku socday xiliga uu shilku dhacayey.

Baabuurka shilka galay ayaa kamid ahaa gaadiidka dadweynaha ee ka dhex-shaqeeya gudaha wadooyinka magaalada Garbahaarey, waxaana la sheegay in shilkaasi uu ku dhintay halruux, halka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 5-ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga shilka galay la socday.

Mas’uuliyiinta maamulka magaalada Garbahaarey ayaa la sheegay inay u gurmadeen dadkii ku dhawacmay shilkaasi kuwaas oo ay u daad gureeyeen isbitaalka magaaladaas, saraakiisha caafimaadka Isbitaalka degmada Garbahaarey oo ka hadlay dhaawacyada ka dhashay shilka ayaa ka deyriyey dhaawaca 2 ka mid ah 5-tii ruux ee ku dhaawacmay shilkaasi gaari, waxayna sheegeen in dhaawacyadooda loo qaadi doono magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya si loogu soo  dabiibo xaaladooda caafimaad, maadaama aysan iyagu waxba ka qabankarin xaaladooda caafimaad.

Si kasta oo ay ahaataba shilalka gaari ee khasaaraha geysta ayaa dalka ku soo badanayey xiliyadii burburka  wixii ka dambeeyay, waxaana loo aaneeyaan arrimo dhowr ah oo isbiirsaday, kuwaas oo ay ugu horeyso wadayaasha gaadiidka oo aan  aqoon ku filan u laheyn wadida gaadiidka iyo wadooyinka dalka oo uu soo gaaray burbur xoogan.

Maamulka Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya
Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadal 18-kii bishan May ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, isla markaasna aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay mid salka ku haya caadifad qabiil sida ay Somaliland sheegtay.

Wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warfidiyeenka la hadlay ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in madaxbannaanida Somalialnd ay salka ku heyso caadifad waqtigeedii laga soo gudbay, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku riyooday wax aan suuragal aheyn, isla markaasna dhalanteed ah oo aan loo baahneyn xilligan.

“Shacabka reer Somaliland waxay xuska 18-ka May muujiyeen dareenkoodii, waxay la hadleen qof kasta oo niyaddiisu hooseysay ama welwel ku jiray oo u baqayey Somaliland, waxaa kale oo ay la hadleen Soomaaliya oo aan weli ka quusan midnimadii, laakiinse dadka reer Somaliland ay muujiyeen in midnimadu aheyd mid markii hore iyagu ula tageen, markii dambena iyagu go’aansadeen inay la soo noqdaan madaxbannaanidoodi” ayuuyiri wasiirka madaxtooyada Somaliland.

“Waxaan leeyahay mas’uuliyiinta Soomaaliya ee dareenka shacabka Somaliland sida khaldan uga jawaabaya ee caadifadda ku tilmaamay wuxuu kaasi la mid yahay kii hore u dafiray dareenkii reer Somaliland markii 1960-kii la isku daray ee yiri dadka reer Somaliand waxba loogama baahna ee quursaday ee kellifay inay qoriga qaataan,dhiiggooda daadiyan iyo waqtigii dheeraa ee ay u dagaalameen xornimadooda, waxaan hubaa hadda inay u dagaalami donaan jiritaankooda, dhaqaalahooda iyo xornimadoodba, waxay hore ula dagaallameen maamulkii Siyaad Barre oo ahaa xilligaas dowladihii Afrika ugu xoogga weynaa, Xasan Sheekhna sidaasi oo kale ayaan isaga iyo maamulkiisa ula dagaalami-doonaa” ayuu yiri wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Yuganka oo kala bedel ku sameysay ciidamadeeda jooga Soomaaliya, lana baxday qaar ka mid ah
Dowladda Yugandha ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadeeda jooga gudaha dalka Soomaaliya ay kala baxday oo ay dib ugu laabteen dalkooda, waxaana tirada ciidamada Yugandha ee dalkooda dib loogu celiyey lagu sheegay inay gaareyso hal batalyan oo askari iyo wax ka sii badan sida laga soo xigtay Wageysyada ka soo baxa dalka Yugandha.

Sida warku sheegayo hal batalyan oo ka tirsan ciidamada dalka Yugandha ee AMISOM ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya ayaa dalkooda dib ugu noqday ka dib 13-bilood oo ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya, waxaana sababta ciidamadaasi dalkooda dib loogu celiyey lagu sheegay inay tahay bedel oo kaliya.

Ciidamada halka batalyan ah ee dalkooda dib loogu celiyey ayaa waxaa lagu magacaabaa Group 9+, waxaana xaflad sagootin ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha u saraysa ciidanka dowladda Yugandha ee jooga gudaha dalka Soomaaliya, waxaana halkaasi lagu soo dhaweeyay hal batalyan oo bedel u noqonaya ciidamada dalkooda dib loogu celiyey.

Si kasta oo ay ahaataba ciidamadan ka socda dalka Yugandha ee dalkooda dib loogu celiyey ayaa timid ka dib markii ay magaalada Muqdisho ku sugnaayeen sida la sheegay muddo sanad iyo hal bil ah, waxayna Somaaliya yimaadeen ciidamadaasi sida uu shaaciyey taliyaha ciidamada Yugandha bishii April 2012-dii, waxaana ay ku guuleysteen ayaa la yiri inay sugaan amniga Muqdisho iyo hareeraheeda, iyagoo cagta mariyey ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska ciidanka Yugandha ee ku sugan Muqdisho ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa xerada Maslax, magaalada Jowhar, Huriwaa illaa iyo dekadda Ceelmacaan, waxaana lagu soo bedelay ciidamo lagu magacaabo Group 11+ oo uu hoggaamiye u yahay Col. Lagu magacaabo Hassan Kimbowa.