Category archives for: WARAR AF-SOOMAALIYA

Madaxweynaha iyo wasiirkii ay sida aadka ah isugu dhawaayeen oo khilaaf uu soo kala dhex galay

madax

Wararka ka imanaya Madaxtooyada Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirkii ay sida aadka ah isugu dhawaayeen ee wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Faarax Sheekh C/qaadir ay isku fahmi la’yihiin hanaanka loo kala qeybinaayo Safaaradaha Dowlada Somalia ay ku leedahay Caalamka intiisa kale. Wararku waxa ay intaa kusii [...]

Shariif Xasan oo hub u iibinaya maamulka Saddexda Gobol, dowladdana hub uga qaaday

sharif

Ilo wareed ka tirsan Maamulka Lixda Gobol Ee koofur Galbeed Ee Somaaliya, ayaa  xaqiijiyay in Shariif Xassan uu Jimcihii lasoo dhaafay Maamulka 3-Seddexda Gobol ku wareejiyay dhaqaalo la sheegay in lagu iibinaayo Hub lagula dagaalamo maamulka kasoo horjeeda, waxaana la tilmaamayaa in bishii lasoo dhaafay uu sidoo kale bixiyay Hub la rumeysan yahay in laga [...]

Suuqii ugu weynaa degmada Qoryooley oo gubtay iyo dagaal culus oo ka dhacay degmadaas

gubasho

Dagaal xoogan ayaa habeenkii xalay degmada Qoryooley waxa uu ku dhex maray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya. Dagaalka oo xalay dhacay ayaa waxaa qaaday xoogaga Al-shabaab waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu sababay gubashada Suuqa weyn ee Degmadaasi, kadib markii ay hub waaweyn lagu garaacay suuqaas. Dabka, ayaa [...]

Dowladda oo Afar Nin ku toogatay Magaalada Muqdisho(Magacyada afartaas nin)

afar

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay afar Xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Afarta ruux ee dilka lagu fuliyay ayaa waxaa kamid ah Ruuxii Qaraxa ka fulinaayay Hotelka Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho iyo Seddex ruux oo labo kamid ah dil u geystay [...]

Xildhibaanno si murugo leh uga hadlay dilkii Saado Cali Warsame

dal

Kadib markii daqiiqado kahor ay Kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho Saado Cali Warsame ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahino dheerad ah qaabka uu u dhacay dikeeda. Xilibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa waxa uu sheegay in ay goor dhow ay maqleen in Ladilay Xilibaanada Saado islamarkaana ay aad uga xun ihiin isagoona shegay in [...]

Tahriibayaal Dooni dhexdeeda isku laayay

tah

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya xeebaha u dhaxeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa sheegaya in dhimashada Meeydadka la helay maalmihii ugu dambeeyay ay gaarayaan 181-qof halka dadka la soo badbaadiyay tiro ahaan lagu sheegay 842 -qofood. Qaxootigaan cusub ee soo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga gaar ahaan Jasiirada Lampedusa ayaa waxaa lagu sheegay inay ka [...]

Haweeney askarta dowladda ka tirsanayd oo fagaare lagu toogtay

h

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa  maanta goob fagaare ah ku toogtay haweeney ay sheegeen in ay ka tirsanayd Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haweeneeda la dilay oo lagu magacaabo Farxiyo Cabdi Naasir Maxamed ayaa waxaa daawashada dilkeeda ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan Al-Shabaab iyo dadka Degmada Diinsoor. Haweeneyda maanta [...]

Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo hal goob lagu laayay

ask

Guri ku yaala degmada Shalanbood oo ay isku aruursanayeen Ciidamo ka tirsanaa Dowlada Federaalka Somalia ayaa waxaa lagu qaaday weerar gaadmo ah. Wararku waxa ay sheegayaan in Kooxda Al-shabaab ay weerar ku qaadeen guri ay degnaayeen Askartaas oo gaareysay ilaa 5-askar, waxaana halkaasi lagu laayay gabi ahaan shantaasi Askari. Nuur Cismaan Raage oo ah Gudoomiyaha [...]

Xildhibaanad Saado Cali oo Muqdisho lagu dilay iyo kooxihii dilay oo…

saado

Allaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo ruux la socday, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay [...]

Mareykanka oo baqdin ka qaba hawada Somalia kana mamnuucay diyaaradihiisa Rakaabka inay dul haadan meelo kamid ah dalka itoobiya

Mareykana

Waaxda Maamulka Duullimaadka Hawada sare   ee Federalka Maraykanka “The Federal Aviation AdministratioN (FAA) ayaa ka mamnuucday inay Diyaaradaha Xamuulka iyo Ganacsiga dul maraan Hawada Sare ee dalka Ethiopia. Hadalka ayaa lagu sheegay in la mamnuucay inay Diyaaradahaasi maraan Hawada Sare ee Waqooyiga Ethiopia qiyaas ahaa 12 Digirii, si aysan ula kulmin toogasho la mid ah [...]

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Farshaxanku waa: SOMAALJECEL NEWS NETWORK