 |
|
Xildhibaan
Muuse Nuur
Amiin "C/llaahi
Yuusuf wuxuu
rabaa in
dowladda uu ka
dhigto NGO uu
dibadaha kula
wareego"
|
|
Shabakadda
wararka Somaaljecel, Somaaljecel News Network (SNN), waxaa u
suuragashay inay wareysi aad u dheer la yeelato Xildhibaan Muuse
Nuur Amiin oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG, isla markaana
ka mid ahaa Guddigii soo diyaariyey Axdiga dowladda KMG ee dalka
kenya lagu unkay, wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxa
uu Xildhibaanku ku iftiiminayaa waxa sababay khilaafka u dhexeeya
xubnaha dowladda KMG ee Soomaaliya, sababta Madaxweynaha
Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed u diidan yahay
in dowladdu Muqdisho degto, howlaha nabadeynta ee Muqdisho ka
socda, iyo weliba arrimo kale oo aad kaga bogan doontaan wareysiga
oo u dhacay sidatan:
Somaaljecel
Network (SNN): Muddo 2-sano iyo bar ayaa shir dib u heshiisiin
Soomaaliyeed loo fadhiyey dalka Kenya, kaasoo siyaasiyiin,
hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa, hogaamiye dhaqameedyo,
aqoonyahannadii iyo waxgaradkii oo dhan ay ka qeyb galeen, iyadoo
shacabka Soomaaliyeedna ay ku taamayeen in shirkaasi dowlad loo
dhan yahay oo aan khilaaf laheyn ka dhalato, markii dowladdii ay
dhalatay waxaa isla markiiba soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex
galay xubnihii dowladda wada dhistay ee gogosha nabadeynta muddada
dheer u fadhiyey dhismaha dowladdaas, haddaba maxaa dhaliyey
khilaafkaas bal faahfaahin dhameystiran inaga sii?.
Muuse
N.Amiin: Bismillaahi raxmaani raxiim, Xukuumadda Soomaaliya u
dhisantay marka hore wey ka duwan tahay dowladaha caadiga ah,
waayo waa dowlad isu geyn ka abuurantay, waa xukuumad ka kooban
ururo siyaasadeed ama isbahaysiyo kala duwan oo kala
aaminsanaa fikrado kala duwan isla markaana colaado ba'an ay ka
dhex dheceen, fikradihii la isku diidanaa ee horey ururadaa iyo
isbahaysiyadaa u kala qabeen mar waliba way jireen oo intii uu
shirku socday waa la isku qabanayay, laakiin waxaa lagu dedaalay
in la isu soo dhaweeyo, marka fikradahaas oo hadda dib u soo if
baxay ayaa sal u ah khilaafaadyada jira iyo fikradaha kala duwan
ee mar walba la isku qabanayo.
SNN:
Een, maadaama hogaamiye kooxeedyada iyo siyaasiyiinta kaleba
iyagoo raali ah ay dowladda dhidibada u taageen, isla markaana ay
doorteen Baarlamaan, Madaxweyne, Xukuumad ay ku idil yihiin
hogaamiyeyaashii dagaalka isaga soo horjeeday la dhisay, ayna u
dhaarteen dalka iyo dalka maxaa keenay is diidka iyo
khilaafka, ileyn iyagoo raali ah ayay dowladda dhiseene?
Muuse
N.Amiin: Taas waa sax oo waa jirtaa in dowladdii federaalka
Soomaaliya la dhamaystiray oo beelbeel wax loo qeybsaday,
doorashadana lagu saleeyay qaab 4.5 ah, balse awood qeybsiga sida
loo maleynayo si sax ah oo daacadnimo ku saleysan uma uusan dhicin,
waayo Wasiirada iyo Wasiir ku-xigeennada 80% hab Isbahaysi ku
dhisan ayaa loo magacaabay oo waxaa sed bursi ku helay Isbahaysiga
SRRC oo madaxweynuhu uu ka tirsanaa, taana waxay keentay in uu
khilaaf ka dhasho oo mar walba aan waxba lagu heshiisiin, waayo
wasiiradii iyo Wasiir ku-xigeennadii Isbahaysiga SRRC ka tirsanaa
waxay bilaabeen inay dhinac isla maraan oo dowladdii ay Isbahaysi
u bedelaan, Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaruhuna isbahaysigaasi
SRRC ee xubnaha dowladda ku jira ay u adeegsadaan awood kasta oo
ay fulinayaan, kuna maquuniyaan wax walba, waxaadna mooddaa in la
iloobay barnaamijkii dib u heshiisiinta oo loo dhaqmayo sidii
Xisbi guuleystay oo kale, khilaafka salkiisuna waa sidii si sharci
ah loogu dhaqmi lahaa axdiga iyo dastuurka lawada dhistay, waxaana
xadgudubka jira ka mid ah:- sida Axdigu dhigayo Xukuumaddu waa
Wasiirada oo wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru-dowlayaasha kama mid
aha, laakiin axdigii waa la laalay oo waxaa meesha la keensaday oo
shirarkii Wasiirada la soo fariisiyey Wasiir ku-xigeennada iyo
Wasiiru dowlayaasha si codbixinta loogu buuxsado, xilalka waaweyn
ee ilaa iyo hadda la magacaabayana sharci kuma dhisna, waayo
wasiir ku-xigeen iyo Wasiiru-dowlo aan codba lahayn
ayaa cod la siiyey, taana waxay ka dhigan tahay inaan
sharciga iyo ku dhaqankiisa la rabin, waxayna arrintaasi sahashay
in Caasimadda laga bedelo Muqdisho oo ay rabaan Jowhar iyo
Baydhabo in la dego, lama diidana in Jowhar iyo Baydhabo la tago
oo goor kasta ayaa la tegi karaa, laakiin axdigu wuxuu dhigayaa in
Caasimadda Muqdisho tahay, sidoo kale Ciidamo shisheeye in
la keeno gaar ahaan kuwa safka hore ayay ansaxdeen, taasna
Baarlamaanka KMG ayaa 17-kii Maarso ee sanadkan diidey, marka
haddii Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Saddexda dal ee safka hore
uu diiday 240 dowladood oo kale ayaa jiree maxaa Saddexdan dal oo
Baarlamaanku diidey loogu dhegan yahay, macnuhu waa iska cad yahay
oo ujeeddo ayaa laga leeyahay dowladaha safka hore siiba Itoobiya
oo la ogyahay inaysan rabin in Qarannimada iyo sharafta
Soomaaliyeed soo laabato, ilaa iyo haddana in ka baxan Lix Milyan
oo Soomaali ah ayay Itoobiya gumeysataa, kala bar oo bar
dhulka Soomaaliyeedna xoog ayay ku heystaa, kuwo kale xoog ayay ku
soo gashaa oo sidey doonto u maamulataa, marka kuwa Itoobiya
doonaya inay Soomaaliya soo gasho inta hartay inay gumeysato ayay
doonayaan, taas ayaana keentay in lagu kala qeybsamo oo dowladdii
KMG ee muddada 2-da sano iyo barka dhismaheeda loo fadhiyey labo
garab noqoto, garab doonaya Itoobiya iyo in Caasimadda Muqdisho
laga wareejiyo iyo garab kale oo labadaas arrimood ka soo horjeeda.
SNN:
Mudane, dowladda Itoobiya kuma jirto ayaa la yiri ciidamada
imaanaya oo waxa kaliya oo hadda soo gelaya Soomaaliya ciidamo ka
socda dalalka Suudaan iyo Yugandha, marka taas sow mid la iku
raaci karo ma aha?
Muuse N.Amiin: Habeen dhaweyd mar uu Madaxweynuhu wareysi
bixinayay ayaa wuxuu ku adkeystay in ciidamada imaanaya Soomaaliya
ay kuwa Itoobiya ka mid noqonayaan, Ra'isal wasaaraha Itoobiya
Melles Zenawi-na wareysi Wakaaladda Wararka AP ay kol dhow la
yeelatay wuxuu ku sheegay in ciidamadooda Soomaaliya ay
gelayaan isagoo sababta ku sheegay is difaac, ma garanayo waxa ay
iska difaacayeen oo weerarka ku ahe, taas oo uu uga dayanayo
dowladda Mareykanka oo inta dalal ka fogfog ku duusho
tiraahda danaheena ayaan ku difaacanaynaa, anaga iyo Itoobiya waan
is naqaanaa oo dagaallo adag ayaa ina dhex maray, waana cadowga
Koowaad ee Soomaaliya, marka cidda ku doodeysa Itoobiya ayaan
keenayaa ujeeddo gaar ah in ay ka leedahay cidna daah kama saarna.
SNN:
Xildhibaannada iyo Wasiirada is diidan ee dowladda KMG ee ku kala
sugan Muqdisho iyo Nayroobi sow lama dhihi karo qolo waliba waxay
loolan siyaasadeed ugu jirtaa sidii dhinacooda tiro badan u
heli lahaayeen oo haddiiba tirada Kooramka uu u
buuxsamo ay xil ka qaadis xubnaha dhinaca kale ugu sameynayaan?
Muuse
N.Amiin: Hadalkaas Suuqa ayuu ku jiraa oo in badan
buu dhahayga soo gaaray, laakiin waa ku tiri-ku-teen aan waxba ka
jirin, anaga waxaa Muqdisho u joognaa inaan wax dhisno mooyee
inaan wax duminno uma joogno, inkastoo Madaxweynaha iyo
Ra'isal wasaaraha ay shuruuc badan ku xadgudbeen, axdigiina
ku tunteen haddana ma qabo in xilka laga qaado oo xitaa haddii
xubnaha
xildhibaannada Baarlamaanka KMG ee 275-ta ah ay
isku raacaan in Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaare Geeddi xilka ka
qaadaan aniga kuma raacayo oo lama qabo taa, waayo haddii hadda
wax la burburiyo waxaa adkaanaysa sidii wax lagu dhisi lahaa,
taana waxay keeneysaa in meesha lagu kala tago oo Soomaali aysan
wax dambe u dhismin, Nin fallaar Caloosha iyo salka dambe ay ugu
taagan tahay ayaa la yiri "Middee lagaa hor bixiyaa?"
markaasuu yiri "Marka hore aan fariistee midda salka iiga
taagan haleyga siibo" marka in wax la xaliyo mooyee in wax la
burburiyo anigu waan ka soo horjeedaa.
SNN:
Maadaama khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole ee dowladda KMG,
labada dhinacna ay aad u kala fikrad duwan yihiin ma jiraan
siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahanno labada dhinac ee is
khilaafsan ka madax bannaan oo waanwaan iyo dhexdhexaadin idinka
dhex wadda, ileyn ummaddii idinka dhur sugeysay muddada 2-da sano
iyo barka dowlad shaqeysa oo aan khilaaf lahayn ayay idinka
sugayaane?
Muuse
N.Amiin: Wey jiri karaan, balse hadda ma jirto waanwaan socota
iyo cid isku dayday.
SNN:
Haddii la idiin soo jeediyo dhiniciina Muqdisho ku sugan in
waanwaan la idinka dhex sameeyo, si khilaafka jira loo dhammeeyo
ma ogolaanaysaan?
Muuse N.Amiin: Ilama aha in waanwaan la sameyn karo,
waana lagu daalayaa haddii la yiraahdo waanwaan ayaa la sameynayaa,
waayo anigu waxaan qabaa inaanba la xalin karin khilaafka ka
dhex taagan labada Gole ee dowladda KMG Soomaaliya in labada
dhinac ee fikirka isku diidan mid ka mid ah ay tanaasul sameyso
mooyaane, waayo waxaa la isku hayaa Amxaaro ayaan dalka Soomaaliya
soo gelineynaa iyo Caasimadda ayaan Muqdisho ka bedeleynaa iyo
qolo dhahaysa Amxaaro ma rabno oo waa cadowga dalka iyo dadka
Soomaaliyeed, Caasimaddana Muqdisho laga bedeli maayo oo Axdiga
Qaranka ayaa taa diidaya, marka inta labadaas fikradood lagu kala
dhegan yahay wax xal ah lama gaari karo in dhinac ka mid ah
dhinaca kale uu u tanaasulo mooyaane.
SNN:
Marka sow taasi looma fasiran karo labo dowladood oo KMG ah
ayaa jireysa oo midna Muqdisho ka howl gasha, midna magaalooyinka
Jowhar iyo Baydhabo, shacabkuna sow rajo beel taa uma aha?.
Muuse
N.Amiin: Waxaan aaminsanahay in khilaafka jira uusan sii raagi
doonin, waayo labada dhinac dhinaca xaqa ku taagan oo axdiga iyo
shuruucda dalka u degsan ilaalinaya ayaa guuleysanaya, weyna iska
muuqataayoo Muqdisho ayaa loo soo dhuranayaa oo in ka badan 100
xubnood oo dowladda KMG ka tirsan ayaa hadda ku sugan, kuwa yar ee
hareyna waxaan ugu baaqaynaa inay Muqdisho yimaadaan, waxaana u
sheegeynaa in si diiran Muqdisho loogu soo dhaweynayo, waayo
anagaba si layaab leh oo kalgacal ku jiro ayaa naloo soo dhaweeyay
anaga iyo iyagana kala fadli badnin, magaalada Muqdishona cid gaar
u leh ma jirto, waxaana leeyahay bulshada aad u dhaarateen wey
idin danaynaysaa, wey idiin jeceshahay, inaad wax muuqda u
qabataan ayay doonayaan, siyaasiga sharciyada u degsan ayayna ka
mid tahay inuu gar qaato haddii ay u muuqato in laga gar leeyahay,
siyaasiga iska daaye
qof kasta oo laga gar leeyahay ayay tahay inuu gar
qaato, aniga waxaanba u arkaa in barnaamij siyaasadeed
uu yahay sababta lagu diidan yahay imaanshaha Muqdisho.
SNN:
Nabadeynta G/Banaadir ka socota sow lama oran karo waa mid aad ku
xumeynaysaan Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha iyo inta raacsan
oo aad ka waddaan Muqdisho waa nabade ha yimaadaan?.
Muuse
N.Amiin: Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya haddii ay nabad
noqoto gobollada inteeda kalena way nabadoobayaan, ujeeddaduna
sidaa ma ahee Muqdisho in dowladdu soo degto oo Caasimadda
dowladda laga maamulo ayaanu dooneynaa, qorshayaguna wuxuu yahay
in hubka laga arruuriyo Muqdisho, maleeshiyooyinkana la tababaro,
isbaarooyinka la qaado, Saldhigyada Booliska la howl geliyo,
xabsiyadii la dayactiro, maxkamadihiina la dhiso, si qofkii dambi
laga galo halkii uu qoriga ka adeegsan jiray uu sharciga adeegsado,
nidaamka Muqdisho laga hirgelinayo waa middaas, guulo badanna waa
la soo hooyay oo mudda 15-maalmood ayay maleeshiyooyinka Muqdisho
ka maqan yihiin oo xerooyinka Hiilweyne iyo Laantabuuro ku
xareysan yihiin, sidoo kale maleeshiyooyin iyo Tikniko ay
leeyihiin Ganacsatada shirkadda Banaadir ee dekadda Ceelmacaan
maamusha iyagana waxaa dhawaan lagu xareeyay Xerada loo
yaqaano Geed-Timir, marka howshu way socotaa, wacyigelin badanna
waanu wadnaa, Insha Allaah arrimahaas waa lagu guuleysanaynaa,
rajaduna way soo muuqanaysaa haddaba, Caalamkuna wuu sheegay in
Muqdisho haddii aan la degin oo dowladda Muqdisho ka howl gelin
aanay dhaqaalo isaga bixineyn, marka anagana dadaalkaas ayaanu
wadnaa Ilaah ha inagu garab galee.
SNN:
Dadka Muqdisho waxay aaminsan yihiin inaysan arrimahan daacad ka
ahayn Hogaamiyeyaasha dagaalka ee wasiirada u dalacay, waayo waxaa
looga bartay 14 sano iyo dheeraad wax burburin iyo heshiisyo badan
oo ay gaareen inay horey u fulin waayeen, marka sow lama dhihi
karo arrinta ay wadaan waa Awr-kacsi?
Muuse
N.Amiin: Halkudhig ayuu iska noqday Hogaamiye Kooxeedyada lama
aamini karo iyo ujeeddo gaar ah ayay ka leeyihiin iyo hadallo
kale, laga soo bilaabo Madaxweynaha hogaamiye kooxeed
ayuu soo ahaa, sida la ogyahayna 5 ilaa 6 jeer iyadoo
shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida Kenya loo fadhiyo ayuu ka
soo baxayay oo degaannadiisa dagaallo ka soo fulinayay marka maxay
tahay sababta isaga loo aaminay oo kuwa Muqdisho loo aamini la'
yahay, marba haddii ay iyagii dhahayaan wax baan nabadeynaynaa,
hubkaan magaalada Muqdisho ka saareynaa, ciidamadaan mideynaynaa
waa in la aaminaa.
SNN:
Madaxweynaha wuxuu in badan ku dooday oo weliba ku
celceliyey in arrinta ay Muqdisho ay ka wadaan Xubnaha labada Gole
ee dowladda KMG gaar ahaan kuwa hubeysan aan lagu kalsoonaan karin
oo hogaamiye kooxeed kasta haddii uu ciidamadiisa u
baahdo uu u yeeran karo ama xerada kala soo bixi karo, wuxuuna soo
jeediyey haddii ay run sheegayaan oo howsha ay wadaan daacad ka
tahay
in gacan saddexaad Ciidamada iyo hubkaba loo dhiibo,
sow arrin sax u muuqata ma aha taa?
Muuse
N.Amiin: C/llaahi Yuusuf hadalkiisa ah ah gacan Saddexaad
haloo dhiibo hubka iyo maleeshiyooyinka Muqdisho ma fahmin waxa uu
uga dan leeyahay, waayo gacan Saddexaad wuxuu ula jeedaa ciidamo
shisheeye, Ciidamana ma soo socdaan hadda oo Suudaan oo ka mid ah
dalalka la sheegay inay Ciidamadeeda Soomaaliya tagayaan waxay
sheegtay inaysan haatan diyaar u ahayn Ciidamo ay Soomaaliya geyso
oo dhaqaale aan loo heynin, shaki ayayna ka muujiyeen
ciidamo keenista, Qaramada Midoobay weli ma ogolaan inay
ogolaanaysana lama hubo, marka gacan Saddexaad ma wuxuu ula
jeedaa maleeshiyada Muqdisho haloo gacan geliyo beelaha kale sida
Digil iyo Mirifle, Daarood, Dir, taas isaga ayaa la weydiinayaa,
maadaama uu ogyahay in gacan Saddexaad Ciidan shisheeye uun uu
yahay Ciidan shisheeyana aanu soo socon ma iska fadhinnaa oo
yaan waxba la qaban miyaa ujeedku, taas ayuu C/llaahi Yuusuf rabaa,
ujeeddada uu ka leeyahayna waxay tahay in dowladda NGO laga
dhigto oo bannaananka lala wareego.
SNN:
Sow lama dhihi karo maleeshiyooyinka Ganacsatada Shirkadda
Banaadir ay xareeyaan waa hal Jufo kaliya iska daa hal qabiile,
iyagoo weliba degay xero ku dhow dekadda Ceel-macaan oo ay ka howl
geli jireen meel aan ka fogeyn, iyadoo aanay jirin tashi iyo
go'aanno xubnaha labada Gole iyo ganacsatadaasi ay ka
yeesheen arrinta ciidamadaas, marka Ciidamadaasi sow lama dhihi
karo xiriir lama laha howsha aad Muqdisho ka waddaan oo waa kuwo
iskood ay ganacasato u xareysteen, markay doonaana la bixi karaan?
Muuse
N.Amiin: Wax walibana bilow ayay leeyihiin, Ganacsatada
shirkadda Banaadir howsha ay qabteen waa bilow fiican, marka hore
maleeshiyadooda ayay isugu geeyeen Xerada Geed-Timir, ma xuma inay
hal jufo yihiin, laakiin marka hore laguma degdegayo in
maleeshiyo 14 sano iyo bar dagaal isaga soo horjeedday oo fikrado
kala duwan kala aaminsanaa in mar kaliya Xero la isugu keeno,
waxaaba taa ka dhici kara dagaal kedis ah oo labo shalay is dishay
ama dad iska dishay iyagoo hubeysan marka la isugu geeyo, iyagi
ayay ka bilaaban kartaa oo meeshii nabadeyn laga raadinayay dagaal
ka abuurmi karaa, kadib haddii sidaa dagaal ku bilowdo kuwii
xerooyinka kale ku xareysnaa way soo firxanayaan oo dagaal
qabiilaadkaa ka qeyb qaadanayaan, marka si ay taasi u dhicin
kuwii isku qabiilba ah hal meel ayaa la isugu geynayaa kadib ayaa
wacyigelin la sameynayaa, waxaa ku xigeysa in kuwo kale lagu
dhafo, qorshaha la wadana wuxuu yahay in marka hore
maleeshiyooyinku is bartaan, Gaarigii Tikniko ee ay saaran tahay
10 Maleeshiyo oo isku jufo ah 2 ama 3 kaliya ayaa lagu soo
reebayaa, inta kale maleeshiyooyin beelo kale ka soo jeeda ayay
noqonayaan, sidaas ayaa la isugu milmayaa, maleeshiyooyinkii
ku saaxiibayaan, hal weel wax kuwada cunayaan, sheeko wadaag
noqonayaan, sidaasna ku walaaloobayaan, wacyigelin iyo tababarna
wuu u socdaayoo isbedel in muddo gaaban gudihii uu ku yimaadoa
ayaan rajeynayaa.
SNN:
Waxaa jira hadal heyn ah in hogaamiyaasha Kooxaha ay qaadayaan
isbaarooyinka Muqdisho, waxaadna mooddaa in afka oo kaliya laga
sheegsheegayo, marka goormaa la bilaabayaa isbaarooyinkaas(baraha
koontarool ee lacagaha baadda ah looga qaato baabuurta safarka iyo
dadkaba), sidoo kale
waxaa jira isbaarooyinka kale oo u yaala
maleeshiyooyin ka madax bannaan hogaamiyaasha, marka kuwaasna
sidee ka yeeleysaan?.
Muuse
N.Amiin: Howluhu wey kala horreeyaan, hadda waxaa lagu
guuleystay in Muqdisho laga xareeyo hubka iyo maleeshiyooyinka,
arrinta Isbaarada waa qorshaha labaad ee lagu dhaqaaqayo, iyana
todobaadkan gudihiisa inay bilaabato ayaa lagu wadaa. Midda
maleeshiyooyinka kale ee iskood u madax bannaan iyagana waa loo
caqli celinayaa, waa la waaninayaa, wax baa loo sheegayaa, si
caqliyan baa looga wareejinayaa, xoog looma adeegsanayo wax dagaal
ah laguma qaadayo, marnaba ma dhacayso in xoog wax lagu xaliyo,
waxaana hubaa haddii saaxiibadood kale ay isbaarada qaadaan inay
iyaguna ku dayan doonaan.
SNN:
Waxaa kaloo jira ciidamo ay leeyihiin ganacsato oo ka badan kuwa
hogaamiyaasha Kooxaha, sidoo kale ciidamada Maxkamadaha Islaamiga
iyaguna wey jiraan, waxayna sheegeen inaysan iyagu ka mid ahayn
ciidamadooda kuwa la xareynayo oo ay iskood u madax bannaan yihiin,
ma jiraa qorshe gaar ah oo ciidamadaas, gaar ahaan kuwa
Maxkamadaha Islaamiga aad u dejiseen?.
Muuse
N.Amiin: Maxkamadaha Islaamiga iyo Ganacsatada waxaa
lala sameeyay xiriir oo waxaa jira Guddi labada xubnood ee
dowladda ka tirsan oo arrintaas loo xil saaray, kulamo badan
ayaana lala yeeshay, howshooduna meel wanaagsan ayay mareysaa,
waanwaan iyo wadahadalna wuu socdaa, iyagana waxaan rajeynayaa in
ay ogolaan doonaan howlaha nabadeynta ee Muqdisho laga wado, run
ahaantii ma xaqireyno howlaha ay Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ka
qabteen, mushkilado badan ayay Muqdisho ka xaliyeen, waxaana dhihi
karaa wey dadaaleen, anagana dadaalkii baan dhinac ka wadnaa,
inaan dadaalka wadaagno ayaanu dooneynaa, waxyaabo badan oo ka
dhiman baa jira, howlahooduna waxay u badnaayeen dad is dacweynaya
inay u kala gar qaadaan, marka iyagana waxaan rajeynayaa in
wadahadalka lala wado uu miro dhalo, midda ganacsatadana hadda
ganacsatadii shirkadda banaadir ayaa bilaabay xareynta
maleeshiyooyinkooda, kuwa kalena way ku soo xigaan, howshuna ku
soo booddo ma ahee, tartiib tartiib ayaa loo wadaa, insha Allaah
guul inay ku dhammaadaan ayaana rajeynayaa.
SNN:
Maxaad kala socotaa Wasiirada ka tirsan dowladda KMG ee Itoobiya
ku sugan?
Muuse
N.Amiin: Aniga lama socdo wasiiro ka tirsan dowladda KMG oo
Itoobiya jooga, saxaafadda ayaanse ka maqlaa, laakiin haddii ay
ogaan lahaayeen dastuurka iyo Sharciga dalku waxa uu ka qabo la
xiriiridda iyo la shaqeynta cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed
kuma aysan dhaqaaqin arrintaas, hadda kahor sanadkii 1968-dii
Wasiirkii daakhiliga dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Ducaale oo
xiriir la sameeyay askari sirdoon itoobiya ah xilkiisii ayuu
ku waayay, marka sharciga ka yaala arrintaas maba oga wasiiradaas,
laakiin goorey ahaataba waa lala xisaabtami doonaa.
SNN:
Gobolka Hiiraan labo maamul gobolleed ayay ka sameeyeen labo
shaqsi oo ka soo wada jeeda dhinaca Bariga Hiiraan, sida laga war
hayana maamulka uu hogaamiyo Laqanyo hub ayay dhawaan soo siisay
dowladda Itoobiya, ciidamo maleeshiyana ahna Itoobiya
ayaa u soo tababartay, adigana waxaad ka soo jeeddaa dadka dega
gobolkaas marka arrintaas maxaad kala socotaa?
Muuse
N.Amiin: Arrintaas hadda
inaan ka hadlo diyaar uma ahi.
SNN:
Dadka aad metesho ee degan gobollada kala duwan ee Soomaaliya,
gaar ahaan Hiiraan, Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo degaannada
kale maxaa qorshe ah oo aad u heysaan?
Muuse
N.Amiin: Dadkaas waa dad nabadda jecel oo doonaya inay helaan
dowlad, waa dad xoolo dhaqato ah oo degaanno badan u daaq taga,
dalka in dib u heshiisiin ay ka dhacdo ayay aad u danaynayaan,
waxa ay ummadda Soomaaliyeed qabto ayayna la qabaan.
SNN:
Xildhibaan Muuse Nuur Amiin waad ku mahadsan tahay waqtiga aad
inoo siisay inaanu ku xogwaraysanno.
Muuse
N.Amiin: Adaa mudan Dalmar.
Cabdiraxmaan
Cumar Madoobe (Dalmar)
Dalmar@somaaljecel.com
|