|
Khilaafka
Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday
kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo
xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo
in la yeelo
|
Sat.
Feb 04, 2006 | Somaaljecel
By:
Cumar Faaruuq,
Tafaftiraha Hubaal Online
Madaxweynaha
dowladda federaalka KMG ah Cabdullaahi Yuusuf Axmed
iyo Ra’’isul Wasaare Geedi ayaa waxay doonayeen in
dowladdu ay fariisin ka kala dhigato magaalooyinka Jowhar
iyo Baydhabo maadaama ay magaalada Muqdisho tahay magaala
aan nabdooneyn, waa sida ay madaxdu soo jeediyeenee. Sidoo
kale C/llaahi Yuusuf iyo Cali Geedi waxaa ay qabeen in dalka
la keeno ciidamo nabadda suga kuwaas oo aan laga reebeynin
dalalka safka la isku yiraahdo ee Kenya, Ethiopia iyo
Djibouti.
Guddoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Adan iyo wasiiro awood ku
leh magaala madaxda Soomaaliya ayaa arrintaasi kasoo
horjeestay waxaana ay ku tilmaameen mid aan macquul aheyn oo
aan soconeynin. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku
tirtirsiiyay xukuumada in ay horkeento mashruucyada ku
saabsan halka loo guurayo iyo ciidamada shisheeye
baarlamaanka hortiisa.
Khilaafku
Waxaa uu Kasoo Bilowday Nairobi
Ugu
horeyntii waxaa uu khilaafka si rasmi ah uga dhex qarxay
golaha wasiirada oo shirkoodii inta ay isku fahmi waayeen
gaar ahaan cidda xaqqa u leh in ay shirka golaha wasiirada
fariisato tusaale ahaan, ma ra’iisul wasaaraha, ra’iisul
wasaare ku xigeenada iyo wasiirada kaliya mase intan oo lagu
daray wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada. Wasiiro u
badan kuwa Xamar hubka ku haysta ayaa ka horyimid Ra’iisul
Wasaare Geedi, waxaana ay ku andacoodeen in wasiiru
dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada aysan xaq u laheyn in ay
fariistaan shirka golaha wasiirada balse uu wasiirka koowaad
ku adkeystay in ay xaq u leeyihiin in ay kasoo qeyb galaan
shirka golaha wasiirada taasoo keentay in wasiirada hubeysan
isaga baxaan shirkii golaha wasiirada, Professor Cali
Max’ed Geedi-na uu sii shir guddoomiyay shirkii oo
gunaadkiisa lagu sheegay in lagu ogolaaday ciidamo nabad
ilaalin ah oo la keeno dalka, laakiin siyaasiyiinta hubeysan
ee wasiiradana ka ah dowladda ku tilmaameen go’aankan mid
waxba kama jiraan ah.
Khilaafkii
ma uusan sii qaboobin oo waxaa uu ku fiday baarlamaanka.
Kadib isqab-qabsi ku saabsan xiliga la qabanayo fadhiga
baarlamaanka iyo sida loo dhigayo mashruuca ay xukuumada soo
gudbisay ayaa waxaa lagu guuleystay in uu fadhigii
baarlamaanka qabsoomo. Balse markale ayuu khilaafkii cirka
isku shareeyay kadib markii 17-kii bishii Maarso ee 2005-ta ay
dagaalameen mudanayaasha baarlamaanka ayagoo kala aaminsan
labada fikir ee soo kala horjeeda. Shirka maalintan oo uu
shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka, goob joogna uu
ka ahaa ra’iisul wasaaraha ayaa buuq iyo fak fakasho
ayadoo lagu jiro waxaa la jabiyay dhaladii lagu codeyn lahaa,
dabadeed waxaa uu guddoomiyaha baarlamaanku amray in
gacantaag lagu codeeyo. Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu
watay shaqadiisa waxaana uu ku dhawaaqay natiijadii
codbixinta oo uu sheegay in ay u dhacday sidan:
|
Fadhiga
baarlamaanka waxaa fadhiya
|
217
mudane
|
|
Mudanayaasha
baarlamaanka ee ogol in la keeno ciidamo shisheeye
oo aysan ku jirin dalalka safka hore
|
156
mudane
|
|
Mudanayaasha
baarlamaanka ee ogol in la keeno ciidamo shisheeyo
kuwaasoo ay ku jiraan dalalka safka hore
|
55
mudane
|
|
Mudanayaasha
baarlamaanka ee ka aamusay
|
6
mudane
|
Hadabada
markii lagu dhawaaqay natiijadan ayaa waxaa isku jeestay
mudanayaashii baarlamaanka ee soo kala horjeeday ayaga oo
isla dhacay ulo iyo kuraastii ay ku fadhiyeen. Wasiirka 1aad
Professor Cali Max’ed Geedi ayaa waxba kama jiraan kasoo
qaaday go’aanka uu Shariif-ka ku dhawaaqay, waxaana uu
eedeyn usoo jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka oo xakamayn
waayay, waasida sida uu Geedi yiriyee, rabshada ka dhex
jirta baarlamaanka taasoo keentay in mudanayaal baarlamaan
isbitaalka la geeyo.
Maalinta
uu dhibkan dhacayay waxaa sidoo kale ku shirayay hotelka New
Stanley ee magaalada Nairobi wasiirada arrimaha dibadda ee
dalalka IGAD waxaa ayna u fadhiyeen in ay ka hadlaan arrinta
ku saabsan ciidamada la geynayo Soomaaliya. IGAD waxaa
dhabar jab ku noqotay warka ku saabsan is garaacidda iyo
go’aanka uu ku dhawaaqay Shariif Xasan kaasoo
xildhibaanada iyo wasiirada taageersan madaxweynaha iyo
ra’iisul wasaaraha u arkayeen mid waxba kama jiraan ah.
Soomaaliya oo uu maalintaas shirka wasiirada arrimaha
dibadda u fadhiyay wasiiru dowlada arrimaha dibadda Ibraahim
Jeebe ayaa waxaa ay IGAD go’aansatay in ay Soomaaliya u
dirto 1700 oo askari kuwaasoo ka socda dalalka Uganda iyo
Suudaan, dalalka kalena ee gobolka ay ka taageeraan dhinaca
saadka, taasoo markii dambe muran ay ka keeneen garabka
guddoomiyaha baarlamaanka, ayagoo ku tilmaamay in arrinta
saadka la siyaasadeeyay oo la doonayo in ay si kale dalalka
safka hore kusoo galiyaan.
Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf oo aan isla maalintii ay dhibtaan dhacday
aan ka hadlin ayaa maalintii xigtay u jeediyay golayaasha
iskhilaafsan ee dowladdiisa in ay isu yimaadaan oo ay
xaliyaan khilaafka u dhexeeya, waxaana uu C/llaahi Yuusuf
isku dayay in uu ka dhaadhiciyo Shariif Xasan in uu qabto
shir baarlamaan taasoo Shariifku sheegay in loo baahan yahay
in mudanayaasha baarlamaanka ee markaas ku maqnaa gudaha
dalka in ay kusoo xaroodaan magaalada Nairobi si shirka
loogu wada dhamaado balse taasi waa ay u cuntami weysay C/llaahi
Yuusuf waxaana uu go’aansaday in la qabto shirka
baarlamaanka maalin kadib wadahadalka guul-dareystay ee
Shariifka iyo C/llaahi Yuusuf.
Shirkan
oo uu isugu yeeray Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa
shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad Professor
Max’ed Cumar Dalxa ayadoo uu Guddoomiyaha baarlamaanku
joogay meel aan sidaa uga sii fogeyn halak uu shirka ka
dhacayay. Shirkan ayaa waxaa lagu sheegay in ay fadhiyeen
152 mudane kuwaasoo 145-tan mudane ogolaadeen in dowladu u
kala guurto Baydhabo iyo Jowhar inta laga nabadeynayo
magaalada Muqdisho halka 7 mudane ay ka aamuseen. Shariif
Xasan ayaa markiisa ku tilmaamay go’aankan waxba kama
jiraan maadaama uusan asaga shir guddoominin.
Arrintan
ayaa waxaa ay sii kala fogeysay golayaasha dowladda, waxaana
ay keentay in mudanayaal iyo wasiiro u huleelaan magaala
madaxda dalka, halka Ra’iisul Wasaare Geedi, Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf, Wasiiro iyo Xildhibaano u baqoolaan magaalada Jowhar
kadib markii xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade uu
sheegay in aysan dowladdu imaan karin Baydhabo oo uu asaga
ka taliyo, kulana taliyay in ay tagto caasimadda.
Khilaafkii
Waxaa uu Kusii Weynaaday Dalka Gudahiisa
Khilaafkan
u dhexeeya labada garab ee dowladda ee ay kala hogaaminayaan
Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan
waxaa kusii weynaaday dalka gudahiisa markii ay wada galeen
madaxdii dowladda isuna jirsadeen wax ka yar 100 Km.
Labada
garab waxaa ay isu adeegsadeen wax kasta oo suurta gal u ah
marka laga reebo awood ciidan, waxaana dagaalkooda u badnaa
dhinaca diblomaasiyada. Sidoo kale waxaa ay isugu jawaabi
jireen dhinaca saxaafadda ayaga oo mararka qaar isu
adeegsanayay erayo keenaya in ay wax sii kala fogeeyaan ma
ogiyee aan waxba isu keenaynin.
Ra’iisul
Wasaare Geedi ayaa waxaa uu dhowr jeer ku hanjabyay in
dowladdiisa aysan kusii jiri doonin wasiiro mucaarad in ay
yihiin caalamka u sheegaya. Wasiirada hubeysan ayaa iyagana
tilmaamay in aanan xil laga qaadi Karin oo ay ku fadhiyaan
awood qeybsi, haddii la isku dayo in xilka laga qaadana ay
dowladdii halkaas ku burburtay.
Wasiirada
hubeysan ee xamar jooga waxaa ay ku hanjabeen in shirka
wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD in uusan ka dhici Karin
Jowhar, waxayna IGAD u jeediyeen digniin taasoo keentay in
mar loo baajiyo hanjabaadaas darted, inkastoo markii dambe
la qabtay.
Sidoo
kale, wasiirka ganacsiga dowladda KMG Al-Xaaji Muuse Suudi
ayaa ku hanjabay in dayuuradii isku dayda in aysan kusoo
dagin garoomada Dayniile iyo Ceel Axmed baalasha ay ku
duusha ka arki doonto dhulka. Hadalkaan ayaa soo baxay kadib
markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay soo saareen amar ay
ku siinayaan dayuuradaha in aysan ku dagin garoomada
Dayniile iyo Ceel Axmed.
Madaxweynaha
iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ay ka qeyb galeen shirar
dhowr ah oo heer gobol iyo caalamiba leh waxaa ay ak
sheegayeen in dowladda la taageero waxaana ay beeninayeen in
dowladdu kala qeybsan tahay.
Guddoomiyaha
baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa uu ka qeyb galayay shirar
badan oo heer gobol iyo heer caalamiba ah waxaana uu
adduunka u sheegay in dowladdu kala qeybsan tahay loona
baahan yahay adduunka in ay ku taageeraan sidii ay isugu
imaan lahaayeen.
Saldhigga
Khilaafka Shariif Xasan iyo C/llaahi Yuusuf
Dadka
indha indheeya siyaasadda Soomaaliya waxaa ay sheegayaan in
labadan mas’uul khilaafka u dhexeeya uu wejiyo badan
leeyahay oo uu ku jiro xittaa khilaaf shaqsi ah.
Marka
ugu horeysa waxaa uu khilaafkooda labadan mas’uul soo
bilowday markii Sharrif Xasan u tartamayay jagadan uu hadda
hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka taasoo uu C/llaahi Yuusuf
ahaa shaqsiga sida weyn ugu ol-oleynayay Sheekh Aadan
Madoobe oo Shariifka la tartamayay. Waxaa la sheegayaa in ay
la aheyd Cabdullaahi Yuusuf wax aan macquul aheyn in
Shariifka ka guuleysto Sheekh Aadan Madoobe. Taasi waxaa ay
keentay in uu mad-madow soo kala dhexgalo Shariifka oo
amrkaas gaaray halkii uu
doonayay in uu xil ka qabto iyo Cabdullaahi Yuusuf markaas
doonayay in uu madaxweyne noqdo.
Intii
lagu guda jiray tartankii madaxweynanimada ayaa Shariif
Xasan waxaa uu ahaa siyaasiyiinta kasoo horjeeda C/llaahi
Yuusuf maadaama Shariifka markiisa si weyn looga soo
horjeeday, balse C/llaahi Yuusuf sidii Shariif oo kale ayuu
isna soo guuleystay. Balse in uu khilaaf ka dhexeeyo waxaa
laga garan karaa marka dib loo milicsado markii uu Shariifka
ku dhawaaqayay cidda ku guuleysatay xilka madaxweynanimada
Soomaaliya oo afkiisa marka hore soo dafay “Cabdullaahi
Axmed Cadow” balse markii dambe yiri “Cabdullaahi Yuusuf
Axmed” taasi waxaa lagu fasiray in Shariifka uusan niyadda
ka rabin C/llaahi Yuusuf.
Labada
nin ayaa khilaafkooda waxaa saameyn ku lahaa Ururka SRRC oo
jabhadaha ku bahoobay aaminsanaayeen in ay yihiin
isbahaysiga ugu awooda weyn siyaasadda Soomaaliya isla
markaana ugu badan xubnaha baarlamaanka, wixii ay doonaanna
ka yeeli kara hay’adaha dowladda. Tani waxay keentay in
Shariifka uu dareemo in uusan helin xurmadii uu istaahilay
sida guddoomiya baarlamaan maadaama uusan wax xiriir ah
laheyn isbahaysiga SRRC.
Sidoo
kale, waxaa lagu waramayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kala kulmayay quursi iyo yasmo
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Bulshada
Caalamka
Wasaarada
arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa war ay soo
saartay 3-dii Maarso 2005 ayay ku sheegtay in ay taageerayso
in nidaam uu ka dhismo Soomaaliya, waxayna ku dartay
warkeeda in ciidamada dowladaha deriska la ah Soomaaliya in
laga reebo maadaama ay la leeyihiin Soomaaliya dano sharci
ah. Maraykanka waxaa uu sidoo kale ku booriyay dalalka ka
shaqeynaya nabadda Soomaaliya in la xurmeeyo cunaqabateynta
hubka ee QM kusoo rogtay Soomaaliya.
Hay’adda
caalamiga ah ee ka shaqeysa ka hortaga colaadaha ee marka
magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaabo ICG ayaa sidoo kale
warqad furan oo ay u dirtay madaxda dalalka ku bahobay IGAD
ayay ku sheegtay in hurinayo colaadii Soomaaliya haddii la
geeyo ciidamo shisheeye oo aysan isla ogoleyn golayaasha
dowladda gaar ahaan ciidamo ka socdo dalalka safka hore.
Balse ICG waxaa markii ugu horeysay cambaareeyay shirkii
wasiirada arrimaha dibadda IGAD ay ku lahaayeen New Stanley
Hotel.
Qoraal
wada jir ah oo ay soo wada saareen Midowga reer Yurub iyo
dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dib u heshiisintii
Soomaaliyeed ay marayso meel halis oo u baahan in la
badbadaiyo.
Sidoo
kale dibloomaasiyiin fara badan oo ku sugan caasimadda Kenya
ee Nairobi ayaa walaac ka muujiyay ciidamada la geynayo
Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Kenya, Ethiopia
iyo Djibouti.
Bulshada
Caalamka ayaa intooda badan waxaa ay shuruud ugu dhigeen
taageero dhaqaale oo ay siiso dowladda in ay heshiiyaan oo
ay xaliyaan khilaafka u dhexeeya isuna yimaadaan, taas waxaa
ay keentay in ay dowladdu ay fadhiid noqoto tan iyo markii
lasoo doortay ee dabayaaqadii 2004-ta.
Dadaalka
Yemen
Dadaalka
ay waddo dowladda Yemen ayaa ahaa mid soo bilowday bishii
June 2005 ka gadaal markii madaxweyne Cali Cabdalla Saalax
uu martiqaaday madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha
baarlamaanka Shariif Xasan. Wadahadaladan ayaa noqday kuwa
lagu guul dareystay oo aysanw ax natiija ah kasoo bixin,
sababtuna waxaa ay noqotay labada mas’uul aan wax
tanaasulaad isu sameynin.
Mar
kale ayaa waxaa uu Cali Cabdalla Saalax martiqaad waxaa uu u
fidiyay Cabdullahi Yuusuf iyo Shariif Xasan si xal ay u
gaaraan.
Heshiiska
Cadan
Muqdisho
oo soo Dhaweyneysa Shariifka
Heshiiskan
oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa uu muujinayaa in uu jiro
isu soo dhawaan ka dhex dhacday labada mas’uul iyo guud
ahaan labada garab ee dowladda. Bayaanka ay kasoo wada
saareen Cadan waxaa uu tilmaamayaa in dowladda u guureyso
marka hore magaalada Baydhabo kadibna magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxay ku baaqeen uu baarlamaanku fariisto muddo
30 cisho ah gudahooda dalka Soomaaliya gudihiisa.
Shariifka
oo ka Khudbeynaya Madaxtooyada Soomaaliya
Haddii
uu heshiiskan meel maro waxaa ay noqonaysaa markii guu
horeysay
ee uu baarlamaanka federaaliga ah ee KMG ah ayaga oow ada
jira fariista gudaha Soomaaliya. In kastoo waxbadan oo u
baahnaa in al bayaaniyo aan lagu bayaaninin heshiiska lagu
kala saxiixday Cadan hadana waxaa la tuhun san yahay in uu
jiro heshiis akhyaareyd (Gentlemen Agreement) oo aanan la
dooneynin in wax waliba banaanka in lasoo dhigo si aysan
xasaasiyad u kicin. Haddii hay’adaha dowladda u fuliyeen
heshiiskan sida uu yahay waxaa meesha ka baxaya khilaafka
iyo muranka u dhexeeya madaxda dowladda ee sanadka ka badan.
Mudanayaasha
Baarlamaanka
Waxaa
Qoray Tifaftiraha Hubaal Online
|