The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Somaaljecel News Network"

Xildhibaan Eng Cabdi Buule Xuseen  "IGAD xaqba uma laha in ay Soomaaliya Ciidamo u dalabto; qalad ayayna ahayd in IGAD ay Ciidamo u iclaamiyaan Soomaaliya, IGAD-na naguma dirqin karto ciidamo shisheeye"

Xildhibaan Eng Cabdi Buule Xuseen  "IGAD xaqba uma laha in ay Soomaaliya Ciidamo u dalabto; qalad ayayna ahayd in IGAD ay Ciidamo u iclaamiyaan Soomaaliya, IGAD-na naguma dirqin karto ciidamo shisheeye"

Xildhibaan Inj. Cabdi Buulle Xuseen oo ka mid ah xildhibaannada Baarlamaanka KMG Soomaaliya, isla markaana  ka mid ahaa Guddiyadii hub ka dhigista iyo xaqiiqo raadinta ee loo igmaday inay xog ka soo arruuriyaan Soomaaliya soona qiimeeyaan in la geyn karo Soomaaliya ciidamo shisheeye iyo goobaha la dejin karo ayaanu wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya la yeelanay, wuxuuna wareysigii u dhacay sidatan:

 

Somaaljecel: Ugu horreyn Mudane waxaad warbixin guud inaga siisaa waxa uu salka ku hayo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay dowladda KMG Soomaaliya ee aad adigu ka mid tahay?

 

Xildhibaan Buulle: Bismillaahi Raxmaani raxiim, marka hore wariye Dalmar aad baan kugu mahad celinayaa adiga iyo maamulayaasha Shabakadda wararka ee Somaaljecel ee isku howlay inay wararka iyo warbixinnada kala duwan gaarsiiyaan bulshada caalamka, gaar ahaan bahweynta Soomaaliyeed ee dalalka dibadaha ku nool, mahad celin kadib haddii aan u soo noqdo jawaabta su'aasha aad I weydiisay sida aad la socoto Oktoobar 2002 ayaa dalka Kenya  gogol loogu firaashay  dalka Kenya si ay ugu dhammeeyaan khilaafkooda, dowladna ugu dhistaan, Ogosto 2004-tina waxaa lagu guuleystay in dowlad ay Soomaalidu u dhan tahay lagu dhiso shirkaas oo Baarlamaan, Madaxweyne iyo Ra'isal Wasaare lagu magacaabo, shirkaas marxalado badan ayuu soo maray, is qabqabsi muddo soo taagnaa, IGAD oo danaha Soomaaliya heshiis aan ku ahayn, ururadii siyaasadda ee Soomaaliya ka jiray oo iyagana is diiddanaa ayaana   gogoshii shirka sii seeto dheereysay oo in 2 sano iyo dheeraad loo fadhiyo sabab u ahayd, kadib Alle mahaddii wixii dhib la soo marayba oo is qabqabsi iyo is riix riix siyaasadeed la isku hardiyaba dowlad loo dhan yahay ayaa shirka ka soo baxday, laakiin dowladdaas kala tageeda waxaa sabab u ah Saddex qodob:

 

1.     Siddeed (8) casho markii  Madaxweynuhu dooran yahay  isagoon Ra'isal Wasaare  magacaabin, Xukuumaddiina aan weli la dhisin ayuu Ciidamo shisheeye dalbaday,   isagoo aan cidna kala tashan, Baarlamaankana u soo marin.

 

2.     Awood qeybsiga xubnaha dowladda oo aan loo dhammeyn oo beel kasta xubnihii ku haboonnaa xilalka dowladda lama magacaabin, kuwo lagu shaqeysan karo oo Jeebka la gashan karo wixii dhegta loogu sheegana fulinaya ayaa la magacaabay.

 

3.     Caasimadda oo Muqdisho inay noqoto loo diidan yahay  iyadoo lagu marmarsiyoonayo amni ma aha, (Waa jirtaa in amni uusan jirin, Muqdisho  kaliyana ma ahee gobollada dalka oo dhan meel nabad ahi ma jirto, haddii aysan dowladdu nabadeynna cid nabadeynaysaa oo u maqan ayaanba jirin).

 

 

 

Somaaljecel: keenista Ciidamada shisheeye inkastoo C/llaahi Yuusuf dalabkii ugu horreeyay uu ka yimid, haddana IGAD ayaa go'aamisay, taas sow lama qaadan?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: IGAD xaqba uma laha in ay Soomaaliya Ciidamo u dalabto, qalad ayayna ahayd in IGAD ay Ciidamo u iclaamiyaan Soomaaliya IGAD-na naguma dirqin karto ciidamo shisheeye,  waayo Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa diiday ciidamo in la keeno, ilaa la isla meel dhigayo ciidamadaasi meelaha la dejinayo, shaqada ay qabanayaan, inay dowladda la shaqeynayaan iyo inay ka madax bannaanaanayaan, weliba IGAD waxay sheegtay in ciidamadaasi ay kuwa safka hore kaabayaan oo dhinacyada tababarada  ay ka caawinayaan, marka yaa mas'uul ka noqonaya haddii askari laga dilo ama ay dad Soomaali ah dilaan, taas oo aan la isla meel dhigin Baarlamaankuna wuu diiday in ciidamo shisheeye dalka la keeno, gaar ahaan kuwa safka hore.

 

Somaaljecel:   Mudane, adigu waxaad ka mid ahayd Guddigii hub ka dhigista iyo xaqiiqo raadinta ee Ciidamada shisheeye  in Soomaaliya la geyn karo iyo goobihii dalka Soomaaliya laga dejin lahaa soo ogaanayay oo dhowr jeer inta uu shirka Kenya socday aad gobollo Soomaaliya ka tirsan arrimahaas u timaadeen, taas macnaheedu sow ma aha in Ciidamo keenista la ogolaa, maxaase haatan iska bedelay arrimahaas?

 

Xildhibaan Inj.Bulle: Waa jirtaa inaan anigu ka mid ahaa Guddigii loo xil saaray hub ka dhigista iyo xaqiiqo raadinta, Afar jeer oo Guddigaasi Soomaaliya booqdeyna Saddex jeer ayaan safarkoodaa ku wehliyey, Saddexdaas mar oo ahayd May 2003, June 2003 iyo July 2004, waxaana tagnay Boosaaso ilaa Kismaayo marka laga reebo gobollada Sh/hoose iyo Galgaduud oo iyagana sababo jira dartood aanan u tegin,   qorshihii xaqiiqo raadinta ee aan ku soconay warbixinnadii naloo diray waan diyaarinay iyagoo dhameystiranna waanu gudbinay,  wuxuuna qorshuhu ahaa in ugu horreyn 84 Sarkaal oo Khubaro ciidamo ah oo indha-indheyn sameeya  Soomaaliya ka degaan, balse taas maba dhicin oo Ciidamadii la sheegay in Soomaaliya la geyn lahaa ayaanba suuragelin oo khilaaf  iyo kala taga xubnaha dowladda  ayaaba yimid, Q/Midoobayna cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya weli ma aysan qaadin, dhaqaalena loomaba hayo ciidamadaas, marka qorshahaas sidaas ayuu gaabis u noqday.

 

Somaaljecel: Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa la isugu geeyay dalka Yeman si loo dhexdhexaadiyo, khilaafka dowladda ka dhex jirana loo dhammeeyo, sida uu C/llaahi Yuusuf saxaafadda gudaha iyo dubadda u sheegayna wuu ogolaaday inuu wax waliba ka tanaasulayo gaar ahaan labada qodob ee ugu muhimsan ee la isku hayo ee ah in Ciidamo shisheeye dalka la keeno iyo in Caasimadda Muqdisho laga bedello, laakiin Shariifka (Guddoomiyaha Baarlamaanka) uu heshiiska iyo tanaasulkaba diiday, taas sow lama oran karo xubnihiina Muqdisho jooga oo Shariifku u horreeyo ayaa dowladda  burburkeeda wada oo dhinaca kale ayaa idinka saxsan?

 

Xildhibaan Inj. Buulle:  Taas waa waxba kama jiraan, C/llaahina isagaa khilaafka wada oo diiday in dowladdu Muqdisho ka howl gasho, wuxuuna dowladda dejiyey magaalada Jowhar oo la ogsoon yahay in hoggaamiyo kooxeed uu xukumo, qabiilna uu joogo, Xamarna waa sidaas oo kale, marka C/llaahi iyo qolyaha la fikirka ah waxaan u aragnaa in dhibaatada dalka ka jirta ay sii hurinayaan ayna rabaan in dhibaatadii dalka ka jirtay 14-ka sano ay dib ugu celiyaan.

 

Somaaljecel: Muqdisho in muddo ah ayaad joogteen, wax la taaban karana kama aydaan qaban marka laga reebo maleeshooyin dhowr ah oo aad ka saarteen magaalada, waxaana weli jira isbaarooyin fara badan oo dadka iyo gaadiidka safarka ahi ka cabanayaan?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Isbaaro gobol kasta oo Soomaaliya ka tirsan wey taalaa, qaadisteeduna farsamo un bey u baahan tahaye waa la qaadi karaa, wiilasha isbaaradu u taalo ma aha kuwo faa'iidada dowlad wax ka yaqaana ama dowlad soo arkay oo waxay ku qaangaareen, kuna indho furteen fawdada iyo dhibaatada dalka ka jirta  marka waa in la baraarujiyaa, noloshooda la damaanad qaadaa, dhaqan celin loo sameeyaa, kii ciidamada ku biiri karaa Ciidan laga dhigaa, midka aan ciidan noqon karinna shaqooyin kale loo abuuraa oo bulshada  lagu soo daraa, Caalamkuna sidaas ayuu aqoonsan yahay, shirweynihii hub ka dhigistuna waxay isla ogolaadeen in isku waqti hubka dalka laga aruuriyo, marka haddii Ra'isal wasaaraha iyo xukuumaddiisa haddii ay doorkooda ka cayaaraan ammaan ku soo dabaalidda Muqdisho ammaan wuu imaanayaa, Nabadgelyana Muqdisho weyba ka jirtaaye maamul shaqeeya un baa loo baahan hayay.

 

Somaaljecel:  Gobollada Soomaaliya waxaa laga soo sheegayaa in maamullo loo sameynayo oo C/llaahi Yuusuf uu xubno Xildhibaanno ah u kala diray, arrintaas maxaad kala socotaa?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Marka hore C/llaahi makala diri karo Baarlamaanka oo taa sharci uma lahaa, laakiin Golaha Wasiirada wuu howlgelin karaa, maamul u sameynta Gobolladuna marka ay dowladdu meel degto  ayaa maamul loo sameyn karaa, dowladda oo weli aan meelna sal dhigin gobollada arrintooda maba laga hadli karo.

 

Somaaljecel: Adigu waxaad ka soo jeeddaa oo lagaa soo doortay Gobollada Jubbooyinka, marka maka war heysaa xubnaha dowladda KMG ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo howlaha ay ka wadaan?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Xubnaha Gobollada Jubbooyinka aaday ma aha kuwo u dhashay gobolladaa, waxay ahayd marka kuwaa la dirayo in la yiraahdo yaa u dhashay, yaa metela dadka gobolladaas degan, yaa Maamul u dhisi kara, yaa nabadeyn kara ee ma aha in  xubno aan u dhalan la isaga diro.

 

Somaaljecel: Sida aad ogtahay Gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan J/hoose dagaallo soo noqnoqday ayaa ka dhacay, dadkii u dhashay waa la bara kiciyey oo qabiillo aan u dhalan ayaa xoog ku heysta, adiguna sida nagu maqaallo ah waxaad ka mid ahayd oo aad la shaqeynaysay qolyaha aan u dhalan ee xoogga ku qabsaday Jubbooyinka oo waxaad ahayd Xoghayihii Guud ee Isbahaysiga dooxada Jubba, taas macnaheedu sow ma aha inaad raali ku ahayd in dadkii aad u dhalatay laga qixiyo gobolka oo kuwii ku soo duulay ee barakiciyay aad ku kaalmayso xaqdarada?

Xildhibaan Inj.Buulle: Sanaddadii 1992 ilaa 1994-tii ayaa shirweyne dib u heshiisiin ahi wada yeesheen beelaha Saransoor iyo Daarood, ilaa 19 beelood  ayaana heshiiskaa wada saxiixday, aniguna Xogheyntii shirkaas ayaan ahaa,  heshiiskii shirkaasi  inkastoo markii hore uu shaqeeyay haddana dib ayuu ka burburay, waxaana loo baahan yahay haatan heshiis kaas oo kale ah oo gobollada Jubbooyinka ka dhaca, maxaa yeelay Kismaayo waa magaallo Istaraatijiyo ah oo xagga Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Beeraha, laakiin 15-kii sano ee ugu dambeeyay dagaal soo noqnoqday ayaa ka dhacay, waa runtaa in anigu aan ahaa Xoghayihii Guud ee Isbahaysiga Kismaayo gacanta ku hayay ee Dooxada Jubba, arrintuna waxay ahayd in  gacan ku heynta Jubbooyinka loo dhammaado oo qolo gaar ah aysan ku takri falin anigana jagadaas beesheyda iyo dadkeyga ayaan u metelayay oo booskaa u joogay, welina u joogaa. 

 

Somaaljecel: Gobolka Hiiraan waxaa dhawaan ka dhacay dagaal sokeeye oo beelaha Gaaljecel iyo Jajeelle ku dhex maray, maadaama mid ka mid ah beelahaas aad ka soo jeeddo, mas'uul sarena aad tahay dagaalkaas maxaad kala socotay, qaab noocee ah ayaadse joojintiisa uga qeyb qaadateen adiga iyo xubnaha kale ee dowladda KMG ka tirsan?

 

Xildhibaan Inj. Buulle: Dagaalka ka dhacay Hiiraan waxa uu ahaa dagaal siyaasadeed oo midkii Baydhabo ka dhacay ayuu daba joogay waxaana lagu fulinayay barnaamijka C/llaahi Yuusuf iyo Geeddi, Beelaha Gaaljecel iyo Jajeelle waa walaalo wada dega, waxaa la yiri dagaalku daaq ayuu ka bilowday, haddii uu daaq ka bilowday maxaa magaalada keenay dagaalka, daaqu Miyiga ayuu ahaaye, taas ayaana marqaati ka ah in dagaalku ahaa mid horey u qorsheysnaa oo siyaasadi lug ku lahaa, labada dhinacna ku eedeyn mayee, shakhsiyaad gaar ah ayaan ku eedeynaa, anaguna Saraakiil labada dhinac ka tirsan ayaanu xiriir la sameynay   si dagaalka loo joojiyo, waxayna inoo sheegeen in ay ku guuldareysteen inay joojiyaan, markaas ayaan la xiriirnay beelaha la degan, beesha Baadi-cadde ayaana gacanta ugu weyn ka geysatay joojinta dagaalka Hiiraan ka dhacay, anagana Muqdisho ayaan kala soconay oo wixii labada beel dhex maray XALAY DHALAY ayaa laga soo qaaday, weyna ka heshiiyeen oo xitaa dadkii la iska dilay la isuma qabsan, iyadoo la ogyahay in dilka qofku xuquuq gaar ah leeyahay haddana  maslaxaddaas ayay qaateen labada beelood oo sidaas heshiis ku yihiin.

 

Somaaljecel: Gobolka Hiiraan waxaa ka jira maamul Gobolleed uu sheeganayo ninka lagu magacaabo C/kariin Faarax Laqanyo oo madaxweynaha Maamulkaas ayaan ahay yiri, Ra'isal wasaaraha dowladda KMG-na  wuu aqoonsaday, bal adiga aragtidaada?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Maamul u dhisan Gobolka Hiiraan oo Mindland la yiraahdo oo aan aqoonsanahay ma jiro, inta maamul looga samaynayo gobolladana waxaa gobolkaa ka sii shaqeynaya maamulkii xilligii UN-ka Soomaaliya ka howl galayay oo ay UNOSOM  u dhistay Gobolkaas, Allaha u naxariistee ninkii maamulkaas Madaxda u ahaa ee Xasan Qalaad wuu geeriyooday, haddana waxaa xilka Maamulkaas sii haya oo aanu u aqoonsanahay Inj. C/llaahi Koofi oo ku-xigeenka Qalaad ahaa.

 

Somaaljecel: Isbahaysiga Dooxada Jubba ee aad weli ka tahay X/guud waxa dhawaan laga soo sheegay in ay ka cabsi qabaan dagaal dhinaca Muqdisho  uga yimaada oo Morgan iyo Koox la xulufo ah oo la soo abaabulayo ayaa Muqdisho naga soo weeraraya ayay yiraahdeen taa maxaad kala socotaa?

Xildhibaan Inj.Buulle: Morgan waa jirtaa in ay in muddo ah is hayeen Isbahaysiga Dooxada Jubba, laakiin ma maqlin in uu weerar ku yahay hadda Kismaayo, waayo ma jirto ciidan loo arruurinayo, mana arkin meel uu ku arruursanayo, waa Nin Muwaadin Soomaaliyeed ah oo Jeneraal ah, joogistiisa Muqdishana ma aha in laga shakiyo, waayo wuu imaan karaa Muqdisho , wuxuuna taageeray  nabadda laga wado Muqdisho, inkastoo uusan dowladda ka mid ahayn haddana nabadda ayuu taageeray, marka Ciidanka Kismaayo jooga waa Habargidir iyo Mareexaan,  su'aasha isweydiinta mudani waxay tahay yaa la weerarayaa, yaase weeraraya? Marka waa been aan sal iyo raad lahayn arrintaas.

 

Somaaljecel: Axmed Warsame oo ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeennada Isbahaysiga Dooxada Jubba Muqdisho ayuu joogaa, muxuu u yimid Muqdisho, isaga iyo Morganna wey kulmeen sow arrinta dagaalka kama wada hadlin?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Jen. Axmed Warsame Muqdisho wuu imaan karaa, sida saxaafaddu buunbuunisayna uma imaan inuu Morgan kala hadlo arrinta dagaalka la sheegsheegayee wuxuu u yimid inuu ka qeyb qaato shirka uu Guddoomiyaha Baarlamaanku ku baaqay inuu Muqdisho ka dhacayo iyo in la dhaariyo, waayo isaga xubinnimada baarlamaan ee uu hayo looma dhaarin weli, arrimo intaa ka baxsanna uma uusan imaan, isaga iyo Morganna waa labo nin oo saaxiibo Ciidamada ku soo wada jiray ahaa, weyna kulmi karaan, balse arrinta la sheegay ma aha wax jira.

 

Somaaljecel: Adiga iyo Axmed Warsame kulan ma yeelateen, sidoo kalena Morgan ma is aragteen?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Axmed Warsame waan is aragnay,  inkastoo aan si rasmi ah arrinta Jubooyinka aanan uga wada hadlin haddana ballan ayaa inoo dhigan, sidoo kale Morgan waa kulanay, qorshaha inoo degsanna wuxuu yahay in aanu soo afjarno dhibaatada muddada badan ka jirta Jubbooyinka.

 

Somaaljecel: Weli Jubbooyinka waxaa xukuma ama heysta dad aan u dhalan sidee baad is leedahay dadkii u dhashay waa loogu soo celin karaa, maadaama dowlad ay haatan u dhalatay dadku?

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Nidaam iyo Qaran iyadoo aan la helin  lagama gudbi karo arrintaas, dadkii gobollada Jubbooyinka u dhashay waa uu qaxay oo badankood xeryaha qaxootiga Kenya gaar ahaan IFO, XAGARDHEER iyo xeryo kale ayay ku dacdareysan yihiin, kuwona Yurub iyo Ameerika ayay galeen,  kuwii dalka gudihiisa u barakacayna Muqdisho ayay badankood  ku sugan yihiin oo xerooyinka dadka soo barakacay lagu xareeyay ayay ku jiraan, ilaa nidaam laga helayana suuragal ma aha in degaannadoodii ay dib ugu noqdaan.

 

Somaaljecel: Xildhibaan Inj. Cabdi Buulle Xuseen waad ku mahadsan tahay waqtiga aad inoo siisay inaanu ku xogwaraysanno.

 

Xildhibaan Inj.Buulle: Adaa mudan Caaqil Dalmar.

 

Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)

Dalmar@somaaljecel.com


© Copyright 2002 - 2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Copyright©2005 

Somaaljecel.com