|
June
3, 2005
Dadaalka
nabadaynta caasimadda qasan ee Somaliya, Muqdishu, wuxuu taageero
ka mudan yahay Jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha iyo Beesha
caalamka-ba. Dadaalkani wuxuu udub dhexaad u yahay nabad ku soo
dabbaalida Soomaaliya guud ahaan, iyo caasimadda gaar ahaan.
Madaxweyne C/llahi Yusuf iyo Ra’iisul Wasaari Geedi waxaa la
gudboon inay taageeraan howshan, una arkaan ifafaalihii ugu
horeeyey ee Dowladda Federaalk ee Ku Meel Gaar-ka (DFKMG) dalka
dib ugu dagi lahayd. Nabadaynta Muqdishu, hadii si xirfadaysan loo
hirgaliyo, waxeey shaki la’aan soo af-jaraysaa kala qaybsanaanta
foosha xun ee ku kala dhex jirta DFKMG ee curdan-ka ah. Sidaas
awgeedna ayba horseedi karto ineey badbaadiso mirihii ka soo baxay
laba sano oo dib u heshiisiin ah.
Taageerada
qorshaha nabadaynta Muqdishu ee DFKMG wuxuu si gaar ah lagama
maarmaan u yahay sababaha soo socda:
-
Caasimadnimada
Muqdishu waa mid si xeel dheer ugu qodban Soomaali oo idil;
waana qodob ku cad dastuurka federalka ah ee ku meel gaarka
ah. Isku day kasta oo lagu weecinayo caasimadnimada
Muqdishu-na, si ku meel gaar ahba ha ahaatee, waxeey halis
galinaysaa geeddi socodkii nabadda Somaliya ee awalba
qossol-ku-jabka ahaa.
-
U
guurista Baydhabo iyo Jowhar waa mid aan waafaqsanayn
dastuurka DFKMG ah u degsan, suuragal-na aan ahayn.
Dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee aagga Baydhabo waxay ka marag
kacayaan in Baydhabo ay ka xasilooni xun tahay Muqdishu,
iyadoo u guurista Muqdishu lagu diiday deganaansho la’aan
markii horeba. Magaalada Jowhar-na, dhanka kale, umaba
qalabaysna inay culaabta DFKMG ah ay marti galiso xilligan la
joogo.
Beesha
Caalamka oo ay hor kacayaan Mareykanka, Yurub, Qaramada Midoobay,
Jaamacadda Carabta iyo Dalalka Islaam-kuba waxeey si niyad sami
leh u soo dhaweeyeen nabadaynta Muqdishu. Hogaamiye kooxeedyada
Muqdishu ayaa sanado badan loo arkayey inay caqabad ku yihiin
dadaallada nabadaynta Soomaaliya oo ay Carta ugu dambaysay. Markii
ugu horeeysay ayeey xubnahaasi qeyb ka yihiin DFKMG isla markaana
si iskaa wax u qabso ah isugu dhafeen maleeshiyadoodii, ugana
saareen Caasimadda. Sidaas awgeed, waxaan haysanaa sababo la
taaban karo, oo ka duwan kuwii hore, oo tilmaamaya in
Hogaamiyayaasha Muqdishu ay daacad ka yihiin inay caasimadda
nabadeeyaan si DFKMG u soo degto.
Todoba
bilood oo qaxar ah ayaa DFKMG ah ugu dhamaaday dibad-joogooda
Nairobi. Xildhibaanada Soomaliyeed hoteeladii ayaa laga saaray
dhowr goor, qarash la’aan awgeed. Qaar kalena xabsi ayaa si
sharaf darro ah loogu taxaabay. Sii joogitaanka qarashka badan leh
ee DFKMG ah ee Nairobi, sidaas darteed, waa mid aan loo baahnayn.
Hal milyan Dollar ayaa lagu qiyaasaa masruufka ay DFKMG bishiiba
ku bixiso jiif, cunto iyo gaadiid. Affar meelood oo hal meel
qarashkaas ayeey DFKMG Muqdishu ku biilan kartaa bishii-ba. Dhanka
kale, saxaafadda Kenya ayaa marar kala duwan ka dhawaajiyey sida
dowladda iyo shacabka Kenya uga daaleen marti galinta dowladda
soomaaliyeed ee jiitamaya. Hamuuntii ay shacabka Soomaaliyeed u
qabeen DFKMG ayaa sii lumaysa inta ay dib-jirka ku tahay qurbaha.
Waxaa
la soo gaaray kolkii ay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhu ku
soo biiri lahaayeen dadaalka lagu xasilinayo caasimadda dalka.
Waxaan rajaynaynaa in madaxda dalku yaqiinsadeen in taageerada
Beesha Caalamku ku xiran tahay in dowladdu dalka dib ugu
laabato.Taas iyadoo laga amba qaadayo, Madaxweynaha iyo Ra’iisul
Wasaaraha waxaa la gudboon inay fursaddan ka faa’ideystaan oo
qaybaha dowladda u raraan caasimadda sida ugu dhakhsaha badan.
Shacabka
Muqdishana way soo dhaweeyeen in DFKMG u soo guurto magaaladooda
dagaalladu disheen sida ka muuqatay booqashooyinkii Ra’iisul
Wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ee kal hore. Safaf dhaadheer
ayeey dadku ka sameeyeen wadooyinka boorka badan ee Somaliya,
iyagoo ruxaya caleemo qoyan kuna heesaya halhaysyo wadani ah
wakhtiyo dhaadheer. Muuqaalkaasi waa inuu dhiiri galiyaa
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay iyaguba hormuudaan dib
ugu soo guuridda xarunta dalka. Cabsida ka dhex guuxaysa madaxda
dowladda waa mid aan meeshaba ka muuqan.
Hadii
la isla meel dhigo is-mari waaga ku saabsan halka ay Dowladda
fariisin ka dhiganayso, muranka ku saabsan Ciidamada Shisheeye si
dawaali ayuu meesha uga baxayaa. Arrinkan, sida ay nala tahay, waa
fursaddii ugu dambaysay ee lagu badbaadin karo khilaafka ka dhex
aloosan Dowladda ee la xiriira qorshaha dib u guurista.
Dhacdooyinkii todobaadyadii la soo dhaafay ka dhex qarxay
golayaasha Dowladda waa hore u dhacyo halis ah oo burburin kara
DFKMG.
Maadaama
ay DFKMG tahay mid ugub ah, uma dulqaadan karto gilgilashooyin
xoog badan sida kuwii ugu dambeeyey ee laba qeybood oo iskula jira
Dowladda ay u kala dareereen laba jiho oo sii kala jeeda. Beesha
Caalamku-na iskama indha tiri karto murugada Somaliya. Shacabka
Soomaaliyeed-na ma noolaan karo nidaam la’aan. Madaxweynaha iyo
Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku dhiiri galinaynaa inay haleelaan
fursaddan dahabiga ah ee weelka qalinka ah loogu keenay,
tanaasul-na ka sameeyaan arrinka ku saabsan dib u guurista
dowladda ee Somaliya. Sidaa si lamid ah, waxaan Hogaamiyayaasha
Muqdisho iyo Afhayeenka Baarlamaanka ku dhiiri galinaynaa inaan
billaabaan olole si heer qaran ah loogu soo dhaweeyo magaalada
Muqdishu Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada
Baarlamaanka ee Nairobi ku haray.
Dib
u guurista Muqdishu hadii la isugu tanaasuli waayo waxaa shaki
la’aan marin- habaabaya DFKMG. Waxaana halis galaya geeddi
socodka nabadda Somaliya ee Beesha Caalamku labada sano soo
daadihinaysay. Beesha Caalamku way ka daashay is-qabqabsiga aan
dhamaadka lahayn ee Somalida, waxaanaba suura gal ah inaysan-ba
mar kale dillaalin shir kale oo dib u heshiisiineed. Sidaas oo ay
tahayse, dibin-daabyeyn lagula kaco dadaalka nabadaynta Muqdishu,
ama summad-xumeyn waa fal aan miro dhal ahayn, isla markaana
dhiiri galin kara unugyada burbur u joogga ah inay ka dhigtaan
mar-marsiiyo ay ku diidaan DFKMG.
Hadii
aanay wax kale ka soo if-bixin, dadaalka lagu nabadaynayo Muqdishu
wuxuu u faa’ideynayaa shacab weynaha ku nool Muqdisho, kuwaas oo
noloshooda kaga soo daalay Hogaamiye Kooxeednimo iyo degganaansho
la’aan.
Indheer
Garato Soomaaliyeed.
1.
Professor Ali Khalif Galayr, Minnesota. USA (Former Prime
Minister)
2.
Dr. Abdullahi Ahmed Addow, Washington DC, USA (Former US
Ambassador)
3.
Hussein Mataan, Minnesota, USA (Former Attorney General)
4.
Avv. Sheikh Hassan Jaamici, Minnesota, USA (U.S Commission of
Civil Rights)
5.
Dr. Hussein Egal, Minnesota. USA (Medical Doctor)
6.
Dr. Said Isse Mohamud, Maine. USA (Somali Scholar)
7.
Prof. Abdirahim Hagi Mohamed, Toronto, Canada (Somali Scholar)
8.
rof. Sidow Abdi Mohamed. Minnesota, USA (University of Minnesota)
9.
Dr. Abdulqasim Mohamud Ali. Minnesota, USA (Medical Doctor)
10.
Mr. Ahmed Omar “Keli”, Maine. USA (Somali Intellectual)
11.
Dr. Abdulkadir Ali Egal, Maine. USA (Somali Scholar & Former
UNDP Officer)
12.
Sheikh Ali Mo’allim Musse, Kansas City, USA (Islamic Scholar)
13.
Abdillahi Mohamud Hirad, USA (Former Minister)
14.
Abdullahi Nur Osman, U.K (Accountant and Community Leader)
15.
Farhan Ali Ahmed, U.K (Community Activist – London Metro)
16.
Abdullahi Mo’allim Abdi “Cirro” (Poet)
17.
Ibrahim Abikar, Minnesota. USA ( Pilot)
18.
Abdulqadir Mohamed Addow, Minnesota. USA (Somali Intellectual)
19.
Said Sheikh, Wisconsin. USA (PhD Candidate, University of
Wisconsin)
20.
Abdirahman Waberi, Washington DC. USA (Writer)
21.
Mohamed Adan “Tiiceey”, Minnesota. USA (Graduate Student:
Activist)
22.
Sheikh Mohamed Garyare, Canada (Islamic Scholar)
23.
Halima Ibrahim, Minnesota (Peace Activist)
24.
Eng. Abdullahi Anshur, Minnesota (Peace Activist)
25.
Mohamed Hassan “Sandheere”, Minnesota. USA (Graduate Student:
Activist)
26.
Mohamed Hussien “Gudbaye”, Minnesota. USA (Graduate Student:
Activist)
27.
Abdullahi Kulmiye, Minnesota. USA (Student Activist)
28.
Abdirahman Jahweyn, Minnesota. USA (Student Activist)
29.
Abdi-hashi Hussien, California. USA (Somali Entrepreneur)
30.
Fadumo Mohamed, Minnesota. USA (Women Activist)
31.
Mohamed Shariif, Minnesota. USA (Community Leader)
32.
Dr. Ismail Hassan, Minnesota. USA (Medical Doctor)
33.
Abdirahman Aynte, Minnesota. USA (Somali Journalist)
34.
Afyare Abdi Elmi, Canada (Somali Journalist)
35.
Mustaf Sheikh Yusuf, Texas. USA (Businessman)
36.
Fadumo Abdullahi, Washington DC. USA (Somali Author)
37.
Liban Abdi Ali, Arizona. USA (Teacher)
38.
Gen. Ismail Ahmed Ismail, USA (Former Correctional Division Chief)
39.
Hussein Warsame, Virginia. USA (Somali Intellectual)
40.
Abdullahi Nur Mohamed “Jowhar”, USA (US Sahan TV Coordinator)
41.
Mohamed Abukar Ali, Minnesota USA (Businessman)
42.
Mohamed Abdi Elmi, Minnesota. USA (Entrepenuer)
43.
Eng. Hassan Mohamed Hassan, Minnesota (Teacher)
44.
Eng. Khalif Farah Hayow, Minnesota, USA (Businessman)
45.
Eng. Hassan Warsame, Minnesota, USA
46.
Col. Hassan Warsame, Minnesota, USA (Former Senior Officer)
47.
Col. Hassan Korneyl, Minnesota, USA (Former Senior Officer)
48.
Daahir Diiriye Qooryare, Minnesota. USA
49.
Raage Abdullahi Addawe, Minnesota, USA (Student Activist)
50.
Yasin E. Garad, Minnesota, USA (Student & Community Activist)
51.
Abdullahi Abdi Mohamed, U.K (Secretary of Somali Concern Group)
52.
Dr. Dahir Maalin Sabriye, U.K (Associate Professor – St.
Mary’s University)
53.
Eng. Abikhadar Omar Yusuf “Daadirow”, Minnesota, USA
54.
Said Kahiye, Minnesota, USA (Student Activist)
55.
Ali Hassan Osman “Xoogsade”, Minnesota USA (Somali
Intellectual)
56.
Mohamed Mukhtar Ibrahim, London. UK (Somali Intellectual)
57.
Mohamed Abdulkadir Sh. Osman. Atlanta, USA (Businessman)
58.
Abdulkadir Ahmed Alasow. Minnesota, USA (Somali Intellectual)
59.
Ali Shiddo Farah. Oregon, USA (Businessman)
60.
Haji Abdullahi Roble Jimale. Minnesota, USA (Peace Activist)
61.
Abdi Mohamed Mohamud. Minnesota, USA (Student Activist)
62.
Boqor Abdi Shire Halane. Minnesota, USA (Peace Activist)
63.
Hasanen Mohamud. Minnesota, USA (Professional Social Worker)
64.
Sahra Said Ahmed. Washington DC, USA (Teacher)
65.
Kayse Suldaan Salah. Lodon, U.K (Businessman)
66.
Eng. Mayow Mohamed Mo’ow. London, U.K (Civil Engineer)
67.
Eng. Jamal Abdi Abbas. London, U.K (Peace Activist)
68.
Drs. Maryan Abdulle Osman. Australia (Medical Doctor)
69.
Prof. Abdinur Elmi Farah. Australia (Somali Scholar)
70.
Sheikh Mohamed Sh. Hashi. Australia (Islamic Scholar)
Distributed
by Somaaljecel News and Entertainment Network
|