1502|1304227800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
![]()
SHEEKADII DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 13aad)
Markiiba Ladan ay alaabadii ku wareejisay Liibaan, kuma aysan sii daahin oo xogtiisa caafimaad iyo sida uu hadda yahay inta weydiisay ayay u sheegtay in ay sii baxayso, iyadoo u sii laabtay waxoogaa lacag oo haddii uu u baahdo dawo iyo baan uu ka sii dhigto, isagana wuxuu u sheegay inuu iska ladan yahay oo berri uu iskuulka imaanayo, kadibna way is macsalaameeyeen.
Liibaan ayeeyadiis oo dharareysay bixitaanka gabadha ayaa wiilkeeda weydiisay Gabadhu waxa ay tahay, wuxuuna Liibaan Ayeydiis sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka ay gabadhu isku barteen iyo inuu jacayl ka dhexeeyo welibana ay iyadu aad u jeceshahay.
Markii Liibaan uu warbixitaas siiyay Duqdii aad bay ugu faraxday isla maraana soo dhaweysay in wiilkeedu lamaane yeesho, “Hooyo gabadhu waa mid wanaagsan oo jacayl ay kuu qabto awgiis may intaannoo alaab ah kuugu keentay (Maashaa-Allaah) tan yeysan kaa fakan, Nabi Qadar ayaa kuu duceeyay hooyo, Nin nasiib leh ayaa tan oo kale hela, haddii aad xiriirka la sii waddo tani wax weyn ayay noloshaada ku soo kordhin kartaa”.
Liibaan oo garaystay hadallada Ayeeyadiis ayaa haddana meel kale wax ka tusiyay wuxuuna ku yiri “Hooyo waxaa la yiri waxan day, waxa ku sii xigana day….. waxaa wanaagsan in taxdar la muujiyo gabadhu waa Bani’aadam wax kasta waa laga filan karaa, anigana runtii jacaylkeeda in muddo ah waan ka meermeeray oo dadka lacagta leh wax la qeybsigooda dhib buu leeyahay, hadday mar kugu sanifaan awood ayay kuu adeegsanayaan oo haadaan kugu ridayaan”.
Duqidii dib ayay u guratay oo inta dhafoorada qabsatay tiri “Wallaahi waa suuragal, laakiin Hooyo ku danayso kana danayso, caqliga ayaan kugu jeclahaye”.
Markii ay in muddo ah ka soo wareegatay lamaanayaasha Ladan iyo Liibaan jacaylkoodii wuu kobcay oo faafay, dhammaan Ardaydii ay isku fasalka ahaayeen ayaa hadal heynta Cishqigooda suuqa geliyey, taasina waxay dhibtay Waalidkii dhalay Ladan oo ka gilgishay in iyagoo dad magac ku dheh bulshada oo caan ah ay gabadhooda Wiil faqiir ah oo Qoys Qabriga qoda ka dhashay jacayl la wadaagto.
Ladan aabaheed ayaa si aad ah uga gilgishay hadal heynta faraha badan ee qeexeysa in gabadhiisa Ladan ay jacayl wadaag la tahay wiilka nolosha liita ku nool, taasoo uu u arkayay ceeb uusan garaneyn meel uu kaga dhuunto isagoo karkaraaya ayuu u yimid Xaaskiisa oo latashi ku saabsan sidii Liibaan iyo Ladan degdeg loogu kala reebi lahaa la sameeyay….
Nin karka ka batay ayuu ahaaye wuxuu isla markiiba la soo booday “Waris walaalay arrintan uma dulqaadan karno, ceeb tan ka sii weyn ayayna inoo soo jiidaysaa, wax xal ah oo kale ma jiraan si toos ah ayaan ugu sheegeynaa oo ka har wiilkaas ayaan leenahay, hadday diiddana guriga ayaan ku xabiseynaa, maadaama waxbarashadii Dugsiga sare u dhammaan rabto oo bilo qura uga harsan yihiin”.
“Taas macquul ah Xaaji oo gabadha kaliya ee aanu ifka ka fiirsanayno weeye, iskuma ogeyn Sowjkeygiyow in la canaado ama qalbigeeda dhaawac loo geysto, sanad iyo bar ka hormarkii wiilka Liibaan ah ee ay jeclaatay aan martiqaadaynay qorshihii aan isla meel dhignay waad xusuusataa baan filayaa, shirqool lagu kala geynayo ayuu ahaa ee ma ahayn qalbiga gabadheenna inaan dhaawacno” sidaa waxaa ku dooday Ladan Hooyadeed Waris oo diidanayd in gabadheeda wax loo dhimo, laakiin Odayga oo isagu xanaaqu ka tan batay, isla markaana hadalada magaalada la isla dhex xulayo ee jacaylka gabadhiisa ku saabsan si fiican uga soo gubtay ayaa yiri “Ma iyadaa inoo talisa, mise anaga ayaa u talina oo sow ma aha Ubad la dhalay, wixii aan u soo jeedino waa inay yeeshay haddii kale……..”
Madaxweynaha Soomaaliya “Wax macquul ah ma aha qorshaha uu damacsan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka”
Axad.1-Mey.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hadal u jeediyay Golaha Wasiirrada dowladda KMG ayaa wuxuu sheegay in aanay suuragal noqon Karin qorshaha uu damacsan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, qorshahaasoo ah in Guddoomiyuhu uu magacaabo Guddiga doorashada, taasoo uu sheegay in ay tahay wax sharciga uusan u ogoleyn.
Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu doonayo inuu musharax noqdo oo uu isu soo taago xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ama xil kale, wuxuuna isweydiiyey shaqsi musharax ah sida uu u magacaabi karo Guddiga doorashooyinka, taasoo uu sheegay inaysan macquul ahayn, sharcigana u ogolaanaynin.
Sidoo kale waxa uu madaxweyne Shariif sheegay in haddii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu magacaabay Guddiga doorashooyinka uu isaguna magacaabanayo Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha, isagoo sheegay in aanay jirin sharci u diidaya inuu guddi magacaabo, una ogolaanaya Guddoomiyaha Baarlamaanka.
“Si kasta oo ay ahaataba xilligan doorasho lama qaban karo, waayo dagaal ayaa lagu dhex jiraa, howlgal ayaa socda, Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM horumar ayay sameynayaan, marka dowladaha qaar haddii arrintaasi ay ka jirto doorasho lama qabto, waxaana muhiim inoo ah in xarakada Al-shabaab aan ka adkaanno" ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo xusay in uu ku talinayo in doorashada dib loo dhigo.
“Haddii la galo doorasho waxaa dayacmya howsha xukuumadda, qof walbana waxa uu galayaa loolan, taasna waxay fursad u noqonaysaa Al-shabaab” ayuu yiri madaxweynaha oo ku baaqay in inta aan doorasho lagu degdegin la tashado.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf xooggan oo marba marka ka dambeysa cirka isku shareereya, waxayna hadallo kulul isku weydaarsadaan warbaahinta oo midba midka kale uu ku weeraro, hadallaadaas is eedeedka ah oo sare u qaaday heerka khilaafkooda oo xal loo la’yahay.
Dagaallo culus oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galguduud
Axad.1-Mey.2011(SOMAALJECEL) Tuulada Waro-dhuumoole oo 30-km u jirta deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Dagaalka oo dhacay xalay ayaa waxa uu qarxay kadib markii ciidamo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
Warku wuxuu sheegayaa in dagaalkaa ay ku dhinteen Todobo qofood oo dhinacyadii dagaalamay u badnaa, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad Toban ruux kale.
Saraakiil u hadashay Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka warbixiyey dagaalkaa waxayna sheegeen inay ciidamadu weerar ku qaadeen fariisimo ay Xarakada Al-shabaab kaga sugnaayeen deegaanka Waro-dhuumole.
Waxa ay saraakiishaasi u hadashay Ahlusunna ay sheegeen in dagaalkaas ay ciidamada Al-shabaab uga dileen labo sarkaal iyo sidoo kale tiro ciidamo ah, kuwo kalena ay ka dhaawaceen.
Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin dagaalkaas xalay ka dhacay Waro-dhuumaale, waxaase degaannadii dagaaladu ka dheceen laga soo sheegayaa inay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan labada dhinac.
Dhinacyadii ku dagaalamay degaannada Gobolka Gedo oo guulo kala sheegtay
Axad.1-Mey.2011(SOMAALJECEL) Degaanno ka tirsan gobolka Gedo oo shalay ay dagaallo culus ku dhex mareen ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Ahlusunna Waljamaaca iyo xoogaga Al-shabaab ayaa waxay dhinacyadaasi ka sheegteen dagaallada guulo.
Afhayeenka Ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaaladii shalay ay ku qabsadeen labo ka mid ah gaadiidka dagaalka, ayna wali ku sugan yihiin deegaannada dagaalka uu ka dhacay sida Tuulada Barwaaqo iyo deegaano kale oo ku xeeran Garbahaarey, wuxuuna sidoo kale xusay in qasaare xoog leh ay u geysteen ciidamada dowladda oo uu xusay in ay meydad fara badan uga carareen goobihii lagu dagaalamay.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, markii Al-shabaab ay gooyeen waddooyin looga maro gobolkaas, waxaana uu caddeeyay in ciidamada dowladda ay wali ku sugan yihiin deegaannadoodi.
Dhanka kale abaabulo dagaal ayaa laga dareemayaa deegaannada Gobolka Gedo, waxaana la soo warinayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay ka soconayaan degaannada gobolka Gedo, iyadoo dhinacyada halkaas isaga soo horjeeda ay gurmadyo helayaan.
Sidoo kale dagaaladii shalay ka dhacay deegaannada Gobolka Gedo gaar ahaan degaannada Buur-gaduud ee galbeedka Garbahaarey iyo dhanka deegaanka Yurkud ayaa waxaa ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.
Taliyaha ciidamada Taraafikada Laascaanood oo la toogtay
Axad.1-Mey.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in kooxo dablay ah oo aan heybtooda la aqoon ay toogasho ku dhaawaceen Taliyaha Ciidamada Taraafikada ee magaalada Laascaanood.
Taliyaha Taraafikada maamulka Somaliland ee magaalada Laascaanood Aadan Axmed Xaaji Ibraahim oo ayaa la soo sheegayaa in ay aad u liidata xaaladdiisa isagoo lagu dabiibayo Isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa oo la garsiiyay kadib markii wax looga qaban waayay Isbitaalka magaalada Laascaanood.
Wararka qaar ayaa sheegaya in laga yaabo in dhaawaca taliyahaas loo qaado dal dibad ah, kadib markii dhakhaatiirta ku howlan daweyntiisa ay sheegeen in dalka aan waxba looga qaban karin.
Ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood ayaa wada howlgal ay ku baacsanayaan dadka amnidarrada ka sameeya magaaladaa waxaana la sheegay in howlgalkaasi lagu qabqabtay tiro ka badan 10 ruux oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyaan falalka ammaandarri ee magaalada Laascaanood.
Sarkaal u hadlay Booliska magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada amaanka la xariira oo ay ka samaynayaan gudaha magaaladaasi oo saacadihii la soo dhaafay ku soo bateen falalka dilalka ka dhanka ah Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee maamulka Somaliland.
Xafiisyada dowladda KMG Soomaaliya oo maanta aanay ka jirin wax shaqo ah
Axad.1-Mey.2011(SOMAALJECEL) Shaqaalaha dowladda KMG Soomaaliya ayaan maanta u shaqo tegin xafiisyadii ay ka howlgalayeen iyadoo xafiisyadu ay albaabada u xiran yihiin.
Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa fasaxday dhammaan shaqaalaha dowladda, maadaama ay maanta ku beegan tahay maalinta shaqaalaha Aduunka ee 1-da May.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, ahna wasiirka Dhalinyarada iyo Isbortiga C/nuur Macalin Maxamuud ayaa waxa uu sheegay inay tahay maalin mudan in loo dabaal dego, shaqaaluhuna ka nastaan shaqooyinkooda.
Waddada warshedaha ee magaalada Muqdisho oo ay dagaallo ka dheceen
Axad.1-Mey.2011(SOMAALJECEL) Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka xoogiisa oo ka dhacay agagaarka wasaaraddii hore ee gaashaandhiga oo ay degan yihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa waxay wararku sheegayaan in ay qaadeen ciidamada Al-shabaab.
Xaruntii wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-shabaab, balse kol hore ay ciidamada AMISOM kala wareegeen ayaa waxay wararku sheegayaan in ay ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay.
Wararku waxay sheegayaan in dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay rasaasta labada dhinac ay isweydaarsadeen, waxaaba la xaqiijiyey inay ku dhinteen Labo qof oo rayid ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen shan qof kale.

Sheekadii Doof iyo dhaxal Caashaq (Qaybta 13aad)
Madaxweynaha Soomaaliya “Wax macquul ah ma aha qorshaha uu damacsan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka”
Dagaallo culus oo ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galguduud
Dhinacyadii ku dagaalamay degaannada Gobolka Gedo oo guulo kala sheegtay
Taliyaha ciidamada Taraafikada Laascaanood oo la toogtay
Xafiisyada dowladda KMG Soomaaliya oo maanta aanay ka jirin wax shaqo ah
Waddada warshedaha ee magaalada Muqdisho oo ay dagaallo ka dheceen
1501|1304141400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|![]()
Madaxweyne Shariif oo booqday aagaga dagaalka ee Boondheere
Sabti.30-April.2011(Somaaljecel) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha Gaashaandhigga xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Abtidoon, Taliyaha ciidamada Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta booqasho ku tegay aagaga dagaalka ee degmada Boondheere.
Madaxweyne Shariif iyo xubnaha la socday ayaa waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxayna markaasi kadib socod ku mareen fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyagoo la geeyay dhufeysyo ku yaalay degmadaas oo la sheegay in laga saaray xoogagga Al-shabaab.
Waxa uu madaxweynuhu ku amaanay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya guulaha ay soo hooyeen, isagoo sheegay inay ciidamadu sameeyeen dulqaad iyo geesinimo.
“Waxaad ku samarteen duruufo adag, wax yar ayaana idin dhiman, waxaana la idinkaga baahan yahay inaad joojisaan isticmaalka qaadka iyo wixii la midka ah akhlaaqdiinana aad wanaajisaan, isla markaana aad ku dedaashaan tukashada salaadda" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlayay ciidamadii uu kula kulmay fariisimahaas.
“Dadka Soomaaliyeed adinka ayay idiin sugayaan, waxaana la idinkaga baahan yahay inaad dalka nabad ku soo celisaan” ayuu yiri madaxweynaha oo sidoo kale sheegay in askarta looga baahan yahay inay shacabka farxad geliyaan waana inaad naftiina u hibeysaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayuu hadalkiisa sii daba dhigay madaxweyne Sheekh Shariif.
Maalin kahor ayuu madaxweyne Shariif iyo xubnaha dowladda ee haatan la socda qaarkood waxay booqasho ku tageen wasaaraddii hore ee gaashaandhigga iyo kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Burundi ee ka tirsan AMISOM.
Wafdi Mareykan ah oo C/raxmaan Faroole kala hadlay arrimo ku saabsan dowladda KMG Soomaaliya
Sabti.30-April.2011(Somaaljecel) Wafdi Mareykan ah oo uu hogaaminayay Senator ka tirsan Senatarada Maraykanka oo maanta booqasho ku tegay magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole kala hadleen xiriirka sii xumaanaya ee Puntland kala dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo falalka amnidarro ee ka soo cusboonaaday deegaannada Puntland.
Wafdigaas oo uu hoggaaminayay Sanator Mark Kirk ayaa waxaa magaalada Boosaaso si diiran ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamul gobolleedka Puntland, waxayna kulan saacad ka badan la qaateen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole iyo mas’uuliyiin kale oo maamulkaas ka tirsan.
Madaxweyne Faroole ayaa wafdiga dowladda Maraykanka waxa uu warbixin kooban ka siiyay xaaladda deegaannada Puntland iyo sida maamulkaasi uu isugu diyaariyay waqtiga kalaguurka, waxaana Madaxweyne Faroole uu ka codsaday mas’uuliyiintaa Maraykanka in ay garab istaagaan Puntland.
Senator Mark Kirk iyo xubnaha kale ee la socda ee maanta tagay magaalada Boosaaso ayaa socdaalka ay halkaasi ku tageen waxa uu qeyb ka yahay socdaalo ay ku marayeen waddamada Bariga Afrika, iyagoo horay u soo maray waddamada Jabuuti, Kenya, Itoobiya, sidoo kalena qorsheynaya inay waddamo kale tagaan.
Askari ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo xukun dil lagu xukumay
Sabti.30-April.2011(Somaaljecel) Askari la sheegay inuu shalay gelinkii dambe toogasho ku dilay askari kale oo ay wada shaqeynayeen ayaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya maanta ku xukuntay xukun dil ah.
Askariga dilka lagu xukumay oo lagu magacaabo Cabdi C/llaahi Dhuxul oo 25-jir ah ayay maxkamaddu sheegtay inuu toogtay shalay galab askari kale oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Cali Xasan oo ay kawada tirsanaayeen hal guuto.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya G/dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maxkamaddu ay xukunka gaartay kadib markii ay dhageystay markhaatiyaal caddeeyay in Cabdi C/llaahi Dhuxul uu toogasho bareer ah ku dilay C/risaaq Cali Xasan, markaasna ay maxkamaddu go'aansatay inay ku xukunto dil iyadoo cuskanaysa buu yiri diinta Islaamka iyo sharciyada ciidamada.
Lama sheegin sababta keentay in askariga la xukumay uu dil u geysto askariga kale oo ay wada shaqeynayeen, sidoo kelana lama sheegin xilliga xukunka dilka ah lagu fulin doono askariga dilka lagu xukumay.
Duleedka degmada Garbahaarey oo dagaallo culus ay ka dheceen
Sabti.30-April.2011(Somaaljecel) Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay degaanno ka tirsan duleedka magaalada Garbahaarey.
Dagaalkaa oo sida la sheegay ay qaadeen ciidamada dowladda KMG oo ku duulay deegaan lagu magacaabo Buur-gaduud oo qiyaastii 15-KM dhanka galbeed kaga beegan degmada Garbahaarey ayaa waxaa la sheegay inuu ku faafay degaanno kale oo duleedka degmada Garbahaarey ka tirsan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay saakay dib u qabsadeen deegaanada Cara-Cas iyo Tuulada Gal-Barwaaqo oo horey ciidamada dowladda KMG uga qabsadeen xarakada Al-shabaab, halkaasoo ciidamada dowladda ay si iskood ah isaga bexeen.
Wararkii ugu dambeeyay dagaallo ka dhacay duleedka B/weyne
Sabti.30-April.2011(Somaaljecel) Dagaallo duleedka B/weyne ku dhex maray shalay galab ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay geysteen qasaarooyin.
Dagaalka oo ka dhacay Tuulooyinka lagu magacaabo Bacaad iyo Qooqaani ee duleedka degmada B/weyne ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 10 qofood, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kuwaasoo u badan dhincyayadii dagaalamay.
Maxamed Nuur Cagojoof ayaa sheegay inay socdaan qorshayaal dagaal oo Xarakada Al-shabaab uga saarayaan guud ahaan gobolka Hiiraan, iyadoo dhanka kale ciidamada Al-shabaab ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya ciidamada labada dhinac.
Dowladda KMG Soomaaliya oo jawaab kulul u gudbisay madaxwetynaha maamulka Puntland
Sabti.30-April.2011(Somaaljecel) Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedeyn dowladda KMG Soomaaliya kaga timid madaxweynaha maamul Gobolleedka Puntland C/raxmaan Faroole.
Wasiirku waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in qof sheeganaya inuu yahay mas’uul maamul uu hadallo aan macquul ahayn ku hadlo, wuxuuna sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo C/raxmaan faroole uu iska yiri.
C/raxmaan Faroole ayaa shalay dowladda KMG Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeyso amnidarada ka jirta degaannada Puntland, isagoo xusay inay dhalinyaro hubeysan dowladda Soomaaliya u soo dirtay Puntland si ay amniga u carqaladeeyaan, sida uu yiri.
“Ma jirto cid ay dowladdu dhaqaale ku siiso sidii ay amaandari uga abuuri lahayd deegaanada Puntland, wuxuuna sheegay in eedeyntaasi ay ka timid dad damac siyaasadeed leh” ayuu yiri wasiirka.
Waxa uu sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG Soomaaliya uu sheegay in ay jiraan wadahadallo ay la yeesheen dad ka soo jeeda deegaannada Puntland iyo Somaliland iyo gobollada kale Somaaliya maadaama buu yiri dowladda KMG ay matasho Ummadda Soomaaliyeed oo dhan, isagoo sheegay inay kawada hadleen sida uu yiri arrimo ku saabsan ammaanka dalka iyo sidii dowladda KMG ula shaqeyn lahayd maamulladaas.
Haddalkan ka soo baxay xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xili maalintii shalay Madaxweynaha maamul gobolleedka ka Puntland C/raxmaan Faroole oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso uu eedeymo u jeediyay dowladda KMG Soomaaliya oo uu sheegay in ammaandarida la jirta Puntland ay iyadu ka dambeyso.
Madaxweyne Shariif oo booqday aagaga dagaalka ee Boondheere
Wafdi Mareykan ah oo C/raxmaan Faroole kala hadlay arrimo ku saabsan dowladda KMG Soomaaliya
Dowladda KMG Soomaaliya oo jawaab kulul u gudbisay madaxwetynaha maamulka Puntland
Askari ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo xukun dil lagu xukumay
Duleedka degmada Garbahaarey oo dagaallo culus ay ka dheceen
Wararkii ugu dambeeyay dagaallo ka dhacay duleedka B/weyne
1500|1303968600|dynamic|Wararkii u dambeeyay|![]()
Madaxweyne Shariif oo booqday furimaha dagaalka Muqdisho
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday furimaha hore ee dagaallada oo ay safka hore kaga jiraan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxa uu booqday fariisimaha ciidamada degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkiisa ku wehliyay wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Maxamed Abti-doon, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, Abaanduuliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhego-badan iyo saraakiil kale.
Kormeer ayay ku tageen dhammaan jihooyinka ay ciidamadu difaaca uga jiraan degmada Hodon, wuxuuna Madaxweynuhu salaan ka qaatay ciidamada dowladda ee ku sugan xarunta wasaaradda Gaashaandhigga oo ay dhawaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen ciidamada Al-shabaab.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo saxaafadda kula hadlay xarunta wasaaradda Gaashaandhiga ayaa waxa uu sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliya ay gaareen guulo wax ku ool ah, guushaas oo uu sheegay in ay u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, isagoo shacabka ka codsaday in ay barbar istaagaan dowladda KMG Soomaaliya.
Waxa uu madaxweyne Shariif sheegay in haatan ay wiiqantay awooddii militari ee Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ciidamada xooga ay ka go’an tahay in goor dhow ay soo afjaraan dagaalada ay kula jiraan Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale waxa uu booqday kulyada ciidamada ee Jaalle Siyaad halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, wuxuuna kulankoodaasi qaatay muddo saacad ka badan, iyadoo saxaafaddana loo diiday inay goobjoog ka noqdaan kulankaas.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in kormeerkiisa uu ku dhirri gelinayo ciidamada dowladda KMG oo horumar ballaaran ka sameeyay howlgallo ay ka fuliyeen gobollo badan oo dalka ka mid ah, wuxuuna sidoo kale sheegay in arrintaasi ay tahay mid ay soo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed, ciidamadana laga doonayo in ay dalka nabadeeyaan.
Degmada Garbahaarey oo iyadoon dagaal dhicin lala wareegay
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Ciidamada dowladda KMG ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, kadib markii halkaasi ay isaga bexeen ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa.
Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay saakay si nabad ah ku galeen degmada Garbahaayre ayna iyagu haatan si buuxda gacanta ugu hayaan, isagoo sheegay in xoogaggii Al-shabaab ay isaga bexeen degmadaas saakay aroortii hore.
Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa garbahaarey ay u bexeen dhinaca Buur-dhuubo iyo degmada Baardheere, isla markaana ay ku daba jiraan, sida uu yiri.
Guddoomiyaha gobolka Gedo wuxuu shacabka degmadaas ugu baaqay inay is-dajiyaan ayna la shaqeeyaan maamulka dowladda KMG ee haatan u yimid, isagoo xusay inay si wanaagsan kula dhaqmayaan shacabka degan Garbahaarey.
Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ayaa sheegaya inay degmadaas ka taagan yihiin xiisado colaadeed, waxayna tani ku soo beegmaysaa kadib dagaal qasaare badan geystay oo shalay gelinkii hore ku dhex maray ciidamada dopwladda KMG iyo kuwa Al-shabaab Tuulo-Barwaaqo oo ka tirsan degmada Garbahaarey.
Xarakada Al-shabaab oo shaacisay inaysan iyadu u xirneyn waddooyinka gala suuqa Bakaaraha
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka xarakada Al-shabaab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaar ka mid ah waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho aysan u xirnayn ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Wakiilka Al-shabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Maxamed Xuseen Cumar ayaa sheegay in xirnaashaha waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay u xiran yihiin dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo xusay in Ganacsatada Suuqa Bakaaraha kulan ay la qaateen dhinacyadaas ay u sheegeen in dhinacooda ay ka furan yihiin waddooyinkaas, gaar ahaan midda isku xirta Isgosyada Dabka iyo Bakaaraha iyo mida Warshadaha.
“Dowladda KMG iyo AMISOM marna ma ogola in dhinacooda ay ka furaan waddooyinkaasi oo saameyn ku yeeshay Ganacsigii Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Wakiilka Al-shabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Maxamed Xuseen Cumar.
Waxa kale oo uu Wakiilka Al-shabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Maxamed Xuseen Cumar ka warbixiyey waddo cusub oo ay sheegeen inay u furayaan suuqa bakaaraha, taasoo uu xusay in dhismaheedu haatan gebogebo yahay.
Horey ayuu Xoghayaha Maamulka Gobalka Banaadir ee dowlada KMG Soomaaliya C/kaafi Hilowle Cusmaan u sheegay in dhinacooda uu ka furan yahay Waddada isku xirta Isgosyada dabka iyo Bakaaraha, wuxuuna xirnaanshaha waddadaasi ku eedeeyay xarakada Al-shabaab oo uu sheegay in aysan diyaar u ahayn inay furaan waddooyinka gala Bakaaraha.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo gaashaanka u daruuray doorasho xilligan ka dhacda dalka
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray doorasho xilligan dalka ka dhacda.
Waxa uu Ra’isal wasaaruhu sheegay in tan iyo inta laga xoreeynayo dalka aan wax doorasho ah la qaban Karin, isagoo xusay in doorashadu ay ka dhacayso magaalada Muqdisho marka laga saaro xoogaga Al-shabaab, inta ka horreysana aan doorasho la qaban karin.
Ra’sail wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadalkan u jeediyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo shalay uu la kulmay ayaa waxa uu sheegay in xilligan aysan suuragal ahayn in doorashooyin xalaal ah la qabto, iyadoo aan Maleeshiyaadka Al-shabaab laga saarin magaalada Muqdisho.
“Waxyaabihii la rabay in Xukuumaddu diyaariso doorashooyinka kahor waxba lagama qaban, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sugidda amniga, dib u heshiisiinta iyo diyaarinta Dastuurka, mana u maleynayo in waqtiga haray wax looga qaban karo, sidaasi darteed waxaa habboon in Xukuumadda fursad loo siiyo sidii ay xologaga al-shabaab uga saari lahayd magaalada Muqdisho, si loo helo jawi nabadeed oo laagu howlgali karo, doorashana lagu qaban karo” ayuu yiri R/wasaare Farmaajo.
Hadalkan ka soo yeeray Ra’isal wasaare Farmaajo ayaa imaanaya xilli khilaaf baahsan uu u dhexeeyo madaxda sare ee dowladda KMG, iyadoo Guddoonka sare ee baarlamaanka uu ku adkaysanayo in doorashada la qabto bisha Agosto, xukuumadduna ay ka soo horjeesatay xilligaas in doorasho la qabto.
Carruur u geeriyootay sun ay cabeen
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Saddex caruur ah oo ka soo jeeda hal qoys ayaa ku geeriyooday deegaanka lagu magacaabo Huurshe ee ka tirsan degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kadib markii ay ku sumoobeen Shaah ay cabeen.
Shaaha ay cabeen caruurtan ayaa la sheegay in Jalmadda lagu kariyey ay ku jirtay sunta Waraabaha, taasoo iyadoo laga nadiifin shaaha lagu kariyey.
Aabaha dhalay caruurtaasi ayaa la sheegayaa in isaguna xaaladdiisa laga deyrinayaa isagoo qeyb ka cabay Shaahaas, waxaana aabahaas lagu daweynayaa Cisbitalka degmada Cabuudwaaq oo loola soo cararay.
Waa markii ugu horreysay ee carruur ay deegaanadaasi ugu geeriyooto Shaah sumeysan oo ay cabeen.
Magaalada Gaalkacyo oo xalay Bandow lagu soo rogay
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo rogay bandow dhaqan galay habeenkii xalay ahaa, kaasoo aan la ogeyn ilaa iyo inta habeen ee uu soconayo.
Bandowgaas oo magaalada ay ku soo rogeen maamulka cusub ee magaalada Gaalkacyo ee dhawaan maamul gobolleedka Puntland u magacaabay halkaas ayaa waxay xalay magaaladaas buux dhaafiyey ciidamo fara badan oo sugayay ammaanka magaalada Gaalkacyo.
Bandowgaa ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dad fara badan oo la tilmaamay inay ka dhego adaygeen amarka ka soo baxay Maamulka cusub ee magaalada Gaalkacyo.
Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in xarakada Al-shabaab aysan haatan lahayn wax awood ah
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa sheegay in xarakada Al-shabaab aysan lahayn awooddii hore oo ay ku dagaalami jireen, wuxuuna sheegay in ay u dhammaatay sida uu hadalka u dhigay indha cadde.
Indha Cade waxa uu sidoo kale sheegay inay soo koobmeen awoodihii Al-shabaab, isagoo xusay in dhawaan dowladda KMG ay la wareegi doonto meelaha ay hadda gacanta ku heyso xarakada Al- shabaab.
Waxa uu Indha-cadde sheegay in dagaaladii lagula galay Al-shabaab gobollada dalka Soomaaliya ay ku burbureen, isagoo tilmaamay in goor dhow magaalada Muqdisho ay ka saarayaan sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) sidii looga gudbi lahaa marxaladda uu haatan dalka marayo waxa uuna sheegay in marxaladaasi dhawaan laga bixi doono lana heli doona xal waara.
Askar kawada tirsan dowladda KMG oo dagaal uu dhex maray
Khamiis.28-April.2011(SOMAALJECEL) Labo askari ayaa dhimatay, saddex askari kalena waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii duhurnimadii maanta ay isku rasaaseeyeen ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya isgoyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho.
Duhurnimadii maanta ayaa askar ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxa ay isku rasaaseeyeen nawaaxiga Isgoyska KM 4 ee magaalada Muqdisho, waxaana israsaaseyntooda ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca qaar ka mid ah askartii israsaaseysay.
Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxyaabaha dhaliyay isku dhaca ciidamada dowladda hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in arimo dhaqaale ay isku heystaan askarta dagaalantay.
Dorraad ayay ahayd markii ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ay isku rasaaseeyeen agagaarka isgoyska KM.4 kuwaasoo iyagana iska dilay askar kuwo kalena iska dhaawacay.

Madaxweyne Shariif oo booqday furimaha dagaalka Muqdisho
Degmada Garbahaarey oo iyadoon dagaal dhicin lala wareegay
Xarakada Al-shabaab oo shaacisay inaysan iyadu u xirneyn waddooyinka gala suuqa Bakaaraha
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo gaashaanka u daruuray doorasho xilligan ka dhacda dalka
Carruur u geeriyootay sun ay cabeen
Magaalada Gaalkacyo oo xalay Bandow lagu soo rogay
Yuusuf Indha-cadde oo sheegay in xarakada Al-shabaab aysan haatan lahayn wax awood ah
Askar kawada tirsan dowladda KMG oo dagaal uu dhex maray
1499|1303882200|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Iskahorimaad ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo
Arbaco.27-April.2011{SOMAALJECEL} Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka qarxay waqooyiga magaalada Gaalkacyo kaasoo u dhexeeya kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.
Iska horimaadka ayaa bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay dil u geysteen wiil dhalinyaro ah isla markaana kooxo kale oo dilkaas ka carooday ay weerar ku qaadeen Kooxihii dilka geystay oo gabaad ka dhigtay warshad Galleyda lagu shiido.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in iska horimaadka ay ku biireen ciidamada Puntland oo taageero siinaya kooxdii wax dishay, iyadoo aan la ogeyn sababta ay dagaalka ugu biireen ciidamada Puntland.
Weli lama ogaan qasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana la sheegay in rasaasta ay dhinacyadaasi is weydaarsadeen ay dad rayid ah wax ku noqdeen.
Iska hor imaadkan ayaa imaanaya xilli duleedka waqooyiga magaalada Galkacyo laga helay meydka nin caan ahaa oo lagu magacaabo jiray Sheekh Ibraahim oo ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, kaasoo rag hubeysan ay xalay kaxeysteen, kadibna ay dileen, iyadoo isla xalayna magaaladaas lagu dilay nin culimo ahaa oo ka soo jeeday Qowmiyadda Oromada, kaasoo labaatankii sano ee burburka ku noolaa magaalada Galkacyo.
Dhanka kale Maamulka magaalada Gaalkacayo ee Puntland ayaa digniin u jeediyay dadka sida sharcidarida ah hubka ugu dhex wata gudaha magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Maxamuud C/raxmaan Cowke ayaa sheegay in amar lagu bixiyay in gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Woqooyi aan lagu arki karin qof wata hub sharci darro ah, wuxuuna ku goodiyey in qofkii hub wata tallaabo sharci ah laga qaadayo.
Duleedka magaalada Garbahaarey oo dagaal culus uu ka dhacay
Arbaco.27-April.2011{SOMAALJECEL} Dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Ahlusunna Waljamaaca iyo xoogaga Al-shabaab ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Gal-barwaaqo oo ka tirsan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Dagaalka oo muddo saacad ah ka soconayay deegaankaas ayaa waxaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxay wararku sheegayaan in ciidamada dowladda oo iyagu weerarka qaaday ay ku durgeen dhanka degmada Garbahaaray.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo ahaa mid aad u culus oo sida la sheegay lagu riiqmay.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalkaasi ay qaadeen ciidamada dowladda, isla markaana ay guulo ka gaareen, wuxuuna xusay in ku dhawaad Labaatameeyo ay ka dileen dagaalyahannada Al-shabaab sidoo kalena ay ku furteen qoryo fudud oo ay ku jiraan Ak47 iyo kuwo kale.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo dagaal ayaa la soo sheegayaa inay ka socdaan deegaannada ku xeeran degmada Galbahaarey ee Gobolka Gedo, waxaana suuragal ah in daqiiqad kasta dagaal rogaal celis ah uu dhex maro dhinacyada dagaalamay.
Xarakada Al-shabaab oo askar badan dowladda KMG uga dishay B/xaawo
Arbaco.27-April.2011{SOMAALJECEL} Weerar gaadmo ah oo ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo ku sugnaa duleedka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay weerarkaas askar fara badan, kuwo kalena way ku dhaawacmeen.
Weerarkaas oo ka dhacay duleedka deegaanka Cara-cas ee ka tirsan degmada B/xaawo ayaa waxaa ka warbixiyay xildhibaan Barre Aadan Shirre Hiiraale oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada dowladda KMG ee dagaallada kula jira Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu Barre Hiiraale sheegay in weerarkaasi ay qasaare dhimasho iyo mid dhaawac ah ka soo gaartay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, isagoo xusay in taxadar la’aan ay ku dhacday hadda kadibna waxa uu sheegay inay iska jiri doonaan weeraradaas gaadmada ah.
Afhayeenka howlgallada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa saxaafadda u sheegay weerarkaasi gaadmada ah in ay ku dileen saraakiil iyo ciidamo fara badan, isla markaana gaadiid fara badan ay kula wareegeen.
Dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacayo
Arbaco.27-April.2011{SOMAALJECEL} Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ku dilay nin la sheegay inuu Orromada Itoobiya yahay.
Sidoo kale nin caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim ayay xalay kooxo hubeysan ka kaxaysteen gudaha waqooyiga magaalada Gaalkacayo, kaasoo ay ku dileen duleedka magaalada oo saakay meydkiisa lagu arkay.
Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa saakay baaritaanno ka sameeyay, mana la sheegin cid ay u soo qabteen falalkaasi dil.
Muddooyinkii ugu dambeeyay amaanka waqooyiga Magaalada Gaalkacyo aad ayuu u sii xumaanayay, waxaana si isdabajoog ah ugu soo batay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada, iyadoo maalintii shalayna uu nin madaxa looga jiro dad rayid ah ku furay rasaas dhimasho iyo dhaawac dhalisay.
Askarta ciidamada Yugandha kaga geeriyootay dagaalada Muqdisho oo la shaaciyay
Arbaco.27-April.2011{SOMAALJECEL} Taliska ciidamada AMISOM eek u sugan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Yugandha ayaa soo saaray tirada askarta kaga geeriyootay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya dowladda KMG Soomaaliya, ciidamada AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.
Taliyaha Ciidamada Lugta ee dalka Yugandha Gen. Wamala oo warbixin siinayay Baarlamaanka dalka Yugandha ayaa sheegay in tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan dagaaladii ugu danbeeyay ay Muqdisho kaga geeiyoodeen 93 askari, tiro intaasi ka badana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dagaaladaasi.
“Dilka iyo dhaawacyada askarteena waxaan ku ilownay guulo aan ka gaarnay dhanka la wareegida Saldhigyo horay ugu sugnaayeen Ciidamada Xarakada Alshabaab” ayuu yiri Gen. Wamala oo sheegay inay qasab tahay in askar dagaal gashaa ay waxyeello la kulmi karaan.
Gen. Wamala waxa uu ka codsaday Baarlamanka dalka Yugandha in ay ansixiyaan ku dhawaad 4500 askar dheeraad ah oo ay u diraan dalka Soomaaliya si caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo gobolada kale ee Koonfurta Soomaaliya gacanta dowladda KMG Soomaaliya ay u geliyaan.


Iskahorimaad ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo
Askarta ciidamada Yugandha kaga geeriyootay dagaalada Muqdisho oo la shaaciyay
Duleedka magaalada Garbahaarey oo dagaal culus uu ka dhacay
Xarakada Al-shabaab oo askar badan dowladda KMG uga dishay B/xaawo
Dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Gaalkacayo
1498|1303709400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Buundada Liiqliiqto ee magaalada B/weyne oo 11 bilood kadib dib loo furay
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Buundada Liiqliiqato magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo burburtay 22-May ee sanadkii hore ayaa maanta dib u howl gashay kadib markii dayactir lagu sameeyay.
Xafladdii lagu furayay Buundada ayaa waxaa ka qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka xarakada Al-shabaab ee gobalka Hiiraan, waxgarad iyo qeybaha kala duwan bulshada degan magaalada B/weyne.
Waaliga walaayada islaamiga ee goballka Hiiraan Sheekh Yuusuf Cali Ugaas oo xafladdaas ka hadlay ayaa sheegay in muddo 11-bilood kadib mar kale dib loo howlgeliyay buundada Liiqliiqato, isagoo sheegay in iskaashi dhax maray bulshada gobalka iyo maamulka xarrakada Al-shabaab lagu suurageliyey furitaanka buundada, isagoo sheegay in hay’ado shisheeye aysan wax kaalmo ah ka rabin oo ay Soomaalida Islaamka ah ee degan B/weyne ay isku tashadeen, sida uu yiri.
'Halkii aynu hay'ado wax ka sugi lahayn, anaga ayaa isku tashanay, waana inoo farxad weyn inaan wax badan qabsanay inagoo aan hay’ado shisheeye waxba ka doonan, taasoo ah caqli inaga maqnaa markii hore” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Cali Ugaas.
Dib u howlgalida Buudada Liqliqato ayaa waxaa si weyn u soo dhaawayay waxgaradka iyo guud ahaan dadka ku dhaqan magaalada B/weyne oo markii hore dhibaato ku qabay bur-burka Buundada, waxaana Buundada maanta horey iyo gadaal u marmaray waxgaradka iyo dadweynihii ka qeyb galay xafladdii furitaanka iyadoo sidoo kale Gaadiid xamuul lagu tijbaaiyey inay maraan.
Muddadii ay burbursaneyd Buundada Liiqliiqato ayaa waxaa hakad ku yimid guud ahaanba isku socodkii gamnacsiga iyo gaadiidka magaalada B/weyne, taasoo sidoo kale hakad gelisay ganacsiga goballada Koonfurta iyo Waqqooyiga Soomaaliya oo ay muhiim u ahayd buundada Liiqliiqato.
Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo dagaalamay
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa barqanimadii manta isku rasaaseyay Isgoyska KM 4 degmada Hodo nee magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka saldhig ay halkaasi ka degan yihiin ciidamada AMISOM.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii labo askari oo sida la sheegay uu soo diray nin siyaasi ah oo ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool uu ku soo amray inay soo dilaan nin kale oo siyaasigaasi ay isku heysteen dhul weyn oo ku yaala magaalada Muqdisho kaasoo maamul u kala garsoora ay u waayeen, mid walibana uu isagu sheegtay lahaanshaha dhulkaas.
Askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG oo agagaarkaasi ka dhawaa ayaa rasaas ku furay askartaas loo soo diray dilka shaqsi halkaas ku sugnaa, waxayna ciidamo is weydaarsadeen rasaas socotay qaddar 20-daqiiqo ah.
Goobta rasaastu ay ka dhacday oo wariyaheena uu ka ag dhawaa ayaa xuuraansi ku sameeyay waxa dhaliyey israaseynta dhex martay ciidamada waxayna dad xogogaal ahi u sheegeen sida dagaalku ku dhacay.
Wariyaheenu wuxuu soo sheegayaa in 3 ruux oo laba ka mid ah ciidamada dowladda ahaayeen ay ku dhinteen, halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo isugu jira askar iyo rayid.
Askarta dowladda ayaa si buux dhaaf ah u jooga waddooyinka magaalada Muqdisho iyagoo badankood lacago baad ah ka qaata gaadiidka rakaabka iyo xamuulka sida, mana jirto cid wax ka qabata ciidamadaas.
Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya way ka gaabsadeen in ay ka warbixiyaan iska hor’imaadkaasi maanta dhex maray ciidamada ka wada tirsan kuwa Militariga Dowladda KMG Soomaaliya, mana aha markii ugu horreysay oo ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ay ku dagaalamaan magaalada Muqdisho.
Xarakada Alshabaab oo degmada Garbahaaray isaga baxday
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in barqanimadii maanta ay ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo mas’uuliyiintoodii ku sugnaa degmadaas isaga bexeen halkaas.
Warku wuxuu sheegayaa in ciidamada Al-shabaab ay ka war heleen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay halkaasi ka wadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo la sheegay inay kaabayaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Ciidamada Al-shabaab ee ka baxay Garbahaarey ayaa waxaa la sheegay inay u ruqaansadeen deegaanka Buurdhuubo, halka degmada Garbahaarayna ay ku soo wajahan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay sidoo kale u jihaysteen dhanka degmada Baardheere ee isla gobolka Gedo halkaasoo ay doonayaan inay kala wareegaan xoogaga Al-shabaab eek u sugan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee degmada Garbahaarey ku sugnaa si ay u xaqiijiyaan ka bixitaankooda degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Ciidamada Milateriga dowladda Somalia oo mushaaraad la siiyey
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyey mushaaraadkooda, waxaana askri waliba la siiyey 200 doollar.
Sarkaal ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegay in mushaar qeybinta ay qeyb ka tahay balanqaadkii Xukuumadda ee ahaa inay daryeelayaan ciidamada dowladda, isla markaana ay si joogto ah u qaadanayaan mushaarkooda, isagoo sheegay in bil waliba la siinayo askarta mushaaraadkooda.
Sarifka lacagaha doollarka Mareykanka ayaa sare u kacay maalmahan, waxaana Boqolka doolar looga sarifaa suuqyada sarifka Saddex Milyan iyo Labo Boqol Shilin Soomaali, iyadoo askarta mushaarka la siiyay marka ay sariftaan ay lacag fara badan oo shillin Soomaali ah ay ku bedelanayaan doollarka la siiyay.
Madaxweyne Shariif oo ku sii jeeda dalka Jabuuti
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu u kicitimayo saacadaha soo socda magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweyne Shariif oo martiqaad ka helay dhigiisa dalka Jabuuti ayaa la sheegay in uu ka qeyb galayo caleema saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii saddexaad ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas.
Warqadda casuumaadda ah ee madaxweyne Shariif ayaa waxaa soo gaarsiiyay Safiirka Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho Dayib Dhubad Rooble, kaasoo warqadda casuumaadda loo soo marsiiyey.
Ururka Ahlusunna oo gaadiid ka qafaashay degmada B/xaawo
Ilaa Toban gaari oo kuwa xamuulka lagu daabulo ah ayay ciidamada ururka Ahlusunna Waljamaaca ka qafaasheen degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in gaadiidkaasi lagu daabulay ciidamo iyo sidoo kale saanad Milatari, kuwaasoo aan la ogeyn meesha ay ciidamada iyo saanadda Milateri ay geynayaan.
Waa markii ugu horreysay oo ururka Ahlusunna Waljamaaca qafaashaan gaadiid dad rsayid leeyahay oo howlo ciidan u isticmaalaan, mana la oga in qarashka shidaalka iyo kirada gaadiidkaas ay bixinayaan iyo in kale.
Ciidamo dheeraad ah oo la sheegay in loo soo dirayo Soomaaliya.
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Dowladda Yugandha ayaa shaaca ka qaadday in 4-kun Askari oo dheraad ah ay u dirayso dalka Soomaaliya si ay u gacan siiyaan ciidamada kale ee haatan howlgallada nabad ilaalinta ah ka wada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sarkaal u hadlay dowladda Yugandha ayaa sheegay in codsi ku aaddan dalabka askartaasi ay u gudbiyeen Baarlamaanka dalkooda si buu yiri ay go’aan uga gaaraan ciidamo u soo dirista Soomaaliya waqti dhow.
Taliyaha Ciidamada Lugta waddanka Yugandha Lt. Gen Katumba Wamala ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen ciidamada AMISOM howlgalada ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab, isagoo xusay in ciidamada dheeraadka ay yihiin kuwo loo baahan yahay in la geeyo Soomaaliya si loo ballaariyo howlgallada ay ciidamada AMISOM ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Waxa uu Taliyuhu sheegay in Yugandha hadda asy Soomaaliya ay ka joogaan 4600 Askari isla markaana ay haatan diyaar u yihiin in tiro intaasi la eg ku kordhiyaan si buu yiri loo ballaariyo howlgalada, loogana hortago qatar uu shegay in dalka Soomaaliya iyo gobollada ka soo wajihi karta.
Mid ka mid ah madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya baaq muhim jeediyay
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Dr. C/qaadir Salaad Xasan oo ahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in dalka gudihiisa lagu qabto shir dib u heshiisiineed oo lagu dhexdhexaadinayo dowladda KMG Soomaaliya iyo Xoogaga Al-shabaab.
Dr. C/qaasim Salaad Xasan waxa uu sheegay in shirkaas loo baahan yahay inaysan qabanqaabinin dowladda iyo Al-shabaab balse ay qabanqaabiyaan waxgarad labada dhinac ka madax bannaan.
Waxa uu C/qaasim sheegay inuu ka qeyb gali doono shirkaasi isagoo sheegay inaysan Soomaaliya wixii waqtigan ka dambeeya ku sii jiri karin xaaladaha dhibaatooyika dagaal.
Dr. C/qaasim Salaad Xasan waxa uu sheegay in 20 sano ka badan shacabka Soomaaliyeed aysan ku jirin karin dhibaatoon dagaalo sokeeye ah, loona baahan yahay in la raadiyo xalka ummadda Soomaaliyeed, isagoo dhabka kale ka digay shir dib u heshiisiin ah oo lagu qabto dalka dibaddiisa kaas oo uu sheegay in aysan waxba soo kordhinayn, laakiin haddii shir lagu qabto dalka gudahiisa ay noqon karaan mira dhal.
Waxa kale oo Dr. C/qaasim Salaad Xasan uu sheegay in maxkamad la soo taagi doono dadkii dambiyada ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed si buu yiri loogu qaado dambiyada ay galeen.
“Xitaa haddii aniga la igu soo eedeeyo fal dambiyeed waxaan diyaar u ahay in aan maxkamad tago” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Dr. C/qaasim Salaad Xasan.
Nin nabaddoon ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso.
Isniin.25-April.2011(SOMAALJECEL) Kooxo hubaysan ayaa fiinimadii xalay magaalada Boosaaso ku dilay nabadoon lagu magacaabi jiray Saciid Maxamad Saciid (Kashawiito).
Rasaasta loo adeegsaday dilka nabadoonkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex nabaddoon kale oo ay isla socdeen nabaddoonka la dilay, iyadoo kooxihii dilka iyo dhaawaca geystay ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo goobta dilka ka dhacay tegay ayaa howlgalo lagu soo qabqabtay dhowr qof goobtaa ka sameeyay, kuwaasoo la sheegay in baaritaan lagu samaynayo.
Dilalka iyo amnidarada ayaa ku soo badanaya degaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dheceen dilal dhowr ah.

Buundada Liiqliiqto ee magaalada B/weyne oo 11 bilood kadib dib loo furay
Faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo dagaalamay
Xarakada Alshabaab oo degmada Garbahaaray isaga baxday
Ciidamada Milateriga dowladda Somalia oo mushaaraad la siiyey
Ururka Ahlusunna oo gaadiid ka qafaashay degmada B/xaawo
Ciidamo dheeraad ah oo la sheegay in loo soo dirayo Soomaaliya.
Mid ka mid ah madaxweynayaashii soo maray Soomaaliya baaq muhim jeediyay
Nin nabaddoon ah oo lagu dilay magaalada Boosaaso.
1497|1303536600|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Sarkaal hore ula soo shaqeeyay dowladda Itoobiya oo lagu dilay magaalada Galkacyo
Sabti.23-April.2011(SOMAALJECEL) Kooxo hubaysan ayaa fiidnimadii xalay ku toogtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo sarkaal horay uga tirsanaa maamulka Soomaalida Itoobiya.
Ninkaas oo ka tirsanaan jiray saraakiisha amaanka dhulka Soomaalida ee ay maamusho Itoobiya ayaan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysay iyo sababta loo dilay, inkastoo maamulka Puntland ay sheegeen inay qabteen dadkii dilkiisa ka dambeeyay.
Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Mukhtaar ayaa waxaa kooxaha hubeysan ay ku toogteen goob lagu shaaheeyo oo ku taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo iyadoo goobjoogayaal ay sheegeen in madaxa looga dhuftay ilaa saddax xabadood oo bastoolado ah.
Goobta falka dilka ah uu ka dhacay ayaa waxaa durba tegay ciidamo Booliiska ah oo ka tirsan maamulka Punland, kuwaas oo howlgalo ka sameeyay nawaaxiga goobtaasi iyadoo howlgaladaasina dad ku soo qabqabtay.
Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland ee Gobalka Mudug C/rashiid Cadceed ayaa saxaafadda u sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labo ruux oo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen sida uu hadalka u dhigay kooxihii dilka u geystay Sarkaalkaa.
Weerar qasaaro nafeed geystay oo ka dhacay degmada Luuq
Sabti.23-April.2011(SOMAALJECEL) Wararka laga helayo degmada Luuq ee Gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay ay degmadaasi weeraro loo adeegsaday Madaafiic ku qaadeen ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab.
Duqeynta kadib ayaa la sheegay in duleedka degmadaas ay dagaal ka fool ka fool ah gacmaha iskula tageen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Tuulo ku taala duleedka degmada Ceelwaaq oo lagu magacaabo Bal-Mudule ee dhanka Koonfureed kaga beegan degmada Luuq, qiyaas ahaana u jirta ilaa iyo 7 Km ayaa waxay labada ciidan isu adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.
Weerarkii xalay ka dhacay degmadaas iyo nawaaxigeeda ayaa waxa uu yimid kadib markii Xarakada Al-shabaab ay dhowr jiho kasoo weerareen fariisin ay ciidamada dowladda KMG ku lahaayeen deegaanka Bal-Mundule.
Diyaad Cabdi Kaliil oo ah madaxa ammaanka ee dowlada KMG Soomaaliya u qaabilsan degmada ayaa waxa uu sheegay inuu jiro weerarka ay ku qaadeen Al-shabaab fariisamo ay ku lahaayeen deegaanka Bal-Mudule, isagoo tilmaamay in dagaalkaasi aanu ahayn mid xoogan hase ahaatee wuxuu xusay in ay is difaaceen ciidamadooda mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aaddan dagaalkii xalay ka dhacay degmada Luuq ee Gobalka Gedo.
Maamulka gobolka Banaadir oo eedeeyay xarakada Al-shabaab
Sabti.23-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xarakada Al-shabaab in ay diidan yihiin inay ganacsatada u furaan waddooyinka gala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Cusmaan ayaa sheegay in waddada isku xirta isgoyska Dabka iyo Bakaaraha ay u xiran tahay xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay diiday inay waddadaasi furto.
Dowladda KMG Soomaaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaadday in ay dhinacooda ka furan tahay waddadaas, wuxuuna C/kaafil sheegay in xirnaashaha waddadaasi ay mas’uul ka yihiin xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in godad ay ka qodeen waddada bartamaheeda ay diideen inay duugaan si gaadiidka iyo dadkuba ay u isticmaalaan, maadaama sida uu tilmaamay aan waddadaasi la isticmaali karin inta ay xarakada Al-shabaab ka aasayaan godadkaasi ay waddada bartamaheeda ka qodeen.
Waxa uu Cabdi Kaafi Hilowle Cusmaan intaasi ku daray in haddii xarakada Al-shabaab ay duugaan godadkaasi ay dowladdu diyaar u tahay in ay iyana qaaddo dhagxaanta iyo carada ay dhigtay waddadaas, wuxuuna ugu baaqay ganacsatada Suuqa Bakaaraha in ay war cad ka keenaan xarakada Al-shabaab si loo furo waddadaasi isku xirta Bakaaraha iyo Dabka.
Kulan ay dhawaan magaalada Muqdisho ku yeesheen Taliska ciidamada xoogadalka iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayay isku afgarteen in la furo waddadaas, wuxuuna abaanduulaha ciidamada xooga dalka C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-badan uu saxaafadda u sheegay in waddadaasi ay ka furan tahay dhinaca dowladda KMG Soomaaliya, isagoo ganacsatada ugu baaqay inay dhinaca Al-shabaab ka soo dhamaysteen qeybtooda inay ka furan, balse X/guud ee maamulka G/banaadir uu manta shaaca ka qaaday in Al-shabaab ay diideen furitaanka waddadaas.
Shirkadaha isgaarsiinta gobolka Galgaduud oo dib loo fasaxay
Sabti.23-April.2011(SOMAALJECEL) Kadib markii shirkadaha isgaarsiinta NationLink, Hormuud iyo Telecom ee gobolka Gagaduud ay muddo Lix maalmood ah shaqeyneynin kadib markii amar xiritaan ah ay ku soorogeen maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolkaas ayaa maanta dib loo fasaxay.
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo horey shirkadahaas ugu soo rogay dhaqaale ay sheegeen in howlaha ammaanka wax looga qabanayo isla markaana ay diideen bixinta dhaqaalahaasi shirkadahaas ayaa haatan sida la sheegay wadahadal dhexmaray shirkadahaas iyo maamulka Ahlusunna ee gobolkaas lagu fasaxday shirkadahaasi kala ah Hormuud, Telcom iyo Nationlink.
Shirkadahaasi oo ka howlgala magaalooyinka dhuusamareeb, Guriceel, Matabaan iyo deegaano kale oo horay ay uga mamnuuceen ciidamada Ahlusunna Waljamaaca ayaa haatan si caadi ah u howl bilaabay manta, iyadoo ay wararku sheegayaan in shirkaduhu ogolaadeen bixinta lacagahaasi.
Ilaa iyo hadda ma jiro mas’uul u hadlay shirkadaha iyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo ay kaga hadleen waxyaabaha ay isku afgarteen iyaga iyo maamulka Ahlusunna ee gobolkaas.
MeydadLabo ah oo laga helay Xaafad ka mid ah degmada Wadajir
Sabti.23-April.2011(SOMAALJECEL) Meydadka Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa laga helay xaafadda Buula-xuubayd degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Meydadkaas oo la arkay jirkooda oo rasaas aad u badan ay ka muuqato ayaa waxaa dilkooda ka dambeeyay sida la xaqiijiyey ciidamo ka tirsan maamulka degmada Wadajir, kuwaasoo kala soo baxay hoygii ay deganaayeen.
Labadaas dhalinyarada ah oo maydkooda la arkay iyagoo gacmaha ka xiran saakay ayaa waxaa dilkooda ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Wadajir oo sheegay in raggaasi ay ka tirsanaayeen xarakada Al-shabaab, guriga laga soo qabtayna laga helay hub, wuxuuse sheegay in dilkooda lagu degdegay, ciidamadii howlgalka lagu soo qabtay fuliyeyna tallaabo laga qaadayo sida uun sheegay.
Ma aha markii ugu horeysay oo dhalinayaro lagu dilo magaalada Muqdisho gaar ahaan degaannada dowladdu ka taliso, iyadoo dilalkaasi ay madaxda degmada Wadajir ay mar waliba sheegaan in raga la dilay ay xarakada Al-shabaab ka tirsanaayeen.


Maamulka gobolka Banaadir oo eedeeyay xarakada Al-shabaab
Sarkaal hore ula soo shaqeeyay dowladda Itoobiya oo lagu dilay magaalada Galkacyo
Weerar qasaaro nafeed geystay oo ka dhacay degmada Luuq
Shirkadaha isgaarsiinta gobolka Galgaduud oo dib loo fasaxay
Meydad Labo ah oo laga helay Xaafad ka mid ah degmada Wadajir
1496|1303363800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dagaalada la sii dardargelinayo
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay sii soconayaan dagaallada u dhexeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ee ka socda gobollada iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in ay guulo ka soo hoyeen ciidamada dowladda dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada Jubooyinka iyo Gedo, taasoo uu ku macneeyey guulo hordhac ah oo ay ciidamada dowladda ka gaareen dagaaladaasi.
Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in hay’adaha kala duwan ee dowladda uu ugu baaqay inay niyadda u dhisaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya si ay u laba jibaaraan dagaallada ay ka wadaan gobollada Koonfurta iyo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sida uu yiri.
Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda ay qeyb ka tahay natiijo la’aanta ciidamada dowladda ay waqtiyada qaar kala kulmaan dagaalada, loona baahan yahay in khilaafka la xaliyo.
Dowladda Kenya oo dalbatay in laga raro qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday in aysan tabar u heynin in ay sii hayso qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda, waxayna dalbatay in laga raro gebi ahaantoodba.
Warbixin ay soo saartay xukuumadda Kenya waxaa lagu muujiyay in aysan sii hayn karin Kenya qaxootiga tirada badan ee Soomaalida ah.
Waxaa marba marka ka sii dambeeyo ka sii cararaya gudaha Soomaaliya shacab fara badan oo ka baxsanaya dagaalada, waxaana dadkaas magangalyo ay u raadsadaan dalalka deriska iyo kuwo kale.
Kenya waxa ay ku baaqday in laga dhiso xeryo waaweyn oo fara badan gudaha Soomaaliya si loogu hayo dadka colaadaha ka baxsanaya, waxa ayna caddeysay in ay waligeed martigelin karin qaxootiga Soomaalida.
Waxa ay dowladda Kenya ugu baaqday Qaramada Midoobay in ay kordhiso kaalmada ay siiso qaxootiga Soomaalida si loo xakameeyo dhibaatooyinkooda, waxa ayna muujisay in laga gaabiyay kaalmadaas ay u baahan yihiin qaxootiga Soomaalida.
Sarkaal u hadlay Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegay in la raadinaayo xal in loo helo qaxootiga Soomaalida ee ka soo qulqulaya gudaha Soomaaliya, iyadoo Kenya qeylo dhaan ka muujisay arrintaas.
Guddoomiyaha Jabhadda Raaskambooni oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaalkii u sareeyay Shabaabka Jubbooyinka
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha Jabhadda Raaskambooni Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadooda oo ay kaabayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay dagaalladii shalay ka dhacay duleedka degmada Dhoobley ay ku gaareen guulo, ayna gacanta ku dhigeen Rag muhiim u ahaa xarakada Al-shabaab.
Axmed Madoobe waxa uu sheegay in dagaalkii shalay ay ku qabteen Sarkaalkii ugu sarreeyay dhinaca ammaanka ee xarakada Al-shabaab kaasoo lagu magacaabo Maxamuud Daqal, isagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Dhoobley ay ku qabsadeen Gaadiid dagaal iyo hub ay xoogaga Al-shabaab lahaayeen, wuxuuna sidoo kale xusay in ay kala wareegeen xarun Talis.
Ciidamada dowladda KMG oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Deegaanka Buusaar ee hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay dagaal kula wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Dagaal culus oo saakay deegaanka Buusaar ku dhex maray ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa degaankaasi gacan ku heyntiisa la wareegay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Gedo dowladda KMG Soomaaliya Maxamad Cabdi Kaliil oo warbaahinta Muqdisho la soo xariiray ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dagaalo xoogan saakay la galeen ciidamada xarakada Al-shabaab, kaasoo uu sheegay inay kaga awood badiyeen isla markaana kala wareegeen deegaanka Buusaar ee duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga oo sheegay in Al-shabaab ay dib uga guranayaan degaanno ka tirsan Jubbooyinka
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay inay dib uga guranayaan deegaanno ka tirsan gobollada Jubbooyinka,
Waxa uu wasiirku sheegay in ciidamada Al-shabaab iyo saraakiishooda ay la soo deristay baqdin xooggan kadib markii uu sheegay in lagala wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Wasiir ku-xigeenka isagoo ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ay qasaare ku gaarsiiyeen ciidamada Al-shabaab, wuxuuna sheegay in goobo saldhig u ahaa lagala wareegay, sida
uu yiri C/rashiid Xidig.
Waxa uu C/rashiid Xidig sheegay in ciidamada dowladda oo ay ka garab dagaalamayaan kuwa Ahlusunna iyo Raaskambooni ay ku sii wajahan yihiin dhanka Baardheere iyo Afmadow halkaasoo uu sheegay inay ka sii guranayaan ciidamada iyo saraakiisha Al-shabaab.
"Waxaa nagu maqaal ah in Shabaab ay qalabkooda kala baxayaan Afmadow, Bu'aale ilaa Saakow, haddana waxa uu dagaalku ka socdaa agagaarka deegaanka Qooqaani" ayuu yiri C/rashiid Xiddig oo intaa ku daray in Ciidamada dowladda iyo kuwa kaabaya ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo.
“Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaannada Gedo iyo Jubbooyinka waxa uu tusaale u ahaa burburka Al-shabaab, maadaama laga qabtay Rag Saraakiil ahaa, kuwo kalena lagu dilay, isagoo ugu baaqay dhalinyarada u dagaalama Al-shabaab inay isku soo dhiibaan.
Diyaarado dagaal oo weerar ku qaaday kooxo burcad badeed Soomaaliyeed
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Diyaaradaha dagaalka ee sida qumaatiga ah u kaca ayaa xalay fiidkii rasaas iyo bambaanooyin ku furay kooxo burcad badeed Soomaaliyeed oo ku sugnaa Xeebta degmada Hobyo.
Israsaaseyn ayaa la sheegay inay dhex martay ciidamada Ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo kooxo Burcad badeed Soomaali ah kuwaasoo Markab afduub ugu heysta Xeebta Hobyo.
Inta og yahay is rasaaseynta dhex martay labadaa dhinac ayaa waxaa ku dhinay 3-ruux, tiro intaasi ka badanna waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan.
Qof u hadlay kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa sheegay in weerarkii xalay lagu soo qaaday ay ciidamada badda reer galbeedku ku dileen dad rayid ah sida uu sheegay, iyagana aysan waxba ka soo gaarin, laakiin warar ka degmada Hobyo aynu ka helnay waxay sheegayaan in weeraradaasi ay wax ku noqdeen kooxaha burcad Badeeda ee la weeraray.
Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxaha burcad badeeda weerarkaasi lagu baacsaday kadibna laga furtay markab laga leeyahay Dalka Iiraan oo ay afduub u heysteen.
Xildhibaanno ka soo horjeestay hadaladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Shariif
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay hadallo uu Madaxweynaha Soomaaliya dhawaan u jeediyay xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda KMG Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif oo qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka u sheegay inuu rabo inuu sii ahaado Madaxweynaha dalka, marka doorasho la gaarana uu isa soo sharaxayo ayaa xildhibaannada ka soo horjeestay waxay sheegeen in arrintaasi ay tahay sharcidarro.
"Madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu la hadlo xildhibaannada Baarlamaanka sanadkiiba mar, balse haddii uu doonayo mar walba inuu la hadlo waa inuu horyimaadaa Baarlamaanka oo kulansan kadibna uu meeshaas ka caddeeyaa ujeeddadiisa" sidaasina waxaa yiri Xildhibaan Cumar Axmed oo u hadlay xildhibaannada ka soo horjeeda inuu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah xildhibaannada la sameeyo.
Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa iyagu fikirkan isku khilaafsan, waxaana jira qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka taageersan madaxweyne Shariif, isla markaana sheegay in uu xaq u leeyahay inuu kulamo la qaato xildhibaannada, qorshayaasha uu doonayana u bandhigo.
Xildhibaan C/qaadir Sh. Ismaaciil oo ka mid ah guddiga dastuurka ayaa wuxuu ku tilmaamay talaabo aad u wanaagsan go'aanka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Shariif wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada kale in ay aqbalaan rabitaanka Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.
Muqdisho oo dagaalo iyo duqeymo culus ay ka dheceen
Khamiis.21-April.2011(SOMAALJECEL) Dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa barqanimadii maanta ku dhex maray xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan, H/wadaag, Boondheere iyo C/casiis ee magaalada Muqdisho ciidamada dowladda KMG Sooma`aliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogaga Xarakada Al-shabaab.
Dagaaladan oo ay barbar socdeen madaafiic culus ayaa waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Xarumaha Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ka soo dhacayeen madaafiic ku hoobatay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha degmada Hodon, lamana oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay madaafiicdaas.
Saraakiil u hadashay dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay inay Al-shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah, isla markaana ay ka hortaageen sida uu yiri abaabullo ay Al-shabaab wadeen.
Dhanka kale afhayeenka Ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerar ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku soo qaadeen ay fashiliyeen, isagoo xusay in ay iska difaaceen ciidamadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dagaalada la sii dardargelinayo
Dowladda Kenya oo dalbatay in laga raro qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda
Guddoomiyaha Jabhadda Raaskambooni oo sheegay inay gacanta ku dhigeen Sarkaalkii u sareeyay Shabaabka Jubbooyinka
Ciidamada dowladda KMG oo la wareegay degaan ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab
Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhiga oo sheegay in Al-shabaab ay dib uga guranayaan degaanno ka tirsan Jubbooyinka
Diyaarado dagaal oo weerar ku qaaday kooxo burcad badeed Soomaaliyeed
Xildhibaanno ka soo horjeestay hadaladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Shariif
Muqdisho oo dagaalo iyo duqeymo culus ay ka dheceen
1495|1303277400|dynamic|Wararkii ugo dambeeyay|
Madaxweyne Shariif “Doorasho la qabto waxaa ka horreeya in xal la gaaro”
Arbaco.20-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hay'adaha sare ee dowladda KMG Soomaaliya, isagoo xusay in doorashooyin la qabto ay ka horreyso in marka hore la xaliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda.
Waxa uu Sheekh Shariif sheegay inuu ka qayb galayo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka ka dhacaya, laakiin waxaa loo baahan yahay in marka hore ay iswaafaqaan hay'adaha dowladda KMG oo go'aan wadajir ah laga gaaro muddo kordhinta markaas kadibna laga hadlo doorasho.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay ina aysan muhim ahayn in lagu mashquulo doorasho, balse ay wax waliba ka horeyso in la xalliyo khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda, si buu yiri aysan doorashadu carqalad ugu keenin howlaha dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Baarlamaanku uu si gooni ah xilliga u kororsado, xukuumadduna sidoo kale ay si gooni ah xilka u kororsatay, taasoo uu tilmaamay inaysan suuragal ahayn, sidaa darteed ayuu ku taliyey in loo baahan yahay in si wadajir ah la isugu raaco muddada ay xukuumadda iyo baarlamaanku shaqeynayaan.
“Xildhibaannada ayaa laga doonayaa inay go'aan ka gaaraan muddo kororsiyada ay xukuumadda iyo baarlamaanku sida kala goonida ah ugu kala dhawaaqeen, howshaasna waa bilowdeen waxayse u baahan tahay dhameystir" ayuu Sheekh Shariif oo intaas ku daray inaysan jirin hay'ad si gaar ah u kororsan karta xilligeeda, balse loo baahan yahay inay kala tashado hay'adda kale, si howsha la qabanayo ay u noqoto mid xalaal ah.
Faahfaahin ku saabsan dagaallo ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose
Arbaco.20-April.2011(SOMAALJECEL) Duleedka degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo degaanno ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa dagaal culus uu ku dhex maray ciidamada Al-shabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ayaa sheegaya in dagaal saakay ay ku qaadeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya deegaanno ka tirsan degmadaas ay ku qabsadeen tuulooyin ay isku aruursanayeen ciidamo Al-shabaab ah.
Dagaalkaas ayaa la sheegayaa in ciidamada dowladda ay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Shabax oo ka tirsan degmada Dhoobley, iyadoo dagaal muddo saacado qaatay kadib ay degaankaasi la wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen dagaalyahanno dhowr ah, isla markaana ay ku qabteen saraakiil ka tirsan xarakada Al-shabaab.
Dhanka kale dagaalo culus ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, kaasoo waabarigii saaka ay qaadeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, oo muddooyinkan waday diyaargarow iyo abaabul dagaal.
Dagaalkii saaka oo ka dhacay meel la yiraahdo Isgoyska Aboodo ayaa waxaa ciidamada Al-shabaab ay ka weerareen dhowr jiho, xilli maalmihii u dambeeyay deegaanno ka tirsan Ceelwaaq ka jireen xiisado iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan toban ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa, halka tiro kalena ay ku dhawacmeen.
Afhayeenka Ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka saaka ay qaadeen, isla markaana ay guulo ka gaareen, wuxuuna xusay in saanad milateri iyo Taliskii ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen ay kala wareegeen iyo sidoo kale saddex Gaari oo nooca Cabdi bilaha loo yaqaano ah.
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa isna sheegay in dagaalka uu labada dhinacba ka soo gaaray qasaarooyin kala duwan, isagoo xusay in weerarka ay ku soo qaadeen Al-shabaab, balse ay dhankooda jebiyeen sida uu yiri, isagoo beeniyay in saldhig lagala wareegay.
Madaxda dalalka Bariga Afrika oo ku baaqay in taageerada la siiyo ciidamada AMISOM la kordhiyo
Arbaco.20-April.2011(SOMAALJECEL) Shir ay magaalada Daarasalaam ee xaruta dalka Tanzaniya ay shalay ku yeesheen madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo howlgallada ciidamada Midowoga Afrika ka hayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxda dalalkaas waxay ka codsadeen dalka Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si bay yiraahdeen ay uga guulaystaan xoogaga Al-shabaab ee dagaallada kula jira ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Sidoo kale waxay ugu baaqeen dalalka Yugandha iyo Burundi oo ciidamada AMISOM ku yaboohay inay ka shaqeeyaan sidii nabadda Soomaaliya lagu soo celin lahaa.
Dalalka shirkan yeeshay oo ku mideysan urur magaciisa marka la soo gaabiyo la yiraahdo 'EAC' ayaa waxay kala yihiin: Yugandha, Burundi, Tanzaaniya, Ruwanda iyo Kenya, waxaana madaxda ka qeyb gashay ay kala yihiin madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete, kan Kenya Mwai Kibaki, kan Burundi Pierre Nkurunziza, kan Yugandha Yoweri Museveni iyo Ra'isal wasaaraha dalka Rwanda Bernard Makuza.
Ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 9,000-askari ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Burundi iyo Yugandha kuwaasoo dowladda KMG Soomaaliya ka gacan siiya dagaallada ay kula jirto xoogagga Al-shabaab.
Shirkii arrimaha Burcad Badeeda Soomaalida oo go’aanno laga soo saaray
Arbaco.20-April.2011(SOMAALJECEL) Shirkii looga hadlayay arrimaha burcad badeeda Soomaalida ee ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo maanta la soo gabagabeeyay ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ku saabsan burcad badeeda Soomaalida.
Kulankaas oo dowladda KMG Soomaaliya uu uga qeyb galay Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada KMG Somaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyay qodabadii ka soo baxay shirkaasi, wuxuuna sheegay in qodabada ka soo baxay shirkaasi ay ka mid yihiin wax ka qabashada burcad badeeda Somaalida, in dagaalka ka dhanka ah uusan ku ekaan badda oo laga dhigo bariga iyo in lagu maxkamadeeyo burcad badeeda markii gacanta lagu dhigo gudaha dalka Somaaliya.
Waxa uu dhinaca kale tilmaamay Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda KMG Soomaaliya in la isku raacay ayna balanqaadeen dowladaha beesha caalamka ee ka qeyb galay shirkaasi in Santuuqa Qaramada Midoobay lagu shubo lacag dhan 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah lacagtaasi oo lagula dagaaami doono kooxaha burcad badeeda Somaalida.
Shirar badan oo looga hadalayay arrimaha burcad badeeda Somaalida ayaa qodobadii ka soo baxay aysan waxba ka suuragelin, iyadoo kooxaha burcad badeeda Soomaalidana ay sii kordhiyeen qafaalashada Maraakiibta
Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Angalo oo cabsho ba’an ay ka soo yeertay
Arbaco.20-April.2011(SOMAALJECEL) Maxaabiis Soomaali ah oo ku jira xabsi ku yaala dalka Angola ayaa sheegay inay dhibaatooyin ba’an ay kala kulmaan xabsiga ay ku jiraan.
Maxaabiista oo gadood ay xasbiga ka sameeyeen kala kulmay dhibaato ay u geysteen ciidamada ilaalada ka ah xabsiga ayaa waxa ay sheegeen in muddo labo maalmood ah aysan helin wax raashin, taasina ay sababtay inay gadoodka sameeyeen, iyagoo xusay in xabsiga ay gubeen, iyagana la ciqaabay, sida ay ku warameen maxaabiistaas.
Waxa ay maxaabiistu sheegeen in labo wiil oo Soomaalida xabsiga ku jira ka mid ah ay ciidamada dalka Angola si aad ah u jir dileen kuwaasoo haatan lagu xiray iyaga iyo maxaabiis kasoo jeeda dalka DR-Congo qol hal mitir ah, sida ay yiraahdeen.
Soomaalida xabsiga ku jirta ayaa gaaraya 34-qof oo rag ah kuwaasoo aan haysan wax daryeel ah, mararka qaarkoodna ay ciidamada Angola ula dhaqmaan si bani'aadamnimada ka baxsan, iyadoo sidoo ay ka jiraan kuwo xanuunsanaya oo sanadkan bilowgiisii laga bixiyay xabsiga.
C/naasir Maxamed Wacays oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsi ku yaala tuulo ku dhow xarunta dalka Angola ee Luwanda ayaa sheegay in xaaladdooda ay aad u liidato ayna haystaan dhibaatooyin dhinacyada caafimaadka iyo raashinka ah.
Soomaalidaas maxbuuska ku ah dalka Angola waxay ka codsadeen dowladda KMG Soomaaliya inay gacan ka geysato sidii ay xabsigaas uga saari lahayd, iyagoo sheegay in xabsiga ay ku jiraan muddo hal sano iyo bar ah aadna loo jir dilo, isla markaana ay raashiin xumo ku heysato xabsiga.


Madaxweyne Shariif “Doorasho la qabto waxaa ka horreeya in xal la gaaro”
Faahfaahin ku saabsan dagaallo ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose
Madaxda dalalka Bariga Afrika oo ku baaqay in la kordhiyo taageerada la siiyo ciidamada AMISOM
Shirkii arrimaha Burcad Badeeda Soomaalida oo go’aanno laga soo saaray
Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Angala oo cabsho ba’an ay ka soo yeertay

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo booqday degmada Luuq
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil Itoobiyaan ah iyo sidoo kale safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya magaalada Addis Ababa ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG.
Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya u raacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa uga haray halkaas, isagoo soo maray deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isla markaana u gudbay deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.
Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kula kulmay degmada Luuq saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladdooda ciidan iyo sidii ay u dardargelin lahaayeen dagaallada ay kala soo horjeedaan xoogaga Al-shabaab.
Kulamadaas ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil Itoobiyaan ah oo la socotay wasiirka, kuwaasoo ciidamada dowladda u gudbiyay istiraatiijiyad dagaal oo ku wajahan sidii gobolka Gedo looga saari lahaa ciidamada u dagaalama Al-shabaab.
Wasiirro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe booqasho ku tagay Gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose, halkaasoo ay ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Ahlusunna iyo Jabhadda Raaskambooni ay kala wareegeen xarakada Al-shabaab.
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in ay bedelayaan xeeladaha Milateri ee ciidamada AMISOM
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Warsaxaafadeed laga soo saaray xafiiska Ururka Midowga Afrika magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in la diyaarinayo qorshe xeelad cusub ah oo ciidamada AMISOM ay kaga hortagayaan weerarada kaga yimaada xoogaga Al-shabaab
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Ururka Midowga Afrika uu diyaar u yahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha cakiran ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa kooxaha dagaallada kula jira dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.
Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in la soo dhamaystiri doono ciidamadii dhawaan la balanqaaday ee lagu xoojinayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, kuwaasoo kor u dhaafaya 8-kun askar oo ka kala socda dalalka Yugandha iyo Burundi.
Midowga afrika ayaa waxa ay sheegeen in horumar ballaaran ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ka sameeyeen dagaalada ay kala soo horjeedaan xoogaga al-shabaab, waxayna dagaalladaas ku qabsadeen baa lagu yiri warsaxaafadeedka fariisimooyin cusub oo ay horey gacanta ugu hayaan xoogaga Al-shabaab.
“Waxaan ku rajo waynahay in qaabka Milatari ee ciidamada Midowga Afrika wax badan laga badallo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.
Warsaxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska Ururka Midowga Afrika ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli la shaaciyay in la badlayo Sarkaalka ugu sareeya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Nathan Mugisha kaasoo lagu bedellay sarkaal kale oo dowladda Yugandha u dhashay kaasoo qaabilsan dhinaca madaafiicda.
Burcad badeeda heysata muwaadiinta Hindiya oo shuruud u gudbiyey dowladda Hindiya
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee heysta shaqaalaha u dhashay dalka Hindiya ayaa u gudbiyay dowladda Hindiya hal shuruud oo ay sheegeen inay ku sii deynayaan muwaadiniinta Hindiya u dhashay ee ay heystaan.
Shuruuddaas oo ah in dowladda Hindiya ay sii deyso burcad badeeda Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Hindiya, taas bedelkeedana ay iyaguna sii deynayaan shaqaalaha u dhashay Hindiya ee ay gacanta ku hayaan.
Nageeye Cali Axmed oo sheegtay in uu yahay hogaamiyaha Kalluumeysatada gobolka Bari iyo koox burcad badeed Soomaali ah ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan shaqaalaha ay gacanta ku hayaan ee u dhashay dalka Hindiya haddii buu yiri dowladda Hindiya ay sii deyn weyso burcad badeeda Soomaalida oo ay gacanta ku hayaan.
Waxa uu Nageeye sheegay in muddo bil ah ay u qabteen dowladda Hindiya in ay ku soo deyso 150 burcad badeed Soomaali ah oo gacanta ugu jira dowladda Hindiya, haddii ay muddadaasi ku sii deyn waayaana waxa uu ku goodiyay in ay dilayaan shaqaalaha u dhashay waddankaasi Hindiya.
Dhanka kale dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ay ka fiirsaneyso dalabka burcad badeeda Soomaalida ee ah inay u soo daayaan kooxaha burcad badeeda ee ku jira xabsiyada dalkeeda.
Waxa ay dowladda Hindiya sheegtay inaysan xoog u adeegsaneyn soo badbaadinta muwaadiniinteeda gacanta ugu jira kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Wasiir ka tirsan xukuumadda dalka Hindiya oo lagu magacaabo Vayalar Ravi ayaa tilmaamay in ahmiyada koowaad ee dowladda Hindiya ay tahay in ay si nabad ah ku soo deyso muwaadiniinteeda hase ahaatee aysan dooneyn dowladda Hindiya in ay qaado tallaabo Militeri ee ay ku qaado kooxaha burcada badeeda ee haysta badmaaxayaasha u dhashay Hindiya.
Wasiirka yaa sidoo kale xusay in xukuumadiisa ay ka fiirsnayso sidii laga yeeli lahaa dalabkii kooxaha burcada badeeda ee ahaa in aysan sii deyn doonin shaqaalaha Hindiya ee ay haystaan ilaa dowladda Hindia ay kasoo deyso burcada badeed fara badan oo ku jira xabsiyo ku yaalo dalka Hindiya.
Ban Ki-moon oo qorshe cusub oo wax looga qabanayo burcad badeeda soo jeediyay
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo talo u gudbiyey shirka looga hadlayo burcad badeeda Soomaalida ee ka furmay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kooxaha burcad badeeda Soomaalida aan looga adkaan karin gudaha Badda, sidaa awgeed loo baahan yahay in wax loo qabto dowladda KMG Soomaaliya.
“Howlaha lagu ciribtirayo burcad badeeda ma aha mid suuragal ka noqoneysa dhinaca Badaha waxaana taa ka muhiimsan in la xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta dowladda KMG Soomaaliya iyo hay’adaheeda federaalka, sidoo kalena lala shaqeeyo maamul goballeedyada iyo ciidamada dhinaca Badda ee Soomaaliya” ayuu yiri Ban Ki-moon oo sheegay in haddii sidaa la yeelo la xalin karo mushkilado badan oo hadda ka jira dalka Soomaaliya.
Ban ki-Moon ayaa waxa uu guul ku tilmaamay qaraarkii todobaad ka hor ka soo baxay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo qeexayay yagleelidda maxkamado iyo xabsiyo loogu tala galay burcadbadeeda Soomaalida.
Waxa uu Ban ki-Moon ugu baaqay beesha caalamka in ay ka dhabeeyaan lashaqeynta ciidamada caalamiga ah ee la dagaalanka burcad badeeda sidoo kalena ay taageeraan dowladda KMG Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale ka codsaday dalalka caalamka inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan mideynta xal u helidda mushkiladda Soomaaliya sida la dagaalanka burcad badeeda.
Dhanka kale Wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa ka digay qaabka haatan loola dagaalamayo kooxaha burcad badeeda.
Mr. Oomaar oo ka qeyb galaya shirka ay marti gelinayso dowladda Isku taga Imaaraadka Carabta ee looga hadlayo arrimaha kooxaha burcad badeeda ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga xaliyo mushkiladda kooxaha burcad badeeda dhanka dhulka, taasoo uu xusay inay fududeyn karto in wax laga qabto burcad badeeda.
Wuxuu ku eedeeyay beesha caalamka in ay ku howlan yihiin keliya xakameynta weerarada kooxaha burcad badeeda halka laga xalin lahaa oo laga hor tagi lahaa.
Dagaal iyo duqeymo qasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Shalay ilaa xalay ayaa waxaa qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ka dhacay dagaallo iyo duqeymo qasaaro nafeed geystay.
Dagaalladaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kuwa xarakada Al-shabaab ayaa waxaa barbar socday duqeymo xooggan oo dhinacyadu isweydaarsanayeen.
Wararku waxa ay sheegayaan in qasaaraha ka dhashay dagaalkaas ay waxyeellada ugu ba’ani ka soo gaartay dadka rayidka, iyadoo la arkay meydka Lix ruux iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.
Dagaalkan oo daba socday mid shalay subax ka dhacay agagaarka Warshaddii hore caanaha ee degmada Hodan ayaa ku faafay degaanno kale oo degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ka tirsan, dagaalkaas oo socday ilamaa xalay.
Saraakiisha ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Al-shabaab ayaa dagaalkaa guulo ka sheegtay, iyadoo sarkaal u hadlay ciidamada dowladda oo lagu magacaabo C/llaahi Macalin Nuur uu saxaafadda u sheegay in dagaalka ay ku qabteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, qaarna ay kaga dileen, kuwo kalena sida uu yiri ay ka dhaaweceen.
Guddoomiyaha degmada Howlwadaag oo ka hadlay dagaalka ayaa isna sheegay in ciidamada dowladdu ay la wareegeen gacan ku heynta Dugsigii Dhagaxtuur oo horey ay ugu sugnaayeen ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab.
Sidoo kale Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya ayaa isna sheegay in fariisimo dhowr ah ay kula wareegeen dagaalladaas, isagoo xusay in weeraro Al-shabaab ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda ay ku hungoobeen.
“Waxaan ka dilnay Shan nin, hal maxbuusna waa laga qabtay, meelihii fariisimaha u ahaana waanu kala wareegnay" ayuu yiri Yuusuf Indha-Cadde oo intaa ku daray in Saxaafada ku casuumayaan inay yimaadaan goobaha ay kala wareegeen xoogaga Al-shabaab.
Afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa isna dhankiisa sheegay in weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Yugandha iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay iska caabiyeen.
Qorshaha dagaalkaa ay qaadeen ciidamada Yugandha iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu yahay mid la doonayay in lagu furo waddada isku xirta Dabka iyo isgoyska Bakaaraha si loogu furo Gaadiidka iyo dadka shacabka ah.
Degmada Ceelwaaq oo cabsi dagaal laga soo calaamadeynayo
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaa inay degmadaasi ka jiraan xiisado colaadeed oo ay wadaan xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Deegaanka lagu magacaabo Buusaar oo ka mid ah deegaanada hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa soo dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada dowladda KMG Soomaailya iyo Xarakada Al-shabaab.
Degaankaas ayaa waxaa saakay lagu arkayaa ciidamo fara badan oo labadaas dhinac ka tirsan kuwaasoo ka kala imaanaya degaannada ay kaga kala su gaaraya goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ee deegaankaasi kuwaasi oo ka kala imaanaya deeganada ay ku kala sugan yihiin labadaasi dhinac ee gobolka Gedo.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo ku aaddan xiisadahaasi dagaal ee saakay ka taagan deegaanka Busaar oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka warbixiyay safarradii uu ku tegay dalal Afrika ka mid ah
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan uu la qaatay Golaha Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay safarro uu ku tegay dalal ka mid ah Afrika.
Kulankaas ayaa waxaa si weyn looga hadlay xaaladda uu dalku marayo iyo qaabka ugu sahlan ee loo wajahayo marxaladda kala guurka.
Waxa uu sidoo kale madaxweyne Shariif ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan tallaabooyinka ay tahay in dowladdu ay qaaddo si buu yiri loo soo celiyo kala dambeynta isla markaana loo sugo amniga.
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu golaha wasiirrada uga warbixiyay safarradii uu dhawaan ku tagay dalal dhowr ah oo Afrikaan ah, wuxuuna sheegay in dalalkii uu tagay ay u soo ballanqaadeen in ay dowladda kala shaqeeyaan ammaanka dalka.
Dalalka Yugandha iyo Burundi oo ciidamo dowladda Soomaaliya gacan siiya u soo diray dalka ayuu sheegay in Soomaalida ay abaalweyn u heyso, isagoo xusay in uu dalalkaas uga warbixiyay xaaladaha dhaqaalaha iyo horumarka, iyaguna ay u ballanqaadeen inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
Xildhibaanno sheegay inay mooshin ka diyaariyeen si weyn uga soo horjeeda Shariif Xasan oo kulan yeeshay
Talaado.19-April.2011(SOMAALJECEL) Xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si weyn uga soo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay Mooshin ka diyaariyeen Shariif xasan, iyagoo xusay in mooshinkoodu yahay mid dhamaystiran oo xildhibaanno badan ay diyaariyeren.
Waxay xildhibaanadaasi eedeyn u jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif xasan iyo xildhibaanadii kala qeyb galay shirkii dhawaan ay Qaramada Midoobay ku qabatay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kaasoo madaxda kale ee dowladda ay ku gacan seyreen ka qeybgalkiisa.
Xildhibaanadan oo tiro ahaan ka badnaa boqol xildhibaan ayaa si weyn u cambaareeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay sheegeen inuu ogolaasho la’aan ka qeyb galay kulan ay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay diideen, iyagoo sidoo kale si weyn uga soo horjestay go’aannadii ka soo baxay kulankaas.
Waxa ay xildhibaannadu sheegeen in ay u arkaan kulanka mid lagu marin habaabinayo qarannimada ummadda, waxayna xuseen inay ka go’an tahay inay mooshin ka geeyaan Guddoonka Baarlamaanka.
Horey ayaa xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxay uga soo horjeesteen shirka uu ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo Guddoomiyaha Baarlamaankana ku dhaliilay kaqeybka shirkaas.

Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo booqday degmada Luuq
Ururka Midowga Afrika oo sheegay in ay bedelayaan xeeladaha Milateri ee ciidamada AMISOM
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka warbixiyay safarradii uu ku tegay dalal Afrika ka mid ah
Burcad badeeda heysata muwaadiinta Hindiya oo shuruud u gudbiyey dowladda Hindiya
Ban Ki-moon oo qorshe cusub oo wax looga qabanayo burcad badeeda soo jeediyay
Dagaal iyo duqeymo qasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho
Degmada Ceelwaaq oo cabsi dagaal laga soo calaamadeynayo
Xildhibaanno sheegay inay mooshin ka diyaariyeen si weyn uga soo horjeeda Shariif Xasan oo kulan yeeshay
1493|1303104600|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Dowladda KMG oo sheegtay inay furtay waddada dabka ee suuqa Bakaaraha
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal C/kariin Yuusuf Aadan Dhaga badan ayaa shaaca ka qaaday in waddada dabka ee gasha suuqa Bakaaraha ay dhankooda iyo dhanka ciidamada AMISOM ka furan tahay.
Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen saraakiisha ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo ganacsatada suuqa Bakaaraha oo looga hadlayay sidii loo furi lahaa waddada dabka ee aada suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu abaanduuliyuhu ka sheegay in wadadaasi dhinacooda ay ka furan tahay, wuxuuna xusay in ganacsatada looga baahan yahay in dhinaca kooxda Al-shabaab ay kala hadlaan inay furaan waddadaas.
“Anaga dhankeena waddada dabka way ka furan tahay, waxaana damaanad qaadaynaa ammaanka waddadaas oo uu sheegay inay kala xisaabtamayaan Guddoomiyaha iyo Taliyaha dowladda KMG ee qaabilsan degmada Hodan” ayuu yiri Abaadhuuliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya C/kariin Dhego-badan.
Ugaas C/llaahi Ugaas Aadan oo u hadlay ganacstada suuqa Bakaaraha ayaa waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan hadalka ka soo yeeray dowladda KMG Soomaaliya ee ku aaddan in uu furan yahay waddada dabka ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu Ugaasku intaasi ku daray in dadaalo fara badan ay ku bixiyeen sidii loo furi lahaa waddada dabka, isagoo xusay in kulamo badan oo ay la yeesheen saraakiisha ciidamada dowladda KMG ay maanta ku guulaysteen in dhanka dowladda ay ka aqbalaan furista waddadaas.
Waddada dabka oo halbowle u ah isu socodka Gaadiidka iyo dadka ee suuqa Bakaaraha iyo wadooyinka kale ee muqdisho ayaa xirantay bishii Ramadaan ee kol hore xilli ciidamada al-shabaab ay ku soo qaadeen dowladda KMG iyo ciidamada AMISOM dagaal ay ku sheegeen inay ku soo afjarayaan dagaallada ay kula jiraan dhinacyadaas, taasoo aan suuragal noqon.
Waddada dabka ayaa haatan waxaa ku xiran dhagxaan ay ciidamada AMISOM dhufeysyo ka dhigteen, halka ciidamada Al-shabaabna ay godad dhufeyso ah ka qoteen halkaas, kuwaasoo weli sidoodii ah.
Dowladda KMG oo soo lacago guddoonsiisay dhalinyaro ay sheegtay inay Al-shabaab ka soo goosteen
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay dhalinyaro ay sheegtay inay ka mid ahaayeen dagaalyahannada xarakada Al-shabaab.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu saxaafadda u soo bandhigay ilaa 4-nin oo ku hubaysnaa qoryaha fud fudud kuwaasoo uu tilmaamay inay ka soo baxsadeen Xarakada Al-shabaab, isla markaana ay ku soo biireen dowladda KMG Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in dhalinyaradaasi ay ka soo bexeen aagaga hore degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, isagoo xusay in dowladda KMG Soomaaliya ay gacmo furan ku soo dhawaysay.
Waxa uu Xiddig dhalinyaradaasi guddoonsiiyay lacago uu ku tilmaamay inay ugu beddeleen hubkii ay wateen oo dowladdu ay kala wareegtay, wuxuuna xusay in dowladda KMG ay ka gacan siinayso dhalinyarada ka soo goosta Al-shabaab oo uu sheegay in ay ka shaqeynayaan mustaqbalkooda.
Qaar ka mid ah dhalinyaradaas oo la hadlay saxaafadda ayaa iyaguna waxay sheegeen in laga keenay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud isla markaana loo soo qaaday magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb galaan dagaalada Xarakada Al-shabaab ay kula jirto dowladda KMG iyo AMISOM.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamda Al-shabaab ee ku aaddan dhalinyaradaas ay maanta dowladda u soo bandhigtay saxaafadda.
Xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii guud ee ciidamada AMISOM
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Gen. Nathing Muginsha oo ahaa Taliyihii guud ee ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu sameeyay xil ka qaadis, waxaana booskiisa loo soo magacaabay taliye cusub.
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika Col. Felix Kulayigye ayaa u sheegay wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa dalka Yugandha in la baddalay taliyaha ciidamada Yugandha ahna taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya Gen. Nathing Mungisha.
Taliyaha cusub ee xilkaas loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa Bareg Faredrik Mungisha, waana Taliyaha ciidamada madaafiicda goobta ee dalka Yugandha, waxayna labada sarkaal xilka kala wareegayaan bisha Mey ee soo socota, iyadoo xilka taliyaha la beddelay uu ku egyahay dhammaadka bishan aynu ku jirno.
Col. Felix Kulayigye waxa uu sheegay in magacaabista taliyaha cusub ay kala tashadeen Golaha amaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika iyo madaxda dowladda Soomaaliya, mana la waxa uu ka baddeli doono qorshaha ciidamada AMISOM.
Bannaanbaxyada lagu qabto Muqdisho oo amar laga soo saaray
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa amar culus ka soo saartay bannaanbaxyada iyo shirarka siyaasadeed ee lagu qabto degaannada ay magaalada Muqdisho kaga sugan tahay.
Bannaanbaxyada iyo shirarka ka dhaca Muqdisho, isla markaana sababa bannaanbaxyada qaarkood is rasaaseyn dhex marta ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ayay dowladdu shaacisay inaan la qaban karin iyadoon wax amar ah laga heysan Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in aan la qaban karin banaanbax ama shirar aan amar looga heysan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka waxa ay waddaa qorshayaal lagu xoojinayo ammaanka, si looga hortago falalka ammaandarrada, isagoo xusay in banaanbaxyada ay keeni karaan falal ammaandaro” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka oo tibaaxay in cidda qabanaysa bannaanbax ama shirar ay la soo xiriirto wasaaradda arrimaha gudaha.
Amar midkan la mid ah ayaa waxaa horey u soo saaray maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inaan la qaban Karin shirar iyo dibadbaxyo aan maamulka lagu soo warelin, laakiin amarkaasi ma hirgelin oo Jimcihii la soo dhaafay ayaa banaanbax aan la ogeysiin maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale lama oga in amarka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya uu isna hirgeli doono iyo in kale.
Ra’isal wasaare Farmaajo oo codsi gaar ah u jeediyay Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha jira
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay qadka Taleefoonka uga qayb galay xaflad lagu taageerayay dowladda KMG Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ayaa ka dalbaday jaaliyadaha dibadda inay bixiyaan qarashaadka la siiyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Xafladdaas oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Manchister ayaa goojoog ka ahaa Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, kuwaas oo halkaasi ka jeediyay khudbado ku saabsan wax qabadka Dowladda.
“Dhaqaalaha ugu badan ee dowladdu isticmaasho waxaa laga helaa gudaha dalka ee ma aha wax dibadda nooga yimid, qurbajoogta haatan waxaan ka dalbanaynaa in qof kasta Toban doolar qoondeeyo, si mushaar looga dhigo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Ra’isal wasaare Farmaajo.
Aqoonyahannada Qurbajoogta ah ayuu Farmaajo kula dardaarmay in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeyb qaataan dhismaha dalka Soomaaliya.
Waxa uu Farmaajo intaa ku daray in xukuumaddiisu ay ku guuleeysatay wax ka qabashada arrimaha ammaanka, musuqmaasuqa iyo arimaha Bulshada, taas oo ay ku kasbatay buu yiri kalsoonida inta badan bulshada Soomaaliyeed.
Dagaal culus oo ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Xaafado ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay dagaallo dhex maray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xoogaga Al-shabaab.
Dagaaladaas oo ka dhacay nawaaxiga Warshaddii hore ee Caanaha oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay dhinacyada dagaalamay isu adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud, waxaana rasaasta ay isweydaarsadeen laga maqlayay xaafadaha ku dhow dhow goobta dagaalku ka dhacay.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii xoogaga Al-shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Warshadda Caanaha iyo qeybo ka mid ah degmada Hodan oo ah goobaha ay isku horfadhiyaan dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho.
Saraakiil u hadashay xarakada Al-shabaab ayaa dagaaladaa guulo ka sheegtay, iyagoo tilmaamay in weeraro qorsheysan ay ku qaadeen aagaga degmada Hodan sida ay sheegeen.
Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan dagaalkaas oo ka soo baxay saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya.
Dowladda Yemen oo eedeysay Maraakiibta shisheeye ee Badaha Soomaaliya ku sugan
Isniin.18-April.2011(SOMAALJECEL) Dowladda Yemen ayaa shaaca ka qaadday in waddamada faraha badan ee Maraakiibta iyo ciidamada geeyay Xeebaha Soomaaliya aysan waxba ka qabanin dhibaatooyinka ay wadaan burcad badeeda Soomaalida.
Wasiirkii hore arrimaha dibadda dalka Yemen haatanna ka tirsan guddiga Shuurada ee dalkaasi Dr. Axmed Al-asbaxi ayaa sheegay in burcad badeeda Soomaalida ay si caadi ah u wataan afduubyada ay u geystaan Maraakiibta, wuxuuna shaaca ka qaaday in Maraakiiba hubeysan ee dalalka caalamku geeyeen xeebaha Soomaaliya aysan waxba ka qabanin kooxaha burcad badeeda.
Mas’uulkaasi waxa uu ugu baaqay waddamada Carabta inay tallaabo degdeg ah ka qaadaan Kooxaha burcad badeeda si buu yiri loo ciribtiro.
Waxa kale oo uu sheegay in dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya ay sabab u noqdeen in kooxaha burcad badeeda Soomalida ay afduub ka gaystaan Xeebo ka fog dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrintaasi looga hortagi karo oo kaliya in laga shaqeeyo sidii dalka Soomaaliya dowlad dhamaystiran looga dhalin lahaa.
Mas’uulkaasi waxaa uu sheegay in burcad badeeda Soomaalida ay qasaaro lixaad leh u gaystaan dhaqaalaha Carabta iyo kuwa Caalamka, wuxuuna sheegay in tirakoobkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay qasaaraha ay gaysteen burcad badeeda Soomaalida ay sii cagacagaynayso 30-Milyan oo doolarka Maraykanka ah.


Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay furtay waddada dabka ee suuqa Bakaaraha
Lacago la guddoonsiisay dhalinyaro dowladdu ay sheegtay inay Al-shabaab ka soo goosteen
Xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyihii guud ee ciidamada AMISOM
Bannaanbaxyada lagu qabto Muqdisho oo amar laga soo saaray
Ra’isal wasaare Farmaajo oo codsi gaar ah u jeediyay Jaaliyadaha Soomaalida ee dibadaha jira
Dagaal culus oo ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho
Dowladda Yemen oo eedeysay Maraakiibta shisheeye ee Badaha Soomaaliya ku sugan
1492|1303018200|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho dib ugu laabtay
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho iyagoo ka yimid dalka Kenya oo ay kaga soo qeyb galeen shirkii ay dhawaan Qaramada Midoobay ku qabatay magaalada Nayroobi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa soo dhaweeyay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyhu ka warbixiyay shirkii ka dhacay Nayroobi oo uu sheegay in qodobo tallooyin ah ay ka soo bexeen, qodobadaasina uu hordhigi doono Baarlamaanka.
“Anigu go’aan ma soo qaadin ee tallooyin ayaan wadaa, waxaana horgeynayaa baarlamaanka, iyagaana go’aanka kama dambeysta ah iska leh” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo difaacay ka qeyb galka shirkaas isagoo sheegay in shirka kaqeybgalkiisa lagu casuumay isaguna uu xor yahay inuu ka qeyb galo, cid uu kala tashanayana aysan jirin.
Waxa uu sidoo kale Guddoomiyuhu sheegay in shirka oo ay beesha caalamku qabanqaabisay ay ku qeexeen go’aankii uu Baarlamaanku ku kordhiyay muddada uu sii shaqeynayo iyo waxyaabaha ku qasbay, isagoo tilmaamay in dadkii ka qeyb galay shirka ay muujiyeen in loo baahnaa in Baarlamaanku la tashado inta uusan waqtiga kordhisan, wuxuuse sheegay in ay ku qanciyeen ciriiriga ka jiray dhinaca waqtiga.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in shirku uu ahaa wadatashi ayna ka qeyb galeen maamullo Soomaaliyeed oo ay ka dhaxeyso talada dalka, is afgaradna uu ku soo dhamaaday.
Amiirka Xarakada Al-shabaab oo fariin cod ah soo diray
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Amiirka Xarakada Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr ayaa fariin maqal ah oo uu cajalad ku soo duubay wuxuu soo gaarsiiyay warbaahinta qaarkeed.
Waxa uu Amiirku ka hadlay dagaalladii dhawaan ka dhacay koonfurta Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada AMISOM, wuxuuna ugu horreyn ka hadlay dagaalladii ka dhacay gobollada Gedo iyo Jubbada hoose isagoo sheegay in dagaalladaasi ay ahaayeen kuwo looga horjeedo ku dhaqanka sharciga islaamka iyo ammaanka ka jira deegaannadaas, isla markaana la barakiciyo dadka muslimiinta ah ee ku nool degaannadaas.
Waxa uu amiirka Al-shabaab ugu baaqay dadka ku nool gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Hiiraan, Gedo iyo Galguduud inay iska difaacaan cadowga Ilaahay, isla markaana ay u tartamaha khayrka iyo jihaadka Alle.
Wuxuu Amiirku bogaadin u jeediyay shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay naf iyo maal u hureen jihaadka cadowga lagula jiro, isagoo xusay inay ku sabreen waxyeellada dagaallada.
"AMISOM waxay noqon doontaa isbahaysigii ugu dambeeyay ee Muqdisho ku soo duula wayna burburi doonaan" ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo sidoo kale sheegay in dalalka calaamku ay wadaan qorsheyaal ay dalka ugu qaybiyaan maamul gobolleedyo ay hormuud u yihiin dadkii ay soo carbiyeeyeen 20-kii sano ee ugu dambeeyay kuwaasoo uu sheegay inay jirka kaga eg yihiin Soomaali, qalbiga iyo caqiidadana ay kala mid yihiin Gaalada.
Mujaahidiinta ayuu ugu baaqay inay xoojiyaan dagaallada ay kula jiraan cadowga ayna ogaadaan inay tahay halka ugu sareysa diinta Islaamka, isagoo soo qaatay axaadiis laga wariyay Nabiga (NNKH) oo tilaamaya in jihaadku yahay mid jannada lagu galo.
Bannaanbax ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Banaanbax looga soo horjeedo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka socda afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha caalamiga Aadan Cadde ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo lagu wado inuu maanta ka soo dego Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa arday xiran dareeskooda iskuulka iyo Haween fara badan ayaa waxay afaafka Garoonka diyaaradaha ka wadaan dibadbax ay kaga soo horjeedaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka qayb galay shirkii wadatashiga ahaa ee todobaadkii hore lagu qabtay Nayroobi.
Mudaaharaadkan oo aan la ogeyn cidda soo abaabushay ayaa dadka ka qeyb galay waxay ku qaylinaya erayo ay kaga soo horjeedaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo shirkii Nayroobi.
Mudaaharaadkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalin kahor la rasaaseeyay dad dhigayay dibadbax ay ku taageerayaan shirkii Kenya lagu soo gabagabeeyay ee uu ka qeybgalay Gyddoomiyaha Baarlamaanka, rasaaseyntaas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Ahlusunna oo eedeyn u jeedisay dowladda KMG Soomaaliya
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Afhayeenka Maamulka culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolka Gedo ayaa eedeyn u jeediyay dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay inay xaqirtay dowladdu jiritaanka Maamulka Ahlusunna ee gobolka Gedo.
Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaaddi) waxa uu sheegay in wasiirradii ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya ee booqday degaanno ka tirsan gobolka Gedo ay xaqireen jiritaanka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Gedo.
Waxa uu afhayeenku sheegay in xubnihii ka tirsanaa dowladda KMG Soomaaliya ee dhawaan booqashada ku tegay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ay sheegeen in gobolka Gedo ay joogaaan oo kaliya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo aysan joogin ciidamada Ahlusunna taasoo afhayeenku uu ku tilmaamay inay tahay xaqiraad lagu sameeyay Ahlusunna Waljamaaca.
Afhayeenku wuxuu ku eedeeyay dowladda KMG Soomaaliya in halkii ay ka dhiirigelin lahayd ciidamada Ahlusunna ee dagaallada kula jira Al-shabaab ay xaqiraad ku sameysay ciidamadoodiii ku sugnaa gobolka Gedo ee ka qeyb qaatay dagaalladii gobolkaas looga xoreeyay xoogaga Al-shabaab, sida uu yiri afhayeenka Ahlusunna ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaaddi).
“Falka ay ku keceen wasiirrada ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya waa qalad laga galay Ahlusunna, waxaana loo baahan yahay in dowladdu ay raaligelin ka bixiso” ayuu yiri afhayeenka oo .
Eedeynta Ahlusunna Waljamaaca ay u jeediyeen dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka dambaysay kadib markii wasiirro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay booqasho ku tageen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo sida la sheegay aan xusin joogitaanka Ahlusunna ee gobolkaas sidoo kalena aan booqan fariisimo halkaasi ay ku leeyihiin ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.
Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga oo ka warbixiyay safar uu ku tegay Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa ka warbixiyay socdaalo isaga iyo wasiirro kale oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ay ku soo mareen qaar ka mid ah deegaanno ka tirsan gobollada Gedo iyo Jubbooyinka oo ciidamada dowladda KMG ay kala wareegeen xoogaga Al-shabaab.
Wasiir ku-xigeenku wuxuu tibaaxay in dowladda KMG Soomaaliya ay istaraatijiyad u tahay inay guud ahaan la wareegto gobolada dalka Soomaaliya ayna ka saarto Xarakada Al-shabaab.
C/rashiid Maxamed Xiddig wuxuu ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay caqabad ku yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka, isla markaana ay dhibaatooyin kala duwan ku hayaan dadka ku sugan goobaha ay maamulaan sida uu hadalka u dhigay.
Degaannada uu tegay ayuu sheegay inay ka jiraan abaarro uu sheegay inay saamayn baahsan ku yeesheen dadka iyo duunyada ku nool degaannadaas, wuxuuna tibaaxay in hay’adaha hoos taga Qaramada Midoobay ay ka gaabiyeen wax u qabashada dadkaasi.
“Xiligii uu socday shirkii Nayroobi 50-ruux ayaa baahi dardeed ugu geeriyooday deegaannada aan tagay, qarashaadka shirkaasi lagu bixiyeyna waxaa loo baahnaa in dadkaas lagu samatabixiyo” ayuu yiri Xiddig oo ugu baaqay Hay’adaha samafalka inay gurmad la gaaraan dadkaasi dhibaataysan.
Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Nation oo ka densan gobolka Galgaduud
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Labo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee gobolkaas ay hawada ka maqan yihiin Labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
Sida wararku sheegayaan isgaarsiintaas ayaa waxaa hawada ka saaray Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe kadib markii mas’uuliyiinta shirkadahaas iyo maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe uu isfahmiwaa soo kala dhex galay.
Warku wuxuu tibaaxayaa in maamulka Ahlusunna ay qarashaad weydiisteen mas’uuliyiinta shirkadaha isgaarsiinta ee NationLink iyo Hormuud, kadibna sida la sheegay shirkadahaasi ay diideen bixinta qarashaadkaas oo ay sheegeen inay badan tahay isla markaana hore u bixiyeen qarashaad fara badan.
Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Matabaan iyo deegaanka Girijir oo intaba hoostaga maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa haatan ay ka dansan yihiin isgaarsiinta Labadaas shirkadood.
Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Masjid ku yaala Gaalkacyo
Axad.17-April.2011(SOMAALJECEL) Kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay Masjid ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaasoo ay ku dileen 4 qofood, 10 qof kalena ay dhaawac ugu geysteen.
Weerarkaas oo dhacay maqribnimadii xalay ayay kooxahaasi hubaysan ku qaadeen Masjid lagu magacaabo Salaaxudiin oo ku yaala xaafadda Garsoor ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Lama qaban kooxihii falkaasi geystay, mana jiro ilaa iyo hadda mas’uul ka tirsan maamulka Puntland oo ka hadlay falkaas dhimashada iyo dhaawaca sababay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta kooxdaasi ay weerarka ugu qaadeen masjidka waxayna warar qaar sheegayaan in raga weerarka geystay ay aad uga xumaadeen qaraxii shalay lagu dilay agaasimihii Awqaafta iyo Diinta gobolka Mudug ee maamulka Puntland Ismaaciil Xaashi Xuseen.
Dhinaca kale dibadbax rabshado wata ayaa shalay galab ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, waxayna dadkii dhigay bannaanbaxaasi ay ay ka careysnaayeen falkii qaraxa ahaa ee lagu dilay agaasimihii Awqaafta iyo diinta ee Maamulka Puntland.
Dibadbaxayaasha ayaa dhagxaan waxa ay ku tuurayeen goobaha dowladda hoose ee Maamul goboleedka Puntland, iyagoo ku eedeeyay mas’uuliyiinta Puntland ay wax ka qaban la’yihiin amnidarida ku soo korartay waqooyiga Gaalkacyo.
Sheekadii Dhoof iyo Dhaxal Caashaq (Qaybta 12aad)
Ladan socodkii ayay boobsiisay, “halkee ku jiraa?” ayayna ku tir iyadoo labada qol ee jiingadaha ka sameysan midka uu ku sugan yahay kala xaqiiqsanaysa, Duqdii ayaana u hor kacday Qolkiisii u gaarka ahaa, iyadoo albaabka ka sii galaysa ayayna ku wargeliisay in gabar u soo socoto, isagana inta maryihii u xirnaa hagaagsaday ayuu si kulul u yiri “Maxay tahay gabadhu?” inta Duqdii u jawaabin ayay Ladan hadashay oo tiri “Aboowe waa Ladan Jaamac, ma soo geli karaa?” isagoo is haaraamaya oo ka naxsan noloshan ay ku soo booqatay ayuu ku yiri “haa, soo gal”.
Markiiba Ladan iyadoo degdegaysa ayay dul tagtay Liibaan oo gogol derin ah oo si daran duug u ah ku jiifa way ku foorarsatay iyadoo qushuuc laga dareemi karay, Liibaan Ayeeyadiis ayaa Gambar ka samaysan alwaax u soo qabatay uguna baaqday inay saldhigto, laakiin Ladan fadhi kama uusan heynin oo xaaladda laga argagaxo ee Liibaan ku sugnaa ayaa fajac ku reebtay, xannuunka & diifta jirkiisa ka muuqatay waxaa uga sii darnaaday nolosha dilan ee uu ku jiro, taasoo ay ka galiilyootay.
Liibaan qudhiisu ma uusan jeclaysan booqashada ay ugu timid Ladan oo wuxuu diidanaa inay aragto nolosha uu ku nool yahay, isagoo maryaha u xirnaa oo meelo ka dulduleelay ka qarinaya si wanaagsanna jirkiisa ugu hagaajisanaya ayuu hadal laciif ah ku yiri “Ladan abaayo, yaa guriga kuu soo tilmaamay, maxaad isaga joogi weysay maantalee ayaan maqnaa berriba caadi ayaan iskuulka u imaan lahaa oo waan is arki lahayne?”.
Ladan markii uu sidaa ku yiri Liiban waxay ku tiri iyadoo indhaheedu ilmo ku soo joogsadeen “Liibaan Aboowe wax aan la joogi waayay ayaa I haya, adigana sida kaa muuqata iima ogid sow kuma jecli Aboowe, ilbiriqsi haddii aan ku waayo xaaladeyda sida ay noqoneyso haddii aad ogaan lahayd sidaa iguma dhahdeen”.
Ladan waxay indhaha la raacday qolka uu degan yahay liibaan oo ay yaaleen miis yar oo maro dhammaad ah ku firaashan tahay oo Buuggaagta ay u saarneyd, sariir bir ah oo silliga ku samaysan uu dhexda ka ruqay, derinta uu ku jiifayna duug googo’day ayay ahayd, markiiba inta istaagtay oo tiri “waan kuu soo laabanayaa” ayay beegsatay gurigooda, Armaajadeedii u gaarka ahayd ayay lacag ugu xareysnayd ka soo bixisay waxayna la hadashay Darawalkii waday gaarigii yaraa ee aabaheed oo ay ka dalbatay in uu suuqa geeyo isagana dhaqaalo iyo dhaadhac hoose ayuu ku heystaye war kuma soo celin oo markiiba wuu la haaday oo suuqii geeyay, waxayna ka soo iibisay joodari isbuunyo ah, dhowr yaardi oo firaash ah iyo weliba labo kursi oo kuwa fadhiga isbuunyada leh ah, waxayna la soo tiigsatay hoygii Liibaan oo ay tiri “Derintan dhabarka ayay kaa qabanaysaaye joodarigan ku seexo, kuraastana dadka ku soo booqdo haku fariistaan, adigana markaad wax akhrisanayso isticmaal.
Liibaan Ayeeyadiis oo dhaqdhaqaaqa Ladan iyo alaabada ay keentay la socotay lana yaaban Gabadhan maanta oo kaliya soo booqatay ee waxaan oo alaab ah keentay ayaa iyadoon wax hadal ah ku darsan fiirmo oo kaliya ku kaalmeysay, waxayna sugeysay ilaa ay ka baxdo si ay wiilkeeda u weydiiso waxa gabadhu tahay.
Markiiba Ladan ay alaabadii ku wareejisay Liibaan, kuma aysan sii daahin oo xogtiisa Caafimaad iyo sida uu hadda yahay inta weydiisay ayay u sheegtay in ay sii baxayso, iyadoo u sii laabtay waxoogaa lacag oo haddii uu u baahdo dawo iyo baan uu ka sii dhigto, isagana wuxuu u sheegay inuu iska ladan yahay oo berri uu iskuulka imaanayo, kadibna way s macsalaameeyeen.
LA SOCO AXADDA KALE
Qalinkii: C/raxmaan Cumar (Caaqil Dalmar)
Email: caaqildalmar@hotmail.com


Sheekadii Dhoof iyo Dhaxal caashaq (Qaybta 12aad)
Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho dib ugu laabtay
Amiirka Xarakada Al-shabaab oo fariin cod ah soo diray
Bannaanbax ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho
Ahlusunna oo eedeyn u jeedisay dowladda KMG Soomaaliya
Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga oo ka warbixiyay safar uu ku tegay Gobollada Gedo iyo Jubbooyinka
Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Nationlink oo ka densan gobolka Galgaduud
Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Masjid ku yaala Gaalkacyo
1491|1302931800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Dagaal culus oo goor dhow ka bilowday duleedka magaalada B/weyne
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) War goor dhow naga soo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab goor dhow uu ka qarxay duleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ah mid aad u culus ayaa waxay labada dhinac isu adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud, waxaana dhawaqa hubka ay is weydaarsanayeen laga maqlayo deegaannada ku hareeraysan halka ay ka socdaan dagaaladaasi.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo wararku ay sheegayaan inuu si xawli ah u socdo, iyadoo dagaalku uu ku fiday degaanno kale oo ku dhow halka uu ka bilowday.
Ma aha markii ugu horreysay oo duleedka magaalada B/weyne ay ka dhacaan dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Al-shabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo dagaalladaasina ay sababaan waxyeello soo gaarta dadka rayidka ee degan goobaha lagu dagaalamo iyo sidoo kale ciidamada dagaalama.
Madaxweynaha Soomaaliya oo u dhoofay dalka Tanzaniya
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay galab u ambabaxay dalka Tanzaniya ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dalkaas, waxaana salaan sharaf uu ka qaatay ciidamada dalkaas.
Madaxweyne Shariif oo safarkiisa dalka Tanzania ay ku soo beegantay xilli maalin kahor uu ka soo laabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan xukuumadda KMG Soomaaliya, isagoo ka tegay qaar ka mid ah wasiirradii la aaday dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Tanzania, iyadoo dhawaan dowladda KMG ay safiir cusub u magacowbay dalkaasi Tanzania.
Madaxweynaha ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulamo kula soo qaatay Ra'isal Wasaaraha dalkaasi Melles Zenawi oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ka mid ah ammaanka iyo siyaasadda dalka Soomaaliya.
Safarka uu Madaxweynaha ku aaday Tanzania ayaa qeyb ka ah safaro maalmihii u dambeeyay uu ku kala bixinayay dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, isagoo horay u tagay dalalka Yugandha, Burundi, Ruwanda iyo Itoobiya.
Shaqaalo u shaqeynayay hay’adda ICRC oo lagu xiray magaalada Baydhabo
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Labo nin oo ka tirsan shaqaalaha Hay'adda ICRC ee ka howl gala magaalada Baydhabo ayay ciidamo ka tirsan xarakada Al-shabaab dhigeen xabsi ku yaala magaalada baydhabo.
Raggaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amniyaadka ayaa waxaa lagu eedeeyay arrimo la xiriira musuq maasuq ay ka sameeyeen mucaawinno ay ka qeybinayeen degaanno ka tirsan Gobolka Bay.
Labadaas nine e ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeeya hay’adda ICRC ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku xiran yihiin Xabsi ku yaala gudaha magaalada Baydhabo.
Ciidamada amniyaadka ee xarakada Al-shabaab oo raggaasi xiray ayaa ka madax bannaan Maamullada xarakada Al-shabaab ee dalka Soomaaliya ka jira, dadka ay qabsadaana iyaga oo kaliya ayaa go’aanka ugu dambeeya ka gaara.
Labo haween Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagayo dalka Mareykanka
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Labo haween Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay dhaqaalo fara badan u direen Xarakada Al-shabaab, ayna damacsanaayeen shirqool ayaa Maxkamad ku taala magaalada Miniapoles gobalka Minasota ee dalka Mareykanka lagu soo taagayaa bisha soo socota.
Labadan haween oo lagu kala magacaabo Aamino Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ammaanka u qaabilsan dowladda Mareykanka, kadib markii lagu eedeeyay inay dhaqaale u aruurinayeen xarakada Al-Shabaab iyo arrimo kale oo shirqool ah.
Haweenkan ayaa waxay iska fogeeyeen eedeymaha dusha laga saaray, waxayna xuseen in dambi aysan lahayn lagu soo oogay.
Maxkamadeynta haweenka Soomaalida ah ayaa la sheegay in ay bilaabanayso bisha soo socota, mana la oga waxa ay kala kulmi doonaan Maxkamadeyntaas.
Ganacsade Soomaaliyeed oo dalka K/afrika ku dhaawacay Soomaali kale oo ay shirko ahaayeen
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Ganacsade Soomaali ah oo ku hubeysan toorey ayaa dhaawacay ganacsade kale oo Soomaali ah oo ay shirko ahaayeen.
Sida wararka naga soo gaaraya magaalada CapeTown ee dalka K/afrika ay sheegayaan falka weerarkaa ayaa waxa uu ka dhacay Masjid lagu magacaabo Zeinatul Islaam kadib markii salaadda Jimcaha laga soo baxay.
Ninka dhaawaca geystay ayaa la sheegay in loo gacan geliyay ciidamada Booliska magaalada Capetown ee dalkaasi K/afrika, waxaana la sheegay in labada nin uu u dhexeeyay khilaaf xagga ganacsiga ay sharkada ku ahaayeen.
Ninka la dhaawacay oo lagu magacaabo Muuse C/llaahi Gobey ayaa waxaa la dhigay Isbitaal ku yaala magaalada Capetown, iyadoo ninka dhaawaca u geystay ay qabteen dadkii Masjidka ku tukaday salaadda Jimcaha ah.
"Waa markii ugu horreysay oo Soomaali ganacsato ah ay dhaawac noocan ah isu geystaan, iyadoo horey ganacsatada Soomaalida ee CapeTown ay waxyeello kala kulmi jireen kooxo burcad ah oo u dhashay dalka K/afrika, tiiyoo aysan jirin cid wax ka qabata.
Bannaanbax dad ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Bannaanbax ay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii ay rasaas isku dulweydaarsadeen dadkii dhigayay banaanbaxa ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Dibadbaxan oo ka dhacay agagaarka xaruntii hore ee Baarlmaankii Soomaaliya eek u dhow Daljirka Dahsoon ayaa waxaa ku dhintay saddex ruux oo labo dadkii bannaanbaxayay ahaayeen, midna askari ka tirsan ciidamadii dagaalamay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Lix qof oo ay labo askari yihiin, Saddexda kalena rayid.
Bannaabaxaas oo lagu taageerayay shirkii wadatashiga ee todobadkii tegay lagu soo gabagabeeyay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay ciidamo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo weerar ku qaaday ciidamo ka amar qaatay Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere), kuwaasoo rasaas isweydarsaday ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca halkaa ka dhashay.
Bannaanbaxa waxyeellada sababay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli xukuumadda Soomaaliya ay amar ku soo rogtay dadka bannaanbaxyada dhiga kuwaasoo ay fartay in bannaanbaxyada laga dhigayo Muqdisho lagu soo wargeliyo maamulka gobolka Banaadir, iyadoo kooxihii shalay bannaanbaxa dhigay amarkaasi ay ka dhego adeygeen.
Ma jirto cid loo qabtay dilka dadka dibadbaxa dhigayay, iyadoo dibadbax bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacay Muqdisho oo ay dad rayid ah ku dhinteen loo qabqabtay Shan qof oo uu ku jiray Guddoomiyihii hore e gobolka Banaadir Maxmaed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maxkamadi ay sii daysay.
Nin nabaddoon ahaa oo lagu dilay magaalada Dhuusamareeb
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa habeenkii xalay lagu toogtay meel 7 KM u jirta magaaladaas.
Dilka nabaddoonkaa ayaa waxaa la sheegay in uu geystay nin ku hubeysnaa bastoolad kaasoo guriga ugu galay nabadoonka kadibna rasaas ku furay, waxaana la sheegay in qofka dilka geystay uu baxsaday.
Nabaddoonka geeriyooday oo magaciisu ahaa Daahir Raage Ceyroow ayaa waxaa la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay nin xaaska uu qabay hore u furay, sida ay shaaciyeen dadka deegaanka.
Guddoomiyaha ciidamada Ahlusuna Waljamaaca ee degmada Dhuusamareeb C/raxmaan Geeda-qoroow ayaa saxaafadda u sheegay inay ku raadjoogaan ninka dilka geystay isagoo xusay in ay bilaabeen ciidamada Ahlusunna in baaritaan ku wajahan ninka falka dilka ah geystay.
Xarakada Al-shabaab oo loogu baaqay inay ka qeybgasho shir ka dhacaya Muqdisho
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya iyo Afhayeenka odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye nabaddoon Axmed Diiriye Cali ayaa si isku mid ah baaq ugu jeediyay xarakada Al-shabaab.
Waxa ay xildhibaannada iyo Axmed Diiriye ugu baaqeen xarakada Al-shabaab inay ka qeyb galaan shirka ay qabanayso xukuumadda KMG Soomaaliya bisha Juun ee soo socota.
Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in xarakada Al-shabaab ay horey u diidi jirtay shirarka lagu qabto dalka dibaddiisa, haatana loogu baaqayo shir ka dhacayo gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxa uu Diiriye sheegay in xarakada Al-shabaab dad badan laga laayay iyaguna ay dad badan dileen, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in hadda kadib si loo daayo is dilka ay ka soo qeyb galaan shirka wadatashiga ah ee ka dhacaya dalka gudihiisa, sida uu yiri Axmed Diiiye.
Xildhibaan Axmed Cumar Xasan oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya ee baaqa u jeediyey xarakada Al-shabaab ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab in ay ka soo qeyb gasho shirka ay Xukuumadda KMG Soomaaliya doonayso in ay dhawaan dalka gudahiisa ku qabato, shirkaasoo uu sheegay in xal loogu raadinayo dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
Xarakada Al-shabaab ayaa horey u sheegay in inta ay ku jiraan dalka Soomaaliya ciidamo shisheeye aysan ka qeyb gali doonin shir walba oo Soomaalida loo qabto.
Dowladda KMG ayaan marna ogolaanaynin inay ciidamada ka socda dalalka Burundi iyo Yugandha ka baxaan Soomaaliya, kuwaasoo ilaalo u ah madaxda sare ee dowladda KMG iyo ilaha dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada dowladda KMG oo xaafado ka tirsan Muqdisho howlgallo ka sameeyay
Sabti.16-April.2011(SOMAALJECEL) Ku dhawaad 20-ruux ayay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya maanta ku soo qabqabteen howlgallo dad lagu soo qabqabtay oo ay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
Howlgalladaas ayaa waxaa ka warbixiyay Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya C/kaafi Hillowle Cismaan oo sheegay in degaannada ay howlgallada ka sameeyeen ciidamada dowladda KMG ay ka mid yihiin degmooyinka Shangaani, Boondheere, Xamar weyne, Xamar jajab, Waaberi iyo qeybo ka tirsan Hodan.
Waxa uu C/kaafi sheegay in howlgalladaasi loogu talo galay in lagu xaqiijiyo amaanka degaannada ay ka taliso dowladda KMG Soomaaliya.
Xoghayuhu wuxuu shaaca ka qaaday in intii howlgalladaasi ay socdeen ciidamada dowladda ay ku qabqabteen ku dhawaad 20 ruux oo ay ku jiraan askar ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo lagu eedeeyay sida uu sheegay inay ka dhac u geysanayeen dadka deeganadaasi.
C/kaafi Hillowle Cismaan Xoghaya guud ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu intaasi raaciyay in degmooyinka ay gacanta ku hayso dowladda KMG Soomaaliya ay u sameeyeen guddi amniga ka shaqeeya oo wax ka qabta sugidda amaanka degmooyinkaasi.
Qaar ka mid ah degmooyinka ay maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa dadka degan inta badan ay ka cawdaan ciidamo ka tirsan dowladda oo ay sheegeen inay dhac u geystaan dadka, iyagoo sidoo kale lacago baad ah ka qaata gaadiidka rakaabka qaada iyo kuwa gaarka loo leeyahay.


Dagaalo culus oo goor dhow ka bilowday duleedka magaalada B/weyne
Madaxweynaha Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Tanzaniya
Shaqaalo u shaqeynayay hay’adda ICRC oo lagu xiray magaalada Baydhabo
Labo haween Soomaali ah oo Maxkamad lagu soo taagayo dalka Mareykanka
Ganacsade Soomaaliyeed oo dalka K/afrika ku dhaawacay Soomaali kale oo ay shirko ahaayeen
Bannaanbax dad ku dhinteen oo Muqdisho ka dhacay
Nin nabaddoon ahaa oo lagu dilay magaalada Dhuusamareeb
Xarakada Al-shabaab oo loogu baaqay inay ka qeybgasho shir ka dhacaya Muqdisho
Ciidamada dowladda KMG oo xaafado ka tirsan Muqdisho howlgallo ka sameeyay
1490|1302759000|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay shir dib u heshiisiineed Soomaaliya ku qabanayaan
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Shir xasaasi ah oo Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xafiiska Ra'isal wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen in ay shir dib u heshiiseed ku qabanayaan gudaha dalka Soomaaliya,
Wasiirradu waxay sheegeen inay diyaarinayaan shir lagu qabanayo magaalada Muqdisho 11-ka ilaa 16-ka bisha June ee sanadkan.
Waxay wasiirradu shirkooda ku soo hadal qaadeen shirkii wadatashiga ahaa ee xalay lagu soo gabgabeeyay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kaasoo ay sheegeen inaysan ka soo bixin qodobbo miro dhal ah sidoo kalena uu ahaa mid aan ka tarjumaynin danaha dadka Soomaaliyeed.
Waxa ay wasiirradu sidoo kale shirka ay maanta yeesheen ka soo saareen qodobo dhowr ah oo ka ah In dowladdu ay diyaar u tahay in wadatashi, isla xisaabtan iyo dib u heshisiiin dhab ah ay la yeelato dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida: maamul goboleedyada dalka ka jira, ururrada bulshada rayidka, kooxaha dowladda kasoo horjeeda, madaxda dhaqanka iyo culummaa'udiinka, In la saaro guddi heer wasiir ah oo kasoo talo-bixiya habka ugu haboon ee lagu qaban karo shirka ka dhacaya dalka, In ajnadayaasha iyo macluumaadka shirka ay kala tashanayso dhammaan qaybaha uu quseeyo, sidoo kalena ay qabashadiisa la kaashan doono beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay.
Madaxweynaha Soomaaliya oo safar kedis ah ku aaday dalka Itoobiya
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta safar degdeg ah ugu ambabaxay dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka maaliyada iyo lacagta Xuseen Cabdi Xalane, wasiiru dowlaha Madaxtooyada C/qaadir Macalin Nuur iyo mas'uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha.
Lama oga ujeeddada rasmiga ah ee madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ay u aadeen dalka Itoobiya, waxayna wararku sheegayaan in marka ay madaxweynaha iyo wafdigiisa ay dhamaystaan safarka dalka Itoobiya ay tegayaan dalka Tanzaaniya sida uu warbaahinta u sheegay Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka tirsan xafiiska Ra’isal wasaaraha.
Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay ku aadeen dalka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan uu madaxweyne Shariif kasoo laabtay safarro uu ku tagay dalalka Yugandha, Burundi iyo Ruwanda.
Ergeyga Q/midoobay ee Soomaaliya oo sheegay in shir lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augostine Mahiga ayaa waxa uu sheegay in shir loogu gogol xaarayo sidii doorasho guud loogu qaban lahaa dalka Soomaaliya ay diyaarinayaan.
Ergeygu wuxuu sheegay in shirkaas la qabanayo kahor bisha Augusto ee soo socota xilligaas oo ku beegan dhammaadka dowladda KMG Soomaaliya.
Mahiga ayaa waxa uu sheegay in uu ka dalbanayo xukuumadda KMG Soomaaliya iyo urarada siyaasadeed inay ka qeyb qaataan shirka doorashada madaxtinimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay taageero wayn u hayso Qaramada Midoobay.
Waa markii ugu horreysay oo Q/midoobay ay shaaca ka qaaddo in shir lagu dooranayo madaxda Soomaaliya lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya, waxayna tani ku soo beegmaysaa kadib markii madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya ay diideen kaqeybgalka shirkii wadatashiga Soomaaliya ee lagu qabtay dalka Kenya.
Xaflad ka dhacaysay magaalada Hargeysa oo weerar lagu qaaday
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Xaflad lagaga hadlayay furashada ururada Siyaasadda Somaliland oo ka dhacaysay xalay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa arbushaad ka sdameeyay xubno ku sugnaa madasha xafladdu ka dhacaysay, kuwaasoo dadka ka qeyb galayay xafladda ku garaacay Kuraastii madasha taalay.
Xafladdaas oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin ka mid ah dadka u ololeeya in ururro laga furo Somaliland iyo xubno ka socday ururada kala duwan ee Bulshada rayid ayaa waxaa rabshadda ka dhacay ku waxyeelloobay qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii xafladda oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Dadkii weerarka qaaday qudhooda ayaa la sheegay in waxyeello ay soo gaartay kadib markii qaar ka mid ah dadkii ay weerarka ku qaadeen ay iska difaaceen oo ay iska celiyeen.
Inta la ogyahay ilaa hadda dad tiradoodu kor u dhaafayso 10 qofood oo qaar ka mid ahi ay suxufiyiintii goobta joogtay yihiin, qaarka kalena dadkii weerarka lagu qaaday iyo kuwii qaadayba ayaa dhaawacyo kala duwani soo gaareen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah saxafiyiintii shirka ka qeyb gashay.
Dadka qaar ayaa waxay dhaawacmeen kadib markii ay is buurteen xilli ay ka cararayeen rabshada dhacay goobta xafladdu ka dhacaysay.
Kadib muddo daqiiqado ah ayaa waxaa goobta gaaeay ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, kuwaas oo goobta ka qabtay dadkii rabshadda sameeyay, isla markaana xabsiga u taxaabay.
Warku wuxuu sheegayaa in ciidamo ilaalo ah la dhigay goobtii, waxaana mar kale suuragashay baa la yiri in munaasibadii dib loo bilaabo oo dadka inti aan tegin dib loogu furo.
Maamulka Raaskaanbooni oo sheegay inay isu soo dhiibeen ciidamo Al-shabaab ah
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka Ururka Raaskambooni degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan xarakada Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Maamulkooda.
Sarkaalka qaabilsan howgalada ururka Raaskambooni oo lagu magacaabo C/fitaax Faarax Dalal ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen askar ka tirsan Al-shabaab oo gaarayay ilaa 10-askari ay ka soo baxsadeen maamulka Al-shabaab ee Jubbooyinka.
Sarkaalkaan ayaa tilmaamay inay askartan ku soo dhaweeyeen degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, waxaana uu sheegay in dhalinyaradan ay ahaaayeen kuwo da’yar oo sida uu yiri ay qaldeen xarakada Al-shabaab, sida uu sheegay, isagoo intaa raaciyay inay cafinayaan dhalinyarada ka soo baxsata Al-shabaab ee ururkooda isu soo dhiiba, hase ahaatee waxa uu xusay inaanay cafin doonanin saraakiisha Xarakada Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya oo eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Beesha caalamka
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo magaalada Muqdisho kulan kula qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu sheegay inuu noqday kalitelis.
Waxa uu madaxweynuhu sheegay in ka qeybgalka shirarka ay xaq u leedahay xukuumadda, isagoo xusay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kaqeybgalka shirkaas uu ku qaldan yahay, isla markaana uusan cidna kala tashan.
“Ka qeybgalka shirkaasi waxaa iska lahayd xukuumadda, haddii xukuumaddu diiday in laga qeyb galo maba ahayn, Shariif Xasanna wuu ku qaldan yahay ka qeybgalka shirka” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhaliil kulul u jeediyay beesha Caalamka oo uu sheegay inay qas iyo fowdo ku heyso Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in Beesha Caalamka horay ay madaxda Soomaalida ugu dhaliili jirtay Maamul Xumo, hase ahaatee iminka ay iyagu wadaan maamul Xumada.
"Beesha caalamka waagii hore waxay dhihi jireen, maamul xumo ayaa Soomaaliya ka jirta, madaxweyne keli-telis ah iyo Ra'isal Wasaare Keli-telis ah, hadda anaga ayaa waxaan dhahaynaa beesha caalamka iyadaa kalitelis ah oo maamul xumo nagu waddo" ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Waxa uu madaxweynuhu xusay in dhankooda aanay diidanayn wadahadal, balse wadahadallada loo baahan yahay inuu ka yimaado Soomaalida, isagoo ka codsaday Beesha caalamka inay ixtiraamaan talada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay shirka Kenya inuu yahay mid lagu burburinayo waxqabadkii ay dowladda Soomaaliya sameysay, wuxuuna caddeeyay in dowladda lagu soo dhisay dib u heshisiin, isla markaana waxyaabaha ay u taagan tahay ay tahay wadahadal iyo dib u heshiisiin.
Madaxweyne Shariif waxa kale oo uu sheegay in hadallo been ah horey looga faafiyey, lana sheegay inuu kala dirayo baarlamaanka.
“Aniga ma doonayo in Baarlamaanka aan kala diro,waayo waa kuwii shalay i doortay, haddana waxaan ka rabaa kalsooni, mana jiri sabab aan ku baabi'iyo kalsoonidii na dhex taalay aniga iyo Baarlamaanka” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo intaa ku daray in Baarlamaanka iyo xukuumada looga baahan yahay inay isu soo dhawaadaan, isagoo codsaday in la eego waqtiga kala guurka, lana suurageliyo in la isku raaco muddada halka sano ee uu xukuumaddu soo gudbisay.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in saddex sano gudahood ay ku dhici karto doorasho, hase ahaatee loo baahan yahay in laga war sugo howsha dowladda, wuxuuna caddeeyay in ifafaalaha dowladnimo uu hadda muuqdo.
Shirkii wadatashiga Soomaalida oo lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Shirkii wadatishiga madaxda Soomaaliya oo muddada labada maalmood ka socday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa habeenkii xalay la soo gabagabeeyay iyadoo aanay ka soo bixin go’aanno dhaxalgal ah.
Shirkaas ayaa waxaa ka soo baxay oo kaliya talo soo jeedin la isku afgartay kuwaasoo ay soo jeediyeen ka qeyb galayaashii shirka, waxaana qodobadaasi la isku afgartay ka mid ah:-
1. In bisha Augosto ee soo socota la qabto doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya.
2. In Baarlamaanka KMG Soomaaliya loo kordhiyo muddo labo Sano ah.
3. In culumaa’udiinka Ahlusuna ay yeeshaan hogaan mideysan si ay u suuragasho inay ka qeyb qaadan karaan doorashada.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo shirka ka qeyb galay ayaa markii uu shirku soo dhammaaday waxa uu qabtay shir jaraa’id oo uu ku sheegay in ay ku qanacsan yihiin natiijada ka soo baxday shirka.
Madaxweynaha Galmudug oo isna hadlay shirka kadib ayaa wuxuu sheegay in shirka aanay wax go’aanno ka soo bixin, balse talo soo jeedin kaliya ay yihiin waxyaabaha ka soo baxay shirka, tallooyinkaas ayuu sheegay in dood dheer kadib la isku afgartay.
Dhanka kale Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa u hadlay Sheekh Cumar oo ka mid ahaa xubnihii Ahlusunna Waljamaaca u matalayay shirka, wuxuuna sheegay in kulankaasi uu ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan.
Waxaan la ogaan karin qodobada talo soo jeedinta ah ee ka soo baxay shirkii Kenya sida ay u hirgeli karaan, iyadoo dhanka kalena ay jiraan khilaaf aad u xoogan oo ka dhex taagan madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Dagaalo ka dhacay degmada Ceelbarde
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Dagaal aad u xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Dagaalkaas oo la isu adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa waxaa ka dhashay qasaaro soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay, dhab ahaanna looma oga inta uu gaarsiisan yahay qasaaraha, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in la arkay meydadka 3 ruux oo rayid ah iyo tiro dhaawac ah.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ay ku bilawdeen kadib markii werar xoogan ciidamada xarakada Al-shabaab ku qaadeen fariisimo halkaasi ay ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalladaas ayaa sheegaya in dhinacyadii dagaalamay aanay kala gaarin wax guulo ah, waxayna ciidamadii dagaalamay kala joogaan baa la leeyahay goobihii ay horay u kala joogeen.
Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay deegaanno ka tirsan Gobollada dalka
Khamiis.14-April.2011(SOMAALJECEL) Deegaanno ka tirsan gobollada Bay, Bakool, Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Benaadir ayaa xalay waxaa ka da’ay roobabkii gu’ga.
degaannada ay xalay ka curteen roobabka gu’ga ayaa waxaa ka jiray abaaro xooggan oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool gobolladaas.
Deegaannada loo barakacay ee ku yaalla inta u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose iyo xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay saqdii dhexe ka da’ay roobab socday muddo saacado ah, iyadoo daad roobabkaas ka dhashay ay gudaha u galeen cooshadihii ay ku noolaayeen barakacayaasha qaarkood, balse ma jirto wax khasaare ah oo ay geysteen roobabkaas.
Deegaannada ay roobabku ka da'een ee Bay iyo Bakool ayaa dadka ku nool waxay soo sheegayaan in roobabku ay biyo dhigeen deegaannadaas oo ay abaaro daran ka taagnaayeen, iyagoo sheegay inay soo gashay rajo wanaagsan.
Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray abaaro xooggan tan iyo dhammaadkii sannadkii la soo dhaafay kaddib markii ay baaqdeen roobabkii la filayay xilliga dayrta, waxaana abaarahaas ay keeneen in dadka iyo duunyadu ay dhintaan.


Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay shir dib u heshiisiineed Soomaaliya ku qabanayaan
Madaxweynaha Soomaaliya oo safar kedis ah ku aaday dalka Itoobiya
Ergeyga Q/midoobay ee Soomaaliya oo sheegay in shir lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya
Xaflad ka dhacaysay magaalada Hargeysa oo weerar lagu qaaday
Madaxweynaha Soomaaliya oo eedeyn u jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Beesha caalamka
Shirkii wadatashiga Soomaalida oo lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya
Maamulka Raaskaanbooni oo sheegay inay isu soo dhiibeen ciidamo Al-shabaab ah
Dagaalo ka dhacay degmada Ceelbarde
Roobab lagu diirsaday oo ka da'ay qaar ka mid ah Gobollada dalka Somalia
1489|1302672600|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo eedeyn u ujeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay kulanka shalay ka furmay dalka Kenya wuxuuna sheegay in kulankaasi aysan ka soo bixi dooonin natiijo wanaagsan.
Waxa uu Ra’isal wasaaruhu cambaareeyay ka qeybgalka shirkaasi uu ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan, wuxuuna sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya tegistiisa shirkaasi uusan kala tashan Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isla markaana uusan tixgelinin maslaxadda iyo danaha ummadda Soomaaliyeed.
“Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu maroorsaday howshii Xukuumadda, waayo Xukuumadda oo ah hay’adda fulinta ayaa isagoon kala tashan ka qeyb galay shirka Kenya” ayuu yiri Ra’isal wasaare Farmaajo.
Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay in shirka Nayroobi uu ku dhammaanayo natiijo la’aan mar haddii xukuumadda Soomaaliya aysan ka qeyb galeynin, sida uu yiri.
Ra’isal wasaaruhu waxa uu dhanka kale daboolka ka qaaday in Xukuumaddu waddo qorshe ay dib ugu soo celinayso amaanka iyo kala dambeynta si buu yiri ay suuragasho in shir kasta lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya.
“Ummadda Soomaaliyeed iyadaa xaq u leh in ay ka tashato aayaheeda, shirarka Soomaalida loo qabanayana hadda kadib waxay ka dhacayaan gudaha dalka Soomaaliya, .
R/wasaare Farmaajo waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay eegaan aayahooda taageeraanna Dowladda, isagoo ka digay in la kala qeybqeybiyo ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweyne shariif oo fariin gaar ah u diray dhalinyarada dagaalka ku jirta
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa fariin gaar ah u diray dhalinyarada dagaalka ku jirta ee la safan kooxda Al=-shabaab.
Madaxweyne Shariif wuxuu sheegay in dhalinyaradaas la marin habaabiyay, isla markaana loo sheegay in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid Diinta Islaamka raali ka tahay, laakiin uu u sheegay in dagaalkaasi uusan xaq ahayn, wax raad ahna uusan ku lahayn Diinta Islaamka.
“Waxaan uga digayaa dhalinyaradaas la marin habaabiyay in Alle ay ka cabsadaan kana soo baxaan dagaallada lagu marin habaabiyay” ayuu yiri isagoo ugu baaqay inay wax bartaan kuna soo biiraan dhinaca dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad shalay lagu xusayay maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya taasoo ka djacday xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyiha guddiga abaaraha Qaranka Soomaaliyeed oo is casilay
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyiha guddiga abaaraha Qaranka Soomaaliyeed Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska casilay xilkaas.
Waxa uu xildhibaanku sheegay in shaqadaasi uu wadi waayay, isagoo xusay in uu is casilay kadib markii sida uu yiri uu latashiyo uu kala sameeyay madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Xildhibaan Ibraahim Xabeeb Nuur waxa uu sheegay in maanta uu iska wareejiyay xilkii guddoomiyenimo ee guddiga gurmadka abaaraha Qaranka isagoo xusay in shaqada guddiga ay ahayd shaqo aad u culus oo sida uu yiri wadisteeda ku adkaatay.
Waxa uu xildhibaanku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xiligaan u baahan yihiin in kaalmo bini’aadanimo loo fidiyo, isagoo xusay in intii uu xilka hayay uu guddigaasi kaalmooyin u fidiyay Qoyasas dhibaataysan.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in fadhi ay isugu yimaadeen Baarlamaanka uu ka sheegay in uu xilkaasi wadi waayay hase ahaatee waxaa uu tilmaamay in Ra’isal wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha ay ka dalbadeen in shaqadiisa uu sii wado, balse markii uu arkay in xilkaasi uu wadi waayay uu maanta iska casilay.
Dowladda KMG oo amarro ku soo rogtay Hoteelada Muqdisho
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa amarro ku soo rogay Hotellada ka howlgalada gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku yaala degaannada ay dowladda KMG kaga sugan tahay magaalada Muqdisho.
Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya C/kaafi Hilowle Cusmaan ayaa sheegay in Hotelada waaweyn ee ku yaala Muqdisho aysan qaban karin shirar aanay ogeyn maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya.
“Waxaan uga digeynaa Hoteellada Muqdisho gaar ahaan kuwa ku yaala goobaha ay dowladdu maamusho in aan la qaban karin shir aanay la socon maamulka gobolka Banaadir” ayuu yiri xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle.
Sidoo kale banaanbaxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayuu sheegay in dadka qabanqaabinaya ay soo wargeliyaan maamulka Gobolka, si loola socda buu yiri bannaanbaxyadaas ammaankoodana la sugo, isagoo xusay in banaanbax horey uu u soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir lagu laayay dad rayid ah, sidaa awgeed dadka bannaanbaxyada dhigaya ay soo wargeliyaan maamulka si loola socda ayuu yiri.
Shirkii ka furmay Kenya oo shalay uu buuq hareeyay
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Shirkii wadatashiga Soomaalida ee shalay ka furmay dalka Kenya ayaa lagu wadaa in mar kale maanta uu furmo, iyadoo kii shalay dhacay uusan noqon sii laga rabay.
Kulankii shalay dhacay oo soo gabagaboobay habeennimadii xalay ayaa waxaa la sheegayaa in uu harreeyay buuq, kadib markii ergada uga qeyb galeysay Ahlusuna uu dhex maray muran, taasoo keentay in dibadda looga saaro labo xubnood oo ka tirsan ururka Ahlusunna.
Kulankii shalay oo ahaa mid kala war qaadasho iyo aragtiyo ay isku dhaafsanayeen ka qeybgalayaasha ayaa waxaa hadal kooban ka jeediyey wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Danjire Augustine Mahiga, wuxuuna hambalyo u jeediyay xubnihii ka qeyb galay shirka.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo isna shirka ka hadlay ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda KMG Soomaaliya in aysan wax wadatashi ah la yeelan maamullada dalka ka jira, isagoo shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo tirada baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya.
Shirka maanta mar kale la isugu soo laabanayo ayaa la hadal hayaa in natiijo la’aan uu ku dhammaanayo, maadaama kii shalay wax natiijo ahi aanay ka soo bixin.
Faahfaahin ku saabsan dagaal saakay ka dhacay agagaarka wasaaradii hore ee Gaashaandhiga Muqdisho
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Dagaalo iyo duqeymo xoogan oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday inta laga warqabo 4 ruux oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.
Dagaalka iyo duqeynta ka dhacday maagalada Muqdisho ayaa waxa uu dhex maray ciidamada xarakada Al-shabaab iyo kuwa dowladda KMG oo ay taageerayeen ciidamada AMISOM.
Dagaalkaa ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay agagaarka wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga oo haatan ay fariisimo u tahay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay ilaa iyo haatan kama aysan hadlin dagaaladaa, iyadoo waqti walbo lafilan karo dagaalo sidaan oo kale uga dhaca halkaas.
Iibinta hubka noocyadooda kala duwan oo laga mamnuucay Puntland
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Magaalooyinka ay ka kooban tahay Puntland ayaa waxaa laga mamnuucay hubka lagu dhex iibiyo, iyadoo looga digay dadka ka ganacsada hubka inay magaalooyinkaa hub ku dhex iibiyaan.
Wasiir ku-xigeenka amniga maamulka Puntland Cabdi Jamaal ayaa sheegay in aan lagu arki karin gudaha magaalooyinka maamulka Puntland hub sharcidarro ah, asagoo dhanka kale sheegay in gawaarida lerh muraayadaha Beensalka ah xitaa aan la ogalayn.
Wasiir ku-xigeenka amniga ee Maamul goboleedka Puntland Cabdi Jamaal oo ayaa saxaafadda u sheegay in maanta wixii ka dambeeyaa deegaanada Puntland aan lagu iibin karin wax hub.
Mas’uuliyiinta ugu sarsareysa Maamulka Puntland ayaa waxa uu wasiirku ugu baaqay inay wax ka qabtaan falalka amaandarida ah ee ku soo badanaya degaannada Puntland .
Isku soo bax Roobdoon ah oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho
Arbaco.13-April.2011(SOMAALJECEL) Duleedka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa saakay ka dhacay isu soo bax roobdoon ah oo ay iclaamiyeen shalay xarakada Al-shabaab.
Dadka ganacsatada ayaa la faray inay xiraan goobahooda ganacsi, iyadoo maamullayaasha iskuullada iyo dugsiyada Qur’aankana la faray inay fasaxaan ardayda isla markaana iyaga iyo ardaydaba ay ka soo qeyb galaan bannaanbaxaas.
Fagaare weyn oo ku yaala degaanka lagu magacaabo Calamada ee duleedka magaalada Muqdisho ayay dadku isugu urureen halkaasoo salaad roobdoon ah lagu tukaday.
Tukashada salaadda roovbdoonka kadib ayaa waxaa dadka la hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xarakada Al-shabaab.


Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo eedeyn u ujeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Madaxweyne shariif oo fariin gaar ah u diray dhalinyarada dagaalka ku jirta
Guddoomiyiha guddiga abaaraha Qaranka Soomaaliyeed oo is casilay
Dowladda KMG oo amarro ku soo rogtay Hoteellada Muqdisho
Shirkii ka furmay Kenya oo shalay uu buuq hareeyay
Iibinta hubka noocyadooda kala duwan oo laga mamnuucay Puntland
Isku soo bax Roobdoon ah oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho
Faahfaahin ku saabsan dagaal saakay ka dhacay agagaarka wasaaraddii hore ee Gaashaandhiga Muqdisho
1488|1302586200|dynamic|Wararkii u dambeeyay|![]()
Madaxweynaha maamulka Puntland oo eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka qeyb gelaya shirka maanta ka furmay dalka Kenya ee loo qabtay maamullada ka jira dalka Soomaaliya uuna ka qeyb gelayo Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin xalinta dhibaatada Soomaaliya.
Waxa uu Faroole sheegay in tallaabadan ay dowladda KMG Soomaaliya ku diiday ka qeybgalka shirka Kenya ay ku qaldan tahay, sidaa awgeed ay dowladda Soomaaliya caqabad ku tahay xal laga gaaro arrimaha cakiran ee dalka Soomaaliya, sida uu yiri.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyay madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo isna halkaasi ku soo bandhigay qorshaha Maamulka Galmudug ee ku aaddan raadinta nabadda Soomaaliya.
Madaafiic lagu garaacay goobaha dowladda KMG ka taliso oo qasaaro nafeed geystay
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Afar qof ayaa dhimatay, ku dhawaad 50 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii dhowr madaafiic ay xarakada Al-shabaab maanta ku garaaceen xarunta Villa Baydhabo, madaafiicdaasoo ku dhacday xaafadda Booliska degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan duleedka Isbitaalka Madiina.
Sidoo kale madaafiic dhowr ah ayaa la sheegay in ay ku dheceen agagaarka Isbitaalka ciidanka naafada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Martiini mana la oga qasaaraha madaafiicdaasi ay geysteen.
Duqeynta ayaa ku soo beegmaysa xilli maanta ay ku beegan tahay maalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay bannaanbaxyo lagu weyneynayo munaasabadda maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu diidan yahay shirka Kenya ay ka dhacayeen degaannada ay dowladda KMG Soomaaliya ka maamusho magaalada Muqdisho.
Dowladda KMG oo la wareegtay degaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Degaanno hoos taga degmada Dhooblay ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Degaannadaas oo ay horey uga talinayeen xoogaga Al-shabaab ayaa waxay ciidamada dowladda KMG la wareegeen iyadoon wax dagaal ahi ka dhicin kadib markii ay isaga bexeen halkaas ciidamadii Al-shabaab ee ka talinayay.
Degaannada ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG oo lagu kala magacaabo Haawinaa iyo Jaldayste oo 50-KM dhinaca bari kaga began degmada Dhoobley ayaa markii ay ciidamada dowladdu galayeen aysan jirin wax ciidamo ah oo ku sugan.
Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha dowladda KMG oo ku aaddan la wareegitaanka ay Ciidamada dowladda la wareegeen gacan ku haynta degaannadaas, sidoo kalena kama aysan hadlin maamulka Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka.
Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya magaalada Dhoobley ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay cunuqabateyn saareen degmada Dhoobley oo maalmo kahor gacanta ku heynteeda lagala wareegay Al-shabaab, waxayna ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay hakad geliyeen gaadiid badeecooyin kala duwan u waday degmada Dhooblay.
Shirka Kenya oo furmay iyo Mahiga oo sheegay inuu shirka keeni waayay madaxda dowladda Soomaaliya
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Shirkii wadatashiga ee Q/midoobay u qabanaysay Soomaalida ayaa barqanimadii maanta ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Shirkaas oo ah mid ay alabaada u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb gelaya Maamullada Puntland, Galmudug, Guddoomiyayaal gobol oo ka socda Ahlusunna Waljamaaca iyo tiro yar oo xildhibaanno ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga oo ka hadlayay shirkaas ayaa waxa uu sheegay in shirkan ka soo qeybgalkiisa uu ku qancin waayay madaxda dowladda KMG Soomaaliya oo sida uu sheegay dhowr jeer uu isku dayay inuu ka dhaadhiciyo ka qaybgalka shirka balse ay u suurageli waysay, sida uu yiri.
Mahiga waxa uu sheegay in shirkan uusan ahayn mid siyaasadeed, balse ay ugu tala galeen inay kuwada hadlaan hay'adaha dowladda iyo maamullada taageersan ee ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in shirka dhowr jeer oo hore la baajiyay si loogu qanciyo madaxda dowladda Soomaaliya inay ka soo qeyb galaan.
"Laba jeer oo hore ayaan baajinay shirka markii madaxda dowladda KMG Soomaaliya ay sheegeen inay ku mashquulsan yihiin arrimaha dowladda” ayuu yiri Mahiga oo sheegay in shirkan ay ugu tala galeen inay ku dhedhexaadiyaan hay'adaha dowladda oo uu u dhexeeyo khilaaf muddo soo jiray.
“Shirku ma aha mid go'aan looga gaarayo arrimaha Soomaaliya, ajandayaashiisa waxaa ka mid ah in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamullada ka jira dalka Soomaaliya iyo dowladda lawada hadalsiiyo, sidoo kale lagu dhageysto waxqabadka maamullada dalka ka jira, dowladduna ay ku soo bandhigato waxqabadkeeda dhinaca ammaanka.
Waxa uu sheegay in khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda KMG isagoo warbixin ay ka dhageysan doonaan Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka ka qaybgalaya, maadaama sida uu sheegay madaxda kale ee dowladda ay diideen ka qeybgalka shirka.
Mahiga wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda dowladda KMG Soomaaliya ay si qaldan u fahmeen shirka, balse uu ka duwan yahay sida ay aamisan yihiin, isagoo sheegay in shirkan uu bilow u yahay wadahadallo dalka gudihiisa ku dhex mara dowladda KMG Soomaaliya iyo maamullada ka jira Soomaaliya.
Q/midoobay oo soo saartay sharciyo lagu maxkamadeynayo Burcad badeeda
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Golaha Ammaanka ee Q/midoobay ayaa si aqlabiyad ah xalay u ansixiyay qaraar ay soo gudbisay dowladda Ruushka oo ku saabsan maxkamadeynta burcad badeedda Soomaalida ee lagu soo qabto howgalada ka socda Soomaaliya.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Q/midoobay u qaabisan arrimaha burcadbadeeda Jack Lang ayaa warbixin ku saabsan burcadbadeedda u akhriyay Golaha Ammaanka ee Q/midoobay, wuxuuna sharaxaad dheer ka bixiyay habka looga hortegi karo burcadbadeeda.
Qaraarka oo la meel mariyay ayaa si dhameystiran ay isugu raaceen xubnaha Golaha ammaanka ee Q/midoobay, iyadoo dooddii kulanka lagu soo qaaday waxyabaaha keenay burcad badeedda, iyadoo la sheegay inay asal u yihiin kalluumeysiga sharcidarrada ah iyo sunta lagu daadiyo biyaha Soomaaliya.
Golaha ammaanka ee Q/midoobay ayaa waxay isku raaceen in loo sameeyo biyaha Soomaaliya xuduud aan si sharcidarro ah looga kalluumeysan karin, sidoo kalena aan lagu shubi karin sunta ka soo harta Nukliyeerka, qaraarkaasoo ay isla ogolaadeen xubnaha Golaha ammaanka Q/midoobay.
Waxaa sidoo kale qodobada la isla soo hadal qaaday ka mid ah in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo aan lagu xadgudbi karin biyaheeda, xuduudaheeda Badda ee horey Golaha Ammaanku uu u cayimay.
Sidoo kale waxaa la isku raacay in ciidamada Badda ee dowladda KMG Soomaaliya tababarro la siiyo si dowladda KMG ay ugu guuleysato ciribtirka burcad badeedda.
Dalalka laga sameynayo maxkamadda la saarayo burcabadeedda Soomaaliya ee lagu soo qabto howlgalka la dagaalanka burcadbadeedda ayaa waxaa ka mid ah dalalka Sychelles,Kenya iyo Tanzania oo la codsaday inay dastuuradooda waafajiyaan in dalalkooda lagu maxkamadeyn karo burcadbadeedda la soo qabto.
Xubnaha golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa ka dalbaday xoghayaha guud inuu muddo saddex bilood ah kusoo diyaaro warbixin lagu meel marinayo qaraarka ay ansixiyeen ee ku saabsan maxkamadeynta burcadbadeedda Soomaaliya.
Banaanbaxyo taageero iyo diidmo ah oo oo Muqdisho ka dhacay
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Bannaanbax ay soo qabanqabiyeen bulshada rayidka ee Gobalka Banaadir ayaa maanta waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana lagu taageerayay ciidamada dowladda KMG gaar ahaan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo maanta ay tahay maalintii la aas-aasay, sidoo kalebna looga soo horjeeday shirka maanta ka furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Bannaanbaxaas ayaa waxaa ka qeyb qaatay kooxaha Banbeyda, Barbaarta Gaashaaman iyo Fanaaniinta Hoballada Waaberi kuwaasoo halkaasi ku soo bandhigay Heeso iyo Ereyo ay ku ammaanayaan ciidamada xoogga dowladda Soomaaliya isla markaana ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan shirka ka furmay Kenya ee loo qabtay Soomaalida, kaasoo ay diideen ka qeybgalkiisa dowladda Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka qeyb gashay shirkaas ayaa halkaasi waxa ay ka jeediyeen khudbado ku aaddan shirka ka furmaya Nayroobi iyo sanad guurada ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.
Faadamo Cali Cosoble oo ah Xoghayaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka hadashay bannaanbaxaasi ayaa waxa ay sheegtay in shirka Nayroobi uu yahay mid lagu kala goygoynayo ummadda Soomaaliyeed, waxayna si gaar ah eedeyn ugu jeedisay ergeyga Q/midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga.
Gudoomiyaha ururada Bulshada Rayidka ee Gobalka Banaadir Muxidiin Xasan Afrax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shirka Kenya uu yahay mid beesha caalamka ay ku cunayso dhaqaale fara badan, isagoo xusay in haddii ay ka qeybgalkiisa diideen madaxda dowladda Soomaaliya aysan ahayn in shirkaasi la qabto.
Waxa uu Mr. Afrax dhanka kale u hambalyeeyay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo maanta ay tahay 51 guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay ciidamada xooga dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay ciidamada inay soo afjaraan dagaalada si ay meesha uga saaraan Xarakada Al-shabaab.
Dhalinyaro saddex ah oo lagu fuliyey xukun gacan goys ah
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Saddex wiil dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan ayaa maanta maamulka Xarakada Al-shabaab ee degmada Jowhar ka gooyeen lug iyo gacan isdhaaf ah.
Saddexdaas wiil oo si gaar ah loogu eedeeyay inay baarteen dad saarnaa gaari rakaab ah oo ka yimid deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/hoose kuna jeeday deegaanka Miirtuugo ee isla gobolkaas ayaa maanta gacan iyo lug is dhaaf ah looga jaray magaalada Jowhar.
Magacyada dhalinyaradaas gacmaha iyo lugaha sida isdhaafka looga jaray ayaa waxaa lagu kala magacaabaa xasan macalin farey, C/llaahi Faarax Bakat iyo Xasan Siyaad Maxamed kuwaasoo si isku mid ah looga jaray min gacan iyo lug is dhaaf ah.
Dhalinyaradan ayaa lagu dacwadooda qaadday Maxkamadda degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, waxaana xukunka lagu fuliyay goob fagaaro ah oo ku taala magaalada Jowhar, halkaasoo ay u daawasho tageen dadweyne aad u fara badan, ayna goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee gobolka Sh/hoose.
Qaadiga Maxkamadda degmda Mahadaay Sheekh Yuusuf Xasan Baroow oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in raggani ay waddada u galeen Gaari rakaab ah oo ka shaqeynayay deegaanno ka tisan gobolka Sh/dhexe ayna baarteen dadkii saarnaa oo ay ka qaateen 3-Milyan iyo 4 Boqol Kun Shillin Soomaali ah iyo Labo telefoon wuxuuna xusay in raggani ay Maxkamadda horteeda ka qirteen dambigaas.
Madaxweyne Shariif oo Muqdisho dib ugu laabtay
Talaado.12-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kadib markii uu safar ku tagay ilaa saddex dal oo ka mid ah dalalka Afrika.
Madaxweyne Shariif waxa uu safar ku tagay dalalka Yugandha, Burundi iyo Malaawi halkaasoo uu kulamo kula qaatay madaxda dalalkaas oo uu kala hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya sida dowladda KMG Soomaaliya ay u caawin lahaayeen iyo inay ciidamo dheeraad ah geeyaan Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif oo ay la socdeen wasiirro ka tirsan dowladda KMG ayaa madaxda dalalka Yugandha iyo Burundi uga tacsiyeeyay askarii uga dhimatay Muqdisho iyagoo gacan iyo garab siinayay dowladda Soomaaliya wuxuuna kuwa dhaawacmay u rajeeyay in ay helaan caafimaad degdeg ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya
Dowladda KMG oo la wareegtay degaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose
Madaafiic lagu garaacay goobaha dowladda KMG ka taliso oo qasaaro nafeed geystay
Shirka Kenya oo furmay iyo Mahiga oo sheegay inuu shirka keeni waayay madaxda dowladda Soomaaliya
Q/midoobay oo soo saartay sharciyo lagu maxkamadeynayo Burcad badeeda
Madaxweyne Shariif oo Muqdisho dib ugu laabtay
Dhalinyaro saddex ah oo lagu fuliyey xukun gacan goys ah
Banaanbaxyo taageero iyo diidmo ah oo oo Muqdisho ka dhacay
1487|1302499800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|![]()
Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la diyaarinayo
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Xubno ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku howlan diyaarinta Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanno ka badan 300 xubnood ayaa sheegay inay wadaan diyaarinta mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ay sheegeen inuu khiyaano Qaran ku dhaqaaqay sida ay yiraahdeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isagoo aan lala ogeyn u ambabaxay magaalada Neyroobi ee dalka Kenya si uu uga qeyb galo shir ay halkaasi ka qabanqaabinayso Qaramada Midoobay isagoo horey u sheegay in ka qeybgalka shirkaasi uu kala tashan doono Baarlamaanka Soomaaliya, balse isagoo aan la socodsiin uu u baqoolay ka qeybgalka shirkaas.
Mid ka mid ah xildhibaannadaas wada Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan ayaa sheegay inay bilaabeen maanta diyaarinta mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya.
Bixitaanka Shariif Xasan uu u baxay Kenya si uu uga qeyb galo shirka Kenya ayaa si caro leh uga hadleen xildhibaanno fara badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Lama oga mooshinka ay wadaan xildhibaannada ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya in uu xilka ku weyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo ah halyey bartay sida looga gudbo xeyndaab kasta oo siyaasadeed ee loo maleego, isagoo adeegsada dhaqaalo.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay balan kabax
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha guddiga warfaafinta Baarlamaanka KMG Soomaaliya Xildhibaan Cawad Axmed Casharo ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan uu ballan kabax ku sameeyay Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo uu horey ugu sheegay in uu kala tashanayo ka qeyb galka shirka Nayroobi ka furmaya.
Cashara waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka warsaxaafadeed uu horay u soo saaray uu ku sheegay in shirka Kenya ka qeybgalkiisa uu kala tashan doono mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya, hase ahaatee uu ballantaasi ka baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Guddiga warfaafinta Baarlamaanka Cawad Axmed Casharo waxa uu sheegay in shirka Kenya aanu ku jirin danta iyo aayaha Soomaaliyeed, sidaa awgeed loo baahan yahay in Soomaaliya aayaheeda ay ka tashato.
Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa horey u sheegay in uu shirka Kenya ka qeybgalkiisa kala tashan doono mudanayaasha Baarlamaanka, laakiin sida muuqata isagoo aan la tashan uu ka dhuuntay isagoo ka qeyb galaya shirka lagu qabanayo magalaada Nayroobi ee dalka Kenya.
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaad 300 xildhibaan la kulmay
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Kulan muddo saacado ah socday ayuu shalay galab Ra’isal Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Kulankaas oo ay Ra’isal wasaaruhu ku wehliyeen qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada ayaa xildhibaannada ka qeyb galay waxay gaarayeen 250 mudane, waxaana looga wada hadlay arrimo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalku marayo iyo sida dhibaatada looga saari karo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’isal wasaaruhu wuxuu uga warbixiyay xildhibaannada horumaradii ugu dambeeyay ee ay dowladdu ka gaartay dhanka Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Dib-u-dhiska, la dagaalanka Musuq maasuqa iyo arrimo kale.
"Golaha Wasiirada shirarkeena runtii waan kaga hadalnaa naf hurnimada ama iskaa wax u qabsashada ay ku shaqeeyaan xildhibaannada Baarlamaanka maadaama qaarkiin aad muddo 10 sano tihiin xildhibaanno oo aad Qarankiina u shaqeyneysaan, haddana ay idin heystaan duruufo dhanka mushaaraadka, amniga iyo dhibaatooyin kale oo badan" ayuu yiri Ra’isal wasaaraha oo u xaqiijiayay Mudanayaasha Baarlamaanka.
Waxa uu Ra’isal wasaaruhu sidoo kale sheegay in Golaha wasiiradu waqtiga u haray ay u shaqeyn doonaan sidii dalka looga samatabixin lahaa dhibaatooyinka dhan kasta ka heysta.
Ra’isal wasaare Farmaajo wuxuu ku baaqay in Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanku ay yeeshaan wada shaqeyn, isla markaana ay yeeshaan kulan gaar ah oo ay uga wada hadlayaan xaaladda dalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu xildhibaanada ugu baaqay in mar waliba ay kulamo yeeshaan Golaha wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka si mar waliba looga wada hadlo wixii soo kordha.
Xildhibaan Baaq u jeediyay madaxda sare ee dowladda KMG.
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa baaq u jeediyay madaxda dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay inay si deg deg ah uga shaqeeyaan sidii loo furi lahaa waddooyinka gala suuqa Bakaaraha.
Xildhibaanka ayaa waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah ee doonaya inay galaan Suuqa Bakaarah ay xiligaan ka galaan hal wado oo qardo jeex ah taasi oo uu carababay inay tahay wada horumarta Xarunta golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in dhibaatooyin farabadan ay ku qabaan dadka shacabka ah.
Inta badan wadooyinka gala suuqa bakaaraha ayaa waxay u xiran yihiin dhinacyada isku haya magaalada muqdisho ayadoona midba midka kale saxaafadda ka sheegayo in dhankooda ay diyaar u yihiin in la furo wadooyinkaasi.
Ugu dambeyntii baaqaan ka soo yeeray xildhibaan kani ka tirsan dowladda KMG soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu ku soo kordhin doono baaqyo badan oo horey loogu jeediyay dowladda KMG soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyo xarakada al shabaab.
Gaalkacyo oo lagu dilay Ganacsade caan ah
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa fiidnimadii xalay lagu dilay Ganacsade magaciisa lagu soo gaabiyay Caynaanshe kaasoo si weyn looga yaqaanay magaaladaas
Dilka ganacsadahaas oo ay geysteen kooxo dabley ah oo wejiga soo qarsaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel ku dhow xarunta gobolka mudug ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in goobta ay ka baxsadeen markay dilka geysteen kadib.
Ciidamo ka tirsan degmada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay gaareen goobta uu falka dilka ka dhacay, mana la sheegin cid ay falkaasi u qabteen.
Marxuum Caynaanshe Mire ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa shaqaalaha Mareero Spare Parts ee xarunta Gaalkacyo, waxaana uu muddo sanado ah uu ka shaqaynayay magaaladaas oo uu caan ka ahaa.
Magaalada Gaalkacyo ayaa muddooyinkan dambe waxaa ka dhacayay dilal qorshaysan oo inta badan loo gaysanayo dadka magaca ku leh bulshada dhexdeeda, inkastoo ay soconayaan dadaallo ay wadaan ciidamada amniga ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Waqooyi halkaasoo ay ku soo badanayeen falal liddi ku ah amaanka.
Dagaalo goos goos ah oo oo saakay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Dagaal si goos goos ah u dhacayay ayaa saakay waxay ka dheceen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidamada xarakada Al-shabaab.
Dagaalka oo xoogiisa ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegayaa in ay bilaabeen xoogag ka tirsan xarakada Al-shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.
Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isweydaarsadeen dhinacyada dagaalamay ayaa waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, iyadoo dhinacfyadii dagaalamayna ay waxyeello nafeed soo gaartay, mana la oga rasmi ahaa qasaaraha ka dhashay dagaalka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Rwanda
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa booqasho ku tagay magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda.
Madaxweyne shariif oo maalmahan dambe booqasho ku marayay dalal Afrikaan ah ayaa wuxuu horey u booqday waddamada Yugandha iyo Burundi oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay madaxda dalalkaas.
Socdaalka uu haatan madaxweyne Shariif ku tegay dalka Ruwand ayaa waxaa lagu tilmaamay mid uu madaxda dowladda Ruwanda uu uga dalbanayo ciidamo ay geyso Soomaaliya si ay ugu biiraan kuwa dalalka yugandha iyo Burundi.
Safarka madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ku wehlinaya wasiirro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ka mid ah wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiga, shaqada iyo shaqaalaha C/nuur Macalin Maxamed.
Lama oga in dalal kale oo Afrika ka tirsan uu booqanayo iyo inuu booqashadiisa dalka Ruwanda ku soo afjarayo, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu tegayo Waddamo ay ka mid yihiin Malaawi, Nayjeeriya.
Odayaal dhaqameedyo Qarax lagula eegtay tuulo u dhow degmada Ceelbarde
Isniin.11-April/2011(SOMAALJECEL) Habeennimadii xalay ayaa qarax lala eegtay odayaal dhaqameedyo ku sugnaa degaan ka tirsan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Caato oo ka mid ah deegaanada degmada Ceelbarde ayaa waxa uu dhacay xilli ay odayaashu doonayeen in ay caawiyaan dad macluul iyo gaajo la ildareen oo ay uga tageen degaankaas.
Qaraxa ayaa sida warku sheegayo waxaa ka dhashay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah odayaashii qaraxa lala beegsaday, kuwaasoo aan tiradooda la sheegin, waxayna wararku sheegayaan in ay jiraan dhaawacyo aad u culus oo soo gaaray odayaashaas.

Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la diyaarinayo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu eedeeyay balan kabax
Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaad 300 xildhibaan la kulmay
Xildhibaan Baaq u jeediyay madaxda sare ee dowladda KMG.
Gaalkacyo oo lagu dilay Ganacsade caan ah
Dagaalo goos goos ah oo oo saakay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Rwanda
Odayaal dhaqameedyo Qarax lagula eegtay tuulo u dhow degmada Ceelbarde
1486|1302413400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|![]()
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug oo gaaray dalka Kenya
Axad.10-April.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya si uu uga qeyb galo shirka Qaramada Midoobay u qabanayso Soomaaliya.
Shirkaas oo lagu wado in 12-ka ilaa 13-ka bishan uu ka furmo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxaa qabanqaabadiisa wada Qaramada Midoobay.
Sidoo kale madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa iyaguna maanta gooni gooni ah ugu kala dhoofay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, si ay uga qeyb galaan shirka wadatashiga arrimaha Soomaaliya ee ka furmaya magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Waqooyiga magaalada Galkacyo, iyadoo socdaalkiisa ku wehliyaan xubno ka tisan Maamulkiisa.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa isna ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, isagoo sheegay inuu magaalada Nayroobi uga qeyb gelayo shirka wadatashiga ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoo sheegay in shirkaas muhiimad gaar ah uu leeyahay Puntland.
Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa qaadacday ka qeybgalka shirka ka dhacaya Kenya ee ay qabanqaabadiisa waddo Q/midoobay.
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya oo sheegay in wadahadallo ay la leeyihiin rag Al-shabaab ka tirsan
Axad.10-April.2011(SOMAALJECEL) Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra'isal wasaare ku-xigeenka xukuumadda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan wadahadalo ay la leeyihiin rag ka tirsan xarakada Al-shabaab, kuwaas oo uu sheegay inay doonayaan inay isku soo dhiibaan dowladda KMG Soomaaliya.
C/xakiin Fiqi waxa uu sheegay in maalmo ka hor ay isku soo dhiibeen rag uu sheegay in ay ka mid ahaayeen raggii aasaasay Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo uusan sheegin magacyadooda iyo inta ay tiro ahaan gaarayaan.
Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay waqti ugu dartay cafiskii ay u fiday dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab, isagoo sheegay in maalin iyo habeenba ay soo wacaan dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab oo jecel buu yiri inay ka soo goostaan kooxaha nabad diidka ah, sida uu yiri Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya.
Dab dhimasho sababay oo ka kacay degmada Kamsuuma
Axad.10-April.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya degmada Kamsuuma ee gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dab ka kacay Bakhaar lagu iibiyo shidaalka oo ku yaala degmadaas uu sababay dhimasho iyo burbur hantiyeed.
Labo qof ayaa ku dhimatay dabkaas oo barqanimadii maanta ka kacay degmada kamsuuma, iyadoo Labada qof ee ku geeriyootay ay mid ka mid ah ahayd haweenay lahayd bakhaarka uu dabka qabsaday taasoo magaceedu lagu sheegay Magool Daahir halka qofka kalana uu ahaa nin ka shaqeynayay Bakhaarkaasi oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan.
Dabkaas ayaa la sheegay in uu gebi ahaanba baabi’yay hantidii taalay bakhaarkaasi, waxaana la sheegay in dad isku dayay inay damiyaan dabkaas ay ku guuldareesteen, taasoo sababatay in Bakhaarka iyo hantidii taalay bas beel ay noqdaan.
Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay dabkaasi ka kacay bakhaarka ku gubtay degmada Kamsuuma iyadoo aysan weli dabkani ka hadlin mas’uuliyiinta Al-shabaab ee gacanta ku haya degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Shariif oo ka qeyb galay casho sharaf kulanna la qaatay dhigiisa dalka Burundi
Axad.10-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa waxa uu la kulmay dhigiisa dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza.
Labada madaxweyne ayaa waxay isla soo hadal qaadeen xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale ay kawada hadleen ciidamada dowladda Burundi ka jooga Soomaaliya, si gaar ah madaxweyne Shariif wuxuu uga mahad celiyay taageerada dowladda Burundi taagerada buuxda ee ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
"Waxaan ka mahad celinayaa shacabka Burundi iyo xukuumaddooda taageerada ay mar walba nala garab taagan yihiin, runtiina taageeradiinna waa mid imaanaysa inagoo xaalad adag ku jirna" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweyne Shariif waxa uu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Burundi u dhexeeya uusan ahayn mid xilli dhow bilowday, balse uu ahaa mid soo jiray muddo dheer, isagoo sheegay in taasi ay tusaale u tahay in mid ka mid ah madaxweynayaashii soo maray dalka Burundi uu ku aasan yahay Soomaaliya, kaasoo uu sheegay inuu yahay madaxweyne dal kale soo xukumay oo ku aasan Soomaaliya.
Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa u tacsiiyay ehellada ciidamadii Burundi ee lagu dilay dagaallada ka dhacay Muqdihso isagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyay inay helaan caafimaad, wuxuuna sheegay in askartaas ay dhinteen iyagoo raadinaya in shacabka Soomaaliyeed ay helaan nabad iyo xasilooni.
Dalka Burundi ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumanaan ciidamo ah oo ka qayb qaadanaya howlgalka AMISOM, waxaana looga dilay 43-askari dagaallo ay Muqdisho kula galeen bishii Febraayo xoogagga Al-shabaab.
Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya wuxuu casho sharaf kala qeyb galay madaxda dalka Burundi, wuxuuna uga mahad celiyey sida ay dowladda Burundi u garab taagan tahay Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Terence Sinunguruza oo hadal ka jeediyay casho sharafta loo sameeyay Sheekh Shariif ayaa sheegay inay wadayaan howlgalkooda inta ay ka arkayaan Soomaaliya oo cagaheeda isku taagtay.
"Dowaldaha Soomaaliya iyo Burundi waxaa ka dhexeeya xiriir aad u wanaagsan oo soo jireen ah, waana sii wadaynaa dadaallada ku aaddan in Soomaaliya nabad lagu soo celiyo, waxaana doonaynaa inaan habeen habeennada ka mid ah ku caweyno Muqdisho oo nabad ah," ayuu yiri Sinunguruza.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi wasiirro ah oo uu horkacayo ayaa socdaallo shaqo ku tagay dalalka Burundi iyo Yugandha, kuwaasoo ay ciidamo gaaraya 9-kun askari ay kaga sugan yihiin Muqdisho, waxaana wadahadalladaas ay u badnaayeen kuwo looga hadlay ammaanka Soomaaliya.
Taliyaha saldhiga magaalada Laascaanood oo qarax lala beegsaday
Axad.10-April.2011(SOMAALJECEL) Taliyaha Saldhiga gobolka Sool ayaa habeenkii xalay waxaa bartamaha magaalada Laascaanood lagula beegsaday qarax aad u xoogan.
Wararku waxa ay sheegayaan in Taliyuhu uu dhaawac soo gaaray, waxaana loola cararay Cusbitaalka iyadoo xaaladdiisa caafimaad laga deyrinayo.
Rasaas xooggan ayay fureen ciidamadii ilaalada ee la socday Taliyaha, rasaastaasoo aan la ogeyn waxyeelada ay geysatay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug oo gaaray dalka Kenya
Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya oo sheegay in wadahadallo ay la leeyihiin rag Al-shabaab ka tirsan
Dab dhimasho sababay oo ka kacay degmada Kamsuuma
Madaxweyne Shariif oo ka qeyb galay casho sharaf kulanna la qaatay dhigiisa dalka Burundi
Taliyaha saldhiga magaalada Laascaanood oo qarax lala beegsaday
1485|1302327000|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Burundi
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Burundi ku soo dhaweeyay mas;uuliyiin ka tirsan dowladda Burundi, waxaana loo galbiyay meel 70km u jirta Caasimadda Burundi oo uu ku sugayay madaxweynaha Burundi.
Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa ka dhoofay magaalada Kampala ee dalka Yugandha oo shalay ay gaareen, halkaasoo ay kula kulmeen madaxda dalka Yugandha oo ay kala hadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo in ciidamo dheeraad ah ay dowladda Yugandha u dirto Soomaaliya si ay u caawiyaan kuwa AMISOM ee haatan Muqdisho howlgallada ka wada.
Madaxweyne Shariif ayaa waxaa wafdiga la socda waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada C/nuur Macallin Maxamuud, waxaana lagu wadaa inay kulamo la qaataan madaxda dalka Burundi.
Xil ka qaadis lagu sameeyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay waxaana booskiisa loo magacaabay Injineer C/raxmaan Yariisow oo ahaa La-taliyaha dhinaca Isgaarsiinta iyo Warfaafinta ee Xafiiska Ra’isal wasaaraha.
Ra'isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xil ka qaadista ku sameeyay afhayeenka xukuumadda Cabdi Xaaji Goobdoon, mana la sheegin sababta xilka looga qaaday.
Inj. C/raxmaan Yariisow oo horay u soo noqday wasiir, wuxuuna haatan ku qanacsan yahay inuu afhayeen caadi ah noqdo, iyadoo xilkaasi afhayeenimo uu in muddo ah hayay Cabdi Xaaji Goobdoon.
Ciidamada AMISOM oo waxyaabihii ay ka qabteen Soomaaliya soo bandhigay
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Kulan maanta ka furmay magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ay soo qabanqaabiyeen Taliska ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka ciidamada AMISOM tan iyo intii ay howlgallada ka bilaabeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Kulankaas ayaa waxaa lagu martiqaaday saxafiyiin ka socday qaaradda Afrika, gaar ahaan waddamada Soomaaliya, Yuganda, Burundi, Kenya, K/Afrika iyo waddamo kale oo daneeya arimaha Soomaaliya.
Kulanka oo soconaya muddo Labo maalmood ah ayaa waxaa lagu sharaxayaa waxqabadka ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan dalka Soomaaliya, waxaana waxyaabaha looga hadlayo ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Milateriga iyo howlaha bulshada ee ciidamada AMISOM ay u qabteen dadka Soomaalida muddadii ay howlaha ka wadeen Soomaaliya.
Madaxda Midowga Afrika ee shirkaas ka qeyb galay ayaa waxay ugu baaqeen madaxda dowladda KMG Soomaaliya in ay khilaafaadka iska dhex saaraan, kana shaqeeyaan danaha dadkooda.
Guddoomiyaha Guddiga nabadda iyo amaanka ee Midowga Afrika Jean Ping oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in AMISOM ay howshoodu tahay sidii ay wax ugu qaban lahaayeen hay’adaha dowladda KMG iyo bulshada dhibaateysan.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Ku-xigeenka Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Wafula Wamuyinyi, waxa uuna sheegay in khilaafka ka dhex jira dowladda KMG Soomaaliya ay AMSIOM ku tahay dhibaato xoogan iyo caqabad ka hor imaaneysa in ay howshooda qabsadaan, isagoo ku baaqay in la joojiyo khilaafaadyada u dhexeeya madaxda dowladda KMG Soomaaliya.
Afhayeenka ciidamada midowga afrika ee Soomaaliya Gaashaanle Bahuku Bariijiya ayaa isna sheegay in warbaahinta Soomaalida ay aad u buunbuuniyaan marka laga hadlayo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay taas bedelkeeda buunbuuniyaan waxqabadka AMISOM ee dhinaca bulshada.
Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Jarmalka oo u gacan galay Burcad badeed Soomaaliyeed
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Markab laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa u gacan galay kooxo Burcad badeed Soomaaliyeed oo ka afduubtay meel ku dhow biyaha dalka Cummaan.
Afhayeenka ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya Paddy O'Kennedy ayaa sheegay in aroortii hore ee Jimcihii shalay Markabkan ay afduub ku qabsadeen koox burcad badeed ah oo ka kooban 10-ruux.
Markabkaa oo lagu magacaabo MV Susan K ayaa waxaa la socday 10 shaqaale oo afar ka mid ah ay u dhasheen dalka Ukraine halka Lixda kalena ay u dhasheen dalka Filibiin, kuwaasoo la sheegay inaan wax war ah laga haynin xaaladdooda, sidoo kalena lama oga oga wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka markabka lagu qabsaday.
Markabka ayaa wuxuu ka yimid markii la afduubayay magaalada Mombay ee dalka Hindiya wuxuuna ku socday dalka Suudaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka ka soo baxay ciidamada la dagaalanka burcad badeeda ee Midowga Yurub.
Inta badan maraakiibta lagu afduubo biyaha dalka Soomaaliya ayaa waxay kooxaha qabsada ay ka qaataan lacago madaxfurasho, kadib wadahadallo dhex mara burcad badeedda Soomaalida iyo shirkadaha Maraakiibta iska leh.
Madaxweynaha Soomaaliya oo codsi gaar ah u gudbiyay madaxweynaha Yugandha
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Yugandha ayaa waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Musaveni.
Madaxweyne Shariif ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Yugandha Yuweri Musveni sidii ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalka Yugandha loo geyn lahaa dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidamada kale ee jooga Muqdisho.
Sidoo kale waxay kulankaasi uga wada hadleen hadleen arrimo fara badan oo xaaladda Soomaaliya quseeya iyo xiriirka labada dal.
Madaxweyne Shariif oo safarkiisa Yugandha ay ku wehliyaan Wasiirro ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG Soomaaliya C/kariin Jaamac iyo Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga C/nuur Cumar ayaa la sheegay inay ka tageen dalka Yugandha iyagoo gaaray dalka Burundi.
Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM oo isla gartay in la furo waddooyin muhim ah
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa kala hadlay Taliska sare ee ciidamada AMISOM in la furo waddo loo maro Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho si ganacsatada dekadda Muqdisho wax kala soo dega ay u helaan waddo ay badeecooyinkooda ku geeyaan suuqa Bakaaraha.
Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir dowladda KMG Soomaaliya C/kaafi Hilowle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in AMISOM ay kala hadleen sidii loo furi lahaa waddooyinka gala suuqa Bakaaraha gaar ahaan waddada Dabka, wuxuuna sheegay in arrinkaas ay isla fahmeen, isla markaana maalmaha soo socda ay ganacsatadu helayaan waddo ay badeecooyinkooda u marsiiyaan suuqa Bakaaraha.
“Laba waddo midkood in la furo ayaanu AMISOM kala hadalnay, midda Warshadaha ama midda Dabka, waxayna u badan tahay in rajadu tahay in la furo wadada Dabka” ayuu yiri C/kaafi Hilowle Xoghaha Maamulka gobolka Banaadir dowladda KMG Soomaaliya.
Talaabadan ayaa haddii ay dhabowdo waxay si weyn u anfacaysaa ganacstada wax kala soo dega dekadda Muqdisho oo iyagu waayay meel ay badeecooyinka u soo dega ka geliyaan suuqa Bakaaraha, taas bedelkeedana waxay Bakhaaro ka sameysteen degaannada loo barakacay iyo degaannada ay dowladda KMG ka taliso, iyagoo markaa kadibna si wareeg ah gaadiidka ciidda jiira ku gaarsiiya suuqa bakaaraha.
Al-shabaab oo sheegtay inay ka war heleen dagaallo qorsheysan
Sabti.9-April.2011(SOMAALJECEL) Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaadday in ay heleen sir ku saabsan weeraro ay qorsheysann oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalin qura ku qaadayaan degaannada gobollada Bakool, Gedo, Jubbooyinka, Hiiran, Galgaduud iyo Banaadir oo intaba ay ku sugan yihiin Ciidamada Xarakada Alshabaab.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo kamid ah saraakiisha ugu sareysa Al-shabaab oo ka hadlayay Masjid ku yaala gobalka Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in la soo maleegay qorshe ah in weerar culus oo mar qura lagu qaado deegaannada ay ku sugan yihiin xoogaga Al-shabaab.
“Waxaan helnay sir ay cadowga alle ku doonayaan hal mar inay nagu soo weeraraan, iyaga oo doonaya guud ahaan gobalada Mujaahidiinta ku sugan yihiin inay ka bilaabaan weeraro” ayuu yiri Abuu Mansuur.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadooda ay arrintaasi feejignaan ka qabaan isagoo ku goodiyay haddii ay arintaasi isku soo dayaan in ay wacdarro kala kulmi doonaan.
Abuu Mansuur waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goballada dalka Soomaaliya in dagaalada lagula jiro ciidamada cadowga iyo kuwa garab siinaya ay ka qeyb galaan.


Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Burundi
Xil ka qaadis lagu sameeyay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya
Ciidamada AMISOM oo waxyaabihii ay ka qabteen Soomaaliya soo bandhigay
Markab xamuul oo laga leeyahay dalka Jarmalka oo u gacan galay Burcad badeed Soomaaliyeed
Madaxweynaha Soomaaliya oo codsi gaar ah u gudbiyay madaxweynaha Yugandha
Dowladda KMG Soomaaliya iyo AMISOM oo isla gartay in la furo waddooyin muhim ah
Al-shabaab oo sheegtay inay ka war heleen dagaallo qorsheysan
1484|1302154200|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Wareysi dheer oo uu bixiyay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya
Khamiis.7-April.2011(SOMAALJECEL) Ra'isal wasaarahadowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay wareysi dheer siiyay wakaaladda wararka ee AP inta uusan Muqdisho ka ambabixin ayaa waxa uu sheegay in qorshaha ay ugu jirto dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho inay muddo sanad ah uga saarayaan magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka xoogagga Al-shabaab.
Waxa uu Ra’isal wasaare Farmaajo sheegay in ciidamada dowladda ay horumar ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka sidaa awgeed ay qorshaha ugu jirto in muddo sanad ah ay ku soo afjaraan dagaallada ka socda Soomaaliya, sida uu yiri.
"Waxaa naga go’an inaan dib u qabsanno magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka Soomaaliya, isla markaana aan ka saarno dhammaan xoogaga Al-shabaab iyo ajnabiga lasocda" ayuu yiri Ra’isal wasaare Farmaajo oo intaas ku daray in qorshahaas ay ku dhammayn karaan muddo hal sano ah.
Waxa kale oo uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay fahamsan yihiin in xukuumaddiisu aysan la mid ahayn kuwii hore, wuxuuna xusay in muddadii ay shaqeynayeen ay horumar la taaban karo ka gaareen dhinaca sugidda ammaanka, tayeynta ciidanka iyo weliba baabi'inta musuqmaasuqa.
Hadalkan ayaa waxaa loo fasiran karaa in Ra’isal wasaaruhu uu ku sii adkaynayo go’aankii muddo kororsiga ahaa ee xukuumadda Soomaaliya ay halka sano ku kororsatay xilliga ay shaqeynayso, iyadoo xilligeedu uu ku egyahay bisha Ogosto ee sanadkan.
Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo su’aallo weydiisay Ra’isal wasaare Farmaajo
Khamiis.7-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo gelinkii dambe ee maalintii shalay gaaray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa kulan albaabada uu u xirnaa waxa uu safaaradda Mareykanka ee Kenya uu kula qaatay saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.
Kulankaas oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaan la ogeyn waxyaabaha looga wada hadlay waxayse warar ku dhow dhow kulankaas ay sheegayaan in warbixin uu Farmaajo ka siiyey saraakiishaas xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee dowladda Soomaaliya ay farisiimo iyo degaanno cusub kala wareegtay xoogaga Al-shabaab la iskula soo qaaday khilaafka dhex yaala madaxda dowladda KMG Soomaaliya, kan soo dhex galay Q/midoobay iyo dowladda KMG Soomaaliya iyo arrimo ku saabsan mustaqbalka waxa ay ku dambeynayso xilliga kala guurka ee dowladda Soomaaliya.
Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isal wasaare Farmaajo su’aalo laga weydiiyay sababta xukuumaddiisu ay ku diiday ka qeybgalka shirka Q/midoobay qabanqaabinayso ee lagu qado inuu ka dhaco magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, dhab ahaana looma oga waxa ka soo baxay kulamadaas oo ahaa kuwo albaabada ay u xirnaayeen.
Dhanka kale waxaa lagu wadaa in Farmaajo uu kulamo kale la qaato wakiilada Beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya u dhuun daloola iyo sidoo kale dhiggiisa dalka Kenya Mr.Raila Odhinga.
Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa waxaa la sheegayaa inay kagawada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amaanka, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu kulan gaar ah la qaato
Goob ganacsi oo ku taala suuqa X/weyne ee magaalada Muqdisho oo uu dab qabsaday
Khamiis.7-April.2011(SOMAALJECEL) Goobo ganacsi oo ku yaala suuqa X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa fiidnimadii xalay ka kacay dab geystay qasaaro hantiyeed.
Sida warku sheegayo goob ganacsi oo lagu sameeyo Kabaha kuna taala inta u dhexeysa Via Ejito iyo isgoyska Ceelgaabta ee degmada X/weyne ayuu dabku ka kacay, waxaana la sheegay in uu ku sii fiday gobo kale oo halkaasi ku yaalay.
Dadka ka ag dhow goobtaas ayaa u gurmaday si ay dabka u damiyaan, waxaana la sheegay in mar dambe ay goobta tageen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo dadka ku kala eryay rasaas ay kor u ridayeen iyagoo sheegay inay ka ilaalinayaan tuugada oo ka faa’ideysanaya dadka ku soo buuqay goobta, waxaana mar dambe lagu guulaystay in la baqtiyo dabka.
Magaalada Boosaaso oo lagu dilay Nabaddoon caan ah
Khamiis.7-April.2011(SOMAALJECEL) Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari dil ugu geystay nabadoon caan ahaa.
Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Saalax Jaamac Xirsi ayaa kooxaha dilay waxay ku hubeysnaayeen Bastoolado, kuwaasoo markii dilka ay geysteen goobta ka baxsaday.
Nabadoonkan ayaa waxaa la dilay xilli uu ku sii jeeday salaaddii Maqrib Masjid ku yaala duleedka magaladaasi, iyadoo kooxaha dilkiisa geystay oo saddex ruux ahaa ay ku sugayeen agagaarka Masjidka oo ah halka uu dilku ka dhacay.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in rasaasta lagu furay naaddoonka ay ku dhaawacmeen Labo ruux kale oo rayad ah oo ka ag dhawaa goobta lagu toogtay Nabadoonka, kuwaasoo lgu dabiibayo Isbitaalka magaalada Boosaaso.
Shalay ayay ahayd markii magaaladaasi lagu dilay Agaasimihii Hay’adda Cilmi Baarista ee Puntland, iyadoo muddooyinkan dambe degaannada Puntland ay noqdeen meelo ay ka dhacaan dilalka loo geysanayo saraakiisha ciidamada, nabaddoonada iyo waxgaradka.
Warbixin ku saabsan qarax loo geystay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo dilal kala duwan oo dhacay
Khamiis.7-April.2011(SOMAALJECEL) Habeenkii xalay ayaa waxaa degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale dilal loo geystay askar iyo dad rayid ah.
Hal askari ayaa ku geeriyooday qarax xaafadda kuweyt ee degmada Dharkenlay lagula beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, Shan askari kalana way ku dhawaacmeen.
Qaraxaas ayaa askartii lala beegsaday waxay fureen rasaas xooggan oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay, laakiin daqiiqado kadib ayaa la sheegay inay si bareer ah u dileen Labo ruux oo ka soo baxday Masjidka kuweyt oo ay ku soo tukadeen salaaddii Cishaha.
Dhanka kale kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii Labo askari oo ka tiran ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxa ay ku dileen agagaarka Suuq Boocle ee xaafadda Tabakaayo madow ee degmada Dharkenlay.
Kooxaha hubaysan ee dilka geystay ayaan la aqoonsan heybtooda la garanayn ayaa waxaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada dowladda ee degmada Dharkenley ayaa la soo sheegayaa in ay howlgalo baaritaanno ah ka wadaan saakay goobihii qaraxyadu iyo dilalka askartu ay ka dheceen, mana la sheegin dad ay u qabqabteen.
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa ku soo badanayay degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley falalka amnidaradda waxaana ka dhacayay qaraxyada loo geysto ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee degaannadaas ku sugan, kuwaasoo waxyeello ay ka soo gaarto dadka rayidka ee ka ag dhow goobaha qaraxyadu ka dhacaan, iyadoo sidoo kalena ciidamada dowladda KMG ay furan qaraxyada kadib rasaas waxyeello ba’an rayidka u geysata.
Guddoomiyaha hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray
Khamiis.7-April.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto qulqulato siyaasadeed oo aad u xoogan isla markaana aan loo baahnayn sida uu yiri in xilligan lagu soo biiriyo khilaaf siyaasad loo adeegsado.
Sheekh Bashiir waxa uu sheegay in Koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ay ka jiraan abaaro baahsan oo saamayn ku yeeshay dadka iyo dadkaba, sidaas darteed loo baahan yahay in dadka loo gurmado ee looma baahna ayuu yiri in khilaaf iyo dagaallo aan dhammaad lahayn lagu mashquulo, isagoo tilmaamay in lagula xisaabtami doono maalinta Qiyaamaha madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda dhibaatada ay dadka u geystaan, sida uu yiri.
Waxa uu Sheekh Bashiir waxa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is garabqabsadaan isla markaana ay gartaan waxa danahooda ah oo ay ka mid tahay sidii ay ugu dhaqmi lahaayeen diintooda isla markaana ay kaga fogaan lahaayeen waxa loo yaqaano siyaasad ay ku taageeraan dhinacyada iska soo horjeeda.


Wareysi dheer oo uu bixiyay Ra’isal wasaaraha Soomaaliya
Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo su’aallo weydiisay Ra’isal wasaare Farmaajo
Magaalada Boosaaso oo lagu dilay Nabaddoon caan ah
Warbixin ku saabsan qarax loo geystay ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo dilal kala duwan oo dhacay
Guddoomiyaha hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray
Goob ganacsi oo ku taala suuqa X/weyne ee magaalada Muqdisho oo uu dab qabsaday
1483|1302067800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Ra’isal wasaare Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galayaan shirka Kenya haddii laga bedello Nayroobi
Arbaco.6-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in shirka wadatashiga ee Q/midoobay ka qabanqaabinayso magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ay ka qeyb galayaan haddii madasha lagu qabanayo shirka laga bedelayo dalka Kenya.
Waxa uu Ra’isal wasaaruhu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay diyaar u tahay in shirkaas ay ka qeyb galayso haddii buu yiri loo soo raro gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana ay dowladdu shirkaasi garwadeen ka noqonayso.
"Shirkaas waan ka qeyb galeynaa haddii gudaha dalka Soomaaliya loo soo raro, dowladda Soomaaliyana ay garwadeen ka noqonayso shirkaas" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo sheegay in haatan aysan waxba kala socon ajandaha shirkaas iyo qorshayaashiisa.
"Anaga shirkaas waxa ka soo bixi kara ma aanan ogin, hadii shirka aan anagu garwadeen ka noqono, waxaan ognahay wixii ka soo baxaya"ayuu sii raaciyay Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ku taliyay in Soomaaliya aayaheeda tahay in shirku ahaado mid dalka gudihiisa lagu qabto.
Ra'isal Wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in beesha caalamku ku qasban tahay in dalabka dowladda Soomaaliya ay tixgeliso, wuxuuna xusay in wax kasta oo Soomaaliya loo qabanayo ay muhiim tahay in dowladda Soomaaliya la soo maro.
Waxa uu Ra’isal wasaare Farmaajo ayaa muujiyay in wali mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirkaas uu wali taagan yahay, kadib markii shalay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Danjire Mahiga uu ku celiyay in shirka uu dhacayo bishan, loona baahan yahay in dowladda Soomaaliya ka soo qeyb gasho.
Shirar horay Soomaalida dibadda loogu qabtay ayaan waxba ka soo bixin, beesha caalamkuna shirarka ay Soomaalida u qabanayso dhaqaale fara badan ayay ku cuntaa iyadoo aan waddadiisa la marin, isla markaana aysan ka shaqeyneynin wadahadal inay dhex dhigto dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda ee dagaallada kula jira.
Shilal waxyeello geystay oo ka kala dhacay Muqdisho iyo B/weyne
Arbaco.6-April.2011(SOMAALJECEL) Saddex qof ayaa ku dhimatay, afar ruux kalena waa ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Shilkaas ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari xamuul siday oo ka ambabaxay magaalada B/weyne isagoo ku sii jeeda magaalada Gaalkacyo.
Qasaaraha ugu badan ayaa waxa uu soo gaaray dad la socday gaariga, waxaana dadka ku dhaawacmay dib loogu celiyay cisbitaalka magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Gaarigan rogmaday oo ah nooca xamuulka qaada ayaa waxaa uu rogmaday waxyar kadib markii uu ka dhaqaaqay gudaha magaalada B/weyne, waxaana ku dhintay saddex qof afar kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale Siddeed qof ayaa ku dhaawacantay shil gaari oo shalay galab ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Siinka dheer oo ka mid ah degaannada loo barakacay.
Shilkaa ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen Labo gaari oo mid ka mid ahi yahay Homyo kuwa rakaabka qaada ah iyo mid kale oo nooca raaxada ah, waxaana dadkii ku dhaawacmay shilkaas loo qaaday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.
Shilalka gawaarida ee mar walba dhaca ayaa waxaa inta badan sabab u ah burburka waddooyinka iyadoo sabab kale oo xusid mudan ay tahay xirfad yaraanta darawalada qaarkood.
Duqeyn ciidamada AMISOM u geysteen suuqa Bakaaraha
Arbaco.6-April.2011(SOMAALJECEL) Aroornimadii hore ee saakay ayay ciidamada AMISOM duqeyn culus ka geysteen qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha xilli aysan socon wax dagaal ah.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa suuqa Bakaaraha xilliga duqeynta ay ku socotay ayaa waxay inoo sheegeen in madaafiicda ugu badan ay ku dhacday qeybaha Bacaadlaha cabdalle shideeya sarta cali dheere suuqa qudaarta iyo qeybo kale oo ka mid ah gudaha suuqa bakaaraha.
Waxaan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeynta saakay ay ciidamada AMISOM ka geysteen suuqa Bakaaraha walow ay jiraan dad shacab ah oo ku waxyeeloobay duqeyntaasi.
Duqeyna ayaa timid xilli magaalada Muqdisho aysn wax dagaalo ah ka jirin, inkastoo Muqdisho ay agaallada yo duqeymha joogtada ah wehel u noqotay.
Wasiir ku-xigeen sheegay in Jubbooyinka wax maamul laga dhisi Karin ilaa iyo…….
Arbaco.6-April.2011(SOMAALJECEL) Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhiga C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mid ah wafdi ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo booqanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka soo horjeestay maamulka Azaaniya ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
C/rashiid Xidig waxa uu sheegay in deegaanada Jubooyinka aan maamul laga dhisi Karin ilaa inta buu yiri laga xoreynayo wuxuuna sheegay in isaga oo ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka aan lala socodsiinin maamulkaas, isla markaana aan lagala tashan isaga iyo xubno badan oo gobolladaas ka soo jeeda.
"Cid kale iska daaye xitaa Suldaankii deegaanada Jubbooyinka laguma casuumin maamulkaas oo lama ogeysiin" ayuu yiri C/rashiid Xidig oo sheegay in marka hore ay ahayd in gacan laga geysto sidii deegaanadaas Shabaab looga saari lahaa kadibna loo soo jeesto dhismaha maamul uu gobolkaasi yeesho.
Xiddig waxa kale oo uu sheegay in Maamulka Jubooyinka ay lahaan doonto cidii ka xoreysa Al-habaab, isagoo sheegay in haatan qorshahooda uu marayo meel wanaagsan, isla markaana dhawaan Goboladaas ay ka saari doonaan Al-shabaab sida uu yiri.
Dhawaan ayay ahayd markii Maamul Goboleed la magac baxay Azaaniya looga dhawaaqay magaalada Nayroobi ee dalka kenya kaasoo Madaxweyne loogu doortay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, balse si weyn ay u mucaaradeen maamulkaasi siyaaasiyiin fara badan.


Ra’isal wasaare Farmaajo oo shuruud ku xiray ka qeyb galayaan shirka Kenya
Shilal waxyeello geystay oo ka kala dhacay Muqdisho iyo B/weyne
Wasiir ku-xigeen sheegay in Jubbooyinka wax maamul laga dhisi Karin ilaa iyo…….
Duqeyn ciidamada AMISOM u geysteen suuqa Bakaaraha
1482|1301981400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Danjire Mahiga oo hadalkii Ra’isal wasaare Farmaajo ku tilmaamay mid hanweyni ku jirto
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Wakiilka gaarka ah ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ayaa jawaab diidmo ah ka bixiyay hadalkii shalay uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo u gudbiyay hay’adaha Q/midoobay ee arrimaha Soomaaliya shaqada ku leh, kaasoo ku wajahnaa in hay’adahaasi ay xafiisyo ka furtaan magaalada Muqdisho muddo 90 maalmood gudahood.
Waxa uu Mahiga ku tilmaamay hadalka Ra’isal wasaare Farmaajo mid hanweynimo ay ka muuqato, wuxuuna wax aan suuragal ahayn ku sheegay in Muqdisho ay xafiisyo ka furtaan hay’adaha Q/midoobay.
Mahiga waxa uu sheegay in aanay suuragal ahayn in shaqaalaha Q/midoobay loo wareejiyo Soomaaliya isagoo taa sabab uga dhigay ammaan xumida ka jirta Soomaaliya oo sida uu sheegay aad u xun.
“Hadalka Farmaajo waa kuwo ay ka muuqato hanweynnino, isla markaana aysan suuragal noqon karin in hay’adaha Q/midoobay ay Muqdisho ka shaqeeyaan” ayuu yiri Danjire Mahiga oo diiday aqbalaadda hadalka Ra’isal wasaare Farmaajo.
Waxa uu sheegay in shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada Q/midoobay ee Nayroobi ay ku jiraan kuwo Soomaali ah, sidoo kalena ay jiraan shaqaale ka jooga dalka Soomaaliya.
“Waxaan Guddi u direynaa Soomaaliya si ay u soo ogaadaan xaaladda ammaanka ee goobaha ay gacanta ku dhigtay dowladda Somalia” ayuu yiri Danjire Mahiga oo uu sheegay in iyagoo ku sugan Kenya ay si weyn ula socdaan xaaladda dalka Soomaaliya.
Mar kale ayuu ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay ka qeyb galaan shirka Q/midoobay qabanqaabinayso ee ka dhacaya 12-ka bishan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, shirkaasoo uu ku tilmaamay mid dan u ah Soomaalida, sida uu hadalka u dhigay.
Magaalada Hargeysa oo qarax xooggan uu ka dhacay
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxaa maanta ka dhacay qarax xooggan oo waxyeelo nafeed geystay.
Sida ay sheegayaan wararka Hargeysa naga soo gaaraya qaraxaas ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha magaalada Hargeysa, waxaana sida la sheegay geystay nin madaxa looga jiro oo ka dawarsan jiray suuqa magaalada Hargeysa.
Qaraxaas Bam ayaa waxa uu ku dhacay dhisme Dabaq ah oo ku yaala bartamaha magaalada Hargaysa, waxaana ku dhaawacmay 19 qofood oo rayid ah oo uu ka mid yahay ninkii qaraxa geystay.
Dhaawacyada dadkaas ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka magaalada Hargeysa waxaana lagu soo waramayaa in qaar ka mid ah dhaawacyada xaaladdoodu liidato.
Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Cilmi Faarax Hurre ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ahaa mid si lama filaan ah ku dhacay, wuxuuna xusay in ay baarayaan halka bamgacmeedka uu ka keenay ninkaasi la sheegay in dhimirka looga jiro ee qaraxa geystay.
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in shirkado ajnabi ah oo dowladdu aysan ogeyn ay Muqdisho joogaan
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in shirkado badan oo ajnabi ah oo aysan waxba kala socon dowladda KMG Soomaaliya ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha maamulka Gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in Taliska sare ee ciidamada AMISOM ay Muqdisho soo geliyeen shirkado ajnabi ah oo howlo ka wada sida uu yiri xarunta ugu weyn ee ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee Xalane.
Waxa uu tarsan sheegay in xaruntaasi ay ku sugan yihiin ilaa 30 shirkadood oo ajaanib ah oo aanay waxba kala socon howlahooda dowladda Soomaaliya kuwaasoo AMISOM ay dalka soo geliyeen sida uu sheegay Guddoomiye Tarsan.
Waxa kale oo uu Tarsan sheegay in shirkadahaasi ay yihiin shirkado ajaanib ah, isla markaana dadka u shaqeeya aysan ku jirin dad Soomaali ah, sida uu yiri.
Ma caraabin Guddoomiyuhu shirkadahaas magacyadooda, laakiin wuxuu sheegay in ay iska diideen xitaa inay shaqaaleysiiyaan Soomaalida oo sida uu sheegay ay albaabada ka xirteen.
Waxa uu shirkadahaasi ugu baaqay inay iska diiwaan geliyaan wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda KMG Soomaaliya, si buu yiri loola socdo howlaha ay qabanayaan iyo ujeeddada ay Muqdisho u joogaan.
Eedeynta uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya u jeediyay ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay shirkado ajnabi ah oo dowladdu aysan ogeyn dalka soo geliyeen ayaan wax jawaab ah ka bixinin eedeynta.
“Soomaali badan oo u shaqo doonatay shirkadahaas ayaa laga hor istaagay” ayuu yiri Tarsan oo tibaaxay in shirkadahaasi laga doonayo inay isa soo diiwaan geliyaan.
Shirkado ajaanib ah oo horey dowladda KMG Soomaaliya ula soo xiriiray si ay Muqdisho uga howlgalaan ayaa waxaa gaashaanka u daruuray xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo booqasho ku tegay Dhooblay
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose oo dorraad ay ciidamada dowladda KMG kala wareegeen xoogaga Al-shabaab ayaa waxaa maanta booqasho ku tegay Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Wafdigaas oo booqasho ku joogay degmada B/xaawo ee gobolka Gedo oo ay maalmo ku sugnaayeen ayaa waxa ay maanta u baqooleen degamada Dhoobley.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Xiddig ayaa saxaafadda u sheegay in ay ku sugan yihiin degaanno ka mid ah Dhoobley, wuxuuna sheegay in ujeeddada safarkooda uu yahay inay dhiirigelinayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Waxa uu C/rashiid Xiddig sheegay in kulamo ay la qaadanayaan saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan Dhoobley, sidoo kalena ay booqasho ku tegayaan furimaha dagaalka ee aagaga hore si buu yiri ay u dhiirigeliyaan ciidamada.
Maamulka Galmudug oo sheegay inay ka qeyb gelayaan shirka Kenya ka dhacaya
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee maamulka Galmudug Cumar Maxamuud Rooble oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacayo ee xarunta maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in maamulkooda uu ka qeyb gelayo shirka ka dhacaya 12-ka bishan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya kaasoo loo qabanayo maamullada Soomaaliya ka jira.
Waxa uu wasiirku sheegay in ay ku qanacsan yihiin ka qeybgalka shirkaas oo sida uu sheegay casuumaddiisa la soo gaarsiiyey isla markaana ay aqbaleen, kana qeyb gelayaan.
Wasiirku wuxuu sheegay in shacabka reer Galmudug ay soo dhaweynayaan shirkaas ka 12-ka bishan dalka Kenya, wuxuuna xusay in shirkaasi ay u arkaan mid dan u ah Soomaalida.
Maamulka Galmudug oo ka mid ah maamullada xiriirka wanaagsan la leh dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu hadalkoodan ku soo beegmayaa xilli dowladda KMG Soomaaliya oo shirkaasi lagu casuumay ay gaashaanka u daruurtay ka qeyb galkiisa.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay wax dan u ah ummadda Soomaaliya UN-kana u daran
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay qodobo badan oo dan u ah shacabka Soomaaliyeed isla markaana Q/midoobay iyo shaqaalaheeda ku howlan arrimaha Soomaaliya aan ugu jirin wax dan ah.
Shir jaraa’id oo uu shalay gelinkii dambe ku qabtay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdsiho ayaa waxa uu Ra’isal wasaaruhu kaga shanqariyay in Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya ee hoostaga Qaramada Midoobay ay u soo guuraan Muqdisho, si buu yiri ay ula socdaan xaaladda dalka Soomaaliya.
Waxa uu Ra’isal wasaaruhu ku booriyey hay’adaha Q/midoobay in muddo 90-cisho gudahooda ay ku yimaadaan Muqdisho si buu yiri dhaqaalaha ku baxaya Hoteellada iyo safarada duulimaadyada ay Soomaalida uga faa’ideystaan.
Ra’isal wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in caqabado badan ay ka jiraan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, sidaa awgeed looga baahan yahay Hay’adaha Qaramada Midoobay inay yimaadaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si buu yiri ay marqaati uga noqdaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya ulana socdaan dadka ku dhibaataysan dalka iyo horumar uu sheegay in dowladda KMG ay ka gaartay dagaaladii ugu dambeeyay ee ay la gashay Xarakada Al-shabaab.
Farmaajo waxa uu si gaar ah ugu baaqay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambasador Augostine Mahiga iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya in xafiiskiisyadooda ay u soo rartaan magaalada Muqdisho
Ra’isal wasaare waxa uu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay ka go’an tahay rabitaanka ah in magaalada Muqdisho ay yimaadaan Hay’adaha Qaramada Midoobay, isagoo xusay in ammaanka shaqaalaha Q/midoobay ay dowladda Soomaaliya damaanad qaadayso.
“Hay’adaha gargaarka intooda badan waxba uma qabtaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana taas loo sababayn karaa iyagoo aan waxba kala socon xaaladda dalka Soomaaliya, waayo way ka dheer yihiin oo dalka kuma sugan, sidaa daraadeed waxaan dooneynaa in si ay u ogaadaan xaaladda Soomaaliya ay u soo guuraan dalka Soomaaliya” ayuu yiri Ra’isal wasaare Farmaajo.
Waxa kale oo uu Ra’isal wasaaruhu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal ka xasiloon dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan, dalalkaasina ay joogaan ha’adaha samafalka, wuxuuna Ra’isal wasaaruhu isweydiiyey sababta hay’adaha samafalka ay u diidan yihiin imaanshaha dalka Soomaaliya.
Ra’isal wasaare Farmaajo waxa uu xusay in adduunka uu u gurmaday Afganistaan hase ahaatee Soomaaliya ay ka gaabiyeen, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya iyo Afganistaan ay isku mid ka yihiin dhibaatada ka jirta, isla markaana dowladda ka jirta Afganistaana oo ah dowlad tabaryar loo gurmaday, laakiin aan Soomaaliya laga seexday sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ka hadlay Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo uu sheegay in kooxaha burcad badeeda aan looga adkaan karin Badda gudahadeeda ilaa laga cirib tiro berriga.
Sidoo kale waxa uu sheegay in burcad badeeda Soomaalida aan lagula dagaalami karin dhinaca Badda xitaa hadii sida uu tilmaamay xeebaha Soomaaliya la keeno Kumanaan Maraakiib oo nooca dagaalka ah.
Cid kasta oo dambi gashay iyo dhalinyarada baagamuudada ah burcad badeed ayay noqonayaan haddii aan waxba laga qaban, waxa uuna sheegay in burcad badeeda ay ku xoogan yihiin dhinaca berriga isla markaana loo baahan yahay in lagula dagaalamo berriga, isagoo ugu baaqay beesha Caalamka in dowladda KMG Soomaaliya ka gacan siiyo la dagaalanka burcad badeeda Sooomaalida.
Dagaalladii joogtada ahaa oo mar kale xalay iyo saakay Muqdisho ka dhacay
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Muqdisho oo muddooyinkan dambe ay ka jireen dagaallo iyo duqeymo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xooggaga Al-shabaab ayaa xalay iyo saakay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dagaaladaas oo xoogooda ka dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo H/wadaag ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu bilowday kadib markii xoogaga xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin xaafadaha degmooyinkaas.
Hubka culus iyo midka fudud ayay dhinacyadaasi isku weydaarsadeen dagaalka, waxayna wararku sheegayaan in qasaaro uu soo gaaray dad rayid ah oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ah ee ku haray xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale waxyeello isugu jira dhimasho iyo dhaaac uu soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay xaafadahaas.
Dagaalada Muqdisho ayaa noqday kuwo joogto ah oo xilli waliba dhaca, waxaana inta badan dagaaladaasi wax ku noqda dad rayid ah oo madaafiicda iyo rasaasta ay ugu tagto degaanada ay Muqdisho kaga sugan yihiin, iyadoo dhinacyada dagaalamana ay inta badan guulo ka sheegtaan dagaalada aysanna ka hadlid dhibaatada shacabka.
Dab ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Habeenkii xalay ayaa waxa uu dab xoogan ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyay qasaare hantiyadeed.
Dabka ka kacay suuqa ayaa waxa uu bilowda sida ay sheegeen qaar ilaalada suuqa ka mid ah abaare 9-kiii fiidnimo ee xalay, wuxuuna dabka xoogiida ka kacay isgoyska Balack Sea ee suuqa Bakaaraha.
Goobo shidaal ay ku keedsanaayeen iyo goobo kale oo ay ku xaraysnaayeen agabyo kala duwan oo ganacsi ayuu dabku waxyeello gaarsiiyay, waxaana halkaasi ku burburay hanti fara badan.
Gaadiidka dab damiska ee ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta ayaa ka qeyb qaatay daminta dabka iyadoo sidoo kale qaar ka mid ah dadka degan agagaarka suuqa Bakaaraha ay gurmad ka sameeyeen daminta dabka.
Ma aha markii ugu horreysay oo dab uu ka kaco suuqa Bakaaraha, mana la sheegin wax qasaare nafeed ah oo uu geystay dabka xalay ka kacay suuqa Bakaaraha iyadoo dababkii hore uga kixi jiray suuqa ay dad waxyeello ka soo gaari jirtay.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo weerar lagu qaaday
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Weerar loo adeegsaday Bambaanooyin kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa habeenkii xalay lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ku sugnaa degmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Qaraxyada ayaa waxay ka kala dhaceen xaafadaha Suuq Boocle ee degmada Dharkeynleey iyo xaafadda buulaxuubey ee degmada Wadajir, waxaana qaraxyadaas kadib rasaas xooggan furay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Qaraxa ka dhaca degmada Dharkenley ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo rayid ah waxaana ku dhaawacmay qof haweenay ah oo goobta ka ag dhaweyd, waxaana la sheegay in waxyeellada soo gaartay dadka rayidka ay ka soo gaartay rasaasta ay fureen ciidamada dowladda.
Qaraxa ka dhacay xaafadda Buulo Xuubey ee degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhaawacmay Labo ka mid ah askartii la weeraray, waxaana la sheegay in rasaasta ay fureen ciidamadaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo rayid ah sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Ma aha markii ugu horreysay oo qarax noocan ah loo geysto ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana inta badan qraxyada ay waxyeellada ugu badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Dad shacab ah oo Baarlamaanka Galmudug shaqaaqo ka dhex sameeyay
Talaado.5-April.2011(SOMAALJECEL) Shaqaaqo daqiiqado socotay ayay dad shacab ah oo taageersan madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ka sameeyeen gudaha xarunta Baarlamaanka ee maamulkaas.
Shaqaaqadan oo sida la sheegay salka ku heysay is-afgaranwaa in muddo ah soo jiitamayay oo u dhexaysay guddoonka sare ee Baarlamaanka Galmudug iyo madaxweynaha maamulkaas, kuwaasoo khilaafkooda uu la xariiray shaqooyinka maamulka iyo sharuucda.
Sida warku sheegayo xiisadda ayaa bilaabatay kadib markii ay xarunta Baarlamaanka ku soo aruureen xubnaha Baarlamaanka Galmudug, magaaladana la geliyay warar sheegaya in xubnaha Baarlamaanku ay doonayaan in ay codka kalsoonida kala laabtaan madaxweynaha Galmudug iyo golihiisa wasiirrada, taasoo keentay in dad taageerayaal u ah madaxweynaha Galmudug ay ku xoomaan xarunta Baarlamaanka.
Waxaa la sheegay in shaqaaqo dhex martay xubnahaas iyo xildhibaanno ay sababtay in waxyeello lagu gaarsiiyo xubno ka tirsan golaha Baarlamaanka Galmudug.
Xiisadda halkaas ka dhalatay ayaa waxaa la sheegay in telefoono loogu sheegay xubno ka tirsan Culumaa’udiinka Galmudug iyo siyaasiyiin kuwaasoo si degdeg ah ku tagay xarunta Baarlamaanka arrintiina qaboojiyay.
Xubanaha xiisadda ku baxay oo aqoonyahanno iyo culimo isku jiray ayaa waxay halkaasi ka bilaabeen wadahadallo loo furay dhinacyada khilaafku ka jiray ee maamulka Galmudug waxaana la isku afgartay in arrinta khilaafka dhalisay meesha laga saaro, howlaha maamulka Galmudugna sideedii hore ku socdaan.


Danjire Mahiga oo hadakii Ra’isal wasaare Farmaajo ku tilmaamay mid hanweyni ku jirto
Magaalada Hargeysa oo qarax xooggan uu ka dhacay
Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in shirkado ajnabi ah oo dowladdu aysan ogeyn ay Muqdisho joogaan
Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo booqasho ku tegay Dhooblay
Maamulka Galmudug oo sheegay inay ka qeyb gelayaan shirka Kenya ka dhacaya
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay wax dan u ah ummadda Soomaaliya UN-kana u daran
Dab ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho
Dad shacab ah oo Baarlamaanka Galmudug shaqaaqo ka dhex sameeyay
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo weerar lagu qaaday
Dagaalladii joogtada ahaa oo mar kale xalay iyo saakay Muqdisho ka dhacay
1481|1301808600|dynamic|Wararkii ugu dambeeyay|
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare oo la dhaariyay
Axad.3-April.2011(SOMAALJECEL) Munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddaas oo ay ka qeyb galeen madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isal wasaare Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo), Wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhaariyay Guddoomiyaaha cusub ee Maxkamadda sare dowladda KMG Soomaaliya Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo shalay ay magacaabeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa waxaa dhaariyey wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka ee dowladda KMG Soomaaliya C/llaahi Abyan Nuur.
Ra’isal wasaare Farmaajo oo munaasabaddaa ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii ay u xusheen Caydiid Ilka-xanaf ay ka mid tahay aqoon uu u leeyahay howlaha cadaaladda iyo garsooka iyo in uu kasoo shaqeeyay Maxkamadihii dalka ka jiri jiray xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Maxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu ku burburay cadaaladdarro, wuxuuna sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay baahi wayn u qabaan cadaaladda iyo garsoorka, wuxuuna kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare in uu la shaqeeyo Hay’adaha ay wada shaqaynta kala dhaxeyso.
Degmada Dhoobley oo ka baxday gacanta Al-shabaab
Axad.3-April.2011(SOMAALJECEL) Dagaal culus oo ay ka qeyb qaadanayaan Diyaarado dagaal iyo Taangiyo ayaa goor dhow ka bilowday daafaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Dagaalkaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa la sheegayaa in uu haatan ka socdo gudaha degmada Dhoobley oo ay ciidamadu isla soo galeen.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa waxaa la sheegay in ay dagaalka bilaabeen kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisimo ay duleedka Dhoobley ku lahaayeen ciidamada Al-shabaab, iyadoo daqiiqado kadib uu dagaalku sii xoogeystay isla markaana la isla soo galay gudaha degmada Dhoobley oo dagaal culus uu ka soconayo.
Wararku waxay sheegayaan in daafaha degmada Dhoobley lagu arkay meydad gaaraya 8 ruux halka gudaha degmadana ay ka jiraan waxyeello soo gaaray labada dhinac iyo weliba sida la sheegayo dad rayid ah.
Gudaha iyo daafaha degmada Dhoobley ayaa waxaa laga maqlayaa rasaas culus iyo madaafiic ay ridayaan ciidamada labada dhinac, iyadoo dagaalkuna ay haatan si toos ah uga qeyb qaadanayaan diyaarado iyo Taankiyo ay wataan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Lama oga qasaaraha rasmi ahaan ka dhashay dagaalka, wixii warar ah ee ku soo kordhana Insha Allaah waan idinla socodsiineynaa ee mar waliba ku taxnaada shabakadda Somaaljecel.com
Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlmaanka Soomaaliya oo geeriyooday
Axad.3-April.2011(SOMAALJECEL) Waxaa habeenkii xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Xildhibaanka geeriyooday oo lagu magacaabi jiray C/kariin Maxamed Kheyre oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa u geeriyooday xanuun ka soo wajahay wadnaha.
Marxuum C/kariin Maxamed Kherye ayaa waxaa xalay loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho kadib markii uu xanuunka kaga soo booday wadnaha, halkaasoo uu isla xalay ku geeriyooday.
Wasiirro iyo xildhibaanno booqasho ku jooga degmada B/xaawo
Axad.3-April.2011(SOMAALJECEL) Degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa booqasho ku tegay shalay wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda dowladda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane.
Wafdigaas ayaa waxaa ka mid ah wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Xiddig oo dhawaan xilkaas loo magacaabay iyo Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
C/rashiid Xiddig ayaa sheegay inuu yahay mid ay ku indha-indheynayaan xaaladda degmada B/xaawo oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, kadib markii ay dagaal xooggan oo ay degaankaasi ku qaadeen ayna kala wareegeen xoogaga Al-shabaab ee degmadaasi maamulayay.
Dhanka kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyay wasiirrada iyo xildhibaannada ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee booqashada ku tegay magaalada Baladxaawo.
Xildhibaan Maxamuud Maxamad oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaannada soo jeeda gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay wasiirrada iyo xildhibaanada tegay B/xaawo inay iyagu sabab ka yihiin gooashada askar ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo ku biiray Xarakada Al-shabaab .
Waxa uu xildhibaanku sheegay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha arrintaasi ay mas’uuliyadeeda qaadayaan xukuumada KMG ee Soomaaliya sida uu yiri.
Ra’isal wasaare Farmaajo oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan ka qeyb galaynin shirka Kenya
Axad.3-April.2011(SOMAALJECEL) Ra’isal wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya aanay ka qeyb galaynin shirka Qaramada Midoobay qabanqaabinayso ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada Nayroobi ee dalka Kenya bishan 12-ka bishan April.
Farmaajo waxa uu sheegay in xukuumaddu go’aan ku gaartay in aysan ka qeyb gelin shirkaas, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay taageeraan xukuumadda.
Waxa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka tashadaan aayahooda, isla markaana ogaadaan in dowladdu aysan isku halayn doonin dhaqaalaha ay ka hesho Beesha Caalamka iyo hay’adaha kale ee dhaqaalaha siiya.
“Shacabka Soomaaliyeed waa in ay isku tashadaan, oo aysan cid kale waxba ka sugin” ayuu yiri Ra’isal wasaare Farmaajo oo sheegay in kaalmada Soomaaliya ay ka hesho beesha caalamka laga soo aruuriyo dad iyaga oo kale ah, sidaa awgeed loo baahan yahay in ay isku tashadaan oo ay is caawiyaan, sida uu yiri.
Farmaajo waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, isla markaana ay ku biiraan ciidamada si buu yiri dalka looga saaro kooxaha Al-shabaab iyo ajnabiga caawinaya.
Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo laga furtay Doon ay afduub ku heysteeni
Axad.3-April.2011(SOMAALJECEL) Dooni ay si afduub ah u haysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa la sheegay in xoog looga furtay kadib markii ciidamo aad u hubeysan ay weerareen.
Ciidamda Badda ee dalka Imaaraadka Carabta oo weerarkaas fuliyey shalay galab ayaa waxay kooxaha burcad Badeeda Soomaalida ka furteen Dooni laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Kooxaha burcad Badeeda oo Doonida ku heystay degaan lagu magacaabo Aryiila oo ku taala Waqooyiga xeebta dalka Cumaan ayaan la sheegin wax qasaare ah inuu ka soo gaaray weerarka lagu furanayay Doonida.
Doonidaa ayaa xilligii la afduubanayay waxaa la sheegay in ay ka timid dalka Austaraaliya, iyadoo ku sii jeedday dekadda Jabal-Cali ee ku taala magaalada Dubai ee dalka Isku taga Imaaraadka Carabta.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Doonida iyo shaqaalihii saarnaa iyagoo bed qaba lagu wareejiyay Wasaaradda arimaha gudaha ee dowladda Imaaraadka Carabta.


Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare oo la dhaariyay
Degmada Dhoobley oo ka baxday gacanta Al-shabaab
Ra’isal wasaare Farmaajo oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan ka qeyb galaynin shirka Kenya
Mid ka mid ah xildhibaannada Baarlmaanka Soomaaliya oo geeriyooday
Wasiirro iyo xildhibaanno booqasho ku jooga degmada B/xaawo
Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo laga furtay Doon ay afduub ku heysteeni
1480|1301722200|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Guddoomiye cusub oo maanta loo magacaabay Maxkamadda sare ee dowladda KMG Somalia
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Abuukaate Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa waxaa maanta loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dowladda KMG Soomaaliya.
Kulan aan caadi ahayn oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen Golaha wasiirrada xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare waxaana kulankaasi shir guddoominayay Ra’isal wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed(Farmaajo), waxaana sidoo kale kulankaas lagu magacaabay Shan Guddi.
Guddiyada Shanta ah ee la magacaabay ayaa waxaa ay isku raacay dhammaan Wasiirrada waxayna guddiyadaasi kala yihiin:-
1. Guddiga Siyaasadda iyo la shaqeynta bulshada Caalamka
2. Guddiga difaaca Qaranka iyo Sugidda amniga
3. Guddiga arrimaha Baarlamaanka
4. Guddiga aruurinta dhaqaalaha iyo difaaca Qaranka
5. Gudiga abaabulka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka iyo dibada.
Xildhibaanno maanta shiray oo u hanjbay mas’uulkii ka qeyb gala shirka Nayroobi lagu qabanayo
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxay hanjabaad kulul ugu jeediyeen mas’uuliyiinta dowladda KMG Soomaaliya, gaar ahaan mas’uulkii ka qeyb gala shirka dhawaan lagu qabanayo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, kaasoo ay qabanqaabinayso Qaramada Midoobay.
Xildhibaanadan waxa ay sheegeen in shirkaasi uu yahay mid looga soo horjeedo waxqabadka xukuumadda Soomaaliya, isla markaana lagu xaqirayo dhammaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Waxay xildhibaannadan shirkaa lagu qabanayo Kenya ku tilmaameen mid lagu burburinayo xukuumadda Soomaaliya, sidaa daraadeedna ay ka digayaan in laga qeyb galo shirkaas.
Waxa ay xildhibaannadan uga digeen mas’uuliyiinta dowladda KMG ka qeybgalka shirkaas, waxayna sheegeen in mas’uulkii ka qeyb gala shirkaas uu xilkiisa weynayo, sida ay yiraahdeen.
“Ma’suulkii ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ka qeybgala shirka lagu wado inuu ka dhaco Nayroobi waxaan kala laabanaynaa kalsoonida, xilkiisa ayuuna weynayaa” ayuu yiri xildhibaan Ismaciil Axmed Nuur oo ka mid ah xildhibaannada maanta shirka yeeshay, kaasoo markii kulanku soo dhammaaday saxaafadda la hadlay.
Shirka Kenya loogu qabanayo Soomaalida ayaa waxaa qabanqaabadiisa wada Ergeyga Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo madaxda dowladda KMG Soomaaliya Muqdisho ugu keenay casuumaadda ka qeyb galka shirkaas, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay inay ka fiirsanayaan shirkaas.
Taliska Ciidamada AMISOM oo sheegay inay xal u arkaan go’aankii Xukuumada waqtiga ku kororsatay.
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhaweeyey go’aankii dhawaan muddada ku kororsatay xukuumadda KMG Soomaaliya, waxayna sheegeen in xalka kaliya ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka Soomaaliya ay tahay in waqti dheeraad ah la siiyo Xukuumada hadda jirta oo ay la jaan qaadeen Ciidamada AMISOM.
Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Jen. Nathan Mugisha ayaa sheegay in ay dhinacooda si weyn u soo dhawaynayaan muddo kororsigii ay samaysay xukuumada KMG Soomaaliya ee uu wasiirka koowaad ka yahay Maxamad C/llaahi Farmaajo.
Waxa uu sheegay in ay xal u arkaan muddo kordhinta Xukuumada KMG Soomaaliya, isagoo sheegay in aysan muuqan arrin kale oo la qaato.
Wuxuu Taliyuhu ku baaqay in aan laga horimaan muddo kordhinta ay xukuumaddu samaysatay oo sida uu yiri uu u arko xalka Soomaaliya, isagoo xusay in waqtigan aysan munaasib ahayn in hakad la geliyo howlgalo uu sheegay in ay si wadajir ah gobollada dalka Soomaaliya iyo Muqdisho uga wadaan Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, howlgaladaasi oo uu sheegay in ay guulo ka gaareen isla markaana dhowr jiho waliga ay dagaalo uga fureen Xarakada Alshabaab sida uu yiri.
Weerar xalay lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada muqdisho
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Kooxo hubeysan ayaa habeennimadii xalay weerar ay u adeegsadeen bambaano kuwa gacanta laga tuuro ah ku qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.
Is rasaaseyn ayaa la sheegay in ay dhex martay ilaalada xaruntaas iyo kooxihii weerarka ku qaaday xaruntaas, mana la sheegin is rasaaseynta iyo weerarka Bambaano wax qasaaro ah oo ka dhashay.
Kooxihii weerarkaasi geystay ayaa la sheegayaa in ay goobta ka baxsadeen, mana la aqoonsan, sidoo kalena ma jiraan cid sheegatay weerarkaasi bambaano ee lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho.
Xarunta UNDP balse waxaa jiray bilooyin ka hor in xaruntaasi weeraro lagu qaadi jiray hase yeeshee mudooyinkaan dambe laga neebsaday waloow xalay ay dib ugu soo laabteen weeraradii bambaano.
Xarunta UNDP ee weerarka lagu qaaday ayaa ku taala agagaarka Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana agagaaraheeda ku yaala fariisimo ay leeyihiin ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, mana la oga halka ay ka yimaadeen kooxaha weerarka ku qaaday xaruntaas, sidoo kalena lama sheegin wax rasaas ah in ay fureen ciidamada AMISOM.
Danjire Mahiga oo ka warbixiyey shirka Kenya loogu qabanayo Soomaalida
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ka warbixiyey shirka lagu wado in Soomaaliya loogu caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi.
Shirkaas oo looga hadli doono arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxa uu Augustine Mahiga uu sheegay in uu dhici doono 12-ka ilaa 13-ka bishan April, lagana doonayo dhinacyada lagu casuumay inay ka soo wada qeyb galaan.
Waxa uu sheegay Mahiga in madaxda dowladda KMG Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka qeyb galaan shirkaas, isla markaana ay muujiyaan dabacsanaan si buu yiri xal waara looga gaaro dagaalada aan dhammaadka lahayn ee ka socda Soomaaliya muddada 20 sano ka badan.
Sidoo kale Mahiga waxa uu tibaaxay in ay lama huraan tahay ka soo qeyb gelida madaxda dowladda KMG Soomaaliya shirkaas oo uu sheegay in ay qabanqaabinayso Qaramada Midoobay kaasoo la filayo in la isugu keeno dhinacyada Soomaalida gaar ahaan Maamulada ka jira wadanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in waajib saaran uu yahay in madaxda Soomaaliya uu ka dhex sameeyo dhexdhexaadin, maadaama sida uu sheegay ay Q/midoobay isaga u xil saartay xal u raadinta xaaladda ka taagan dalka Soomaaliya, wuxuuna shaaciyay inay madaxda Soomaalida dhexdooda ay ka jirto xoogaa is qabsi qabsi, uuna ka shaqeynayo sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa.
Danjire Mahiga wuxuu tibaaxay in uu ku faraxsan yahay shirkaasi in uu qabsoomi doono waqtiga loo cayimay, isla markaana ay ka soo qeyb gali doonaan madax badan oo Soomaaliya iyo ajaaniib isugu jirta.
Dugsiyo lagu barto Qur’aanka oo dib loo fasaxay
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Maamulka Ururka Ahlusunna Degmada Caabudwaaq ee gobollada dhexe ayaa dib u fasaxay Dugsiyo Qur’aan oo ay albaabada isugu dhufteen.
Sida warku sheegayo ilaa 7 Dugsi Qur’aan oo ku yaala magaalada Caabudwaaq oo hore maamulka Ahlusunna Waljamaaca ay u sheegeen in ardayda dhigata lagu baro waxyaabo ka baxsan Diinta Islaamka ayaa maanta dib u howl bilaabay.
Wadahadal dhex maray waalidiinta, waxgaradka iyo maamulka Ahlusunna ee degaankaas ayaa waxay isku afgarteen in la furo Dugsiyadaas, iyadoo la isku afgartay in dugsiyadaas aan lagu dhigi doonin wax ka baxsan Diinta Islaamka, waxaana arrinkaas loo saaray guddi gaar ah.
Xildhibaanno ka soo horjeestay maamul gobolleed looga dhawaaqay gobollada J/hoose iyo Gedo
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ah kuwa ka soo jeeda gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo ayaa ka soo horjeestay maamul gobolleed dhawaan looga dhawaaqay gobolladaas.
Maamul gobolleedkaas oo lagu dhisay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu magacaabaa Asaaniya waxaana guddoomiye u ah Maxamad Cabdi Gaani, kaasoo sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay wax ka ogtahay maamul gobolleedkaas, isla markaana ay horey isugu ogaayeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.
Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo u hadlayay xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo kullan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa rajo iyo qaraw aan la arag ku tilmaamay maamul goboleedka dhawaan Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya looga dhawaaqay gobolada Jubooyinka Maamulkaasi.
Xildhibaanku waxa uu sheegay maamulkaasi in ay horboodayaan dowladdaha Kenya iyo Faransiiska, isagoo sheegay maamulkaasi Madax ka yahay Maxamad Cabdi Gani uu yahay mid riyo ah oo aan waxba soo kordhinayn.
Xildhibannada ka soo jeeda Gobolladaas waxay sheegeen in maamul gobolleedlaasi uu ku yimid si lab lakac ah, isla markaana aysan aqoonsanayn, iyagoo dhanka kale sheegay in ciidamada ka dagaalamaya haatan gobolladaasi ay hoos tagaan dowladda Soomaaliya, xaaladdoodana ay ka war hayaan, iyagoo beeniyay sheegashada Gaboose ee ah in ciidamadaasi ay maamul gobolleedka la dhisay la shaqeeyaan.
Ciidamada ka dagaalamaya gobollada Jubbadda Hoose iyo Gedo oo lagu soo tababaray dalka Kenya ayaa in muddo ah waxaa isqabqabsi uu ka taagnaa cidda maamul ahaan ay hoos tegayaan, waxaana doodda ciidamadaasi ay dhex taalay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo sidoo kale Maxamed Gaboose oo ay wehliyaan odayaal ka soo jeeda gobolladaas, inkastoo mar dambe xal laga gaaray.
Dagaallo iyo duqeymo xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Dagaalo iyo duqeymo culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakadea Alshabaab ayaa xalay ilaa saakay ka soconayay xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dagaaladaa ayaa bilowday kadib markii xoogag ka tirsan ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisimada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ku leeyihiin degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag.
Dhinacyada dagaalamayay ayaa waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasoo mararka qaar gaarayay xaafado ka fogfog aagaga dagaalada ka dhacayeen, waxayna sababeen waxtyeello soo gaartay dad rayid ah oo aan dagaallada socda ku lug lahayn.
Dagaaladaasi ayaa waxa ay daba joogaan dagaalo culus oo Muqdisho muddooyin ka dhacayay, iyadoo degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Boondheere ay noqdeen degaannada ugu badan ee dagaalladu ay ka dhacaan.
Warbixinnadii ugu dambeeyay xaaladda degmada Dhoobley
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose oo ay shalay dagaallo culus ku dhex mareen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa in haatan xaaladda degmadaasi ay degan tahay, wallow ay jiraan cabsi dagaal mar kale ka holca halkaas.
Habeen hore, shalay ilaa xalay ayay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya duqeyn ba’an ku wadeen degmadaas, iyagoo dagaal shalay ay ku qaadeen halkaasi ugu suurageli waayeen inay degmadaasi ka qabsadaan xoogaga Al-shabaab ee gacabnta ku haya.
Dagaalkaa oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayay ciidamada Xarakada Al-shabaab ku xajisteen gacan ku heynta degmada, waxayna ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni oo is biirsanayay dib ugu laabteen degaannadii ay weerarka ka soo qaadeen.
Qasaaraha ka dhashay dagaalladii shalay iyo duqeymihii degmadaas loo geystay ayaa lagu sheegay tirada dhimashada inay ka badan tahay 20 ruux halka dhaawaca la sheegay inuu gaarayay ku dhawaad 40meeyo ruux oo kale marka la isku daro dagaaladii iyo duqeyntii ciidamada dowladda KMG ka filiyeen degmadaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ere aynu ka helno degmadaas ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoogan ay ka jiraan gudaha degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose kaasoo ay samaynayaan ciidamada Xarakada Al-shabaab, halka Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni ay ku sugan yihiin duleedka magaalada dhoobley.
Xildhibaanno ka soo horjeestay Maamul goboleed dhawaan Kenya looga dhawaaqay
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Qaar ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa si weyn waxay uga soo horjeesteen maamul gobolleed dhawaan looga dhawaaqay dalka Kenya, maamulkaasi oo loo dhisay Gobollada Jubbooyinka.
Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo u hadlayay xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Jubooyinka oo kullan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa rajo iyo qaraw aan la arag ku tilmaamay maamul gobolleedka dhawaan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya looga dhawaaqay gobollada Jubbooyinka Maamulkaasi oo lagu magacaabo ASAANIYA.
Xildhibaanku waxa uu sheegay maamulkaasi in ay hor boodayaan dowladdaha Kenya iyo Faransiiska, isagoona sheegay maamulkaasi Madax ka yahay Maxamad Cabdi Gaani uu yahay mid riyo ah oo aan waxba soo kordhinayn.
Sidoo kale Xildhibaan Cumar Buraale Axmed waxa uu sheegay ciidamada dagaalada ka wada gobolada Jubooyinka in ay yihiin ciidamo laga keenay beelaha daga goboladaasi, isla markaana Maxamad Cabdi Gaani aanu war u heyn goobaha laga kala keenay ciidamadaasi uu ku doonayo inuu maamul goboleedkaasi ku hirgashado sida uu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaanku wuxuu ugu baaqay Maxamad Cabdi Gaani inuu dib uga laabto gorshaha maamul goboleedka looga dhisay gobolada Jubooyinka, kaasi oo uu sheegay in ay dabada ka riixayaan dowladaha Kenya iyo Faransiiska.
Dacwada Jen. Maxamed Cali Samatar oo dib loo bilaabay
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Jen. Maxamed Cali Samatar oo ahaa Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa mar kale dib loo bilaabay dacwadihii lagu soo oogay ee ahaa inuu dambiyo dagaal galay.
Guddoomiyaha Federaalka Maraykanka Liyoni Barin ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan dhagaysiga dacwado loo heysto Maxamad Cali Samatar oo lagu soo oogay inuu bixiyay amar lagu xasuuqay dad rayid oo deganaa Waqooyiga Soomaaliya.
Garsooraha maxkamadda gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in su'aalo laga weydiinayo Maxamed Cali Samatar eedeymaha lagu soo oogay.
Jen. Maxamed Cali Samatar ayaa Ra'isal wasaare iyo wasiirka difaaca ka ahaa dowladdii 21-ka sano ka talinaysay dalka Soomaaliya sanadihii Siddeetamaadkii, wuxuuna isku difaacay inaysan waxba ka jirin dambiyada lagu eedeeyay.
Eedeymaha loo haysto Jen. Samatar ayaa waxaa ka mid ah inuu amar ku bixiyay in jirdil, xarig iyo dil loo geysto xubno ka tirsan beesha Isaaq ee degta Waqooyiga Soomaaliya, xilli uu socday dagaal u dhexeeyay dowladda uu xilka u hayay Maxamed Cali Samatar iyo kooxo jmucaarad ahaa oo xilligaas ku sugnaa Waqooyiga Soomaaliya, inkastoo dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ee Waqooyiga Soomaaliya deganaa.
Qareenka Jen. Samatar ayaa ku tiliyay jimcihii in dacwadda loo haysto la joojiyo, balse waxaa arrintaas kasoo horjeestay Garsooraha Virginia Leonie Brinkema, isagoo sheegay inay tahay in su'aalo laga weydiiyo dacwooyinka loo haysto.
Dacwadii ugu horreysay ee maxkamad laga geeyo Jen. Samatar ayaa la joojiyay sannadkii 2004, taasoo uu soo gudbiyay nin ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya oo ku nool dalka Mareykanka kaasoo sheegay in amarkiisa loogu geystay jirdil.
Roobab sababay dhimasho oo ka degay deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud
Sabti.2-April.2011(SOMAALJECEL) Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka da'ay roobab lagu diirsaday degaanno ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug, roobabkaasoo ahaa kuwo aad u xooggan.
Roobabkaas oo dadka degan deegaannada uu ka da’ay ay ku diirsadeen ayaa dhanka kale sababay qasaaro dhimasho, waxaana deegaan lagu magacaabo Dow-gaab biriq la socotay roobka ay ku dishay haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka.
Degaannada gobollada Mudug iyo Galguduud ee roobabka gu’ga uu ka curtay ayaa waxaa ka jira abaarro daran oo ka jiray guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, kadib markii labo xilli roobkii la sugayay ay imaan waayeen.
Roobkan ayaa ku soo beegmay xilli loo baahnaa, iyadoo gobollada qaarkood xoolihii ku noolaa 70% ay abaaraha awgood ugu dhinteen, waxaana dadka iyo xoolaha ka badbaaday abaarahaa ay ku noolaayeen biyo dhaamin looga samaynayay goobo aad u fogfog.
|

Guddoomiye cusub oo maanta loo magacaabay Maxkamadda sare ee dowladda KMG Somalia
Xildhibaanno maanta shiray oo u hanjbay mas’uulkii ka qeyb gala shirka Nayroobi lagu qabanayo
Taliska Ciidamada AMISOM oo sheegay inay xal u arkaan go’aankii Xukuumada waqtiga ku kororsatay
Weerar xalay lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho
Danjire Mahiga oo ka warbixiyey shirka
Dugsiyo lagu barto Qur’aanka oo dib loo fasaxay
Xildhibaanno ka soo horjeestay maamul gobolleed looga dhawaaqay gobollada J/hoose iyo Gedo
Dagaallo iyo duqeymo xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho
Warbixinnadii ugu dambeeyay xaaladda degmada Dhoobley
Xildhibaanno ka soo horjeestay Maamul goboleed dhawaan
Dacwada Jen. Maxamad Cali Samatar oo dib loo bilaabay
Roobab sababay dhimasho oo ka degay deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galguduud
1479|1301549400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Danjire Mahiga oo sheegay in dowladda Somalia waqtiga loo kordhineynin
Khamiis.31-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay waqti kororsigii ay dhawaan samaysteen Golaha Wasiirada dowladda KMG Soomaaliya iyo kii Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu Mahiga sheegay in waqtiga dowladda KMG Soomaaliya uu ku egyahay bisha Agosto, kadibna la qabanayo doorasho uu sheegay in Beesha caalamka ay taageerayso.
Mahiga waxa uu ku celceliyay in Beesha Caalamka aysan taageersanayn waqti kororsiga ay xukuumadda iyo Baarlamaanku samaysteen taasna looga baahan yahay inay ka laabtaan go'aankoodaas.
Hadalkan uu sheegay Mahiga ayaa ka dambeeya kulan uu shalay la qaatay madaxda sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisa daba joogaa xilli kororsi ay dhawaan sameeyeen Golaha Wasiirrada dowladda KMG Soomaaliya oo muddo hal sano ah ku kororsaday waqtiga ay sii jirayaan, iyadoo horeyna Baarlamaanku uu waqti kororsi saddex sano ah sameeyay, arrintaasoo Beesha Caalamku ay si weyn uga soo horjeesatay.
Dalal kale oo Afrikaan ah oo ciidamo geynaya Soomaaliya
Khamiis.31-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dowladaha Gaana iyo Nayjeeriya ayaa sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay geynayaan ciidamo fara badan oo ka qeyb noqonaya kuwa Yugandha iyo Burundi ee howlgallada u jooga magaalada Muqdisho.
Dowladaha Gana iyo Nayrjeeriya ayaa la sheegay in ay ka jawaabeen codsi iyo baaqyo ay u jeediyeen beesha caalamka oo ka dalbaday in ay ciidamo geeyaan Soomaaliya.
Madaxweynha dalka Yugandha Yuweri Musaveni ayaa baaqii ugu dambeeyay u jeediyey dalalkaas, isagoo sheegay in ay ka jawaabeen baaqyadii loo jeediyay.
Dowladaha Gaana iyo Nayjeeriya ayaa sheegay in ay soo dedejinayaan ciidamadaas si ay ugu biiraan kuwa AMISOM ee ku sugan caasimadda dalka Soomaaliya.
Dhanka kale dowladaha Yugandha iyo Burundi ayaa iyaguna waxay dhawaan shaaca ka qaadeen in ay ku kordhin doonaan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ka joogo tiro kale oo dheeraad ah oo gaaraya ilaa 4-kun askari.
Dowladda KMG oo sheegtay in Maamul gobolleedyada soo badanaya ay dagaallo sababi karaan
Khamiis.31-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maamul gobolleedyada sii badanaya ee ku soo kordhaya dalka Soomaaliya ay sababi karaan dagaallo beeleedyo.
Dowladdu waxa ay sheegtay inay ka cabsi qabto in maamul goboleedyadaasi sii kordhaya ay sababi karaan dagaalo dhex mara qabaa’ilada sameysanaya oo ay dhici karto in is qabqabsi uu dhex maro.
Wasiirka Dartuurka iyo Arrimaha Fedaraalka dowladda KMG Soomaaliya Maxamuud Maxamed Boonow ayaa sheegay in ay dhici karto in maamul gobolleedyadaasi ay dhexdooda ka dhex abuuraan xiisado dhex mara qabaa’ilada ku nool goballada maamul gobolleedyadaas laga sameysanayo.
Waxa uu ka digay wasiirka in Jamhuuriyadda Soomaaliya loo kala qeyb-qeybiyo degmo degmo iyo tuulo tuulo, taasoo oo uu ku tilmaamay inay horseedi karto in ay kala xirmaan goballada isku furan oo hadda nabaddu ay ka jirto sida uu hadalka u dhigay.
Mar uu ka hadlayay sharciga lagu sameysan karo nidaamka maamul gobolleedyada ayuu sheegay in loo baahan yahay in ka badan labo gobal oo isku darsama kadibna samaysta maamul gobolleed ay dowladdu aqoonsan tahay.
Hadalkan ka soo baxay wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aadayaa xilli ay ka jiraan dalka Soomaaliya maamul gobolleedyo aad u fara badan, isla markaana ay weli sii socdaan sameysashada iyo ku dhawaaqitaanka maamul gobolleedyada.
Xildhibaanno sheegay in Danjire Mahiga uu sii hurinayo xaaladda Soomaaliya
Khamiis.31-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga uu qas iyo fowdo ka dhex wado arrimaha cakiran ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaannadan waxay sheegeen in Danira Mahiga uu ay ka degi la’dahay Soomaaliya, isla markaana uu ka shaqeynayo kala qeybinta iyo isku dirka madaxda dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Maxamed Axmed Nuur (Sheegoow) oo ka mid ah xildhibaannada eedeynta u jeediyay Mahiga ayaa wuxuu sheegay in Mahiga uu ka shaqeynayo sidii ay Soomaaliya u sii burburi lahayd, isagoo sheegay inuu ku howlan yahay kala qeybinta dowladda KMG Soomaaliya.
“Mahiga waxaan u sheegeynaa in laga gudbay xilligii taladiisa lagu socon jiray isla markaana loo gudbay xilligii dhidibada loo suri laha Qaranka Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Sheegow oo sheegay in beesha caalamka ay u gudbinayaan dacwad ka dhan ah Mahiga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Maxamad Dheere
Khamiis.31-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha gobolka Banaadir dowladda KMG Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid Guddoomiyihii hore gobolka Banaadir Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad Dheere oo dhawaan dib u helay xoriyaddiisa kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir shaacisay in lagu waayay wax dambi ah.
Maxamad Dheere ayaa markii xabsiga laga sii daayay waxa uu qado u sameeyey Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka soo jeeda Beesha Mudulood ee uu isagu ka dhashay, wuxuuna u sheegay in xarigiisa ay ka dambeeyeen madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.
Tarsan waxa uu sheegay in isagu aanu xirin Maxamad dheere laakiin sharciga uu xiray, markii lagu waayay qaladaadkii lagu tuhmayna sharciga dib xoriyadiisa ugu celiyey sida uu yiri.
“Walaalkey Maxamad Dheere waxaan u sheegayaa in anigu aanan xiran intii uu ku jiray gacanta dowladda KMG Soomaaliya, baaritaan ayaa ku socday oo dambiga lagu soo oogay la baarayay, markii wax dambi ah lagu waayayna dib ayaa loo sii daayay” ayuu yiri Tarsan oo ka jawaabayay eedeyn uga timid Maxamad Dheere.
Dagaallo culus oo xalay ilaa saakay ka socda magaalada Muqdisho
Khamiis.31-Maarso.2011(SOMAALJECEL) 3 ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay, 5 ruux kale oo iyagana rayid ah way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo xalay ilaa saakay ka soconaya xaafado ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
Dagaalladaas oo ay barbar socdeen duqeymo culus ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xarakada Al-shabaab, waxayna wararku sheegayaan in kooxihii dagaalamay ay waxyeello soo gaartay.
Dagaallada Muqdisho ka socda ayaa noqday kuwo aan dhammaad lahayn, iyadoo dhinacyada dagaalamayna ay kala sheegtaan guulo mar waliba uu ay dagaalamaan, waxaana inta badan qasaaraha uu soo gaaraa dadka rayidka ah.


Danjire Mahiga oo sheegay in dowladda Somalia waqtiga loo kordhineynin
Dowladda KMG oo sheegtay in Maamul gobolleedyada soo badanaya ay dagaallo sababi karaan
Xildhibaanno sheegay in Danjire Mahiga uu sii hurinayo xaaladda Soomaaliya
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Maxamad Dheere
Dalal kale oo Afrikaan ah oo ciidamo geynaya Soomaaliya
Dagaallo culus oo xalay ilaa saakay ka socda magaalada Muqdisho
1478|1301463000|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Wareysi xiiso leh oo aan la yeelanay Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Hiiraan and Midland State
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Waxaa inoo suuragashay inaan wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelanno Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hiiraan and Midland State Mudane C/qaadir Aadan Cabdi Jiraabey oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo dhawaan soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna wareysiga aan la yeelanay uu u dhacay sidatan:-
Su’aal: Mudane, waxaad ugu horreyn warbixin kooban inaga siisaa ujeeddada iyo qorshaha loo dhisay dowlad gobolleedka Hiiraan and Midland State ee aad adigu madaxweynaha ka tahay?
Jawaab: Een, Dhismaha dowlad gobolleedka Hiiraan and Midland State waxa uu yimid kadib markii aqoonyahannada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay u adkaysan waayeen dhibaatada dadkooda ku heysata dalka Doomaaliya, gaar ahaan degaannada gobolka Hiiraan, waxaana dhismaha dowlad gobolleedkaas lagu bixiyay maskax, waqti iyo dhaqaale, Ilaahna wuu nagu guuleeyay.
Su’aal: Mala dhihi karaa ujeeddada aad ka lahaydeen dhismaha dowlad gobolleedkan waa inaad magac ku yeelataan, isla markaana aad siyaasadda dalka qeyb ka noqotaan?
Jawaab: Maya, taas lama dhihi karo, waayo anaga xil doon ma nihin, dhaqaalena inaan ku helno qorshaheena ma aha oo anagaaba dhaqaalaheena ku bixinay, kaliya waa inaan dadka Soomaaliyeed ka samatabixino dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee muddada 20-ka sano ay ku jireen gaar ahaan dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan oo dhibaatooyin badan muddo dheer ku soo jiray, taas ayaana ka dhiidhinay.
Su’aal: Dalka Ingiriiska ayaad uga dhawaaqdeen dowlad Gobolleedka Hiiraan and Midland State, xubnaha uu maamulkiinu ka kooban yahayna waa dad in muddo ah qurbojoog ahaa, marka maxaad dalka iyo gobolka aad meteshaan ku soo kordhin kartaan?
Jawaab: Waa run anaga qurbojoog baanu in muddo ah ahayn, laakiin waxa ka dhacaya dalka Soomaaliya daqiiqad daqiiqad baanu ula soconay oo ka war heynay, haatanna waxaan joognaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo waxaan u bareernay inaan Soomaaliya oo colaado ka jiraan nimaadno, si aan dadkeena ula qeybsano dhibaatada, qorshaheenuna waa in aan howsha dowlad gobolleedka ka wadno Soomaaliya.
Su’aal: Wixii ka dambeeyay markii aad dowlad gobolleedka ku dhawaaqdeen waxaa sidii tusbax go’ay u soo fatahay maamul gobolleedyo badan oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisa looga dhawaaqay, kuwaasoo xitaa qaarkood ay sheegteen in maamul gobolleed Hiiraan metela ay yihiin, arrintaas sidee u aragtaa, wax saameyn ahna ma idinku yeesheen?
Jawaab: Waa sax inay Soomaaliya ka samaysmeen maamul gobolleedyo badan, laakiin anaga keena si Dimoqraadi ah baa lagu soo doortay, xitaa waxaan kuu sheegayaa markii is barbaryaacu uu batay inaan go’aansaday inaan iscasilo, anigoo taas ka duulaya ayaa waxaan safar ku tegay aniga iyo xubnaha maamulkeyga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, qorshaha is casilaaddeyda ayaa waxaan u gudbiyay odayaasha, waxgaradka, culumaa’udiinka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee dalka Kenya ku sugan, weyna iga aqbaleen is casilaaddii aan soo jeediyay, kadib waxay talo ku soo jeediyeen in la dhiso hal dowlad Gobolleed oo Gobolka Hiiraan uu yeesho, waxaana la qabtay doorasho, aniga ayaana ku soo baxay oo mar kale la ii caleemo saaray, waxaana la igu hor dhaariyay waxgaradkii ka soo jeeday Gobolka Hiiraan ee isugu jira siyaasiyiin, cuqaal, waxgarad, aqoonyahanno iyo qeybaha bulshada reer Hiiraan oo ka kala yimid dalal dibadda ah iyo gudaha dalka Soomaaliya iyo kuwii Nayroobi joogay.
Su’aal: Maadaama si Dimoqraadi ah laguugu doortay adiga, maxaa keenay in kooxihii sheeganayay inay maamul gobolleedka Hiiraan metelaan weli sheegashadoodii aysan ka waantoobin?.
Jawaab: Kooxo ma aha ee waa shaqsiyaad, waxaana u sheegayaa shaqsiyaadkaas Gobolka Hiiraan inuusan u baahnayn xilligan in dhibaatada heysata lagu sii dheereeyo sidoo kale uma baahna Hiiraan in maamullo aan la aqoonsanayn ama doorasho aan ku imaan la iska sheegto, dadkana lagu jahawareeriyo, waxaana leeyahay Gobolka Hiiraan wuxuu u baahan yahay dib u dhis, dadkiisuna waxay u baahan yihiin dib u dejin in loo sameeyo si dadka ka barakacay gobolka guryahooda ugu soo laabtaan, sidoo kalena la caawiyo kuwa baahan ee abaaruhu ay saameynta ku yeesheen.
Su’aal: Ma isku daydeen inaad wadahadal la sameysaan kuwa sheeganaya maamul Gobolleedyada Hiiraan?.
Jawaab: Dowlad Gobolleed wuu u dhisan yahay Gobolka Hiiraan waana midka aad anaga metelno, albaabadana way u furan yihiin, waxaana diyaar u nahay in shaqsiyaadkaas ay nagu soo biiraan, qof kasta oo reer Hiiraan ahna xaq buu u leeyahay inuu ku soo biiro dowlad gobolleedka dhisan, shakhsiyaadka is magacaabayna Odayaal baan u dirnay si ay ugala hadlaan inay ka waantoobaan sheegashadooda qaldan.
Su’aal: Dowlad gobolleedka Hiiraan and Midland State maku mideysan yihiin dhammaan beelaha dega Gobolka Hiiraan?
Jawaab: Waa su’aal aad muhim u ah, waadna ku mahadsan tahay, beelaha dega Gobolka Hiiraan way u dhan yihiin maamulka, weliba waxaan wax ku qeybsanay si siman, sida Soomaali dhaqankeedu yahay anaga waxqeybsigeena kuma saleynin 4.5.
Su’aal: Muqdisho ayaad ku sugan tihiin haatan, marka ma inoo faahfaahin kartaa ujeeddada iyo waxa uu xambaarsan yahay safarka aad ku timaadeen Muqdisho adiga iyo wafdiga aad hoggaaminayso ee ka tirsan maamulka aad adigu madaxweynaha ka tahay?
Jawaab: Anaga waxaanu ka nimid dalka Ingiriiska oo aan ku soo dhisnay maamul gobolleedka Hiiraan and Midland State, ujeeddada ugu muhiimsan ee aanu dalka u nimidna waxay tahay inaan horey u sii dhaqaajino waxqabadka dowlad Gobolleedka Hiiraan and Midland State, inaan la kulanno madaxda dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale waxgaradka iyo dadka Hiiraan, qorshaheenuna waxa uu yahay inaan tagno Gobolka Hiiraan si aan u soo qiimeyno xaaladda Gobolka.
Su’aal: Maxaa idin qabsoomay?
Jawaab: Wax badan baa inoo qabsoomay, waxyaabo kalena way inoo dhiman yihiin, waxaana muddadii aanu joognay aanu la kulanay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Axmed, Wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, waxaana dhammaan xubnahaas aanu kala hadalnay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda Gobolka Hiiraan iyo sidii dadka reer Hiiraan dhibaatada heysata looga dulqaadi lahaa, waxyaabihii aan kawada hadalnay si guul ah bay inoogu dhammaadeen, isfaham buuxana wuu ina dhex maray.
Su’aal: Dhismaha dowlad gobolleedkiinu wuxuu ku soo beegmay xilli inta badan Gobolka Hiiraan ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab, marka adinku maxaad ka qaban kartaan?
Jawaab: Anaga dad la soo doortay baanu nahay, Xarakada Al-shabaabna halkaas doorasho kuma aysan tegin, waxaana rajeyneynaa isbedel inuu dhaco haddii uu Alle idmo.
Su’aal: Waxaad sheegtay inaad Gobolka Hiiraan tagaysaan, ma dagaal baad ku tagaysaan maadaama xarakada Al-shabaab ay ka taliso?
Jawaab: Anagu qorshaheena dagaal ma aha, mabda’eenu waa wadahadal, waayo gobolku wuxuu ku dhismayaa nabad iyo wadahadal haddii wadahadal xal lagu gaari waayo qorshaheena ugu dambeeya ayaa wuxuu markaasi noqonayaa dagaal.
Su’aal: dalka abaaro baahsan baa ka dhacay, Gobolka Hiiraanna wuxuu ka mid yahay gobollada ugu daran ee abaaruhu saameynta ku yeesheen, maxaad taas ka qabateen ama idiin qorsheysan inaad ka qabataan?
Jawaab: Xubnaha maamulka ka kooban yahay iyo jaaliyadaha reer Hiiraan dhaqaalo badan ayay u soo direen dadka Hiiraan ku dhibaateysan, welina wax u qabashada reer Hiiraan way socotaa, waana sii wadeynaa, dowladda Soomaaliyana waan kala hadalnay sidii abaaraha ka jira Gobolka wax looga qaban lahaa, sidoo kalena beesha caalamka iyo Hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ugu baaqayaa inay kaalmo la gaaraan dadka Hiiraan ku sugan ee abaaruhu ay halakeeyeen.
Kulan albaabada u xiran yihiin oo Muqdisho ay ku yeesheen Danjire Mahiga, madaxweyne Shariif iyo Ra’isal wasaare Farmaajo
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Mahiga oo maanta safar kedis ah ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kulan albaabada u xiran yahay waxa uu la qaatay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ra’isal wasaare Farmaajo.
Kulankaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay baa la yiri arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan waqti kororsiga xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda sare ee dowladda KMG Soomaaliya.
Mahiga waxa uu si weyn ugala hadlay madaxda dowladda waqti kordhinta golaha wasiirada xukuumadda KMG Soomaaliya, tan Baarlamaanka iyo sidoo kale ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha iyo Baarlamaanka KMG kaasoo marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareerayay.
Warar ku dhow dhow kulanka oo ah mid albaabadu u xiran yihiin ayaa sheegay in Mahiga uu sidoo kale madaxda dowlada KMG kala hadlay shir ay Qaramada Midoobay qabanqaabineyso oo la doonayo in bisha April uu ka dhaco magalada Nayroobi ee dalka Kenya, kaasoo Q/midoobay ku doonayso in la isugu keeno mamulada ka jira Soomaaliya.
Qarax waxyeello geystay oo degmada Luuq lagula beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda KMG
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax xooggan lagula beegsaday degmadaas ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Qaraxaas oo ka dhacay saldhig ciidan oo degmada Luuq ay ku leeyihiin ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ku geeriyooday Hal askari, waxaana ku dhaawacmay labo ruux oo mid yahay askari midka kalena qof rayid ah.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xaqiijiyey inuu jiro qaraxaas laakiin wuxuu beeniyey in askari uu ku dhintay isagoo sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah kuwaasi oo ka agdhawaa saldhiga qaraxa lagula eegtay ciidamada dowladda.
Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in qaraxaasi kadib ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya bilaabeen howlgallo ay ku baadi goobayaan ciddii ka dambeysay qarxaasi, isagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda 6 qof oo lala xariirinayo qaraxaasi, kuwaas oo uu sheegay in baaritaan lagu samaynayo.
Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo is rasaaseeyay.
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Hal askari ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday is rasaaseyn xalay saqdii dhexe ku dhex martay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya.
Askariga israsaaseyntaas ku dhintay ayaa meydkiisa saakay lagu arkay degaanka ay askartu ku dagaalameen xalay saqda dhexe, waxaana sheegay oo arkay aroor hore oo saakay ah dad degan degaankaas oo askarta degan saldhiga Galbeed ee degmadaas wargeliyey meydka askarigaas.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo saldhiga Galbeed ka soo baxay ayaa tegay goobta uu yaalay meydka askarigaas, kaasoo ay halkaasi ka soo qaadeen.
Iska horimaadkaas ayaa daba jooga mid maalintii shalay dhex maray ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya kaasoo ka dhacay nawaaxiga xaafadda Tabakaayo madow degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho, waxaana iska horimaadkaas ku dhintay kuna dhaawacya askartii dagaalantay qaar ka mid ah iyo sidoo kale dad rayid ah.
Magaalada Baydhabo oo xalay dad lagu qabqabtay
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dad ka badan 10 ruux oo u badan dhalinyaro ayay habeennimadii xalay ciidamada Xarakada Al-shabaab ay ka qabqabeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Warku waxa uu sheegayaa in howlgalo ay ciidamada Al-shabaab ka sameeyeen xaafadaha degmada Baydhabo ay ku soo qabteen dadkaas oo la sheegay in la soo qabtay iyagoo qaad ku cunayay gobo horey Maamulka Al-shabaab ee Baydhabo uga mamnuuceen qaad cunista, waxaana loo taxaabay xabsiga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa ugu baaqay dadka deegan Baydhabo ee qaadka cuna in qaadka ku cunaan goobaha loo cayimay, isagoo xusay inaan la aqbali doonin in si dhuumaalaysi ah xaafadaha dhexdooda qaadka loogu cuno.
Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Habeenkii xalay ayay kooxo ku hubaysnaa bastoolado waxa xaafadda lagu magacaabo Garsoor ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dileen nabaddoon caan ahaa oo si weyn looga yaqaanay magaaladaas.
Nabaddoonka la dilay oo lagu magacaabi jiray Nuur Xirsi Xuseen ayaa xilligii la dilayay waxaa la sheegay in uu ka soo baxay hoygiisa isagoo ku sii jeeday Masaajid ku yaala meel aan sidaasi uga fogayn hoygiisa.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta tegay ciidamada ammaanka oo howlgallo ka bilaabay halkaasi, mana jirto dad la sheegay inay u qabqabteen falka lagu qaarajiyey nabadoonkaas.
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaan ka hadlin falkii xalay lagu dilay Nabadoonkaas, hase yeeshee Taliska Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku goobayaan kooxihii falkaasi dilka ah u geystay Nabadoonka.
Ururka Midowga Yurub oo dhaqaale ugu yaboohay Ciidamada AMISOM.
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dhaqaale gaaraya 93 Milyan oo doollarka Mareykanka ayuu Ururka Midowga Yurub ugu yaboohay ciidamada AMISOM ee howlgalada ka wada magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
U qeybsamaha Ururka midowga Yurub ee dhinaca horumarinta ayaa waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ay ugu deeqeen dhaqaalo ay wax uga qabtaan howlaha baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Waxa uu u qeybsanuhu sheegay in ciidaada AMISOM ay u hayaan dowladda KMG Soomaaliya howl baaxad leh, isla markaana ay ilaaliyaan xuquuqda dadka shacabka ah ee dhibaatooyinka kala duwan soo wajahday tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay Midowga Yurub ku howlan yihiin sidii ay u kordhin lahaayeen dhaqaalaha ay ku taageeraan howlgallada ciidamada AMISOM, si loo helo ciidamo dheeraad ah iyo hurumar laga sameeyo howlaha nabad ku soo celinta Soomaaliya.
Dagaalo culus oo xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaalo culus ayaa saakay aroortii hore iyo xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dagaalladaas ayaa xoogooda waxa ay ka dheceen xaafado ka mid ah degmooyinka H/wadaag, Hodan iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho, wuxuuna u dhexeeyay ciidamada Al-shabaab, iyo kuwa AMISOM oo ay ka garab dagaalamayeen kuwa dowladda KMG Soomaaliya.
Dagaalladaas ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac u badan dad shacab ah, rasmi ahaana looma oga inta qasaaruhu gaarsiisan yahay.
Augustine Mahiga oo sheegay in Baarlamanka Soomaaliya uu caqabad ku yahay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed
Arbaco.30-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa si kulul u weeraray Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay cabaqad ku yihiin dadaalada Beesha Caalamku ugu jirto dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya.
Danjire Mahiga waxa uu sheegay in muddo kordhintii ay dhawaan sameysteen Golaha Wasiirada Xukuumada KMG ee Soomaaliya iyo tii horey Baarlamaanka Soomaaliya u samaysteen aysan sax ahayn isagoo xusay in ay wax u dhimayso sharciga Soomaaliya u yaala isla markaana sii kala fogaynaysa Baarlamanka KMG iyo Xukuumada KMG Soomaaliya.
Waxa uu sheegay muddo kordhinta ay sameeyeen golaha wasiirrada in aysan u dulqaadan doonin Beesha Caalamka, isagoo ku baaqay in loo baahan yahay in arrimahaasi laga laabto sida uu yiri.
“Baarlamanka KMG caqabad ayay ku yihiin dib u heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed, iyadoo ay taasi jirtana waxaa waqti kororsamaystay Golaha Wasiirada oo xaalka ka sii dhigtay ka dar oo dibi dhal” ayuu si kulul u yiri Augustine Mahiga.
Dhanka kale Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya Augustine Mahiga waxa uu sheegay in ay taageerayaan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya bisha Agoosto ee sanadkan, isagoona intaasi ku daray in Beesha Caalamku ay diidan tahay waqti kordhinta Xukuumadda sida uu yiri ayna muhim tahay in la soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Hadalkan ka soo baxay Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan golaha Wasiirada waqti kordhin sameeyeen, taasi oo u eg mid ay ku carqaladaynayaan muddo kordhintii saddexda sano ahayd oo ay ku dhawaaqeen xildhibaanada Baarlamanka KMG ee Soomaaliya.

Wareysi xiiso leh oo aan la yeelanay Madaxweynaha dowlad Gobolleedka Hiiraan and Midland State
Kulan albaabada u xiran yihiin oo Muqdisho ay ku yeesheen Danjire Mahiga, madaxweyne Shariif iyo Ra’isal wasaare Farmaajo
Qarax waxyeello geystay oo degmada Luuq lagula beegsaday Ciidamo ka tirsan dowladda KMG
Ciidamo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo is rasaaseeyay.
Magaalada Baydhabo oo xalay dad lagu qabqabtay
Augustine Mahiga oo sheegay in Baarlamanka Soomaaliya uu caqabad ku yahay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed
Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Ururka Midowga Yurub oo dhaqaale ugu yaboohay Ciidamada AMISOM
Dagaalo culus oo xalay iyo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho
1477|1301376600|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Madaxweyne Shariif oo sheegay in laga been abuuray
Talaado.29-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in laga been abuuray, isla markaana la isticmaalay saxiixiisa oo la been sameeyay, sida uu yiri.
Madaxweyne Shariif oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in warqado been abuur ah ay faafiyeen shaqsiyaad uu sheegay in maalmihii u dambeeyay ku howlanaa been abuur ay isaga ka sameeyeen taasoo ku aadanayd buu yiri warar been ah oo ay ku sheegeen in madaxweynuhu uu kala diray Baarlamaanka.
Shaqsiyaadka been abuurkaas sameeyay ayuu tilmaamay in tallaabo laga qaadayo haddiiba lagu qabto falalkaas been abuurka ah.
Taliyihii ciidamada Booliska Maamulka Puntland oo xil ka qaadis ku sameeyay
Talaado.29-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Taliyaha ciidamada Booliska ee Maamul gobolleedka Puntland Gaashaanle dhexe Aadan Nuur Qaal ayaa maanta lagu sameeyay xil ka qaadis.
Wareegto ka soo baxday Taliska sare ciidamada Booliska ee maamulka Puntland ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii ciidamada Booliska maamul gobolleedka Puntland, iyadoo isla wareegtadaas lagu magacaabay Taliye cusub oo bedelaya midka xilka laga qaaday.
Wareegtadaas ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha cusub ee maamulka Puntland, kaasoo lagu magacaabo Gaashaanle dhexe C/rashiid Cadday.
Taliyaha cusub ayaa markii la magacaabay kadib waxa uu la hadlay saxaafadda wuxuuna sheegay in uu wax ka qabanayo falalka amaandari ee ku soo kordhay Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Xilka ka qaadista maanta lagu sameeyay Taliyaha ciidamada Booliska maamulka Puntland ayaa ku soo aaday xilli ammaanka Puntland uu faraha ka soo baxayo, iyadoo magaalada Gaalkacyo haatan ay joogaan saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Maamulka Puntlnad oo halkaas u jooga inay wax ka qabtaan amnidarida ka jirta Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Dagaalo maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho
Talaado.29-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaalo culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saakay ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo C/casiis ee Waqooyiga Muqdisho.
Dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa waxa uu sababay qasaaro soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamay.
Degaanno ka baxsan goobaha lagu dagaalamay ayaa waxaa la sheegayaa inay gaareen rasaasta la isu adegsanayay dagaallada kuwassoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa la sheegayaa in ay ku dheceen dhowr madfac kuwaasoo geystay waxyeellooyin aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha ay sababeen.
Xarakada Al-shabaab oo ka warbixisay dagaalladii ugu dambeeyay
Talaado.29-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaaka warbixiyay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanka Ceelgaal ee duleedka magaalada B/weyne gobolka Hiiraan.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab waxa uu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalladaas, isagoo xusay in midka ka dhacay Muqdisho ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay gaadiid dagaal uga gubeen, mid kalena uu god kaga dhacay.
Waxa uu afhayeenku sheegay in dagaallo ku dhex maray ciidamada Al-shabaab iyo kuwo kuwa dwladda KMG soomaaliya degaanka ceelgaal ee magaalada B/weyne ay guulo wax ku ool ka gaareen isla markaana ay ka adkaadeen ciidamada dowladda uu sheegay inay baacsadeen.
Afhayeenka howlgallada Al-shabaab waxa uu sheegay in ay sii wadayaan dagaallada, isla markaana ka gacan sareeyaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo Ahlusunna Waljamaaca oo isku dhinac ah.
Afhayeenka howlgaladda Xarakada Al-shabaab waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka gacan siiyaan sidii dowladda KMG iyo AMISOM looga saari lahaa degmooyinka kooban oo ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.
Markab nooca shidaalka qaada ah oo ay afduubteen kooxo Burcad badeed Soomaali ah
Talaado.29-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa qafaashay markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kuwayt, kaasoo uu ka dul babanayay calanka wadanka Singapore.
Waxaa la sheegay in kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ay rasaas iyo bambaanooyin ku fureen markabka intii aysan qafaalan kahor, waxayna ula soo dhaqaaqeen kooxahaasi markii ay ku guuleysteen afduubidda markabkaasi dhanka xeebaha Soomaaliya.
Markabkan oo lagu magacaabo MV.ZIRKU ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka tegay dalka Suudaan oo uu shidaal geeyay waxaana laga qafaashay meel u dhow gacanka Cadan ee dalka Yemen.
Markabkaa ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen shaqaale gaaraya 29, kuwaasoo lala qafaashay Markabka, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee qafaashay markabkan.
Qafaalashada Markabkan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli dhawaan ciidamada Badda Hindiya ay gacanta ku dhigeen in ku dhow 16 ruux oo lagu eedeeyay in ay burcad Badeed yihiin, iyadoo horeyna kooxo burcad badeed ah la dilay, kuwona la dhaawacay halka kuwo kale la qabtay maxkamadna la soo taagay.
Maxamad Dheere oo sheegay in shaqsiyaad ay ka dambeeyeen xarigiisa
Talaado.29-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo mar noqday Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir ayaa in xariga loo geystay uu ahaa sharcidarro, isla markaana ay ka dambeeyeen shakhsiyaad ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo uusan magacooda carabaabin.
Maxamed Dheere waxa uu sidoo kale ka hadlay go’aankii dhawaan ka soo baxay Golaha Wasiirrada xukuumada KMG Soomaaliya ee xukuumaddu ku kororsatay muddada halka sano ah.
Maxamed Dheere waxa uu sheegay in ay sharcidarro tahay in xukuumadda KMG Soomaaliya xiligan ay waqti ku darsadaan, isagoo sheegay in waqtigii ka harsanaa uu haatan gabaabsi yahay.
Golaha wasiirrada ayuu ugu baaqay in ay dib uga laabtaan go’aankooda maadaama uu sheegay in xilligan munaasab ahayn in waqti ay korarsadaan.


Madaxweyne Shariif oo sheegay in laga been abuuray
Taliyihii ciidamada Booliska Maamulka Puntland oo xil ka qaadis lagu sameeyay
Dagaal maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho
Xarakada Al-shabaab oo ka warbixisay dagaalladii ugu dambeeyay
Markab nooca shidaalka qaada ah oo ay afduubteen kooxo Burcad badeed Soomaali ah
Maxamad Dheere oo sheegay in shaqsiyaad ay ka dambeeyeen xarigiisa
1476|1301290200|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
WAR DEGDEG AH: XILDHIBAAN C/LLAAHI FAAX OO GOOR DHOW GEERIYOODAY
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) War degdeg ah oo goor dhow soo gaaray shabakadda wararka Somaaljecel.com ayaa sheegaya in uu geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan C/llaahi Macalin Maxamed (Faax) oo ka mid ahaa xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Marxuum Xildhibaan C/llaahi Faax waxa uu in muddo ah la ildarnaa xanuunno hayay, waxaana lagu daweynayay dalka dibaddiisa, wuxuuna fiidnimadii Caawa ku geeriyooday magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Xildhibaanka ayaa waxaa tacsi u diraya Ugaas C/llaahi Ugaas Muxumed, Wasiika Ganacsiga iyo warshedaha dowladda KMG Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdi Ibraahim (Garweyne), Madaxweynaha maamul gobolleedka Hiiraan and Midland State C/qaadir Aadan Cabdi Jiraabey, Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha C/wahaab Macalin Maxamed, Xildhibaan Muuse Nuur Amiin, Xildhibaan Saalax Cali Saalax, Xildhibaan C/qaadir Maxamed Dhicisoow, Xildhibaan C/sataar Sheekh C/salaan Sheekh Xasan barsane, Xidhibaan Cumar Aadan xasan (Cumar Dheere), Xildhibaan Inj. Cabdi Buulle, Xuseen, Xildhibaan Xuseen Nuunoow, Xildhibaan Abuukar Cali Maqaney, Maxamuud Maxamed Cusmaan Kolomey, Suldaano Caddaay iyo dhammaan siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahannada, culimaa'udiinka beesha Gaaljecel, waxayna geerida marxuumka uga tacsiyeynayaan dhammaan eheladii uu ka geeriyooday, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxayna leeyihiin Allaha ka waraabiyo Janadii fardowsa, intii uu ka tegayna samir iyo iimaan Alle haka siiyo. (Aamiin... Aamiin)
Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia oo ka soo horjeestay go’aankii xukumadda KMG
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan sheeKh Aadan oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay lahaayeen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay go’aankii ay shalay gaartay xukuumadda KMG Soomaaliya ee ahaa in muddo sanad ah hay’adaha dowliga waqti kordhin loo sameeyo.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in go’aankaasi aysan aqbalaynin, isagoo xusay in go’aan aysan gaari karin cid aan Baarlamaanka Soomaaliya ahayn, isagoo xusay in Baarlamaanka KMG kaliya uu xaq u leeyahay in uu go’aan gaaro, isla markaana aan laga hor imaan karin go’aannada Baarlamaanka.
Shariifka waxa uu ugu baaqay mudanayaasha Baarlamaanka in ay difaacdaan waqti kordhintooda oo uu tilmaamay in xukumaddu doonayso inay carqaladayso.
Waxa kale oo uu sheegay in shirarkii uu ka qeyb galay intooda badan lagu taageeray go’aankii muddo kordhinta ahaa oo ay horay u qaateen mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in uusan ka war qabin shirar la sheegay in looga hadlayo waqtiga kala guurka oo Q.midoobay ay qabanqaabineyso kaasoo la sheegay in ay ka qeyb galayaan qaar ka mid ah maamullada ka jira dalka iyo dowladda KMG Soomaaliya.
Ururka Midowga Afrika oo dalbaday in Xarakada Al-shabaab la saaro cunaqabateyn
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Golaha amaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika ayaa Qaramada midoobay ka dalbaday in xayiraad dhinaca cirka iyo badda ah lagu soo rogo goobaha ay ka taliyaan xarakada Al-shabaab ee dalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha ammaanka iyo nabadgalyada ururka Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in goobaha Al-shabaab ay ka taliyaan ee gudaha dalka Soomaaliya oo xayiraad lagu soo rogo ay gacan ka geysan karto in laga hortago dagaalyahanno ajanabi ah ay soo galaan Soomaaliya si ay uga barbar dagaalamaan xarakada Al-shabaab, iyo sidoo kale in ay u isticmaalaan dekadaha iyo garoomada oo ay dhaqaale ka helaan xarakada Al-shabaab.
Golaha amaanka iyo nabadgalyada midowga afrika waxa uu sidoo kale sheegay in ansixinta xayiraadda dhinaca cirka iyo badda oo lagu soo rogo Al-shabaab ay qaadan karto 24 saac marka loo eego go’aankii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu ka gaaray dhawaan dalka Liibiya oo xayiraad lagu soo rogay, kaasoo la dhaqan geliyay saacado gudahood.
Ma aha markii ugu horreysay oo midowga Afrika uu Qaramada midoobay ka dalbaday in xayiraad lagu soo rogo dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ee goobaha xarakada Al-shabaab ay ka taliso, waxayna marar badan walaac xoogan ka muujiyeen xaaladaha nabadgalyo iyo tan bini’aadanimo ee Soomaaliya.
Go’aankii ay gaareen Golaha wasiirrada dowladda KMG oo laga soo horjeestay
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Golaha wasiirrada ee xukuumadda KMG Soomaaliya oo shalay gaaray go’aan ah in hay’adaha dowliga muddo hal sano ah loogu kordhiyo waqtigooda ayaa waxaa ka soo horjeestay Guddiga dastuurka iyo arrimaha federaalka baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga dastuurka iyo arrimaha federaalka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen ayaa waxa uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid looga horjeedo muddo kororsigii uu baarlamaanka Soomaaliya sameystay bishii Feberaayo ee sanadkan, sidaas awgeed aysan ahayn wax la aqbali karo.
"Sharciga dalka in la raaco ayaa wanaagsan, mana haboona in sharciga sidoo la doono laga dhigto, xukuumaddu waa inay raalli ku noqoto go'aankii uu hore u gaaray baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Jaamac oo sheegay in baarlamaanka uu qabanayo doorashadii uu horay u iclaamiyay.
Sheekh Jaamac waxa uu sheegay in xukuumadda KMG Soomaaliya ay la soo daahday tallaabadan, isagoo xusay in ay ku habboonayd inay qaataan intii uusan Baarlamaanka Soomaaliya go'aankii uu muddada ku kororsaday uusan gaarin.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya laga codsaday bilowgii sanadkan inay soo gudbiso qorshaheeda, balse ay culeys iska saartay, markaas kaddibna uu Baarlamaanku gaaray go'aankiisa uu muddada saddexda sano ah ku kororsaday.
Waxa uu sidoo kale Sheekh Jaamac uu sheegay in Baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu xukuumadda KMG kala shaqeeyo sidii ay howlaha horyaala ugu dhameystiri lahayd muddada gaaban ee u harsan.
Dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Ku dhawaad 10 qofood ayaa ku geeriyootay, tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo saakay ka dhacay degmada Boondheere ee Waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dagaalkaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan.
Waxa uu dagaalku bilowday kadib markii ciidamada dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimo ay xoogaga Al-shabaab ku leeyihiin degmada Boondheere.
Dagaalladaa ayaa waxaa ka hadlay afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo sheegay inay guulo ka gaareen dagaaladaas oo uu sheegay in iyaga lagu soo qaaday.
Waxa uu afhayeenka ciidamada Al-shabaab uu sidoo kale sheegay in ay dagaalka saakayku gubeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, sida uu saxaafadda u sheegay.
Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya kama aysan hadlin dagaalada saakay ka dhacay degmada Boondheere.
Xayawaanno loo dhoofinayay dalka Imaaraadka Carabta oo la qabtay
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Xayawaanno duurjoog ah oo laga dhoofin rabay dekadda Berbere ee Somaliland ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada amaanka ee maamulka Somaliland.
Sida warku sheegayo ciidamadu waxay sidoo kale qabteen raggii watay xayawaanadaas kuwaas oo doonayay in ay u iib geeyaan dalka Imaaraadka Carabta.
Ilaa iyo 4 Libaaxyo oo dhalaan aad u da’yar ah ayay sheegeen ciidamada amaanka Somaliland in ay gacanta ku dhigeen, kuwaasoo la doonayay in si sharcidarro ah la doonayay in loo geeyo dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka sida aad ah looga jecel yahay Xayawaanaadka yar yare ee duurjooga ah.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay baaritaano ku samaynayaan gaariga iyo qalabka lagu waday libaaxyadaas, iyadoo sidoo kale raggii lagu qabtay su’aallo la weydiinayo.
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira degaanno ka tirsan degmada Dhoobley
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in ay ka jiraan degmadaasi saansaan colaadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xoogan.
Degmadaas ayaa laga cabsi qabaa in mar kale ay ka dhacaan dagaallo dhex mara ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Raaskambooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidamada Xarakada Alshabaab oo iyaguna dhinac ah.
Dadka deegaanka degmada Dhoobley ayaa sheegay in ay dareemayaan cabsi aad u xoogan, waxayna sheegeen inay labada dhinac soo kala gaareen ciidamo gurmadyo oo aad u xoogan.
Xarakada Alshabaab ayaa la sheegay in ay ciidamo gurmad ah oo aad u fara badan ka heshay dhanka magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo 24 saac ugu danbeysay ay ka wadeen abaabulo iyo ciidan aruursi aad u baaxad weyn.
Dhanka dowladda KMG iyo Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay iyaguna heleen gurmadyo ciidan, taasoo suuragal ka dhigi karta inay dagaalo culus oo dhiig badan ku daato halkaasi ku dhex maray dhinacyadaasi.
Banaanbax ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Isniin.28-Maarso.,2011(SOMAALJECEL) Qoysas barakacayaal ah ayaa waxa ay manta ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho bannaanbax ay ku dalbanayeen in la siiyo gargaar.
Banaanbaxayaasha ayaa guddiga gaargaarka qaranka ee dowladda KMG Soomaaliya waxaay si gaar ah uga dalbadeen inay la soo gaaraan kaalmooyin bini’aadanimo, iyagoo sheegay in xaaladdooda ay aad u liidato.
Qoysas barakacayaal ah oo ku nool degmada Waaberi oo ka qeyb qaatay bannaanbaxa ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku dalbanayaan in kaalmo bini’aadannimo lala soo gaaro qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan degmada Waaberi.
Sidoo kale hay’adaha gargaarka ayay ka dalbadeen in iyaguna ay la soo gaaraan kaalmooyin isugu jira raashiin iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.
Ma aha markii ugu horreysay oo dad barakacayaal ah oo ka cabanaya xaalad nolol xumo ay dibadbax ka sameeyaan magaalada Muqdisho.


WAR DEGDEG AH: XILDHIBAAN C/LLAAHI FAAX OO GOOR DHOW GEERIYOODAY
Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia oo ka soo horjeestay go’aankii xukumadda KMG
Ururka Midowga Afrika oo dalbaday in Xarakada Al-shabaab la saaro cunaqabateyn
Go’aankii ay gaareen Golaha wasiirrada dowladda KMG oo laga soo horjeestay
Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka jira degaanno ka tirsan degmada Dhoobley
Dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Xayawaanno loo dhoofinayay dalka Imaaraadka Carabta oo la qabtay
Banaanbax ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
1475|1301203800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Maxamed Dheere oo laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa
Axad.27-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo ahaa Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa laga sii daayay maanta xabsigii uu ku jiray muddada labada bil ku dhow.
Maxamed Dheere oo saakay la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay maxkamaddu amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo kadib markii sida ay sheegtay lagu waayay dembigii uu ku eedeysnaa.
Qareenadii u doodayay Maxamed Dheere ayaa waxay Maxkamadda ka hor sheegeen in Maxamed Dheere uu muddo 50-maalmood ah u xirnaa dowladda Soomaaliya isagoo aan wax dambi ah lahayn, sidaa darteed ay ka dalbanayaan dowladda in la siiyo magdhow gaaraya 10 milyan oo doolarka Mareykanka.
Maxamed Dheere oo mar noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xasuuq ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya u geysteen Labo bilood kahor dad mudaaharaad dhigayay, isagoo la sheegay inuu ka dambeeyay amarka ciidamadaasi dadkaasi ku laayeen.
Kadib markii maxkamaddu ku dhawaaqday sii deysmada Maxamed Dheere ayaa waxaa saxaafadda hadal kooban siiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo sheegay in Maxamed dheere uusan wax dambi ah lahayn isla markaana uu si sharcidarro ah ugu jiray gacanta dowladda KMG Soomaaliya.
Maxamed Dheere oo isna la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dib u helidda xoriyaddiisa, isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay go’aanka ay Maxkamaddu gaartay, isla markaana sida uu yiri uu isagu ogaa inaanu wax dambi ah lahayn.
Waxaa Maxamed Dheere gacanta ku soo dhigay ciidamada AMISOM ee dowladda taageera, waxayna ku wareejiyeen dowladda KMG Soomaaliya, kadib markii soo qabashadiisa ay dowladda KMG ka dalbatay ciidamada AMISOM.
Ciidamo dheeraad ah oo dhawaan loo dirayo Soomaaliya
Axad.27-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ciidamo dheeraad ah oo qeyb ka noqda howlgalada ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ayaa la sheegay in dhawaan la geynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Afar kun askari oo dheeraad ah ayay sheegeen dowladaha Yugandha iyo Burundi inay u dirayaan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee haatan Muqdisho ku sugan, kuwaasoo qeyb ka ah dagaallada kasoconaya dalka Soomaaliya iyagoo garab siinaya dowladda KMG Soomaaliya.
Warku wuxuu sheegayaa in qorshahan ay dowladahaasi ku kordhinayaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya ay ka dambeysay codsi ay Qaramada Midoobay uga dalbatay dowladahaas in ay kordhiyaan ciidamadooda ka qeyb qaadanaya howlgalka lagu taageerayo dowladda kMG AMISOM.
Lama oga waxa ay ciidamadaasi ku soo kordhin karaan xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya, maadaama dagaallada ay qeybta ka yihiin ciidamada AMISOM ay dad fara badan oo rayid ah ku dhimanayaan iyagoo adeegsanaya madaafiic aad u culus oo weliba ah kuwo casri ah.
Xildhibaanno baaq gaar ah u jeediyey Madaxweyne Sheekh Shariif
Axad.27-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay madaxweynaha dowladda Soomaliya ugu baaqeen in uu faraha kala baxo arrimaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan sheegay in Baarlamaanku awood u lahayn inuu shir doorasho ah ku baaqo, sidoo kalena horey uga hadlay waqti kororsiga ay sameeyeen xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa loogu baaqay inuu howlaha u gaarka ah Baarlamaanka soo farageshan.
Waxa ay xildhibaannadani sheegeen in warkii uu sheegay Madaxweynaha uu yahay fikrad shaqsi ah, isla markaana sharci diidnimo ah, waxayna xuseen in uusan xaq u lahayn Madaxweynaha inuu faraha la soo galo arrimaha baarlamaanka u gaarka ah.
Xildhibaannadani waxay ugu baaqeen madaxweynaha inuu tixgeliyo kalsoonida Baarlamaanka uu siiyay isla markaana uu ilaaliyo sharciga iyo dastuurka ay ku dhisan tahay dowladda KMG Soomaaliya.
Maxkamad ku taala Kenya oo amar ku bixisay in dad Soomaali ah laga musaafuriyo dalka Kenya
Axad.27-Maarso.2011(SOMAALJECEL) 21 qofood oo Soomaali ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taala dalka Kenya, waxaana la sheegay in Maxkamaddu go’aamisay in dadkaasi laga musaafuriyo dalka Kenya.
Dowladda Kenya oo soo masaafurisay dadkaas ayaa la sheegay in ay keentay xuduudda ay la leedahay Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay go’doon ku yihiin halka la geeyay maadaama aysan wax dhaqaale ah wadan, dadna aysan halkaasi ka aqoonin.
Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa ka qabqabtay Soomaalidaas gobalka Waqooyi Bari Kenya, waxaana xabsiga lagu hayay 14 mamalmood kadib markii lagu eedeeyay falal xasiloonidarro ah inay abuurayeen.
Ganacsato qaadka ku iibisa magaalada Baydhabo oo xabsi la dhigay
Axad.27-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa sheegaya in 7 ruux oo ka mid ah Ganacsatada qaadka ee ka shaqeysata magaalada Baydhabo ay xabsiga dhigeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Howlgal ay maanta ciidamada Al-shabaab ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayay ganacsatadaasi ku qabqabteen kadib markii lagu arkay iyagoo qaadka ku gadaya goobo horay Al-shabaab uga mamnuuceen iibinta qaadka.
Sida warku sheegayo 7daas qof ee ay qabqabteen xoogaga Al-shabaab ayaa waxaalaga sii daayay labo ka mid ah halka 5-tii kalana la xiray, mana la sheegin labada qof ee la sii daayay sababta loo sii daayay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee magaalada Baydhabo oo ku aaddan xariga maanta ay ciidamada Al-shabaab u geysteen ganacsatadaasi qaadka.


Maxamed Dheere oo laga sii daayay xabsigii uu ku xirnaa
Ciidamo dheeraad ah oo dhawaan loo dirayo Soomaaliya
Xildhibaanno baaq gaar ah u jeediyey Madaxweyne Sheekh Shariif
Maxkamad ku taala Kenya oo amar ku bixisay in dad Soomaali ah laga musaafuriyo dalka Kenya
Ganacsato qaadka ku iibisa magaalada Baydhabo oo xabsi la dhigay
1474|1301117400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Q/midoobay oo loogu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha gaarka u ah Soomaaliya
Sabti.26-ka.Maarso.2011{SOMAALJECEL} Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Qaramada Midoobay iyo dowladda Mareykanka ay culeys siyaasadeed ku soo kordhiyeen arrimaha dalka Soomaaliya.
Xildhibaannadan waxay sheegeen in Q/midoobay iyo dowladda Mareykanka ay ka dalbanayaan in ay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya u gaarka ah.
Waxay xildhibaannadani si gaar ah farta ugu fiiqeen wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augustine Phillip Mahiga oo ay sheegeen inuu yahay ninka Q/midoobay iyo Mareykanka ay u soo wakiisheen inuu fowdo siyaasadeed ka abuuro dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ah Guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xildhibaannada ka hadlay arrinkan ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay in xaaladda ka taagan Soomaaliya aysan bansiin ku shubin.
Waxa uu xildhibaan Cashara si gaar ah ugu eedeeyay Augustine Mahiga inuu wado qorsho ku aaddan in lagu qabto dalal dibadda ah shirar lagu dooranayo hoggaanka cusub ee dalka iyo midka Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay arrintaas mid khaldan oo aan loo baahnayn.
Warbixin ku saabsan dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho
Sabti.26-ka.Maarso.2011{SOMAALJECEL} Dagaal u dhexeeyay xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan ayaa habeenkii xalay waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dagaalkaa ayaa waxa uu xoogiis ka dhacay xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, wuxuuna dagaalku bilowday kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin xaafadahaas.
Wararku waxa ay sheegayaan in 5 qof ay ku dhimatay dagaalladaas, tiro ku dhow 10 ruuxna wey ku dhaawacmeen.
Saakay xaaladda goobihii lagu dagaalamay ee magaalada Muqdisho way degan tahay, waxaase la maqlayaa rasaas goos goos ah oo mararka qaar laga maqlayo goobahaas.
Madaxweynaha maamulka Puntland oo siyaasaddiisii wax iska beddeleen
Sabti.26-ka.Maarso.2011{SOMAALJECEL} Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo horey u sheegay in maamulkiisu uu xiriirkii iyo wadashaqeyntii ka jartay dowladda KMG Soomaaliya ayaa haatan qorshahaasi wax ka bedelay.
Waxa uu Faroole sheegay in haatan maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu wadahadal la gasho dowladda KMG soomaaliya, isla markaana dib u soo celiyo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Soomaaliya.
“Mowqifkii aynu ka heysanay dowladda KMG wax badan baa isaga kaaya bedelay, arrimo badanna waana ka soo dabacnay, waxaana haatan inoo socda dadaalo xiriirkii lagu soo celinayo” ayuu yiri Faroole oo sheegay in dadaalladaasi ay waddo beesha caalamka oo uu sheegay inay dhexdhexaadinayso maamulka Puntland iyo dowladda KMG Soomaaliya.
Hadalkan Faroole ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan C/raxmaan Faroole kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wqooyiga magaalada B/weyne dad ku xirxiray
Sabti.26-ka.Maarso.2011{SOMAALJECEL} Ciidamo Itoobiyaan oo ku sugan degaanka Kalabeyrka ee duleedka magaalada B/weyne ayaa habeenkii xalay Odayaal iyo dhalinyaro ku xirxiray waqooyiga magaalada B/weyne.
Wararku waxa ay sheegayaan in askar Itoobiyaan ah oo ay la socdeen kuwo Soomaali ah oo dhar cad ahaa ay habeenimadii xalay guryaha ugu galeen dadka ay la bexeen, kuwaasoo la sheegay inay ula dhaqaaqeen dhanka dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa la filayaa in dadkaas ay ciidamada Itoobiyaanku qabqabteen ay far muuqeen dad Soomaali ah, kuwaasoo wararku ay sheegataan inay ku eedeeyeen inay la shaqeeyaan xoogaga Al-shabaab ee Gobolka Hiiraan, mana la oga ilaa iyo hadda meel si gaar ah ay ugu sugan yihiin dadkaasi la qabqabtay.
Ma aha markii ugu horraysay oo ciidamao Itoobiyaan ahi ay Odayaal, Waxgarad iyo dhalinyaro ka kaxaystaan gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo weli ay jiraan dad ay horey ciidamada Itoobiyaanku u kaxaysteen oo weli la’ yahay.
Magaalada Boosaaso oo lagu arkay diyaarado joog hoose ku socda
Sabti.26-ka.Maarso.2011{SOMAALJECEL} Hawada magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu arkay diyaarado joog hoose ku duulay kuwaasoo cabsi iyo welwel geliyey dadka ku dhaqan magaaladaas.
Maamulka magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in ay baarayaan ujeeddada ay diyaaradahaas u soo galeen hawada magaalada Boosaaso, wuxuuna xusay in kadib marka ay wax ka soo ogaadaan ay dadka reer Boosaaso warbixin ka siin doonaan.
Maraakiib dagaal iyo ciidamo fara badan ayaa ku hareereesan biyaha deegaanada xeebaha leh ee maamulka Puntland kuwaas oo sheegay in ay ka hortagaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida, inkastoo Maraakiibtaas ay cabasho ka keeneen Kalluumaysatada magaalada Boosaaso oo sheegay inay caqabado aad u fara badan ay kaga yimaadaan maraakiibtaas oo qaarkood kalluunka ka xaalufiya Badaha Soomaaliya.
Is rasaaseyn degmada Caabudwaaq ku dhex maray ciidamada Ahlusunna iyo kooxo hubeysan
Sabti.26-ka.Maarso.2011{SOMAALJECEL} Iska horimaad degmada Caabudwaaq ku dhex maray ciidamada Ahlusunna Waljamaaca iyo kooxo hubeysan ayaa sababay geerida hal askari oo ka tirsan Ahlusunna Waljamaaca iyo dhaawaca mid ka mid ah kooxihii hubeysnaa.
Ciidamada Ahlusunna oo howlgal ka sameeyay degmada C/waaq ayaa ku soo qabqabtay qaar ka mid ah kooxahaas oo uu ku jira qofka dhaawaca ah oo la sheegay in xarun ay Ahlusunna leeyihiin lagu daweynayo.
Taliyaha ammaanka degmada Caabudwaaq Sheekh Burhaan ayaa saxaafadda u sheegay in la soo taagi doono maxkamad dadkaas gacanta ay ku soo dhigeen ciidaanka ammaanka.
Dhanka kale howlgal ayay ciidamada ammaanka Maamulka Ahlusunna ee degmada Gureceel ka bilaabeen gudaha degmaadaas, waxayna howlgaladaasi ku soo qabqabteen qaar ka mid ah darawada gaadiidka isticmaala wadada Laamiga ee bartanka ka mara magaalada, kuwaasoo meelo aan munaasib ahayn ka dhigtay Boosteejooyin.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Gureceel ee Gobalka Galgaduud Cali Baashi Aadan Diiriye ayaa Saxaafadda u sheegay in howgalkani uu ka dambeeyey kadib markii Cabasho uga timid shacabka qeybihiisa kala duwan, gaar ahaan dadka ganacsatada ah.


Q/midoobay oo loogu baaqay inay faraha kala baxdo arrimaha gaarka u ah Soomaaliya
Faahfaahin ku saabsan dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho
Madaxweynaha maamulka Puntland oo siyaasaddiisii wax iska beddeleen
Ciidamo Itoobiyaan ah oo wqooyiga magaalada B/weyne dad ku xirxiray
Magaalada Boosaaso oo lagu arkay diyaarado joog hoose ku socda
Is rasaaseyn degmada Caabudwaaq ku dhex maray ciidamada Ahlusunna iyo kooxo hubeysan
1473|1300944600|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in doorasho madaxweyne ay ka dhacayso gudaha dalka Soomaaliya
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa inta uusan ka bixin garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa uu kula hadlay saxaafadda oo uu u sheegay in doorasho lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya, kaasoo uu sheegay in lagu dooranayo madaxweyne bedella Sheekh Shariif.
Waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka saxafaiyiinta u sheegay in uu magacaabay guddi qabanqaabiya doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya taasoo uu sheegay inay ka dhacayso gudaha dalka Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in fadhiyada Baarlamaanka Soomaaliya degdeg loo qabanayo kuwaas oo uu sheegay in looga doodayo ajandayaal dhowr ah oo ay ku jiro sidii doorasho xor ah ay ugu dhici lahayd dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan iyo madaxweyne Shariif ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf siyaasadeed, waxaana la sheegayaa in dhexdhexaadin beesha caalamka ka dhex wadday labada mas’uul uu fashil ku dhammaaday.
Askar ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo dilal iyo xabsi lagu xukumay
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay dambiyo dil iyo xatooyo ah ay galeen ayaa lagu riday xukunno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsi.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa Labo ka mid ah askartaasi xukun dil ah ku ridday, kuwaasoo kala dable Cali Maxamed Nuur oo 19-jir ah, kana tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Axmed Maxamed Sahal oo ka tirsan guutada Hilaac ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliya kaasoo isna fal dil ah u gaystay Askari kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya
Xabsi labo sano ayay sidoo kale Maxkamaddu ku ridday dable Faarax Cumar Rooble oo lagu eedeeyay in uu lunsaday qori ay siisay dowladda KMG Soomaaliya, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in laga doonayo qorigii uu ka lunsaday dowladda KMG Somaaliya, iyadoo cafis loo fidiyay C/nuur oo la tilmaamay in lagu waayay wax dambi ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa xukunkaasi ku dhawaaqay, isagoo sheegay in askari kasta oo dambi gala xukun lagu ridayo.
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo mushaar la’aan ka cabanaya
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxa ay ka cabanayaan in aysan wax mushaaraad ah ka helin dowladda KMG Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay ciidamadaas oo lagu magacaabo Cabdi Bare ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamada dowladda KMG ee ka howlgala gobolka Gedo aysan wax mushaaraad ah ka helin dowladda Soomaaliya, isagoo xusay in weligood aysan mushaar ka qaadanin dowladda.
Waxa uu afhayeenku sheegay inaysan jirin mas’uul ka tirsan dowladda KMG oo la soo xiriiray, isla markaana kala hadlay xaaladahooda iyo waxa ay ku sugan yihiin, isagoo sheegay in dowladaha deriska ah ay ka helaan tasiilaad, dowladda KMG Soomaaliyana aysan waxba ka helin, xitaa mushaaraadkii ay xaq u lahayn uusan helin.
Waxa uu afhayeenkani sheegay in dagaallada ay ka wadaan Gobolka Gedo ay guulo ka soo hooyeen, isla markaana guulahaasi ay ku faanaan mas’uuliyiinta sarsare ee dowladda KMG Soomaaliya iyagoo aan waxba kala socon xaaladda ciidamada ka dagaalamaya gobollada gaar ahaan kuwa gobolka Gedo.
Afhayeenka ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo waxa uu sheegay inay maqleen ballanqaad uu sameeyay Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi kaasoo ku aadanaa in dhammaan ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ay heli doonaan mushaar joogto ah hase ahaatee taasi oo uu sheegay in wasaaraddu aysan ka dhabayn oo ballan afka kaliya ku kooban ay ahayd.
Saraakiisha AMISOM oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Taliye ku-xigeenka ciidamada AMISOM ahna taliyaha ciidamada ka socda dowladda Burundi Jenaraal Hakiza ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho.
Waxa uu sarkaalkani sheegay in ciidamada AMISOM ay fariisimo cusub kala wareegeen xoogaga Al-shabaab, isla markaana sida uu yiri ay ka soo raynayso inta badan xaaladda magaalada Muqdisho.
Waxa kale oo uu sheegay inay magaalada Muqdisho u joogaan caawinta dowladda KMG Soomaaliya, isagoo qirtay in ay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM dagaallada Muqdisho ka socda isla markaana sidaa uu yiri ay fariisimo cusub ka qabsadeen xoogaga Al-shabaab.
Waxa uu Janaraal Hakiza sheegay in ay sii wadayaan dagaalada ay kala soo horjeedaan xoogaga Al-shabaab, isla markaana ay rajeynayaan inay la wareegaan magaalada Muqdisho kadibna ay gacanta dowladda KMG Soomaaliya geliyaan, isagoo sheegay inay dowladda KMG kala shaqeynayaan ammaan ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada dalka Burundi ayaa wuxuu sheegay inay qorshaynayaan inay nabad ku soo celiyaan deegaannada ay kala wareegeen xoogaga Al-shabaab, wuxuuna sheegay inay ka shaqaynayaan sidii shacabka dib ugu noqon lahaayeen deegaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.
Goobaha waxbarashada ee degmada Caabudwaaq oo albaabada la isugu dhuftay
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Maamulka degmada Caabudwaaq ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa amnar ku bixiyay in la xiro dugsiyada waxbarashada ee ku yaala degmadaas.
Madaxa waxbarashada Ahlusunna ee degmada Caabudwaaq Sheekh Xasan ayaa sheegay in sababta ay amarka ugu bixiyeen in la xiro goobahaas waxbarasho ay tahay goobahaas oo lagu baranayay arrimo ka baxsan sida uu yiri Diinta Islaamka.
Wuxuu ku eedeeyay Sheekh Xasan macalimiinta dugisiyadaas ay xireen inay baraan ardayda falal abuuraya xasiloonidarro, sidaas darteedna loo xiray dugsiyadaas si looga hortago dhibaatooyin loona badbaadiyo carruurta yaryar.
Xoogaga Al-shabaab oo dagaalo culus ku qaaday degmada Luuq
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Degmada Luuq ee gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa habeennimadii xalay weerar ku qaaday ciidamado ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Weerarkaas oo ahaa mid aad u culus ayay wararku sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay ugu suuragashay inay gudaha u galaan magaalada, balse aysan si rasmi ah u qabsanin oo ay dib uga laabteen daqiiqado kadib.
Wararku waxa ay sheegayaan in dhinacyada dagaalamay uu qasaaro lixaad leh ka soo gaaray dagaalka, laakiin rasmi ahaan looma oga inta qasaaruhu uu gaarsiin yahay.
Waa weerarkii ugu horreeyay oo ciidamada Xarakada Al-shabaab ay ku qaadaan degmada Luuq tan iyo markii ciidamada dowladda KMG ay la wareegeen degaankaas oo horey ay u maamulayeen xoogaga Alshabaab.
Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/afrika
Khamiis.24-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan oo halkaasi u tagay inay ka xoogsadaan ayaa wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in ganacsato Soomaaliyeed lagu dilay kuwo kalena lagu dhaawacay.
Duleedka magaalada Port-Eilithepet ee dalka Koonfur Afrika ah ayaa xalay lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed, 8 kale oo ganacsato ahina waa lagu dhaawacay.
C/raxmaan Yuusuf Raabi oo ah Agaasimaha Guud ee Jaaliyadda Soomaalida Koonfur Afrika ayaa saxaafadda u xaqiijiyay waxyeellada ganacsatada Soomaalida loogu geystay dalkaas, wuxuuna sheegay inay joogto noqdeen waxyeeleynta Soomaalida loogu geysto dalka K/afrika, iyadoo aanay jirin buu yiri cid wax ka qabanaysa.
Tadoobadyo ka hor ayaa sidan oo kale waxa dalka K/afrika loogu dilay Ganacsato fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo xiligaasi ku sugnaa Goobahoodii ganacsiga mana jirto tallaabo muuqato ee dowladda waddankaasi ay ka qaadayso kooxaha madowga ah ee cadeystay dhibaateeynta Soomaalida ka ganacsatada dalka K/afrika.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in doorasho madaxweyne ay ka dhacayso gudaha dalka Soomaaliya
Askar ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo xukunno isugu jira dil iyo xabsi lagu Xukumay
Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo mushaar la’aan ka cabanaya
Saraakiisha AMISOM oo ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho
Goobaha waxbarashada ee degmada Caabudwaaq oo albaabada la isugu dhuftay
Xoogaga Al-shabaab oo dagaalo culus ku qaaday degmada Luuq
Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka K/afrika

Dowladda KMG iyo xarakada Al-shabaab oo ciidamadii ugu badnaa geeyay degmada Boondheere
Arbaco.23.Maarso.2011(SOMALJECEL) Kadib dagaallo xooggan oo shalay ka dhacay degmada Boondheere ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayay maanta xarakada Al-shabaab iyo dowladda KMG Soomaaliya waxa ay aagaga degmadaasi geeyeen ciidamo aad u fara badan.
Xarakada Al-shabaab ayaa geysay aagaga degmada Boondheere ciidamo aad u fara badan oo dhawaan tababar ku soo dhammeystay gobollada Koofurta Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu talo gashay inay ka qeyb qaataan dagaallada Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere.
Sidoo kale dowladda KMG ayaa qaar ka mid ah ciidamadeeda ku xareysan xeryaha ka saartay isla markaana geysay aagaga dagaalka gaar ahaan degaanka Boondheere, ciidamadaasoo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan oo uu ku jiraan gaadiid dagaal.
Ciidamadaas ayaa waxaa loogu talo galay in ay xoojiyaan ciidamada halkaas ku sugan iyadoo qolo waliba ay ku dedaalayso sidii ay ugala wareegi lahayd dhinaca kale.
Goob dagaallada ka caagan oo lagu baaqay in Muqdisho laga sameeyo
Arbaco.23.Maarso.2011(SOMALJECEL) Dhinacyada isku haya dagaallada Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa loogu baaqay in ay sameyeen goobo ka caagan dagaallada si loo badbaadiyo shacabka aan waxba galabsan ee mar waliba ku la’anaya dagaallada aan dhammaadka lahayn ee Muqdisho ka socda.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dagaallada sii socda ee aan dhammaadka lahayn ay waxyeellada ugu badani ka soo gaarayso dadka shacabka, sidaas darteed loo baahan yahay in dadka loo sameeyo meelo ay kaga badbaadaan rasaasta dagaallada meelahaas noqonaya buu yiri kuwo ka caagan dagaallada.
Guddoomiyaha Hayadda Culimada Somaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa u jeediyay dhinacyada Soomaaliya isku haya in ay samaystaan xeer dagaal iyo meelo ka caagan dagaalada.
Guddoomiyaha Hay’adda Cuma’udiinka Soomaaliyeed waxa uu ku taliyey in Suuqa Bakaaraha laga sameeyo meelo aan lagu dagaalamin isla markaana la furo waddooyinka ay isticmalaan shacabka si ay suurtagal u noqoto in shacabku helaan xasilooni ay ku ganacsadaan isla markaana ay ku noolaadaan.
Askar ka tirsan xarakada Al-shabaab oo dowladda KMG ay sheegtay inay isu soo dhiibeen
Arbaco.23.Maarso.2011(SOMALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab ay isku soo dhiibeen dhankooda, kuwaasoo ka dagaalamayay gobolka Gedo.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo lagu magacaabo Warfaa Sheekh Aadan ayaa isagoo ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxa uu sheegay in 7 askari oo ka tirsanaa dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab ay maalintii shalay gelinkii dambe isku soo dhiibeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.
Waxa uu sarkaalkaasi sheegay in sidoo kale ay jiraan saraakiil iyo ciidamo kale oo diyaar u ah inay dhanka dowladda KMG ku soo biiraan, kuwaas oo uu sheegay in haatan uu wadahadal u socdo.
Ma jiro war ka madax bannaan sheegashada Sarkaalkan ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya oo xaqiijinaya in ay dhankooda ku soo biireen ciidamo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo difaacay dowladda Itoobiya
Arbaco.23.Maarso.2011(SOMALJECEL) Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa difaacay dowladda Itoobiya isagoo sheegay in Itoobiya aysan faragelin melateri ku heynin dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Fiqi waxa uu sidoo kale beeniyay in dagaaladii ka dhacay gobollada Gedo, Bakool iyo Hiiraan ee dhex maray ciidamada dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab ay ka qeyb qaateen ciidamo Itoobiyaan ah, sida uu yiri.
“Itoobiya ciidamadeedu kama qeyb aha dagaallada Koofurta Soomaaliya ka socda, kaliya Itoobiya waxay naga taageertaa dhanka tababarida ciidamada iyo Loojistikada” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada KMG ee Soomaaliya C/xamiin Xaaji Fiqi.
Waxa uu sheegay in Itoobiya iyo dalalka kale ee deriska la ah ay Soomaaliya xariiro wanaagsan la leedahay, wuxuuna xusay in aysan jirin dal gaar ah oo dowladda Soomaaliya ay kala taashato arrimaheeda.
“Itoobiya wax faragelin ah kuma heyso arrimaha dalka Soomaaliya, dowladda Soomaaliyana arrimaheeda gaarka ah iyadaa xor u ah” ayuu yiri wasiirka.
Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ku heshiiyay in ciidamadooda ay mideeyaan
Arbaco.23.Maarso.2011(SOMALJECEL) Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in ay ku heshiisyeen in ay mideeyaan ciidamadooda si ay isaga kaashadaan arrimaha ammaanka.
Shir ay magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb ay ku yeesheen saraakiil labada dhinac ah ayaa waxay ku heshiiyeen in la isku dhafo ciidamada labada maamul si ay isaga kaashadaan sugidda ammaanka iyo ka hortaga isku dhacyada dagaal beeleedyada ka dhaca deegaannada maamulladaasi.
Mid ka mid ah Saraakiisha maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Xasan Timo-weyne ayaa warbaahinta u sheegay in sababta ugu weyn ee loogu heshiiyey in la mideeyo ciidamada labada dhinac ay tahay in laga hortago kooxaha xilliyada habeenkii dadka guryaha ugu dhaca iyo sidoo kale maleeshiyaadka qaar oo dagaal beeleedyada dhaca ka qeyb qaata.
Qorshahan lagu mideeynayo ciidamada labada maamul ayaa ka dambeeya sida wararku sheegayaan in labada dhinac ay ka hortagaan dagaallada ka dhex dhaca beelaha wada dega deegaannada labadaasi maamul oo dhowr jeer soo laalaabtay.


Dowladda KMG iyo xarakada Al-shabaab oo ciidamadii ugu badnaa geeyay degmada Boondheere
Goob dagaallada ka caagan oo lagu baaqay in Muqdisho laga sameeyo
Askar ka tirsan xarakada Al-shabaab oo dowladda KMG ay sheegtay inay isu soo dhiibeen
Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo difaacay dowladda Itoobiya
Maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo ku heshiiyay in ciidamadooda ay mideeyaan
1471|1300771800|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Madaxweyne Shariif oo si dirqi ah uga badbaaday dagaaladii saakay Mudisho ka dhacay
Talaado.22.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isagoo saakay booqasho ku tegay fariisimada jiidda hore ee dagaallada Muqdisho, gaar ahaan kuwa degmada Boondheere oo ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM dib u qabsadeen ayaa waxaa halkaasi ku qabsaday dagaal culus kadib markii kolanyadii uu la socday ay weerar ku soo qaadeen xoogag ka tirsan xarakada Al-shabaab.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo la socday kolanyo gaadiid ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay kadib markii uu gaaray dhufeysyada ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee aaga degmada Boondheere ay weerar aagaasi ku soo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay inay doonayeen in ay dib u qabsadaan fariisimada lagala wareegay.
Ciidamada Al-shabaab oo weeraro culus ku qaaday fariisimadaas xilli uu madaxweyne Shariif booqanayay aagaga dagaalka ayaa waxay taasi sababtay in madaxweynaha iyo xubnihii la socday ay dib uga noqdaan farumaha dagaalka kadib markii rasaas xooggan ay ku soo dhacday goobtii ay ku sugnaayeen, taasoo la sheegay inay si aad ah ugu sigteen madaxweynaha iyo xubnaha wehliyey.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo baxay aagaga dagaalka shir jaraa’id qabtay waxa uuna sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay guulo ka gaareen dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ururka Midowga Yurub oo mar kale ka hadlay muddo kororsigii Baarlamaanka Soomaaliya
Talaado.22.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ururka Midowga Yurub ayaa mar kale waxa uu maanta ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan siyaasdda iyo muddo kororsiga ay dhawaan sameysteen xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.
Danjire Nick Westcott oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin kana soo horjeedaan muddo kororsiga uu sameeyay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay inay jirtay fursad wanaagsan oo la lumiyay, taasoo ay Soomaaiya dhibaatada uga bixi lahayd, sida uu yiri.
Danjire Nick Westcott waxa uu sidoo kale ka hadlay inay la kulmayaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayna kala hadli doonaan sida uu yiri muddo kororsiga uu sameeyay Baarlamaanka, taasoo ay xuseen in beesha caalamku ay aad uga walaacsan tahay.
Dhanka kale waxa uu Danjire Nick Westcott sheegay inay dhaqaale gaaraya 250-milyan oo EURO ay ku bixin doonaan dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in lacagtaas inteeda badan loo isticmaali doono dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo sidii dhibaatada ay uga bixi lahaayeen Soomaaliya.
Waxa kale oo uu sheegay in la kordhin doono tababaridda ay ciidamada dowladda Soomaaliya siiyaan, si ay ugu guuleystaan buu yiri inay dib u soo celiyaan ammaanka dalka.
Danjire Nick, wuxuu sheegay in Midowga Yurub ay siin doonaan qalab casri ah ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, qalabkaas oo uu sheegay in ay ku ogaan karaan meelaha looga soo gano madaafiicda si ay u bixiyaan jawaab sax ah iyadoo aan shacabka wax dhibaato ahi ka soo gaaraynin sida uu yiri.
Warbixin ku saabsan dagaallo culus oo maanta ka dhacay Muqdisho
Talaado.22.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaal culus oo maanta magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada dowladda KMG oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la sheegayaa inay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
In ka badan 10-qofood oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhimatay, ku dhawaad 20 ruux kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaaladaas maanta dhacay oo ahaa kuwo aad u culus.
Dagaallada oo xoogooda ka dhacay xaafado ku yaala degmooyinka Hodon, Howlwadaag iyo Boondheere ayaa waxay bilowdeen waabarigii hore ee saakay, waxayna wararka qaar sheegayaan in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay fariisimo cusub kala wareegeen xoogaga Al-shabaab.
Dagaaladaa oo ay barbar socdeen madaafiic xooggan oo ku dhaceysay xaafado ka fog goobaha dagaalladu ka socdeen ayaa sababtay inay dad rayid ah ku dhintaan kuwo kalena ku dhaawacmaan.
Magaalada B/weyne oo ay ka jirto cabsi dagaal kadib markii…….
Talaado.22.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira cabsi dagaal kadib markii ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan ay gaareen degaanno ka mid ah waqooyiga magaalada B/weyne.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegay in ay la socdaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaas oo sida warku sheegayo qorsheynaya in ay dagaal ku qaadaan magaalada B/weyne oo ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan xarakada Al-shabaab.
Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaga Al-shabaab ay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan gudaha magaalada B/weyne si ay uga hortagaan ciidamadaas la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada B/weyne.
Dowladda KMG iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo maanta ka dhacay Muqdisho
Talaado.22.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa guul ka sheegatay dagaal qasaaro badan geystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dagaalladaas oo ka dhacay degmooyinka Boondheere, Howlwadaag iyo Hodan ayaa waxaa ka hadlay abaanduuliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee dowladda KMG C/kariin Aadan Dhaga-badan oo sheegay inay kala wareegeen xoogaga Al-shabaab gacan ku haynta degmada Boondheere.
Wuxuu abaanduuliyuhu sheegay inay sii wadayaan dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan magaalada Muqdisho oo dhan.
Dhanka kale afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inay ka hortageen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
Wuxuu afhayeenku sheegay inay ku jebiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM weerarro ay ku soo qaadeen fariisimada Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in qasaaro fara badan ay gaarsiiyeen ciidamadaas.
Dagaallada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa kuwo aad u culus ayaa waxay sababeen qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan rayid, iyadoo inta badan dagaallada Muqdisho ka dhaca ay qasaaraha ugu badani dadka rayidka ah ka soo gaaraan.
Weerar culus oo degmada Dhoobley lagu qaaday
Talaado.22.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay magaaladaasi ay weerar culus ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Axmed Madoobe oo isku dhinac ah.
Weerarkaas oo loo adeegsaday duqeyn madaafiic ayaa waxaa inta la ogyahay ku dhintay 4 qofood, halka ay ku dhaawacmeen 3 ruux kale oo dhammaantood ah dad rayid ah.
Dhaawacyada dadka wax ku noqday duqeyntii xalay ayaa waxaa la dhigay goobaha Caafimaadka ee ku yaala magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, waxayna wararku sheegayaan in qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi intaasi ka badan yihiin, inkastoo aan dhab ahaan loo ogayn.


Madaxweyne Shariif oo si dirqi ah uga badbaaday dagaaladii saakay Mudisho ka dhacay
Ururka Midowga Yurub oo mar kale ka hadlay muddo kororsigii Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin ku saabsan dagaallo culus oo maanta ka dhacay Muqdisho
Magaalada B/weyne oo ay ka jirto cabsi dagaal kadib markii…….
Dowladda KMG iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegtay dagaallo maanta ka dhacay Muqdisho
Weerar culus oo degmada Dhoobley lagu qaaday
1470|1300599000|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Dagaal culus oo ka holcaya degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose
Axad.20.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaal bilowday aroornimadii saakay ayaa ka soconaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab oo degaankaasi maamulayay.
Dagaalka oo ay bilaabeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa weli ku soconaya si xawli ah, waxayna wararka laga helayo halkaas ay sheegayaan in hub aad u culus iyo midka fudud la isu adeegsanayo, iyadoo daryaanka hubka culus laga maqlayo degmada Liboya Kenya.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka iyadoo dadka degan degaankaasi ay u suurageli la’dahay inay ka baxaan degmada dagaalka oo si xowli ah ku soconaya waxayna gabaad ka dhiganayaan guryahooda oo aysan ka soo bixin.
Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa in ciidamo fara badan ay ku soo siyaadisay xadka ay la wadaagto Soomaaliya oo ay horey u xirtay, waxayna wararka qaar sheegayaan in diyaarado ay leedahay dowladda Kenya dul heehaabayaan xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalada culus ee ka soconaya degaanka Dhoobley haddii uu Alle idmo waan idiin soo gudbin doonaa.
Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in Suuqa Bakaraha oo ay saldhigyo ciidan isu bedelee
Axad.20.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dowladada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho uu isku badalay saldhigyo ciidan oo ay weerar ka soo qaadaan ciidamada xarakada Al-shabaab.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha Bulshada, Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha uu oqday saldhig ciidan, isla markaana sida uu yiri uu u xiran yahay xarakada Al-shabaab oo uu tilmaamay in ay dagaallo ka soo qaaddo, sida uu yiri.
Waxa uu sheegay in Al-shabaab laga doonayo in ay ka baxaan Suuqa Bakaaraha si buu yiri suuqu u shaqeeyo, isagoo xusay in mas'uuliyiin ka tirsan Al-shabaab ay horey u sheegeen in ay kalluun biyo ku nool ay la mid yihiin, taasoo ay ka wadaa inay shacabka kadhex dagaalamayaan.
Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay in madaafiic ay ka soo tuuraan xarakada Al-shabaab gudaha Suuqa Bakaaraha isla markaana ay ka soo weerar tagaan, wuxuuna xusay in la bartilmaameedsan doono goobaha ay fariisimada ka dhigteen Al-shabaab.
Xirnaashaha waddooyinka qaar ee gala Suuqa Bakaaraha ayay isku eedeedaan dowladda KMG, AMISOM iyo Al-shabaab, iyadoo shacabka dega magaalada Muqdisho badankood ay saameyn ku yeelatay xirnaanshaha Suuqaas.
Gaari ciidamada AMISOM leeyihiin oo haweeney uur leh dardaray
Axad.20.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Mid ka mid ah Gaadiidka dabaabadaha ah ee ciidamada AMISOM leeyihiin oo ka soo baxay Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la sheegay in uu jiiray haweeney uur leh oo mareysay waddada Km.4 ee magaalada Muqdisho.
Haweeneydaas oo lagu magacaabo Falastiin Cali ayaa waxaa la sheegayaa in uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana isla markiiba loola cararay Isbitaal iyadoo wararku sheegayaan in laga deyrinayo xaaladdeeda caafimaad.
Sida wararku tibaaxayaan Gaadiidka AMISOM ee haweeneydaasi jiiray ayaa waxay gelbinayeen Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay galab dib ugu soo laabtay dalka isagoo ka soo laabtay dalka Mareykanka oo uu uga qeyb galayay shirar looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo Q/midoobay ay halkaasi ku lahayd.
Ahlusunna oo sheegtay in ay isu soo dhiibeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab
Axad.20.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Afhayeen Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Al-qaadi) ayaa isagoo ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo waxa uu sheegay in 25 askari oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay isu soo dhiibeen ururkooda.
Waxa uu afhayeenku sheegay in 25-ka askariga ay watee hubkooda, isagoo xusay imn askartaasi aysan la socon wax saraakiil ah, wuxuuna sheegay in wadahadal dhex maray dhalinyaradaas iyo saraakiil Ahlusuna ka tirsan ay arrintaasi ku suuragashay.
Dhanka kale waxa uu sheegay in dadkii ka barakacay degmada Luuq ay dib ugu soo laabteen degaanka, isla markaana ay ku faraxsan yihiin isbedelka ka dhacay degmada.
Ma jiro mas'uuliyiin ka tirsa xarakada Al-shabaab oo ka hadashay sheegashada Ahlusunna Waljamaaca ee ah in ay dhankooda u soo wareegee dagaalyahannadaas ka tirsan Al-shabaab.
Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Luuq iyo B/xaawo oo halkaas isaga baxay
Axad.20.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa degmooyinka B/xaawo iyo Luuq ayaa shalay galab ka baxay degaannadaas, waxaana la sheegayaa in ay ciidamadaasi u ruqaansadeen dhinaca degaanka Doolow.
Warku wuxuu sheegayaa in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay horey u sii raaceen ciidamadaasi Itoobiyaanka, kuwaasoo sida warka aan ku helnay ay iyagu dalbadeen in ay sii raacaan.
Difaacyadii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay ku wareejiyeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, waxayna wararku sheegayaan in hub iyo rasaas ay ciidamada Itoobiyaanka ku wareejiyeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlusunna ee ay difaacyadooda ku wareejiyeen.
Lama oga sababta ay ciidamada Itoobiyaanku uga bexeen halkaas, iyadoo joogitaankooda ay horey u dafireen dowladda KMG Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, halka ay xarakada Al-shabaab u sheegtay horey inay dagaallada ka socda Gedo ay qeyb ka yihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo garab siinaya kuwa dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Waddamada Yurub iyo Mareykanka oo weerar ku qaaday dalka Liibiya
Axad.20.Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ciidamada Waddamo ka tirsan Yurub iyo kuwa dowladda Mareykanka oo iskaashanaya ayaa weerar cir iyo Bad ah ku qaaday dalka Liibiya oo ay a geysteen duqeymo culus oo waxyeello sababtay.
Sida ay shegeen waddamada weerarka ku qaaday dalka Liibiya waxay sheegeen in madaafiic ka badan Kun ay la bartilmaameedsadee sida ay sheegeen ciidamada amaanka dalka Liibiya oo dagaalo ba’an kula jira kooxaha mucaaradka ku ah dowladda Liibiya.
Dhanka kale madaxweynayha dalka Liibiya Col. Macumar Al-qadaafi ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa in ay iska difaacaan wax uu ugu yeeray cadow ku soo duulay oo doonaya in Isticmaar geliyaa shacabka dalka Liibiya.
Col. Qadaafi oo ka hadlay taleefishinka dalka Liibiya isagoo ku sugan magaalada Tripoli ayaa sheegay in shacabka Liibiya ku nool uu hubeynayo isla markaana uu u ballaqayo Bakhaarada ay ku keydsan yihiin hubka si buu yiri ay isaga difaacaan wax uu ku sheegay Kooxo Isticmaar doon ah.
Si kasta oo ay ahaataba waxaa muuqanaysa in mugdi uu sii galayo jiritaanka dowladda Liibiya, iyadoona dowladdaasi qarka u saaran tahay in ay burburto isla markaana hubka wadankaasi si la mid ah Soomaaliya oo kale uu gacanta u galo dadka shacabka.
Sheekadii DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 10aad)
Markii ay cabaar kala aamusnaayeen oo midba uu kan kale hadalka inuu bilaabo ka sugayo ayaa Liibaan afkii kala qaaday oo yiri “Ladan abaayo run ahaantii Jacaylka aad sheeganaysay inaad ii qaadday waan ka fiigsanaa, dheel-dheel iyo inaad igu cayaarayso ayaan u malaynayay, mana is dhahaynin Ladan ayaa adigoo noocaan ah ku jeclaanaysa, laakiin hadda waan yaqiinsaday, waana ku qanacsanahay oo aniguba daqiiqadihii aabahaa iyo hooyadaa ila hadlayeen adiguna aad baalka iga fadhisay ayuu i saaqay, Walaalay weligey Jacayl ma abuurin kan ayaana ah kii ugu horreeyay ee i soo mara….Run ahaantii inkastoo aan hadda yaqiinsanahay jiritaanka jacaylka, haddana markii hore jacaylka fikrad xun ayaan ka aaminsanaa oo waxaanba u heystay in uu yahay cayaar-cayaar iyo cillad la iska sheegto oo dadka baagamuuddada iyo kuwa dheregta ka badatay ay isaga faaja-faajoodaan” .
Ladan oo ku qoslaysa isla markaana la yaaban sida wiilku uga dhoohan yahay jacaylka & fikradda qaladka ah ee uu ka aaminsanaa ayaa waxay ku tiri “Liibaanow Aboowe intaas ayaad magaalo joogtay, qof aqoonyahan ah oo waxbarashda ilaa Dugsi sare ka gaaray ayaad tahay, sow ma arag wiil iyo gabar jacayl jilaya ama sow ma maqal lamaanayaal jacayl isku guursaday oo Ubad jacayl ku dhashay isu dhalay, ama ma akhrisan miyaa Buuggaagta sheekooyinka jacaylka ka qisooda, Idaacadahana kalama aadanad socon jirin miyaa sheekooyinka xiisaha badan ee jacaylka ka tarjumaya?..”
Liibaan oo is xariifinaya ayaa isagoo kuleetiga giijisanaya ku jawaabay “Waan maqli jiray waxaas oo dhan laakiin sidaan kuu sheegay cayaar-cayaar iyo wax lagu faaja-faajoodo oo sida xanjada dheragta la isaga bi’iyo oo kale ah ayaanba u heystay ereyga jacayl ee mid qalbiyada dadka gala oo Daaro Caashaq ka samaysta uma malayn jirin, laakiin hadda ayay i heysataa wax kasta oo aan ka aaminsanaaba”.
In cabbaar ah markii sheekadaa ku saabsan faaqidaada jacaylka ay wadaageen ayuu Liibaan goorsheegto darbiga qolka ku dheganayd oo hortiisa ka muuqatay eegay markaasuu qalbiga ka yiri “Waa maqribkii oo 10-daqiiqo dhiman, Salaad casirna ma Tukan” Markiiba waxa uu u holaday inuu istaago oo baxo, kolkaasaa isagoo sii hinqanaya Ladan ku yiri “Abaayo waan baxayaa waa maqrib mar kale ayaan is arkaynaa ee hadda jaaw” Ladan oo la joogistiisa sii rabta ayaa ku tiri “Aboowe hadda ha iga tagin hadhow kale ayaad baxaysaa Gaarigeena ayaa gurigaada lagugu geynayaaye” markii ay intaas tiri iyadoo ka filaysa in uu ka yeelo ayuu ka diiday oo ku yiri “kulankan waa kii koowaad, waqti kale ayaa ka badan, gaarina ma raacayo ee waxba ha is dhibin xaafaddu way dhowdahay oo lug ayaan ku tegayaa ee abaayo jaaw” markii ay aragtay inuusan joogaynin ayay ka ogolaatay oo inta soo sagootisay gurgiisii Aaday.
Laakiin markii uu Liibaan Gurigiisii tagay ayaa caloosha laga qabtay oo xannuun calool majiir ah uu ku dhacay, raashiinkii kala duwanaa ee uu guriga Ladan ka soo cunay ayaana caloosha ka walaaqay, ilbiriqsi kadibna musqul ku carar ayuu bilaabay oo daqiiqado gudahood ayuu dhowr jeer Suuligii isaga daba laabtay, saacad gudaheed ayuuna ku milmay oo ku fuuq baxay.
Ayeeyadiis oo aad u jeclayd, isla markaana soo korsatay ayaa ka naxday cudurka soo boodka ah ee wiilkeeda ku dhacay, Waalid waa iska beer jilicsan tehee hadallo aan turxaan baxsanayn ayaa afkeeda ka soo baxayay “Maxaa kugu dhacay Ayeeyo, maxaad soo cuntay, yaa wax ku soo siiyay, malaha waa la soo sixray, maantalee ayuu meel aadee ma arrin loogu talo galay baa lagu soo sameeyay, ma nolosha ayay u quuri la’yihiin? Aabihiis ayaa dhawaan dhintee isagana ma nolosha ayay u diidan yihiin? intee layga heystaa, ma Saddaqadii iyo Bunkii aan jimcayaashan bixin waayay darteed ayaa laygu heystaa dhaqaalo la’aan awgeed, ILAAHOW i baxso maanta oo ii badbaadi wiilkeyga” ayayna iskula hadashay Duqdii Liibaan ayeeyada u ahayd ee iyadu soo korsatay.
Hadaladaa iyo hadallo kale oo ka sii badan oo intii afkeeda soo qaban karay ahayayna isaga hadaaqeysay Liibaan Ayeeyadiis, layaabse malaha islaan duqowday oo wiilkii ay Dunida ka dugsanaysay uu xanuun ku soo bood ah ku dhacay wixii afkeeda soo qabto ayay isaga kalaamaysaa, walow inay Ilaah ku shukriso oo Rabbi u tuugto hadalladaas matalaalaca ah ay uga kheyr roonaayeen haddana haweenka badankood arrimo filanwaa marka uu ku yimaado halqabsiyo aan wanaagsanayn ayay isaga hadlaan.
Markii ay xaaladdiisa ka yaabtay ayay xannuunkiisa ku wargelisay adeerkiis oo ahaa wiilkii ay iyadu dhashay ee qeyb kala korinayay Liibaan, laakiin isaguna ma uusan awoodi karin inuu isbitaal la beegsado daruufo dhaqaalo awgeed, inkastoo isbitaalku Lacag la’aan yahay haddana Taksi isbitaalka uu ku geeyo ma uusan heli karin oo maba uusan awoodin bixinta kirada taksiga, cid uu yaqaanay oo ka kaalmeynaysa Lacagta kirada ahina ma jirin, xitaa haddii deyn uu raadin lahaa sidii uu isaga gudi lahaa ayaa ku adkayd oo kuma uusan degdegi karin deyn qaadashada, laakiiin waxaa u sahlanaaday in wadaad macalin Dugsi ahaa oo Jaar wadaag ay ahaayeen uu u tago oo uu ka soo dalbado in wiilka uu Qur’aan ugu akhriyo, taasoo waxoogaa laluuro ah uu ku helay Liibaan.
LA SOCO AXADDA KALE (INSHA ALLAAH)
QALINKII: CRAXMAAN CUMAR ( CAAQIL DALMAR )
Email: caaqildalmar@hotmail.com


Dagaal culus oo ka holcaya degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose
Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in Suuqa Bakaraha oo ay saldhigyo ciidan isu bedeleen
Gaari ciidamada AMISOM leeyihiin oo haweeney uur leh dardaray
Ahlusunna oo sheegtay in ay isu soo dhiibeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab
Ciidamadii Itoobiyaanka ee ku sugnaa Luuq iyo B/xaawo oo halkaas isaga baxay
Waddamada Yurub iyo Mareykanka oo weerar ku qaaday dalka Liibiya
Sheekadii DHOOF IYO DHAXAL CAASHAQ (Qaybta 10aad)
1469|1300512600|dynamic|Wararkii ugu dambeeyay|
Madaxweynaha maamulka
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Waxaa maalintii shalay ee Jimcaha ka degay magaalada Muqdisho wafdi uu hoggaaminayay madaxweynaha maamulka
Wafdigaas waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda KMG Soiomaaliya iyo sidoo taageerayaasha maamulka Hiiraan Midland State ee degan Gobolka Banaadir, kuwaas oo lulayay caleemo qoyan, isla markaana sitay Boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo iyo sidoo kale sawirka madaxweynaha Maamulka Hiiraan Midland State.
Wafdiga oo dadkii soo dhaweeyay iyo saxaafadda kula hadlay Hoolka weyn ee Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ka warbixiyeen ujeeddada safarkooda iyo waxa ay qabanayaan.
Madaxweynaha maamulka
Madaxweynaha maamulka
Q/midoobay oo dhexdhexaadinaysa Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Qaramada Midoobay ayaa isku dayaysa inay dhexdhexaadin ka dhex samayso madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo loo xil saaray dhammeynta khilaafaadka labadaa mas’uul ayaa xalay kulan albaababda u xiran yihiin kula yeeshay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo aan si dhab loo ogeyn wixii ay labada mas'uul isku afgarteen.
Sidoo kale waxa uu Danjire Augustine Mahiga uu qadka telefoonka kula soo xiriiray madaxweyne Sheekh Shariif oo isna uu kala hadlay khilaafka kala dhexeeya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Danjire Mahiga ayaa la sheegay in uu kala hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka arrimaha muddo kororsiga Baarlamaanka KMG, taasoo sabab u ah khilaafka siyaasadeed ee labada Shariif.
Waxa uu Mahiiga sheegay in Baarlamaanka KMG Soomaaliya arrimahooda uu yahay kuwo fowdo ah, isla markaana beesha Caalamka aysan marnaba ogolayn in muddada ay kororsadeen Baarlamaanka KMG Soomaaliya maadaama lagu guda jiro xaalad kala guur ah.
Beesha Caalamka ayaa wadda olole doorasho loogu samaynayo dalka Soomaaliya, waxayna Madaxweyne Shariif ka dhaadhicisay inuu isa soo sharaxo, isla markaana uu ogolaado doorashadaas.
Ma aha markii ugu horraysay oo khilaaf soo kala dhex galo labada Shariif, sidoo kalena ay dhexdhexaadin ka dhex sameeyaan beesha caalamka.
Dagaal iyo duqeymo ka dhacay magaalada Muqdisho
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaal iyo duqeymno xalay ka dhacay magaalada Muqdisho una dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay 4 qof tiro ka badan 10-ruuxna dhaawac ayaa ka soo gaaray.
Madfac ku habsaday guri ku yaala degmada Kaaraan ayaa waxaa ku dhintay Labo qof oo ahaa wiil iyo gabar halka madaafiic kalena ay labo qof kale ku dishay meelo kala mduwan, iyadoo dadka ku dhaawacmay duqeymahan oo iyaguna rayid ahaa isla xalay la geeyay isbitaalka Keysaney ee duleedka Muqdisho.
Dagaallada ka socda Muqdisho ayaa sababay dhimashada dad badan oo rayid ah tan iyo markii ay bilowdeen, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay boqolaal qof oo kale, kuwaasoo qaarkood ay weli dhaawacyadooda yaalaan isbitaallada Muqdisho.
Gobolka Shabeellada hoose oo lagu soo gabgabeeyay howlo lagu daweynayay Xoolaha
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada Hoose ayaa maanta si rasmi ah ugu soo gabagabeeysay howlo ay ku daweeyeen kumanaan xoolo ah gaar ahaan Lo’da, kuwaasoo ay la soo darseen cudurro halis ah oo sababi kara inuu neefku si dhaqso ah u dhinto.
In ka badan Lix dhakhtar oo ka mid ah dhakhaatiirta xoolaha oo ka howlgeli jiray wasaaraddii xanaanada xoolaha ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre oo ay shaqo gelisay wilaayada Shabeellada hoose ayaa ka qayb qaatay howlahaas lagu dawaynayo xoolaha xanuunsan.
Cudurrada ugu daran ee ay xoolaha la daweeyay ay la ildarnaayeen ayaa waxa ka mid ahaa: nafaqodarro ka dhalatay cayayaan xoolaha cuna sida: shillinta, gooryaannada iyo bahallada kale, sidoo kale dhakhaatiirtu waxay sheegeen in cudurro kale oo ka dhashay abaaraha ka jira wadanka ay iyaguna halis ku ahaayeen nolosha xoolahaas.
Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Shabeellada Hoose Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo saxaafadda kula hadlay degmada Jannaale oo ay markaas ka socotay howsha daawaynta xoolaha ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida ay ugu guuleysteen daawaynta xoolaha xanuunsan, wuxuuna u mahad celiyay Allaah SW kadib dakhaatiirtii ka qayb qaadatay howshan qiimaha badan.
Sheekh Abuu Cabdalla wuxuu sheegay in lo’da la dawaynayo ay isugu jirto kuwo laga leeyahay wilaayada Shabeellada Hoose iyo kuwo kale oo qaab naqraac ah ku yimid gobolka kaddib markii ay abaaruhu ku dhifteen gobolladii ay ku noolaayeen.
Dr. Idiris Maxamed Carraale oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii ka qaybqaadanaysay dawaynta xoolaha ayaa sheegay inay illaa hadda daweeyeen 8,630 neef oo lo’ ah, kuwaasoo intooda badan ku sugnaa degmooyinka Kurtun-waareey, Sablaale iyo Jannaale.
Sidoo kale, Dr. Maxamed Boorre oo isaguna ka mid ahaa dhakhaatiirtii ka qaybgalay daweynta lo’da ayaa uga mahadceliyay maamulka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab sida ay ugu gurmatay xoolaha xanuunsan, isagoo sheegay in dhammaan daawada lagu dawaynayo lo’-da oo ah mid tayadeedu aad u wanaagsan tahay ay keentay wilaayada islaamiga ah.
Dr. Boorre wuxuu ugu baaqay dhammaan dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisa inay gutaan waajibka ka saaran ummadda ay ka dhasheen ayna wax u soo barteen, gaar ahaan waqtiga hadda lagu jiro oo inta badan gobollada dalka ay ka taliso Xarrakada Al-Shabaab ay ka jirto nabadgalyo iyo xasillooni midii ugu saraysay.
Waa markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii Soomaaliya loo sameeyo xoolaha dalka ku nool daryeen caafimaad oo noocan oo kale ah, laguna daweeyay xoolo la il-daran xanuunno kala duwan, arrintaas oo ah horumar ay habboon tahay in la garab istaago.
Xirnaashaha Suuqa Bakaaraha oo lagu eedeeyay AMISOM iyo dowladda KMG Soomaaliya
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa sheegay ku eedeeyay dowladda KMG iyo AMISOM xirnaashaha suuqa Bakaaraha, waxayna ugu baaqeen in ay si sharuud la’aan ah ku furaan waddooyinka loo mara suuqaasi.
Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in xirnaashaha suuqa Bakaaraha ay ka dhalan karto masiibo bani’aadanimo.
Waxa uu afhayeenku sheegay in Xarakada Alshabaab ay ogolaatay in waddo loo furo Suuqa Bakaaraha, laakiin ay taasi ka horyimaadeen dowladda KMG iyo AMISOM in la helo jid Gaadiidka ka soo baxa dekadda Muqdisho u maraan suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
“Xirnaashiyaha Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhalan karta Masiibo bani’aadanimo waa in la furaa….” Ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sheegay haddii dowladda KMG iyo AMISOM ka dhaga adeygaan in suuqaasi la furo ay la kulmi doonaan kacdoon shacab ka dhan ah, maadaama sida uu yiri suuqa uu yahay mid aasaasi u ah guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir iyo gobolada kale ee Koonfurta Soomaaliya.
Ciidamada Ahlusunna oo xirxiray dad mas’uuliyiin ah
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunan Waljamaaca ayaa ku xirxiray deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud mas’uuliyiin ka tirsan Maamul dhowaan lagu dhisay Magaalada Nayroobi ee Xarunta dalka
Ciidamada Ahlusunna ayaa xabsiga dhigay xubno ka socday Maamul dhowaan looga dhawaaqay magaalada Nayrobi ee Xarunta dalka
Xubnahaasi qaarkood ayaa la sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay galeen degmada Guriceel iyadoo ay isla markiiba ay gaareen halkaas ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca.
Maamulka Somali Central State oo dhawaan looga dhawaaqay ayaa sheeganaya qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, waxaana markii lagu dhawaaqay Maamulkaasi si cad uga soo horjeestay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca kuwaasi oo shir jaraa’id ku qabtay bartamaha Soomaaliya islamarkaana sheegay in aan ogalaanayn Maamulkaasi.
Saraakiil ka tirsan Maamulka Ahlu Sunna ayaa waxaa ay sheegeen inay jiraan xubno kale oo ku sugan gobolka Galgaduud kuwaasi oo u badan maamulkaasi islamarkaana ay raacdo ugu jiraan sidii ay usoo qaban lahaayeen.
Dowladda KMG ee Soomaaliya oo shaacisay inay duulaan ku tahay gobolada Jubooyinka oo dhan.
Sabti.19-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay duulaan ku tahay dhawaan guud ahaan deegaanada gobolada Jubooyinka oo dhan, halkaasi oo ay ka taliyaan Xarakada Alshabaab.
Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Bulshada, Shaqaalaha dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamuud Xidig oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay meel gabogebo ah u marayaan dowladda KMG Soomaaliya sidii duulaamo qorsheysan ugu qaadi lahaayeen deegaanada gobollada Jubbooyinka oo dhan.
C/rashiid Maxamuud Xidig waxa uu sheegay Askarta dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Diif, isla markaana ay suuragal tahay waqti kasta in ay qaadaan weeraro culus oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab oo sida uu sheegay deegaanka Diif duleedka kaga sugan.
Dhanka kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Bulshada, Shaqaalaha dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumada KMG ee soomaaliya C/rashiid Maxamuud Xidig waxa uu sheegay in xiriir wanaagsan dowladdu kala dhaxeyso Sheekh Axmed Madoobe (Axmed Islaam) oo ciidamo taabacsan dhowr jeer ku hungoobey inay la wareegaan deegaanada gobolada Jubooyinka iyo Kismaayo.
Dhanka kale Wasiir kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Bulshada Shaqada, Shaqaalaha dhalinyarada iyo Isboortiga C/rashiid Maxamuud Xidig waxaa uu sheegay in deegaanka Diif aysan heysan Ciidamada Xarakada Al-shabaab, laakiin qeyb ka mid ah deegaanka duleedkiisa isku aruursanayaan sida uu yiri.
“Askarta dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale kaga sugan deegaankaasi oo maalmihii la soo dhaafay dagaalo ka dhaceen” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in ay socdaan dhaqdhaqaaqy ciidan oo aad u xoogan taasi oo ay wadaan Dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah sida uu yiri, maalmaha soo socdana qaadayaan dagaalo ka dhan ah Xarakada Alshabaab si ay uga saaraan gobolada Jubooyinka.
|

Madaxweynaha maamulka
Q/midoobay oo dhexdhexaadinaysa Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan
Dagaal iyo duqeymo ka dhacay magaalada Muqdisho
Gobollada Shabeellada hoose oo lagu soo gabgabeeyay howlo lagu daweynayay Xoolaha
Xirnaashaha Suuqa Bakaaraha oo lagu eedeeyay AMISOM iyo dowladda KMG Soomaaliya
Ciidamada Ahlusunna oo xirxiray dad mas’uuliyiin ah
Dowladda KMG ee Soomaaliya oo shaacisay inay duulaan ku tahay gobolada Jubbooyinka oo dhan
1468|1300167000|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Shirkii Guud ee Ururka Qaranka Saxafyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Muqdisho lagu qabtay
Talaado.15-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Waxaa si rasmi ah shalay ugu furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya shirkii Golaha sare ee ururka Qaranka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Saddexdii sanaba mar la qabto.
Shirkaas oo ay ka qeyb haleen saxafiyiin ka kala socdan dhammaan gobollada dalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Mas’uul ka socday dowladda KMG Soomaaliya iyo Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kala duwan ayaa shirkaa ka qeyb galay.
Xoghayaha Guud ee ururka NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka shirka iyo qorshaha mustaqbalku higsanayo ururka.
Waxa uu Cumar Faaruuq sheegay in saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ku shaqeynaya xaalad adag ay ka go’an tahay in ay isu yimaadiin oo ay kawada hadlaan danahooda.
Guddoomiyaha Golaha Sare ee NUSOJ C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Addun) oo isagana ka hadlay xafladii furitaanka shirka ayaa tilmaamay in ururka NUSOJ ay farxad weyn u tahay in shirkii guud uu ku qabto magaalada Muqdisho taasoo hiilo iyo dhiiragelin u ah saxafiyiinta sida joogtada ah loogu dhibaateynayo.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha dowladda KMG Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin kuwa dilka iyo dhibaatada joogtada ah ku haya saxafiyiinta Soomaaliyeed, isagoo xusay in wasaaradiisu muhiimad gaar ah siineyso nabadgelyada saxafiyiinta ku shaqeynaya xaaladda adage e ka jirta dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Baarlamaanka Soomaaliya Axmed Cawad Casharo ayaa sidoo kale ka hadlay xafladdi furitaanka shirka wuxuuna ugu horreyn amaan iyo bogaadin u jeediyay saxafiyinta Soomaaliyeed ee ka kala yimid dhammaan gobollada dalka si ay ugu shiraan caasimadda dalka.
Xasharo waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay ka shaqeeyaan saxafiyiinta sidii ay bulsha ugu iftiimin lahaayeen waxyaabaha muhiimka ah ee bulshada danta u ah.
Saxafiyiintii shirka ka qeyb galay ee ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxay shirka ku doorteen in mar kale Cumar Faaruuq Cismaan uu noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka, halka C/risaaq Cumar Ismaaciil (Sheekh Adduun) loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Sare ee ururka. Xoghayaha warfaafinta C/raxmaan Cumar (Caaqil Dalmar), Xoghayaha tababarka C/rashiid Xaydar, Xoghayaha dhaqaalaha Cali Macalin Isaaq, xoghayaha arrimaha Haweenka Xamdi Maxamed Kediye, Xoghaha Abaabulka C/qani Sh. Maxamed, Xogyaha Anshaxa Wiilo Cali Bulxan.
Sidoo kale waxaa la doortay wakiilada Gobollada ee ururka Nusoj, doorashaduna waxay u dhacday si guul ah iyadoo ergooyinka shirka ka qeyb galay ay ka kala yimid gobollada Shabeellooyinka, Gedo, Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, Hiiraan, iyo Puntland.
Dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Talaado.15-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo garabsanaya Ahlusunna Waljamaaca ayaa xalay dagaallo culus waxay ku dhex mareen gudaha magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalladaas oo sababay qasaaro badan oo soo kala gaaray dhinacadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo ka mid ah dadka fara ku-tiriska ah eek u harsan magaaladaas ayaa waxaa ka hadlay xarakada Al-shabaab oo iyadu dagaalka qaadday.
Afhayeenka howlgalada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay dagaaladii xalay ka dhacay B/xaawo inay guulo ka gaareen, isla markaana si KMG ah ay muddo kooban ula wareegeen gacan ku heynta magaaladaas.
Waxa uu sheegay in ay xeelad dagaal uga bexeen magaalada kadib markii ay dagaal ku fuliyeen, wuxuuna xusay in ujeedka dagaalkoodii xalay uu ahaa fulinta qorshe Militari, taasoo uu sheegay Abuu Muscab in ay ku guuleysteen.
Waxa uu sheegay inay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta Saldhiga iyo xarunta Degmada Baladxaawo halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda KMG Soomaaliya oo ay uga hadlayaan dagaaladii xalay, marka laga reebo guusha Xarakada Al-shabaab ka sheegatay dagaaladaas.
Guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sool oo la dilay
Talaado.15-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Kooxo hubaysan ayaa fiidnimadii xalay dil u geystay Guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sool Axmed Saleebaan.
Dilka oo ka dhacay agagaarka Masjid ku yaala degmaca Laascaanood oo Guddoomiyuhu uu salaadda cishaha ku soo tuukaday ayaa sida la sheegay kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.
Dad goobjoogta ka ag dhowaa ayaa sheegay in dhowr xabadood oo bastoolad ah ay madaxa kaga dhufteen guddoomiyaha kooxdii weerartay kadibna isagoo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka, balse uu ku geeriyooday Isbitaalka.
Dilka kadib ciidamada amaanka Laascaanood ayaa goobta tegay, waxayna goobta ka bilaabeen howlgalo ilaa iyo saakay ka socda xaafadaha magaalada Laascaanood, waxaana la sheegay in la xirxiray in ka badan 14 ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen falkii xalay lagu dilay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Maamulka Somaliland.
Ma ahan markii ugu horraysay oo mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Sool lagu dilo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha oo ka hadlay xaaladda Suuqa iyo AMISOM oo beenin samaysay.
Talaado.15-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamuud Siyaad (Cali Dheere) ayaa sheegay in waddooyinka loo galo suuqa Bakaaraha ee xiran uu kala hadlay dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab uuna ka dalbaday in loo furo mid ka mid ah waddooyinkaas.
Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in adeega suuqaasi uu mugdi galay tan iyo markii dagaalada culus ka dhaceen waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Cali Dheere waxa uu sheegay in dowladda KMG iyo Xarakada Al-shabaab ka ogolaadeen in la furo mid ka mid ah waddooyinka gala suuqa, wuxuuna sheegay inuu ka rajo qabo in la furo waddada Dabka, Sayidka ama Tarabuunka.
Waxa uu Cali dheere ciidamada AMISOM ku eedeeyay in ay ka horyimaadeen furitaanka mid ka mid ah saddexdaasi waddo oo muhim u ah in badeecooyinka ka yimaada dekadda Muqdisho si toos ah loo gaarsiiyo Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada AMISOM Barijiye Bahuuko ayaa beeniyey inuu xiriir la soo sameeyay Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay diideen in waddooyinka gala suuqa Bakaaraha la furo.
Waxa uu Bahuko sheegay in ciidamada AMISOM aanay waxba ka gelin arrimaha suuqa Bakaaraha, dhowr jeer oo horena wax laga weydiiyay.
Faahfaahin ku saabsan dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan.
Talaado.15-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaallo culus ayaa shalay ilaa xalay ka soconayay deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Dagaalladaas oo ahaa kuwo muddo badan socday ayaan weli la ogaan qasaaraha ka dhashay, waxaana siyaabo kala duwan uga waramay dhinacyadii dagaalamay.
Maxamad Nuur Caga-joof oo saraakiisha dowladda KMG ka mid ah ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladaasi, isla markaana xarakada Al-shabaab ay kaga dileen dagaalada 6 dagaalyahano ah, kadib weerar sida uu sheegay ku soo qaadeen ciidamada Xarakada Al-shabaab degaankaas.
Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda magaalada Muqdisho ayaa sheegay weerar ay ku qaadeen goobo ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan ciidamada dowladda KMG ayna kala wareegeen degaankii ay kula dagaalameen, isagoo xusay in ciidamadaasi ay haatan ku sugan yihiin Isgoyska Kalabeyrka sida uu yiri.
Dadka degan Gobolka Hiiraan ayaa cabsi weyn ka muujiyey dagaalladaas, waxaana suuragal ah in dagaallo kale dhex maraan labada dhinac, isla markaana degaanno ka tirsan gobolka uu ku faafo.
Dowladda Yemen oo Burcad badeed Soomaali ah xirxirtay.
Talaado.15-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Lix ruux oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayay qabqabteen ciidamada Badda dalka Yemen xilli ay qorsheynayeen inay qafaashaan Dooni kalluumeysi oo dalka Yemen laga leeyahay.
Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Yemen ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee SABA in xabsiga dalka Yemen la dhigay 6 ruux oo Soomaali ah oo ka tiran burcad badeeda Soomaalida, isagoo sheegay in lixdaan ruux ay ciidamada ilaalada xeebaha ka qabteen meel u dhaw Jaziiradda Soqodra oo 150 u jirta xeebaha dalka Soomaaliya.
Labo ka mid ah kooxahaas la qabtay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac isla markaana la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Sanca ee dalka Yemen.

.jpg)
Shirkii Guud ee Ururka Qaranka Saxafyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo Muqdisho lagu qabtay
Dagaallo culus oo ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo
Guddoomiyihii Maxkamada gobolka Sool oo la dilay
Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha oo ka hadlay xaaladda Suuqa iyo AMISOM oo beenin samaysay
Faahfaahin ku saabsan dagaallo ka dhacay Gobolka Hiiraan
Dowladda Yemen oo Burcad badeed Soomaali ah xirxirta
1467|1299911400|dynamic|Wararkii u dambeeyay|
Maxaa ka jira in khilaaf uu soo kala dhex galay saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Warar aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan dagaallada ay kula jiraan xoogaga Al-shabaab.
Khilaafka Saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxa uu yimid kadib markii saraakliishaasi qaarkood ay diideen inay dowladda la saf noqdaan, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in degaannada ay Al-shabaab ka qabsadaan mar waliba ay sheegato dowladda KMG Soomaaliya.
Saraakiil badan oo ka mid ah Ahlusunna ayaa ku dooday in deegaanada ay kala wareegaan Al-shabaab uu maamulkooda ka talinayo, iyagoo diiday in guulaha Ahlusunna gaarto ay dowladda KMG sheegato.
Wararku waxay sheegayaan in ay jiraan saraakiil arrintaas diidan kuwaasoo sheegay in dowladda KMG Soomaaliya iyo iyaga ay isku mowqif ka yihiin dagaallada lagala soo horjeedo Al-shabaab, isla markaasna aysan dhib ahayn haddii dowladda KMG Soomaaliya ay sheegato guulaha Ahlusunna dagaallada ka gaarto, maadaama ay isku mid ka yihiin hadafka iyo ujeeddada dagaalka oo ah in Al-shabaab dalka oo dhan laga saaro.
Saraakiil ay ka mid yihiin Sheekh Xeefoow iyo Sheekh Maxamad Maxamuud ayaa iyagu talo ku soo jeediyay in dowladda KMG Soomaaliya gacanta loo geliyo gobolka Galgaduud marka ay kala wareegaan xoogaga Al-shabaab, halka ay arrintaasi ka soo horjeesteen saraakiisha kale ee Ahlusunna.
Wararka waxay sheegayaan khilaafka u dhexeeya mas’uuliyiintaasi uu sababay inar ka mid ah ciidamada Ahlusunna Waljamaca in ay ka baxaan goobaha dagaalada Galgaduud sida wararku sheegayaan.
Warar kale ayaa sheegaya in kulan lagu xalinayo khilaafaadkaas soo kala dhex galay saraakiisha Ahlusunna Waljaamaca uu ka socdo gobolka Galgaduud, kaasoo sar saraakiil ka maqan kaga qeyb gelayaan qadka isgaarsiinta.
Dagaalo ay ku lug leeyihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale maanta dib uga holcay duleedka Dhuusamareeb.
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaalo u dhaxeeya ciidamada Ahlusunna Waljamaaca oo ay kaabayaan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Xarakada Al-shabaab uu mar kale maanta dib uga holcay duleedka magaalada degmada Dhuusamareeb, gaar ahaan deegaanadii shalay iyo xalay dagaaladu ka socdeen.
Wararku waxa ay sheegayaan dagaaladu in ay yihiin kuwo aad u xoogan isla markaana ay soo qaadeen Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca oo ay dabada ka jooaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan hub culus.
Qoysaska ku haray deegaanada dagaalada ka socdaan ayaa bilaabay in ay ka barakacaan deegaanadaasi maadaama dagaaladu u muuqdaan kuwo xoogeysanaya.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalladaas oo la sheegayo inay weli si xooggan u socdaan, waxayna dagaalladani daba joogaan dagaalo dhiig badan ku daatay oo saacadihii la soo dhaafay ku dhex maray xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Ahlusunna Waljamaaca oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah.
Dowladda Somalia oo sheegtay in isbedal weyn uu ku yimid aragtida Soomaaliya ee Beesha Caalmka
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Xukuumada KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in is badal weyn ku yimid aragtida Beesha Caalamka ka qabtay arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii xal waara loogu raadin lahaa dalka soomaaliya oo muddo 20 sanadood burbur ku jira.
Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumada KMG Soomaaliya Maxamad C/llaahi Oomaar ayaa sheegay beesha Caalamka inuu ku yimid isbadal ballaaran isla markaana xilligan ka go’an tahay xal u raadinta dalka Soomaaliya oo fowdo iyo kala dambeyn la’aan ku jira 20 kii sanadood ee la soo dhaafay.
Mr. Oomaar oo hadal ka jeediyay gabagabadii shirkii magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in beesha Caalamka markii ay ragtay guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ay wax badan iska badaleen aragtida Beesha Caalamka una soo jeesteen in la taageero howlgalada AMISOM iyo ciidamada dowladda KMG ka wadaan Soomaaliya.
Dibadbax looga soo horjeedo xarakada Alshabaab oo ka dhacay Kenya.
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Banaanbax ay soo qabanqaabiyeen ururada bulshada rayidka ah, loogana soo horjeedo xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay waxa uu maanta ka dhacay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo socod dheer ku soo maray xaafado kala duwan oo magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ka tirsan ayaa sheegay in ay uga soo carareen magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka Soomaliya qaarkood dhibaatooyin ay sheegeen in ay kala kulmeen xarakada Al-shabaab iyo dagaalada aan dhammaadka lahayn ee ka sii socda Soomaaliya.
Sidoo kale Soomaalida banaanbaxa dhigayay waxay ugu baaqeen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya inay iska kaashadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen qatar ay sheegeen in Soomaalida Kenya ay kaga imaan karto xarakada Al-shabaab haddii amaanka dalkaasi wax u dhimaan.
Waa markii ugu horreeyey oo bannaanbax noocan oo kale ah uu ka dhaca dalka Kenya, waxayna ku soo beegmayaan bannaanbaxyadani xilli saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Al-shabaab ay dowladdea Kenya ku eedeeyeen inay waddo siiyeen ciidamo Itoobiyaan ah oo duqeyn ka fuliyay magaalada Baladxaawo kahor intii magaaladaasi aan laga qabsadan Xarakada Alshabaab.
Dagaalo xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dagaalo culus oo ay barbar socdaan duqeymo madaafiic ayaa subaxnimadii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab.
Dagaalkaas oo hubka culus iyo midka fudud la isu adeegsaday ayaa waxa uu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.
Dagaalada saakay dhawacay ayaa waxaa la sheegayaa in ay bilaabeen ciidamada Xarakada Al-shabaab oo weeraro qorsheysan ku qaaday aagaga ciidamada dowladda KMG iyo AMISOM ku leeyihiin degmooyinka Hodon, Howlwadaag, Boondheere iyo Waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Dagaaladan oo socday in ka badan 3 saacadood ayaa waxay wararku sheegayaan in ay galaafteen nolosha 8 ruux oo 2 ka mid ah dad shacab ahaayeen halka 6-da kale ay ka mid ahaayeen dhinacyadii dagaalamay, waxaana jira qasaarooyin dhaawacyo oo dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamaya kala gaaray, iyadoo dhaawacyada lagu sheegay ilaa 14 ruux.
Madaaficda culus ee ay ridayeen ciidamada AMISOM ayaa si xooggan looga maqlayay xaafadaha iyo duleedyada magaalada Muqdisho, kuwaasoo cabsi iyo qalqal geliyay dadka fara ku tiriska ah ee ku harsan xaafadaha Muqdisho.
Al-shabaab oo sheegay inay weerareen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in weeraro loo adeegsaday duqeyn madaafiic xalay xoogaga Al-shabaab ay ku qaadeen magaaladaas.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sheegeen in habeennimadii xalay dhowr madaafiic ay ku weerareen fariisimo ay sheegeen inay ku sugnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah, kuwa dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Saraakiishu waxay sheegeen in ku dhawaad 22 madfac ay ku garaaceen fariisimahaas, isla markaana ay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidamada isugu jira Itoobiya, dowladda KMG iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Xaaladda magaalada Baladxaawo saakay waa mid degan, waxaana caadi ah adeegyada ganacsiga iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Xarakada Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalladii dhex maray
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Saraakiil ka kala tirsan xarakada Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca ayaa siyaabo kala duwan uga kala hadlay dagaalladdii ka dhacay saacadihii la soo dhaafay degaanno ka tirsan degmada Dhuusamareeb.
Sheekh Ashcari oo ka mid ah Saraakiisha Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalladii saacadihii la soo dhaafay ay xarakada Al-shabaab kula galeen duleedka magaalada Dhuusaareeb, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ilaa iyo inta ay kala wareegayaan guud ahaan gobolka Galgaduud oo inta badan ay maamusho Xarakada Al-shabaab.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay Xarakada Alshabaab ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay dhankooda qasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Ahlusunna waljamaaca isla markaana dib ugu celiyeen magaalada Dhuusamareeb oo markii hore duulaanka dagaalada ay ka soo qaadeen kuwa Ahlusunna sida uu yiri.
Marka laga soo tago guulaha ay kala sheegteen saraakiisha labada dhinac, ma jiro ilo madax bannaan oo wararka xaqiiqda ah laga helay, laakiin waxaa haatan degan xaaladda deegaanka God-dhurwaa iyo deegaanada kale ee shalay dagaalada culus ka dheceen.
Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay inay Ahlusunna isku siyaasad yihiin
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca ay siyaasad ahaan isku hadaf yihiin, isla markaana ay wasiirro, saraakiil iyo xubno kale oo muhim ah ku leeyihiin dowladda KMG Soomaaliya.
Wasiirka Qorsheynta Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumada KMG Soomaaliya C/weli Maxamad Cali ayaa sheegay isagoo ku sugan dalka Mareykanka in ururka Ahlusunna waljamaaca mas’uuliyiin dhinacyo badan leh ku leeyihiin dowladda, isla markaana siyaasad ahaan la midaysan yihiin dowladda KMG Soomaaliya.
“Ahlusunna Wasiiro, Saraakiil iyo xubno kale oo muhim ah ayay ku leeyihiin dowladda KMG Siyaasad ahaana waxay la midaysan yihiin dowladda Soomaaliya” ayuu yiri C/wali Maxamad Cali.
Hadalkan ka soo baxay dowladda KMG Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ururka Ahlusunna Waljamaaca ay horey u shaaciyeen in aysan helin xubnihii ay ku lahaayeen dowladda KMG ee Soomaaliya tan iyo markii heshiis labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Howlgal baaritaan ah oo maanta ay ciidamada Xarakada Al-shabaab ka sameeyeen magaalada Baardheere
Sabti.12-Maarso.2011(SOMAALJECEL) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Al-shabaab ay howlgallo baaritaan oo ammaanka la xariira ka fuliyeen magaaladaas.
Mid ah Saraakiisha Xarakada Al-shabaab ee magaalada Baardheere oo lagu magacaabo Sheekh Saciid ayaa saxaafadda uga warbixiyey howlgalkaas ay sameeyeen wuxuuna sheegay in uu yahay mid amaanka lagu xaqiijinayay, si buu yiri looga hortago falalka amaanka lid ku ah.
Sidoo kale Sheekh Saciid waxa uu sheegay intii ay socdeen howlgalada amaanka la xariira ciidamada dadka shacabka ah ee isticmaalaya waddooyinka hub ka baarayeen si ay u sugaan guud ahaan amaanka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Howlgaladan amaanka la xariira oo ay ka fuliyeen magaaladaasi Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli maalmihii ugu dambaysay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda ay ka jiraan duleedka magaaladaasi.


Maxaa ka jira in khilaaf uu soo kala dhex galay saraakiisha sarsare ee Ahlusunna Waljamaaca
Dagaalo ay ku lug leeyihiin ciidamo Itoobiyaan ah oo mar kale maanta dib uga holcay duleedka Dhuusamareeb.
Dowladda Somalia oo sheegtay in isbedal weyn uu ku yimid aragtida Soomaaliya ee Beesha Caalmka
Dibadbax looga soo horjeedo xarakada Alshabaab oo ka dhacay Kenya
Dagaalo xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho
Al-shabaab oo sheegay inay weerareen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo
Xarakada Al-shabaab iyo Ahlusunna Waljamaaca oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalladii dhex maray