Google

 

Isbedellada dagaallada xaaladaha iyo xeerarka xakameyntooda.

Posted on Somaaljecel News Network on 13.May.2009  

Submitted by: W/Q: Cumar A. Sheekh

 

Isbedellada dagaallada xaaladaha iyo xeerraka xakameyntooda.

Colaadaha waqtiga badan ee dunida ka mid ah labaatankii sano ee ugu dambeeyey ayaa la xaqiijiyey boqolkiiba sagaashan dadka ku dhimanayaa iney yihiin dad rayid ah xasuuqii dalka ruwaanda sanadkii 1994 kii ayaa la sheegay inay sababeen dhimashada dad rayid ahoo tiradoodu gaareyso 800 000 oo qof muddo afar bilood gudahood ah isla markaana tirooyin intaa ka badani ay barakeceen dalkoodii koonfurta suudaan oo 20 sano ka hureysa ta siiraliyoon oo iyana 20 sano ka shidan al jeeriya oo weli dabkoodii sii reebreebmaya dagaallada 19 sano jirsadey ee somaliya weli ka taagan oo marba weji cusub la baxaaya iyo kuwa dalkii hore loo oran jirey zair ka shidan ethiopia iyo eritrea dagaallada u dhexeeya haka qaban ayaa iyana ka mid aheyd mid male kastra ka weyn dhagaraha magaalada saariyeefo caasimada jamhuuriyada bosniya waxaa ka dhacey dagaallo isir gumaad ah oo ay wateen ciidamadii seerbiyiinta intii u dhexeysay 1991 kii ilaa 995 kii sidoo kale caasimada dalka laybeeriya dagaalladii sokeeye ee ka dhacey sanadkii 1990 kii ayaa dad rayid ahoo farabadani jirkoodii lagu googooyey ka dib markii laguy weerarey faashash, seefo iyo midiyo.

Gobolka kossofan dagaalladii ka soconaayey bilihii may ilaa july 1999 kii waxa ay sababeen in dad rayiod ahoo tiradoodu gaareyso ilaa malyuun qof iney ka barakeceen guryahoodii bilowgii qarnigii 20 aad dagaalada ka dhacaayey aduunka boqolkiiba shan ayaa saameynayey dadka rayidka ah hase ahaatee tobankii sano ee ugu dambeeyey qarnigaa boqolkiiba shagaashan dagaallada dhacey dadkii ku dhimanaayey ama waxyeellada saameyntooda ugu badnaa dadka rayidka ah.

Todobaatan dagaal oo aduunka ka dhacey sodonkii sano ee ugu dambeeyey waxay sababeen barakaca 17 malyun oo qof in dhulkoodii ay ka barakeceen iyadoo madax weynaha aduunka ugu dhagarta badani uu noqdey madaxweynihii yuguslaafiya slobodan milosevic oo sababey dhimashada tobonaan kun oo dad rayid ahi sabab la’aan.

Hadaba qarnigii 20 aad waxay dunidu soo aragtey labadii dagaal ee caalamiga ahaa waxaana abuurmey sancada iyo isticmaalka hubka kiimikada, atomiga iyo kan niyuglerka ahba oo keeney meel kastoo lagu garaacaba dhimasho aan xad laheyn tirooyin dad ahoon la koobi karina ay ku hoobtaan sidaa awgeed ayaa la oran karaa qarnigaasi waxa uu taariikhda ku galey inuu ahaa qarnigii dagaalka. Geesta kale marka laga eegana waxa uu ahaa qarnigii ay dhasheen axdiyadii caalamiga ahaa ee bani aadminimada kuwii ugu horeeyey xeerka u dhiga dagaalka in lagu xadeeyo dagaallada waxay abuurmeen dabayaaqadfii qarnigii 9 aad oo galdalooladoodii uu muujiyey dagaalkii koowaad ee aduunka wadamadii dagaalka iskula jirey ayay qasab ku aheyd iney daaweyaan wixii dad ah ee dhaawac ka soo gaaro dagaallada galdalooladuse aheyd in maxaabiista dagaalka lagu kala qabsadey inaanay jirin wax xuquuq ahee uga degsanaa sida laga yeellayo sidaa awgeed laba malyuun oo maxaabiis dagaallada lagu kala qabsadey ah ayaa noloshoodu ku xirneyd sida ay ugu taliyaan cadowga ay gacantooda ku jiraan.

Arrimahaasi waxay is bedeleen 1920 kii oo beesha caalamku ku baraarugtey in la siiyo damaanad sharciyeysan oo ku hagoogata maxaabiista lagu kala qabsado dagaallada.

Tan iyo dagaalkii spain waxaa kale oo soo shaac baxay dagaallada dadka rayidka ah lagu qaadayo oo iyaduna noqotey dhaibaatada ay soo kordhiyeen dagaalladii qarnigii 20 aad oo aan hore xeer looga dhigan.

Bariga fog dagaalladii ka dhacey sidii magaalooyinkii waaweynaa loogu baabi’iyey ayaa marag ma doonto u aheyd sida aan loo qiimeynin nolosha dadka rayidka ah.

Taliskii naasigii jarmalka ayaa wax weyn ka bedeley wejiyadii dagaalka isagoo gumaadka musaafurinta iyo xeryo cadibaad lagu ururiyo cidii loo garto iney yihiin wax xaq ah in la iskula jiro dagaal.

Gumaadka iyo dharaha noocaas ah ee dad badan oo rayida laga gelaayo ma aysan jirin meel ay kaga qornaayeen axdiyadii caalamiga ahaa ee bani aadminimada bambooyuinkii lagu garaacey magaalooyinkii heeroshiima 6 dii ogosto iyo nagaasihii 9 kii ogost 1945 kii ayaa arrimaha noocaas ihi gaarsiiyey fal dhagareedyada dagaallada heeraan laga aamusi karin.

Waqtigaa ayuu billowdey dagaalkii fekerka ku dhisnaa in bani aadamku uu xad u sameeyo dagaalka uu isku qaadayo hab dhaqankiisa waxaa ka xaaraan ah oo ka reeban in laguy kaco.

Sanadkii 1949 kii ayay qasab noqotey in dib loogu noqdo axdiyadii sadexda ahaa ee jenefa horana u jirey in mid cusuboo afaraadna lagu kordhiyo kaasoo gaar ahaan quseeya bad baadada dadka rayidka ah marka ay dagaalladu socdaan.

Muddo ka dib waxaa iyana soo ifbaxey in sharciyadaas dib loo eego ayna gal daloolo leeyihiin loona baahan yahay in la qabyo tiro qabyadaasina waxay soo if baxdey sanado ka dib markii ay qeybo dal keliya ka mid ahi ay dagaal la geleen taliskii dalkooda xukumayey ama dowladii ku keceen oo keentey iney dadka rayidka ahi halis galaan oo dhinacyada is hayaa dhexdooda ku dagaalamaan mid walibana uu ku tacadiyo shacabkii dhinaca ay la dagaalamayaan taageersan waana tan Soomaliya manta ka taagan.

Mareykankuna marxalado noocaas ah kala kulmay dagaalkii Fitnaam inkastoo uu ahaa duulimaad waddan shisheeye haddana kala garan waayay cadowgii uu la dagaalamayey iyo kii rayidka ahaa oo isaga darmay.

Arrimaha noocaas ahi waxay keeneen in mar kale beesha caalamku ndib uga fiirsato xeerarkii bani aadminimada ee jirey ayna ku biiriso qeybo kale oo quseeya bad baadada dadka rayidka ahdagaallada sokeeye socdaan taasoo ay ka dhasheen boroytokooladii 1977 kii ee lagu darey axdiyadii jenefa ee hore u jirey.

Deyrkii Baarliin ayaa waxaa la jebiyay 1989 kii iyadoo la filaayey in waayo nabadeed oo cusub waxaase so ifbaxey wejiyo dagaal oo cusub oo aan hore u jirin. Dhamaadkii dagaalkii qaboobaa waxaa uu soo afjarey colaadihii dowladihii waaweynaa ay ka huriyeen dunida sidaa awgeed ka hor 1989 kii dagaaladii ka jirey afrika asiya iyo latin amerika ayaa waxay ahaayeen dagaalo ay curiyeen iyaga duniduna ay sidaa u wada arkeysay maantase waxaa ku soo biirey dagaalo aan dhamaad laheyn oo ka duwan dagaalladii la yaqaaney ee ciidamo la soo taba barey ay bisaga hor imaan jireen ee dowladaha ka dhex dhici jirey xeryo ciidan dadka inta lagu ururiyo gaajana loo dillo dad rayid ahoon waxba galabsana la gumaado ka dibna booraamo (xabaalo) dad badan inta la isugu geeyo lagu xabaalo xitaa iyaga oo nool ayaa halis aan loo adkeysan karin soo food saartey bani aadamka dabayaaqadadii qarnigii 20 aad.

Sidaa awgeed beesha caalamku iney baaritaan ku sameyso dhagaraha noocaas ah ee ka dhanka ah dadnimada iyo in lala tiigsado dhagar qabayaasha dagaallada oo yurub ka sokow loo sameeyo maxkamad caalami ah sida tan caruusha (tanzania) loogu xil saarey iney qaado dacwadaha bani aadminimada laga galey ee ka dhacey dalka ruwanda waqtigii dagaallada sokeeye ka socdeen.

Dacwadahaasi dadki dhagarha galey lagu oogey ayaa muujineysa in beesha caalamku u soo jeesatey sidii loo xaakimi lahaa dhagar qabayaasha dagaallada isla mar ahaantaana iyadoo taasi ay xoojineyso axdiyadii jenefa taasise kama dhigna howshii iney ka dhamaatey beesha caalamka waa in la hellaa mar walba wax lagaga hor tegi karo keliya aan aheyn waxashnimada dagaal ee xaaraan nimada dagaalka laftiisa in dagaal lagu qaadaa tahay waajib bani aadamka dhamaantii waayahay marxaladani aynu nool nahay garbihiisa ka yeeleen gudashadiisuna tahay waajib uu ku ajburan yahay si nolosha dunida korkeeda uu u sii waaro loogana badbaado hoobasho mar keliya oo bani aadamku gacantiisa ku abuurto waa xakameynta hab dhaqanka aadmiga si loo dabar gooyo asbaabta dagaal ka huri karo oo idil

W/Q: Cumar A. Sheekh
omareric@hotmail.com

    


The opinions contained in this article are solely those of the writer, and in no way, form or shape represent the editorial opinions of Somaaljecel News and Entertainment Network (SNEN)

:: Please use the following information to submit your articles to Somaaljecel Network ::


Cabdiraxmaan Cumar Madoobe (Dalmar)                      (252)1 572755

Dalmar@somaaljecel.com

 

Articles and Opinions


Stark Choice: Unemployed or Underemployed

By: Mohamed Mukhtar


Khilaafka Madaxda dowladda KMG ayaa waxaa uu soo bilowday kagadaal markii ay isla fahmi waayeen laba qodob oo xasaasi ah oo dhinac waliba uu doonayay sida uu rabyo in la yeelo

By: Omar Faaruuq


WALKING ON ICE!

By: Mohamed Mukhtar


 

IGAD and its patient (Part 2)

By: Mohamed Mukhtar


Arrested majority or minority in the Northern regions of Somalia (Somaliland): Which way forward?

By: Deeq Yusuf


 A SOMALI PLAGIARIST WRITER EXPOSED

By: Ahmed M. Dirie, PhD


True patriotism and nationalism

By: Mohamed Mukhtar


The Verdict: Just Business

By: Mohamed Mukhtar


Somali graduates are working in non-graduate jobs

By: Mohamed Mukhtar


 

The End  /  Dhamaad

 


© Copyright 2002 -2005 Somaaljecel.com. All rights reserved

Search News | Baar Warar Kale

Advanced
Search:   Stories    Photos   Audio/Video    Full Coverage