Category archives for: <= SHEEKADA

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ(Qaybta 31aad)

sheeko-dhoof

Ciiloy ba’  talo farahey ka baxday, dhegaha ayaa farta lawada qabsaday, cid cid kale la hadasha ayaa la waayay, indhaha in la isku gubo mooyaane, juuqdii baa la gabay, balse Ladan ayaa si xor ah u hadashay oo Aabaheed iyo Hooyadeed kahor sheegtay in uurka ay siddo uusan Wacal aheyn ee Liibaan aabbe u yahay. [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 30-aad)

sheeko dhoof

Si kasta oo uu xaal ahaadaba Liibaan dhowr warqad oo uu u soo diray Ladan lama soo gaarsiin oo aabaheed ayaa qashinka ku daray, mana uusan bedeli jirin ereyada si dhib kale uusan ugu imaan gabadhiisa, iyadoo Ladan dhowr warqad oo ay u dirtay Liibaan aysan gaarin maadaama sanduuq boostihii loogu qoray warqadda la been [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 29aad)

sheeko dhoof

Aabeheed iyo Hooyadeed oo ka war sugayay  jawaabta ka soo yeeri doonta gabadhooda oo iyagu u fasirtay in warqadda marka ay akhrisato kadib inta u timaado ku tiraahdo “Liibaan wuu i soo deyriyay ee wiilka aad rabtaan i siiya, waan idinka duceysanayaaye” ayaa qeyladii gabadhooda iyo sal juglaha ay u dhacday naxdin iyo argagax ka [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 28aad)

sheeko dhoof

Markii ay is macsalaameeyeen kadib ayaa waxaa guriga soo gashay Ladan oo ka timid Iskuul ay ka baraneysay luqadda Ingiriiska oo ay gelinka dambe aadi jirtay, iyadoo Jamaalna uu gaariga ku geyn jiray, markii ay soo gashay aabaheed ayaa ugu bishaareeyay inuu u hayo akhbaar ay ku farxi doonto, “Owguuriyo gabadheydiiyey waxaan manta kuu hayaa [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 27aad)

sheeko dhoof

Liibaan wuxuu warqadda ku soo hagaajiyey Boosto uu lahaa Ladan aabaheed, maadaama iyadu aysan lahayn boosto u gaar ah, laakiin markii ay warqadda gacanta Oday Jaamac ku soo dhacday, sidii qorshuhu ahaaba isagoo farxad la reynreynaya ayuu  markiiba ka furay bashqaddii kadibna wada akhriyay ereyada ku qoran oo uu la yaabay sida uu Liibaan u [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 26aad)

sheeko dhoof

Liibaan ma uusan ogeyn in Ladan habeenkii uu la kifaaxayay wax ku bideen, sidoo kale iyaduna lama aysan socon arrintaas oo carruur ayay ka ahayd, laakiin markii walac daran uu asiibay oo ay xannuunsatay xaalkeedana la bixin waayay ayaa Hooyadeed tuhun galay, kadibna weydiisey waxa jira iyo shakiga inuu dhinacaas yahay, laakiin iyadu inkirmaad ayay [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 25aad)

sheeko dhoof

“……Aan kifaaxnee Caawa ii imow” Ladan  ayaa sidaa ku tiri Liibaan, “Waa tahaye halkee iyo goormaa” ayuuna Liibaan ku yiri “Guriga iyo halka saac caawa” ayayna iyana ugu jawaab celisay, “waa tahay, laakiin gurigiina miyaan ku kifaaxi karnaa” ayuu hadal sarbeeb huwan ugu dhiibay, “Meel qaas ah ayaanu beegsan doonaaye adigu bal ii imow” ayayna [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 24aad)

sheeko-dhoof

Markii la gaaray Maalintii ballanta Dalxiiska ee Masaafadu ay ku qarsooneyd Liibaan wuu is diyaariyey, Ladanna Kaamarooyinkeedii ayay sii diyaarsatay, Jamaalna inta Gaarigii Odayga goobtiisii shaqada ku geeyay ayuu Odayga ka soo qaatay Boono shidaal, kadibna inta shidaal ku soo dhaamiyey Salbatooyadii Gaariga ayuu isagoo Lamaanihii wada abaaray waddadii degmada Marka geynaysay.   Liibaan maalintaas [...]

Sheekadii DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 23-aad)

sheeko dhoof

Ladan waxay qaadatay taladii uu u soo jeediyey Jamaal oo ay u aragtay guul iyo kifaax caashaq, waxayna isla Subixii xigtay u bandhigtay Liibaan oo arrinka u gudbisay, laakiin Liibaan arrinkaa wuu ka qalqalay oo ka jareeyay “maad naga deysid abaayoy mafaaso iyo dhibkeeda…ka waran haddii waalidkaa nagu ogaadaan….. markaasna aniga lafaha la iga garaaco, [...]

Sheekadii DHOOF iyo DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 22-aad)

sheeko dhoof

Inta aamustay oo hadalkii ka kala go’ay ayay haddana la soo hinqatay “arrintani waa calaamad su’aal, welibana Calaamatu layaab wadata, laakiin macno malaha siriqda ay Jacaylkeyga u dhigayaan  sidii aan kaga baxsan lahaa ayaan anigana qorshihii aan kaga badbaadi laha adegayaa”. Jamaal wuu gartay in Ladan ay wax fahamtay “Maxaa mar hore inaad sidan u [...]

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK