The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of "Somaaljecel News Network"

Xildhibaan Muuse Nuur Amiin "C/llaahi Yuusuf wuxuu rabaa in dowladda uu ka dhigto NGO uu dibadaha kula wareego” (Khilaafka u dhexeeya xubnaha dowladda KMG lama xalin karo ilaa laga qaadanayo hal fikir mooyaane) -Wareysi xiiso badan

Xildhibaan Muuse Nuur Amiin "C/llaahi Yuusuf wuxuu rabaa in dowladda uu ka dhigto NGO uu dibadaha kula wareego"

Shabakadda wararka Somaaljecel, Somaaljecel News Network (SNN), waxaa u suuragashay inay wareysi aad u dheer la yeelato Xildhibaan Muuse Nuur Amiin oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda KMG, isla markaana ka mid ahaa Guddigii soo diyaariyey Axdiga dowladda KMG ee dalka kenya lagu unkay, wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxa uu Xildhibaanku ku iftiiminayaa waxa sababay khilaafka u dhexeeya xubnaha dowladda KMG ee Soomaaliya, sababta Madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed u diidan yahay   in dowladdu Muqdisho degto, howlaha nabadeynta ee Muqdisho ka socda, iyo weliba arrimo kale oo aad kaga bogan doontaan wareysiga oo u dhacay sidatan:

 

Somaaljecel Network (SNN): Muddo 2-sano iyo bar ayaa shir dib u heshiisiin Soomaaliyeed loo fadhiyey dalka Kenya, kaasoo siyaasiyiin, hogaamiye kooxeedyadii hubeysnaa, hogaamiye dhaqameedyo, aqoonyahannadii iyo waxgaradkii oo dhan ay ka qeyb galeen, iyadoo shacabka Soomaaliyeedna ay ku taamayeen in shirkaasi dowlad loo dhan yahay oo aan khilaaf laheyn ka dhalato, markii dowladdii ay dhalatay waxaa isla markiiba soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay xubnihii dowladda wada dhistay ee gogosha nabadeynta muddada dheer u fadhiyey dhismaha dowladdaas, haddaba maxaa dhaliyey khilaafkaas bal faahfaahin dhameystiran inaga sii?. 

 

Muuse N.Amiin: Bismillaahi raxmaani raxiim, Xukuumadda Soomaaliya u dhisantay marka hore wey ka duwan tahay dowladaha caadiga ah, waayo waa dowlad isu geyn ka abuurantay, waa xukuumad ka kooban ururo siyaasadeed ama  isbahaysiyo kala duwan oo kala aaminsanaa fikrado kala duwan isla markaana colaado ba'an ay ka dhex dheceen, fikradihii la isku diidanaa ee horey ururadaa iyo isbahaysiyadaa u kala qabeen mar waliba way jireen oo intii uu shirku socday waa la isku qabanayay, laakiin waxaa lagu dedaalay in la isu soo dhaweeyo, marka fikradahaas oo hadda dib u soo if baxay ayaa sal u ah khilaafaadyada jira iyo fikradaha kala duwan ee mar walba la isku qabanayo.

 

SNN: Een, maadaama hogaamiye kooxeedyada iyo siyaasiyiinta kaleba iyagoo raali ah ay dowladda dhidibada u taageen, isla markaana ay doorteen Baarlamaan, Madaxweyne, Xukuumad ay ku idil yihiin hogaamiyeyaashii dagaalka isaga soo horjeeday la dhisay, ayna u dhaarteen dalka iyo dalka  maxaa keenay is diidka iyo khilaafka, ileyn iyagoo raali ah ayay dowladda dhiseene?

 

Muuse N.Amiin: Taas waa sax oo waa jirtaa in dowladdii federaalka Soomaaliya la dhamaystiray oo beelbeel wax loo qeybsaday, doorashadana lagu saleeyay qaab 4.5 ah, balse awood qeybsiga sida loo maleynayo si sax ah oo daacadnimo ku saleysan uma uusan dhicin, waayo Wasiirada iyo Wasiir ku-xigeennada 80% hab Isbahaysi ku dhisan ayaa loo magacaabay oo waxaa sed bursi ku helay Isbahaysiga SRRC oo madaxweynuhu uu ka tirsanaa, taana waxay keentay in uu khilaaf ka dhasho oo mar walba aan waxba lagu heshiisiin, waayo wasiiradii iyo Wasiir ku-xigeennadii Isbahaysiga SRRC ka tirsanaa waxay bilaabeen inay dhinac isla maraan oo dowladdii ay Isbahaysi u bedelaan, Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaruhuna isbahaysigaasi SRRC ee xubnaha dowladda ku jira ay u adeegsadaan awood kasta oo ay fulinayaan, kuna maquuniyaan wax walba, waxaadna mooddaa in la iloobay barnaamijkii dib u heshiisiinta oo loo dhaqmayo sidii Xisbi guuleystay oo kale, khilaafka salkiisuna waa sidii si sharci ah loogu dhaqmi lahaa axdiga iyo dastuurka lawada dhistay, waxaana xadgudubka jira ka mid ah:- sida Axdigu dhigayo Xukuumaddu waa Wasiirada oo wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru-dowlayaasha kama mid aha, laakiin axdigii waa la laalay oo waxaa meesha la keensaday oo shirarkii Wasiirada la soo fariisiyey Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru dowlayaasha si codbixinta loogu buuxsado, xilalka waaweyn ee ilaa iyo hadda la magacaabayana sharci kuma dhisna, waayo wasiir ku-xigeen iyo Wasiiru-dowlo aan codba lahayn    ayaa cod la siiyey, taana waxay ka dhigan tahay inaan sharciga iyo ku dhaqankiisa la rabin, waxayna arrintaasi sahashay in Caasimadda laga bedelo Muqdisho oo ay rabaan Jowhar iyo Baydhabo in la dego, lama diidana in Jowhar iyo Baydhabo la tago oo goor kasta ayaa la tegi karaa, laakiin axdigu wuxuu dhigayaa in Caasimadda Muqdisho tahay,  sidoo kale Ciidamo shisheeye in la keeno gaar ahaan kuwa safka hore ayay ansaxdeen, taasna Baarlamaanka KMG ayaa 17-kii Maarso ee sanadkan diidey, marka haddii Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya Saddexda dal ee safka hore uu diiday 240 dowladood oo kale ayaa jiree maxaa Saddexdan dal oo Baarlamaanku diidey loogu dhegan yahay, macnuhu waa iska cad yahay oo ujeeddo ayaa laga leeyahay dowladaha safka hore siiba Itoobiya oo la ogyahay inaysan rabin in Qarannimada iyo sharafta Soomaaliyeed soo laabato, ilaa iyo haddana in ka baxan Lix Milyan oo Soomaali ah  ayay Itoobiya gumeysataa, kala bar oo bar dhulka Soomaaliyeedna xoog ayay ku heystaa, kuwo kale xoog ayay ku soo gashaa oo sidey doonto u maamulataa, marka kuwa Itoobiya doonaya inay Soomaaliya soo gasho inta hartay inay gumeysato ayay doonayaan, taas ayaana keentay in lagu kala qeybsamo oo dowladdii KMG ee muddada 2-da sano iyo barka dhismaheeda loo fadhiyey labo  garab noqoto, garab doonaya Itoobiya iyo in Caasimadda Muqdisho laga wareejiyo iyo garab kale oo labadaas arrimood ka soo horjeeda.

 

SNN: Mudane, dowladda Itoobiya kuma jirto ayaa la yiri ciidamada imaanaya oo waxa kaliya oo hadda soo gelaya Soomaaliya ciidamo ka socda dalalka Suudaan iyo Yugandha, marka taas sow mid la iku raaci karo ma aha?

 

Muuse N.Amiin: Habeen dhaweyd mar uu Madaxweynuhu wareysi bixinayay ayaa wuxuu ku adkeystay in ciidamada imaanaya Soomaaliya ay kuwa Itoobiya ka mid noqonayaan, Ra'isal wasaaraha Itoobiya Melles Zenawi-na wareysi Wakaaladda Wararka AP ay kol dhow la yeelatay  wuxuu ku sheegay in ciidamadooda Soomaaliya ay gelayaan isagoo sababta ku sheegay is difaac, ma garanayo waxa ay iska difaacayeen oo weerarka ku ahe, taas oo uu uga dayanayo dowladda Mareykanka oo inta dalal ka fogfog ku duusho  tiraahda danaheena ayaan ku difaacanaynaa, anaga iyo Itoobiya waan is naqaanaa oo dagaallo adag ayaa ina dhex maray, waana cadowga Koowaad ee Soomaaliya, marka cidda ku doodeysa Itoobiya ayaan keenayaa ujeeddo gaar ah in ay ka leedahay cidna daah kama saarna.

 

SNN: Xildhibaannada iyo Wasiirada is diidan ee dowladda KMG ee ku kala sugan Muqdisho iyo Nayroobi sow lama dhihi karo qolo waliba waxay loolan siyaasadeed ugu jirtaa  sidii dhinacooda tiro badan u heli lahaayeen   oo haddiiba  tirada Kooramka uu u buuxsamo ay xil ka qaadis xubnaha dhinaca kale ugu sameynayaan?

 

Muuse N.Amiin:  Hadalkaas  Suuqa ayuu ku jiraa oo in badan buu dhahayga soo gaaray, laakiin waa ku tiri-ku-teen aan waxba ka jirin, anaga waxaa Muqdisho u joognaa inaan wax dhisno mooyee inaan wax duminno uma joogno,  inkastoo Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha  ay shuruuc badan ku xadgudbeen, axdigiina ku tunteen haddana ma qabo in xilka laga qaado oo xitaa haddii xubnaha    xildhibaannada Baarlamaanka KMG ee 275-ta ah  ay isku raacaan in Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaare Geeddi xilka ka qaadaan aniga kuma raacayo oo lama qabo taa, waayo haddii hadda wax la burburiyo waxaa adkaanaysa sidii wax lagu dhisi lahaa, taana waxay keeneysaa in meesha lagu kala tago oo Soomaali aysan wax dambe u dhismin, Nin fallaar Caloosha iyo salka dambe ay ugu taagan tahay ayaa la yiri "Middee lagaa hor bixiyaa?" markaasuu yiri "Marka hore aan fariistee midda salka iiga taagan haleyga siibo" marka in wax la xaliyo mooyee in wax la burburiyo anigu waan ka soo horjeedaa.

 

SNN: Maadaama khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole ee dowladda KMG, labada dhinacna ay aad u kala fikrad duwan yihiin ma jiraan  siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahanno labada dhinac ee is khilaafsan ka madax bannaan oo waanwaan iyo dhexdhexaadin idinka dhex wadda, ileyn ummaddii idinka dhur sugeysay muddada 2-da sano iyo barka dowlad shaqeysa oo aan khilaaf lahayn ayay idinka sugayaane?

 

Muuse N.Amiin: Wey jiri karaan, balse hadda ma jirto waanwaan socota iyo cid isku dayday.

 

SNN: Haddii la idiin soo jeediyo dhiniciina Muqdisho ku sugan in waanwaan la idinka dhex sameeyo, si khilaafka jira loo dhammeeyo ma ogolaanaysaan?

 

Muuse N.Amiin: Ilama aha in waanwaan la sameyn karo, waana lagu daalayaa haddii la yiraahdo waanwaan ayaa la sameynayaa, waayo  anigu waxaan qabaa inaanba la xalin karin khilaafka ka dhex taagan labada Gole ee dowladda KMG Soomaaliya in labada dhinac ee fikirka isku diidan mid ka mid ah ay tanaasul sameyso mooyaane, waayo waxaa la isku hayaa Amxaaro ayaan dalka Soomaaliya soo gelineynaa iyo Caasimadda ayaan Muqdisho ka bedeleynaa iyo qolo dhahaysa Amxaaro ma rabno oo waa cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Caasimaddana Muqdisho laga bedeli maayo oo Axdiga Qaranka ayaa taa diidaya, marka inta labadaas fikradood lagu kala dhegan yahay wax xal ah lama gaari karo in dhinac ka mid ah dhinaca kale uu u tanaasulo mooyaane.

 

SNN: Marka sow taasi looma fasiran karo  labo dowladood oo KMG ah ayaa jireysa oo midna Muqdisho ka howl gasha, midna magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, shacabkuna sow rajo beel taa uma aha?.

 

Muuse N.Amiin: Waxaan aaminsanahay in khilaafka jira uusan sii raagi doonin, waayo labada dhinac dhinaca xaqa ku taagan oo axdiga iyo shuruucda dalka u degsan ilaalinaya ayaa guuleysanaya, weyna iska muuqataayoo Muqdisho ayaa loo soo dhuranayaa oo in ka badan 100 xubnood oo dowladda KMG ka tirsan ayaa hadda ku sugan, kuwa yar ee hareyna waxaan ugu baaqaynaa inay Muqdisho yimaadaan, waxaana u sheegeynaa in si diiran Muqdisho loogu soo dhaweynayo, waayo anagaba si layaab leh oo kalgacal ku jiro ayaa naloo soo dhaweeyay anaga iyo iyagana kala fadli badnin, magaalada Muqdishona cid gaar u leh ma jirto, waxaana leeyahay bulshada aad u dhaarateen wey idin danaynaysaa, wey idiin jeceshahay, inaad wax muuqda u qabataan ayay doonayaan, siyaasiga sharciyada u degsan ayayna ka mid tahay inuu gar qaato haddii ay u muuqato in laga gar leeyahay, siyaasiga iska daaye    qof kasta oo laga gar leeyahay ayay tahay inuu gar qaato,   aniga waxaanba u arkaa in barnaamij siyaasadeed uu yahay sababta lagu diidan yahay imaanshaha Muqdisho.  

 

SNN:  Nabadeynta G/Banaadir ka socota sow lama oran karo waa mid aad ku xumeynaysaan Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha iyo inta raacsan oo aad ka waddaan Muqdisho waa nabade ha yimaadaan?.

 

Muuse N.Amiin: Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya haddii ay nabad noqoto gobollada inteeda kalena way nabadoobayaan, ujeeddaduna sidaa ma ahee Muqdisho in dowladdu soo degto oo Caasimadda dowladda laga maamulo ayaanu dooneynaa, qorshayaguna wuxuu yahay in hubka laga arruuriyo Muqdisho, maleeshiyooyinkana la tababaro, isbaarooyinka la qaado, Saldhigyada Booliska la howl geliyo, xabsiyadii la dayactiro, maxkamadihiina la dhiso, si qofkii dambi laga galo halkii uu qoriga ka adeegsan jiray uu sharciga adeegsado, nidaamka Muqdisho laga hirgelinayo waa middaas, guulo badanna waa la soo hooyay oo mudda 15-maalmood ayay maleeshiyooyinka Muqdisho ka maqan yihiin oo xerooyinka Hiilweyne iyo Laantabuuro ku xareysan yihiin, sidoo kale maleeshiyooyin iyo Tikniko ay leeyihiin Ganacsatada shirkadda Banaadir ee dekadda Ceelmacaan maamusha  iyagana waxaa dhawaan lagu xareeyay Xerada loo yaqaano Geed-Timir, marka howshu way socotaa, wacyigelin badanna waanu wadnaa, Insha Allaah arrimahaas waa lagu guuleysanaynaa, rajaduna way soo muuqanaysaa haddaba, Caalamkuna wuu sheegay in Muqdisho haddii aan la degin oo dowladda Muqdisho ka howl gelin aanay dhaqaalo isaga bixineyn, marka anagana dadaalkaas ayaanu wadnaa Ilaah ha inagu garab galee. 

SNN: Dadka Muqdisho waxay aaminsan yihiin inaysan arrimahan daacad ka ahayn Hogaamiyeyaasha dagaalka ee wasiirada u dalacay, waayo waxaa looga bartay 14 sano iyo dheeraad wax burburin iyo heshiisyo badan oo ay gaareen inay horey u fulin waayeen, marka sow lama dhihi karo arrinta ay wadaan waa Awr-kacsi?

 

Muuse N.Amiin: Halkudhig ayuu iska noqday Hogaamiye Kooxeedyada lama aamini karo iyo ujeeddo gaar ah ayay ka leeyihiin iyo hadallo kale,  laga soo bilaabo Madaxweynaha  hogaamiye kooxeed ayuu soo ahaa, sida la ogyahayna  5 ilaa 6 jeer iyadoo shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida Kenya loo fadhiyo ayuu ka soo baxayay oo degaannadiisa dagaallo ka soo fulinayay marka maxay tahay sababta isaga loo aaminay oo kuwa Muqdisho loo aamini la' yahay, marba haddii ay iyagii dhahayaan wax baan nabadeynaynaa, hubkaan magaalada Muqdisho ka saareynaa, ciidamadaan mideynaynaa waa in la aaminaa.

 

SNN: Madaxweynaha wuxuu in badan ku dooday  oo weliba ku celceliyey in arrinta ay Muqdisho ay ka wadaan Xubnaha labada Gole ee dowladda KMG gaar ahaan kuwa hubeysan aan lagu kalsoonaan karin oo  hogaamiye kooxeed kasta haddii uu ciidamadiisa u  baahdo uu u yeeran karo ama xerada kala soo bixi karo, wuxuuna soo jeediyey haddii ay run sheegayaan oo howsha ay wadaan daacad ka tahay    in gacan saddexaad Ciidamada iyo hubkaba loo dhiibo, sow arrin sax u muuqata ma aha taa?

 

Muuse N.Amiin: C/llaahi Yuusuf hadalkiisa ah ah gacan Saddexaad haloo dhiibo hubka iyo maleeshiyooyinka Muqdisho ma fahmin waxa uu uga dan leeyahay, waayo gacan Saddexaad wuxuu ula jeedaa ciidamo shisheeye, Ciidamana ma soo socdaan hadda oo Suudaan oo ka mid ah dalalka la sheegay inay Ciidamadeeda Soomaaliya tagayaan waxay sheegtay inaysan haatan diyaar u ahayn Ciidamo ay Soomaaliya geyso oo dhaqaale  aan loo heynin, shaki ayayna ka muujiyeen ciidamo keenista, Qaramada Midoobay  weli ma ogolaan inay ogolaanaysana lama hubo, marka  gacan Saddexaad ma wuxuu ula jeedaa maleeshiyada Muqdisho haloo gacan geliyo beelaha kale sida  Digil iyo Mirifle, Daarood, Dir, taas isaga ayaa la weydiinayaa, maadaama uu ogyahay in gacan Saddexaad Ciidan shisheeye uun uu  yahay Ciidan shisheeyana aanu soo socon  ma iska fadhinnaa oo yaan waxba la qaban miyaa ujeedku, taas ayuu C/llaahi Yuusuf rabaa, ujeeddada uu ka leeyahayna waxay tahay in dowladda NGO  laga dhigto oo bannaananka lala wareego.

SNN: Sow lama dhihi karo maleeshiyooyinka Ganacsatada Shirkadda Banaadir ay xareeyaan waa hal Jufo kaliya iska daa hal qabiile, iyagoo weliba degay xero ku dhow dekadda Ceel-macaan oo ay ka howl geli jireen meel aan ka fogeyn, iyadoo aanay jirin tashi iyo go'aanno xubnaha labada Gole iyo ganacsatadaasi  ay ka yeesheen arrinta ciidamadaas, marka Ciidamadaasi sow lama dhihi karo xiriir lama laha howsha aad Muqdisho ka waddaan oo waa kuwo iskood ay ganacasato u xareysteen, markay doonaana la bixi karaan?

 

Muuse N.Amiin: Wax walibana bilow ayay leeyihiin, Ganacsatada shirkadda Banaadir howsha ay qabteen waa bilow fiican, marka hore maleeshiyadooda ayay isugu geeyeen Xerada Geed-Timir, ma xuma inay hal jufo yihiin,  laakiin marka hore laguma degdegayo in maleeshiyo 14 sano iyo bar dagaal isaga soo horjeedday oo fikrado kala duwan kala aaminsanaa in mar kaliya Xero la isugu keeno, waxaaba taa ka dhici kara dagaal kedis ah oo labo shalay is dishay ama dad iska dishay iyagoo hubeysan marka la isugu geeyo, iyagi ayay ka bilaaban kartaa oo meeshii nabadeyn laga raadinayay dagaal ka abuurmi karaa, kadib haddii sidaa dagaal ku bilowdo kuwii xerooyinka kale ku xareysnaa way soo firxanayaan oo dagaal qabiilaadkaa ka qeyb qaadanayaan,  marka si ay taasi u dhicin kuwii isku qabiilba ah hal meel ayaa la isugu geynayaa kadib ayaa wacyigelin la sameynayaa, waxaa ku xigeysa in  kuwo kale lagu dhafo, qorshaha la wadana wuxuu yahay in marka hore maleeshiyooyinku is bartaan, Gaarigii Tikniko ee ay saaran tahay 10 Maleeshiyo oo isku jufo ah 2 ama 3 kaliya ayaa lagu soo reebayaa, inta kale maleeshiyooyin beelo kale ka soo jeeda ayay noqonayaan, sidaas ayaa la isugu  milmayaa, maleeshiyooyinkii ku saaxiibayaan, hal weel wax kuwada cunayaan, sheeko wadaag noqonayaan, sidaasna ku walaaloobayaan, wacyigelin iyo tababarna wuu u socdaayoo isbedel in muddo gaaban gudihii uu ku yimaadoa ayaan rajeynayaa.

 

SNN:  Waxaa jira hadal heyn ah in hogaamiyaasha Kooxaha ay qaadayaan isbaarooyinka Muqdisho, waxaadna mooddaa in afka oo kaliya laga sheegsheegayo, marka goormaa la bilaabayaa isbaarooyinkaas(baraha koontarool ee lacagaha baadda ah looga qaato baabuurta safarka iyo dadkaba), sidoo kale    waxaa jira isbaarooyinka  kale oo u yaala maleeshiyooyin ka madax bannaan hogaamiyaasha, marka kuwaasna  sidee ka yeeleysaan?.

 

Muuse N.Amiin: Howluhu wey kala horreeyaan, hadda waxaa lagu guuleystay in Muqdisho laga xareeyo hubka iyo maleeshiyooyinka, arrinta Isbaarada waa qorshaha labaad ee lagu dhaqaaqayo, iyana todobaadkan gudihiisa inay bilaabato ayaa lagu wadaa.  Midda maleeshiyooyinka kale ee iskood u madax bannaan iyagana waa loo caqli celinayaa, waa la waaninayaa, wax baa loo sheegayaa, si caqliyan baa looga wareejinayaa, xoog looma adeegsanayo wax dagaal ah laguma qaadayo, marnaba ma dhacayso in xoog wax lagu xaliyo,  waxaana hubaa haddii saaxiibadood kale ay isbaarada qaadaan inay iyaguna ku dayan doonaan.

 

SNN: Waxaa kaloo jira ciidamo ay leeyihiin ganacsato oo ka badan kuwa hogaamiyaasha Kooxaha, sidoo kale ciidamada Maxkamadaha Islaamiga iyaguna wey jiraan, waxayna sheegeen inaysan iyagu ka mid ahayn ciidamadooda kuwa la xareynayo oo ay iskood u madax bannaan yihiin, ma jiraa qorshe gaar ah oo ciidamadaas, gaar ahaan kuwa Maxkamadaha Islaamiga aad u dejiseen?.

Muuse N.Amiin:  Maxkamadaha Islaamiga iyo Ganacsatada waxaa lala sameeyay xiriir oo waxaa jira Guddi labada xubnood ee dowladda ka tirsan oo arrintaas loo xil saaray, kulamo badan ayaana lala yeeshay, howshooduna meel wanaagsan ayay mareysaa, waanwaan iyo wadahadalna wuu socdaa, iyagana waxaan rajeynayaa in ay ogolaan doonaan howlaha nabadeynta ee Muqdisho laga wado, run ahaantii ma xaqireyno howlaha ay Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ka qabteen, mushkilado badan ayay Muqdisho ka xaliyeen, waxaana dhihi karaa wey dadaaleen, anagana dadaalkii baan dhinac ka wadnaa, inaan dadaalka wadaagno ayaanu dooneynaa, waxyaabo badan oo ka dhiman baa jira, howlahooduna waxay u badnaayeen dad is dacweynaya inay u kala gar qaadaan, marka iyagana waxaan rajeynayaa in wadahadalka lala wado uu miro dhalo, midda ganacsatadana hadda ganacsatadii shirkadda banaadir ayaa bilaabay xareynta maleeshiyooyinkooda, kuwa kalena way ku soo xigaan, howshuna ku soo booddo ma ahee, tartiib tartiib ayaa loo wadaa, insha Allaah guul inay ku dhammaadaan ayaana rajeynayaa.

SNN: Maxaad kala socotaa Wasiirada ka tirsan dowladda KMG ee Itoobiya ku sugan?

Muuse N.Amiin: Aniga lama socdo wasiiro ka tirsan dowladda KMG oo Itoobiya jooga, saxaafadda ayaanse ka maqlaa, laakiin haddii ay ogaan lahaayeen dastuurka iyo Sharciga dalku waxa uu ka qabo la xiriiridda iyo la shaqeynta cadowga dalka iyo dadka Soomaaliyeed kuma aysan dhaqaaqin arrintaas, hadda kahor sanadkii 1968-dii Wasiirkii daakhiliga dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Ducaale oo xiriir la  sameeyay askari sirdoon itoobiya ah xilkiisii ayuu ku waayay, marka sharciga ka yaala arrintaas maba oga wasiiradaas, laakiin goorey ahaataba waa lala xisaabtami doonaa.

 

SNN: Gobolka Hiiraan labo  maamul gobolleed ayay ka sameeyeen labo shaqsi oo ka soo wada jeeda dhinaca Bariga Hiiraan, sida laga war hayana maamulka uu hogaamiyo Laqanyo hub ayay dhawaan soo siisay dowladda Itoobiya,  ciidamo maleeshiyana ahna Itoobiya  ayaa u soo tababartay, adigana waxaad ka soo jeeddaa dadka dega  gobolkaas marka arrintaas maxaad kala socotaa?

 

Muuse N.Amiin: Arrintaas hadda    inaan ka  hadlo diyaar uma ahi.

SNN: Dadka aad metesho ee degan gobollada kala duwan ee Soomaaliya, gaar ahaan Hiiraan, Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo degaannada kale maxaa qorshe ah oo aad u heysaan?

 

Muuse N.Amiin: Dadkaas waa dad nabadda jecel oo doonaya inay helaan dowlad, waa dad xoolo dhaqato ah oo degaanno badan u daaq taga, dalka in dib u heshiisiin ay ka dhacdo ayay aad u danaynayaan,  waxa ay ummadda Soomaaliyeed qabto ayayna la qabaan.

 

SNN: Xildhibaan Muuse Nuur Amiin waad ku mahadsan tahay waqtiga aad inoo siisay inaanu ku xogwaraysanno.

 

Muuse N.Amiin: Adaa mudan Dalmar.

 

Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)

Dalmar@somaaljecel.com


© Copyright 2002 Somaaljecel.com. All rights reserved

Copyright©2002  

Somaaljecel.com