Category archives for: WARARKA UGU DAMBEEYA

Xukuumadda oo maanta hortageysa Baarlamaanka Soomaaliya, laguna wado in loo qaado codka kalsoonida

raff

Waxaa saakay lagu wadaa inuu Baarlamaanka Soomaaliya hortago Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} si codka kalsoonida looga qaado, sidoo kalena uu u horgeeyo Baarlamaanka qorshaha xasilinta dalka ee ay soo diyaarisay Xukuumadda Soomaaliya ee uu isag hogaamiyo. Sida warku sheegayo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saakay xaadir ku noqday aroor hore xarunta Baarlamaanka [...]

Hindiya iyo Shiinaha oo ku heshiiyay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeraan dhinacyada amniga iyo

ttt

Ka dib kulan si wada jir ah u wada qaateen Ra’isul wasaarayaasha dalalka Shiinaha iyo Hindiya ayaa waxay ka wada hadleen arrimoaha dalka Soomaaliya, sidoo dowladda Soomaaliya ay gacanta ugu wada dhigi laheyd dalka oo dhan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen taageeridda dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay guulo waa weyn gaartay. Ra’isul wasaaraha [...]

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inaysan wax ciidan ah ka joogin magaalada Kismaayo, kuna baaqday…

ciidamo1-330x240

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay shaacisay inaysan wax ciidan ah ka joogin gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, halkaas oo ay ku suganyihiin hadda 5-Madaxweyne oo uu mid kasta sheeganayo inuu yahay kan sharciga ah ee ka talinaya gobolada Jubbooyinka. Taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee gobolada Jubbooyinka [...]

Dowladda Soomaaliya oo hanjabaad u jeedisay safiirada caalamka Soomaaliya u fadhiya, una yeertay markale

Dowladda Soomaaliya ayaa markale waxay u yeertay gebi ahaanba safiirada dalalka caalamka u fadhiya inay si degdeg ah ku soo galayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya si baa la yiri looga hadlo qorshe ay damacsantahay dowladda Federaalka Soomaaliya. War ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa lagu [...]

Wafdi isugu jira Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha oo safar ku tagay Kismaayo

Wararka aynu ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in shalay magaaladaasi ay gaareen wafdiyo kala duwan oo ka kala socday dowlaha Mareykanka, Midowga Yurub iyo Shiinaha, kuwaas oo la sheegay inay u kuurgalayaan xaaladda Kismaayo iyo doorashooyinka muranka dhaliyey ee halkaasi ka jira. Sida warku sheegayo wafdiga ayaa markii [...]

Taliska AMISOM oo ka hadlay howlgalo dad badan lagu qabqabtay oo oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa shalay maalintii labaad magaalada Muqdisho ka dhacay howlgalo dad badan lagu qabqabtay oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo booliska AMISOM, waxaana howlgalkaasi ka hadlay taliska ciidanka AMISOM oo sheegay inaysan joojin doonin howlgalada, isla markaasna guriguri ay u gelidoonaan xaafadaha magaalada Muqdisho si ay ammaanka u sugaan. Howlgalka [...]

Guddoonka Baarlamaanka oo digniin culus u jeediyay Xildhibanada, dalbadayna in…

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa aan soo xaadirin kulamada ay Baarlamaanku yeeshaan, waxaana digniintan jeediyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar oo sheegay in hadda wixii ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin mudanayaasha ka maqnaada kulamada Baarlamaanka. Jaylaani Nuur ayaa sheegay in Xildhibaankii [...]

Shil geystay khasaare badan oo ka dhacay gobolka Gedo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo wararka naga soo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in shalay magaaladaasi uu ka dhacay shil gaari oo geystay khasaarooyin kala duwan, waxaana la sheegay in shilkaasi gaari ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii la socday labo gaari oo isku dhacday. Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbahaarey ee [...]

Maamulka Somaliland oo jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya

wasiir

Maamulka Somaliland ayaa jawaab ka bixiyey hadal 18-kii bishan May ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya, isla markaasna aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay mid salka ku haya caadifad qabiil sida ay Somaliland sheegtay. Wasiirka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo warfidiyeenka la hadlay [...]

Yuganka oo kala bedel ku sameysay ciidamadeeda jooga Soomaaliya, lana baxday qaar ka mid ah

Uganda_Flag

Dowladda Yugandha ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ciidamadeeda jooga gudaha dalka Soomaaliya ay kala baxday oo ay dib ugu laabteen dalkooda, waxaana tirada ciidamada Yugandha ee dalkooda dib loogu celiyey lagu sheegay inay gaareyso hal batalyan oo askari iyo wax ka sii badan sida laga soo xigtay Wageysyada ka soo baxa dalka [...]

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK