Google

 

MUXUU MUDAN YAHAY CUMAR FAARUUQ ....?

Posted on Somaaljecel News Network on 5.Feb.2010  

Submitted by: Dalmar

 


Saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaalida heerka ay haatan gaarsiisan tahay run ahaantii weligeed ma aysan gaarin, waxaana jiray is qabqabsi iyo wax isu quurid la’aan saxafiyiinta dhexdooda ah iyo sidoo kale Milkiilayaasha warbaahinta madaxa bannaan oo awood saxaafadeed is bidayay, arrintaasoo sabab u noqotay in saxaafadda Soomaalidu xilli hore yeelan weyso urur kulmiya oo u dooda xuquuqdooda. 


Ururkii ugu horreeyay ee saxafiyiinta Soomaalidu dhistaan oo lagu magacaabayay SIJU xaruntiisuna ahayd caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayna ku mideysnaayeen inta badan saxafiyiintii dalka caanka ka ahayd xilligii Sagaashameeyadii ayaa waxaa Guddoomiye u noqday Saciid Bakar Mukhtaar oo idaacadda BBC-da wakiil uga ahaa Soomaaliya, magac iyo sumcadna ku dhex lahaa saxaafadda Soomaaliya.

Inkastoo ay jireen saxafiyiin diidanaa ururkaas oo ka shaqeynayay sidii ay u dibin-daabyeyn lahaayeen haddana waxaa la oran karaa wuxuu meel isugu keenay intii badnayd saxafiyiintii Soomaalida ahayd ee ku kala irdheynaysaa gobollada dalka Soomaaliya oo iyagu ku kala tegay colaadihii bilowga ahaa ee markaasi dalka Soomaaliya ka jiray.

Ururkaas oo xubnihiisu ay u badnaayeen qorayaasha wargeysyada iyo wariyeyaashii wakaaladaha wararka caalamka u joogay Soomaaliya maadaama Idaacado madax bannaan aysan xilligaasi Soomaaliya ka jirin ayaa waxa uu burburay isagoo aan higsan hadafkii loo unkay ee ahaa in uu saxaafadda Soomaalida u suurageliyo inuu aqoonsi heer caalami ah helo, isla mnarkaana uu ku xiro saxafiyiinta Soomaalida kuwa beesha caalamka.

Ururkaas oo anigan qoraha ka ah qormadan xubin ka ahaa ayaa waxaan xusuustaa sababihii uu burburay oo ahayd is qabqabsi ka dhex oogmay xubnihii sarsare ee ururkaas oo isku qabsaday kaalmadii ugu horreysay ee hay’adaha caawiya saxaafadda caalamka uu siiyo saxaafadda Soomaaliya loona soo marsiiyay ururkaas, kaalmadaasoo ka koobnayd Mashiin daabacaad, Matoor iyo Kumbiyuutarro ay xubnihii sarsare ee ururkaas kala boobeen kadib markii qaabka loo qeybsanayo ay ku heshiin waayeen, sidaasna uu ururkaasi ku burburay.

Sidoo kale waxaan goobjoog u soo ahaa qaarkoodna aan ka mid ahaa ururo kale oo saxaafadeed oo midkaas gadaashiis la abuuray, kuwaasoo is qabqabsi iyo khilaafaad saxaafadda dhexdeeda ah ay ka socon waayeen, kadib markii hoggaaminta iyo madax ka noqoshada ururada saxaafadda la isku maandhaafayay, iyadoo khilaafaadka ugu badan uu ka dhex oogmay Milkiilayaasha wargeysyada iyo kuwa Idaacadaha ee madaxa bannaan oo Muqdisho ku soo batay iyo saxafiyiinta, waxaana muranku noqday in Milkiilayaasha Idaacadaha iyo kuwa wargeysyada kuwaba kuwa kale xaqiraan, sidoo kale Milkiilayaasha warbaahinta madaxa bannaan iyo saxafiyiinta warbaahintooda ka shaqeysa isla fahmi waayeen cidda xaqa u leh inay urur saxaafadeed dhisto iyo shaqsiyaadka hoggaaminaya, iyadoo saxafiyiinta mihnadda saxaafadda ku shaqeeya ay qabeen kuna mideysnaayeen fikradda ah in Milkiilayaasha warbaahintu aysan ahayn saxafiyiin, balse ay yihiin Ganacsato qalabka warbaahinta iska leh, halka Milkiilayaashuna ay aaminsanaayeen in ay iyagu yihiin hormuudkii saxafiyiinta, isla markaana ay iyagu shaqada u abuureen saxafiyiinta oo hay’ad warbaahineed oo ay ka shaqeeyaan ay u keeneen, taasina ay noqotay qorshaha la isku mari waayay, sababna u noqotay in urur saxaafadeed dalka Soomaaliya laga hirgeliyo, walow ay jireen kuwo si hoose inta loo dhistay hay’adaha saxaafadda iyo dalalka daneeya saxaafadda Soomaalida wax looga cunayay.

Khilaafkaas ka dhex bixi waayay bahda saxaafadda Soomaalida oo muddo badan ragaadiyay horumarka saxafiyiinta Soomaalida iyo inay midoobaan, isla markaana ay saxaafadda caalamka wax la qeybsadaan ayaa waxaa mar dambe dhismay ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee {SOJON} kaasoo ay abaabuleen dhalinyaro kooban oo ka shaqeynayay hay’adaha kala duwan ee warbaahinta haba u badnaadeen kuwa ka shaqeynayay Web Page-yada, waxaana mar dambe ku soo biiray saxafiyiin fara badan oo caan ahaa.

Ururkaas oo aan ka mid ahaa aas-aasayaashiisa, run ahaantii dedaal badan ayuu sameeyay, wuxuuna dedaalkaas ku muteystay aqoonsi uu ka helay ururada kale ee saxaafadda caalamka iyo dalalka daneeya arrimaha saxaafadda Soomaaliya.

Ururkaas oo ahaa urur Saxafiyiinta Muqdisho kaliya metalayay ayaa markii uu muddo sanado ah jirsaday latalin iyo codsiyo uga yimid saxafiyiinta Soomaalida oo dhan u xuub siibtay urur Qaran oo metela saxafiyiinta Soomaalida oo dhan dal iyo dibadba, waxaana magacii ahaa SOJON lagu bedellay magaca {NUSOJ} ee haatan uu ku shaqeeyo.

Cid waliba mudnaanteeda lehe Xoghayaha guud ee ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee {NUSOJ} Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa la oran karaa wuxuu ururkaasi ku laalay hawada sare, wuxuuna saxaafadda Soomaalida gaarsiiyey heerka sareeya ee ay haatan gaarsiisan tahay, isagoo saxaafadda kale ee caalamka ku tirtirsiiyay ogaanshaha iyo ka war-qabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed, kana dhaadhiciyey in wax loo qabto saxaafadda Soomaalida, codkiisaas oo saxafiyiinta Soomaalida ay ku heshay qiimeyn iyo tixgelin.

Ururka NUSOJ ee metela Saxaafadda Soomaalida oo dhan ayaa waxaa la oran karaa waa ururkii ugu horreeyay oo aqoonsi caalami ah ka hela ururada waaweyn ee saxaafadda Caalamka, isla markaana xubin ka noqda ururka Saxafiyiinta Caalamka ee IFJ, ururo kale oo heer caalami ahna la mataanoobay, iyadoo sidoo kale qaaradda Afrika ururka NUSOJ uu hormuud ka yahay.

Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed {NUSUJ} Cumar Faaruuq Cusmaan Nuur ayaa fuulay fikta ugu sareysa ee Salaanka madaxtinimada saxaafadda Afrika, isagoo haatan ah Xoghayaha Saxafiyiinta dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, sidoo kalena ah Madaxweynaha Saxafiyiinta Afrika, isla markaana ku fadhiya kursiga xubinnimada joogtada ah ururka Saxafiyiinta Caalamka ee IFJ.

Qeyla-dhaanta uu Xoghayaha Guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed {NUSOJ} uu caalamka gaarsiiyay ayaa keentay in wax loo qabto saxafiyiin badan oo ku dhibaataysnaa dalka iyo kuwo u cararay dalka dibaddiisa, kuwaasoo dalalka ay tageen ku helay qiimeyn hadday ahaan lahayd nolol, waxbarasho, amni iyo tasiilaadka kale ee ay u baahan yihiin, iyadoo kuwa gudaha dalka joogana loo fidiyo tababaro ay ku qaataan dalka gudihiisa iyo dalalka deriska, sidoo kalena ururka NUSOJ uu u dacwoodo kuwa la xiro, kuwa la jir-dilo, kuwa la handado iyo kuwa ay la soo deristo dhibaato kasta oo howlahooda saxafinimo ku soo gaarta, iyadoo hay’adaha saxaafadda caalamka iyo dalalka daneeya saxaafadda Soomaaliya ay qeyla-dhaamiyaan marka saxafi Soomaaliyeed la waxyeelleeyo, waxaana la oran karaa waxay arrimahaasi yimaadeen wixii ka dambeeyay aas-aaskii SOJON oo haatan NUSOJ loogu yeero, wixii ka horreeyayna ma jirin wax aqoonsan Saxaafadda Soomaaliya.

Dedaalka iyo waxqabadka NUSOJ intaas kaliya kuma koobnee xitaa Saxafiyiinta la dilo ayay ehelkooda wax u qabataa sida xaasaskooda iyo waalidiintooda una raadisaa kaalmooyin heer caalami ah iyadoo saxafiyiin badan oo Soomaaliya lagu dilay xaasaskooda iyo waalidiintooda ay heleen yabooh heer caalami ah, waxaana runtii haddii abaal-ka-dhac la samayneynin intaas iyo in ka badanba lagu helay mahadi haka gaartee ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee {NUSOJ}.

Marka aan u soo laabanno ninka Xoghayaha Guud ka ah ururka NUSOJ ee Cumar Faaruuq Cusmaan guushaa uu Saxaafadda Soomaalida u soo hoyay ma aha mid uu isagu si shaqsi ah ku gaaray ee waxaa garab istaagay saxafiyiinta Soomaalida ee u doortay Xoghayaha Guud ee Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo tartan lagula galay jagadaas uu isagu kaalinta koowaad cod la qaaday ku helay, anigoo weliba goobtii lagu dooranayay fadhiyay kana mid ahaa saxafiyiintii doortay, marka waxaan oran karaa ha ogaado Cumar Faaruuq lebinta uu haatan soo hooyay waxa uu u soo hooyay dhammaanba bahda saxaafadda Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan oo weligeed taariikhda inta la xusuusto aysan gaarin heerkaas kuwaas oo ah baalasha uu ku duulayo isla markaana ah Salaankii uu ku fuulay fikta sare ee uu haatan gaaray, sidaas darteed waxaa looga baahan yahay inuu dedaalkiisa sii laba-laabo, isla markaana uu la yimaado dulqaad fara badan maadaama ay dhacayso amaba ay dhacday in la eedeeyo, iyadoo qof waliba oo saxafi ah ama Agaasime warbaahineed ah amaba Milkiile ah uu doonayo in hay’addiisa warbaahineed si gaar ah wax loogu qabto ama si shaqsi ahba wax loo taro, maadaama uu yahay hoggaankii saxaafadda Soomaaliya, shaqsigii rabitaankiisa ka waayana uu markaasi eedaynayo ama dhaliil u jeedinayo.

Ifafaalaha haatan soo baxaya iguna qasbay inaan qalinka u qaato qormadan ayaa ah kadib markii aan arkay eedeymahaas iyo arrimo kale oo saxaafadda Soomaaliya ka soo dhex ifaya.

Run ahaantii waa marag ma doonto in qof kasta oo xil qabtaa eed laga tirsanayo, “Nin xil qaaday eed qaad” waa murti Soomaaliyeed oo jirta. Wax lala yaabase ma aha in la eedeeyo qof shaqo u haya dadkiisa xilligan adag, Soomaalida ayayna caado u tahay is eed-eedka, wax isu quurid la’aanta iyo is-xasadka, taasoo runtii ah midda Soomaalida gayaysiisay dhibaatada aan dhammaadka lahayn ee muddada 20-ka sano ay ku dhex jiraan.

Ma aha in haddii qof eed laga tirsanayo la yiraahdo halala dagaalamo, hala rido, hala inqilaabo, hala jaa’ifeeyo ama xilka halaga tuuro ee haddiiba ay jirto eed laga tirsanayo waa in la yiraahdo qofkaasi aan saxno, u caqli celino, wax u sheegno, haddii uu markaas uu diido iyadoo loo wada dhan yahay laga tashado sidii laga yeeli lahaa ee ma aha in laga shaqeeyo burburinta howsha baaxadda weyn leh ee uu hayo, waayo Soomaalida oo wax isu quurid la’aantu caado u tahay ayaa dhibaatada Soomaaliya 20-ka sano heysata ay ku timid wax isu quurid la’aan iyo xasadnimo.

Tusaale aan laga habaabeyn aanu u soo qaadanno Hoggaamiyihii Maxamed Siyaad Barre ee muddada 21-ka sano xukuumadda Soomaaliya madaxda ka ahaa, kaasoo sida lawada qirsan yahay 21-kaas sano dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax badan oo la taaban karo u soo qabatay, balse dad yar oo dhaliilsanaa hoggaankiisa lana oran karo waxay ka waayeen dantooda gaarka ah ay ka shaqeeyeen in la rido, balse wixii xilligaas ka dambeeyay oo ku dhawaad 20-sano ah ma jirin kuwiii riday wax ay soo kordhiyeen, iskaba daa wax ay soo kordhiyaana ay ka Dar oo Dibbi dhal noqotay xaajadii. Hoggaan kasta ama xukuumad kasta oo shacabka Soomaaliyeed loo dhisanaa waa un la dhaliilayay oo la faquuqayay ilaa la gaaray heer dalka Soomaaliya aanay kala dambeyn iyo sharci ka jirin, iyadoo lagu calaacalayo “Siyaad Barre gardaraan xukuumaddiisii u tuurnay”, taasoo ah Shalaaytida ay aadanuhu ka marnayn marka fal aan laga fiirsan ay ku kacaan kadibna ay dhibteeda arkaan.

Kooxaha Saxaafadda Soomaalida ee xilligan oo iyagu lagu tiriyo inay yihiin indheergaradkii bulshada iyo shucaacii iftiinka u noqon lahaa Soomaalida maanta ee qalad iyo sax wixii jira hogga-tusaalayn lahaa ayaa iyagu haatan u muuqanaya kuwo abuuraya khilaaf, is eedeyn, is beenin, is xasad iyo is dhaliilid aan dhammaad lahayn, marka waxaan aniga ku talin lahaa in wax la toosiyo ee aan wax la burburin.

Cumar Faaruuq Cusmaan oo isaguna ah halyey qiimo sare ku dhex leh saxaafadda Soomaalida isla markaasna aan u heyno abaal weyn waxaan isna oran lahaa halagu gacan siiyo howsha uu Saxaafadda u hayo, hana loo taago Taalo Sharafeed uu ku mutaystay dedaalka iyo horumarka uu gaarsiiyey saxaafadda Soomaalida ee xilligan adag shaqeynaysa.

Waxa Qoray: C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar)

    


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Somaaljecel News and Entertainment Network (SNEN)

:: Please use the following information to submit your articles to Somaaljecel Network ::


Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)                      (252)1 572755

Dalmar@somaaljecel.com

 

Articles and Opinions


Stark Choice: Unemployed or Underemployed

By: Mohamed Mukhtar


Khilaafka Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo in la yeelo

By: Omar Faaruuq


WALKING ON ICE!

By: Mohamed Mukhtar


 

IGAD and its patient (Part 2)

By: Mohamed Mukhtar


Arrested majority or minority in the Northern regions of Somalia (Somaliland): Which way forward?

By: Deeq Yusuf


 A SOMALI PLAGIARIST WRITER EXPOSED

By: Ahmed M. Dirie, PhD


True patriotism and nationalism

By: Mohamed Mukhtar


The Verdict: Just Business

By: Mohamed Mukhtar


Somali graduates are working in non-graduate jobs

By: Mohamed Mukhtar


 

The End  /  Dhamaad

 


© Copyright 2002 -2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Search News | Baar Warar Kale

Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage